Sheekh Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Kismaayo Kuna Dhawaaqay Inuu Dhamaaday Diyaarinta Shirkii Maamul u Sameynta Jubbooyinka (Warbixinta)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah gudoomiyaha maamulka Ku-meelgaarka ee Kismaayo ayaa manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo wuxuu kaga hadlay halka uu marayo diyaargarowgii kulan maamul loogu dhisi lahaa gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in la soo afmeeray hawlihii hordhaca ahaa ee loogu diyaargaroobayey maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sheegay inuu rajeynayo in toddobaadka dambe ay ergooyinka ka imaanaya degmooyinka iyo beelaha kala duwan ay soo gaari doonaan magaalada Kismaayo.

“In mudo ahba waxaa noo socday kulamo wadatashi ah, waana soo afmeernay, dhowaan waxaa goboolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe aaday wufuud, waxayna dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay in hadda la isu diyaarinayo sidii loo qaabili lahaa ergooyin beeleed ka imaanaya saddexda gobol.

“Ma jireyso in cid aan dadka deegaanka dooranin oo aan heysan kalsoonidooda ay hogaamiyaan, xitaa annaga waxaan u hogaansami doonaa cid Allaale cidii ay dadka deegaanka doortaan.” ayuu sii raaciyey Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in amaanka Kismaayo uu yahay mid hagaagsan oo ku haboon in ergooyin ay isugu yimaadaan ayna ku sameeyaan maamul deegaan oo metelada gobollada Gedo iyo labada Jubba.

Kaalinta dawlada

Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay war saxaafadeed shalay ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay xaq u leedahay inay hogaamiso shirarka maamul u sameynta dalka.

“Waxaan dawlada ka codsaneynaa inay yimaadaan oo hawsha maamul u sameynta ay la gudoomiyaan IGAD oo ay isdhinac fariistaan, annagu ma qabno in la yiraahdo IGAD meesha haka baxdo.” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe kama uusan hadlin si gaar ah war saxaafadeedka dawlada ee ahaa in wasaaradda arrimaha gudaha ay leedahay awooda maamul dhisida, hase yeeshee wuxuu Axmed Madoobe ku celceliyey baaq uu u jeediyey dawlada Soomaaliya oo ahaa inay Kismaayo timaado oo maamul dhisida wax ka ogaato.

Hadalka Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmay iyadoo labo maalin ka hor waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ay ku dhawaaqeen inay wadaan qorshe lagu sameynayo maamul metela illaa lix gobol oo ay ku jiraan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Dadka deegaanka hadey isku afgartaan sameynta Maamul Goboleedka Jubaland waxa uu noqon doonaa maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ka hirgala koonfurta fog ee Soomaaliya.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

23 Responses for “Sheekh Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Kismaayo Kuna Dhawaaqay Inuu Dhamaaday Diyaarinta Shirkii Maamul u Sameynta Jubbooyinka (Warbixinta)”

  1. laasqoray boy says:

    halkaa waxaa ka cad in axmed madoobe wax uu qarinayo aanay jirin oo uu leeyahay halaayla arko sababtoo dawladda goobjoog haka ahaato buu yiri hawlaha maamul u samaaynta markaa waa fikir fiican mar hadii dawladdana aanay diidanaayn dadka maamulka samaynayaa laakiin waxaay diidan yihiin dad aan mansab dawladeedna haayn oo meelahas ka qaaylinayaa kuwaasina haka aantoobaan oo danohooda gaarka ah ha qabsadeen viva buaale,garbahaaraay iyo kismaayo hanoolaato jubbaland

  2. mohamed says:

    anigu waxan aminsanahay in sida ugu habon lodhiso mamulka juboyinka iyo gado,waa side intii mudo ah waxa socdey shirar joogto ah oo kasocdey wadanka Kenya,dadka dega dhulkas aan kor ku so shegnay masulintoda waxay ku hawlanayen sidii mamul dawladed loga hirgalin alaha dhulka jubiyinka iyo gado oo dadka dhulkas ubadan ah in mamulkoda lomadxbananeyo,isla markasna xubno kasocda xukmadda iyo Egad lagu martiqado weey ficantahay.

  3. runsheeg says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk vivvo JUBBA LAND STAT WAXAAN U RAJEYNAYAA INEY KA GO’AAN SIDA SOMALILAND U GOD’DEY OO AAN LOOGA DABA HADLIN MARKA HAIRAACDO HAIRAAMSATO MUQDISHOW OO AH MEEL AY BEEL AY LEEDAHEY OO LAGU DHACEY HANTI SHACB,MID QARAN UU LEEYAHEY VIIVO JUBBA LANAD STAT IYO MADAXWEYEN AXMED MADOOBE GUUL

  4. xaawo says:

    asc walaahi waxbaa salagleh laakiin meeshey saldhigan lahayd baan kasii yaabanahay ruwayadaan kkkkkkkkkkkkk IGAD mayba dowlad noo naqoto maxanba isku dhibaynaa oo umada loo wareerinayaa hadiiba EGAD gobaladii noo dhisayso dawlada soomaaliyeed waxaan ushegayaa waxaan udoranay inay umada utahay dowlad laakiin haday IGAD madax ka tahay soomaaliya hanoo xaqiijiso saan ayaheena uga tashano

  5. Xaq iyo Miisaan says:

    Had a arinta Jubooyinku was iska dhamaad. Meeshaan IGAD makataliso. Waxaa kaliya OK at joogaan soda at u joogaan xamar. Danaha umadana waxaa ka talin odayaa, culaa udiinka. Xamar Iyo gurguurte Iyo wasiirka daakhiliga far aha hakala baxaan arimaha jubooyinka. Somalidu waxay tiraahdaa heal xaaraana nirig xalaala madhasho. Xamar OK lagu dhacay hantidii soomalida hadana aana Nina wax a looga ogalayn. Gurguurte markii timid Minneapolis OK lakulmay jaaliyada waxaa uu yiri dadka kudhagan wali guru baa layga dhacay was dadka aana waxkulahayn mustaqbalka meeshii uu refer tolkiis Oran lahaa dadka hantidooda u celiya. Gurguurte was uu beeniyay hadaladii uu kayiri baladwayne, kismayo baydhabo OK aha a inlay baladwane ayadu isutaliso kismayana isagu u talin.

  6. Yonis says:

    Jubland state waa muqadas lamataabtaan hanoolaato jubland puntland nfd kaatumo,kilinkashanaad and galgaduud state hargeysa Iyo xamar xaaraan kunaax hagodoomeen

  7. MURSHID says:

    Waxaan layaabannahay waxa isku xiray Gedo,J/Hose iyo J/dhexe! ‘Oohinta orgiga ka weyn’
    ayaan maqli jiray,maxaa keenay IGAD……iga……IGAD!,Ma waxeey isleyihiin IGAD kalama taqaano sida loo gala dego 3daas gobol ee hakuu sadburiso?
    Hadad rabtaan in IGAD iyo DF eey is dhinac faristaan maxeey shalay Oday beeledyadadu dowlada Xamar wax aga dhiseen? Maxaad udiidi weysay ? Maanta waxaa kuu furnan leheed in lagula hadlo.
    Somalidu waxeey tiraahdaa Haani gunta ayey ka tolantaa, Oodna sida eey kula sareyso ayaa loo kala qaadaa,Maxeey J/dhexe maamulkoda u dhisan la’yihiin,J/hose sido kale J/dhexe sido kale,Gedona si lamid ah??
    Hadaba dowlada maxaa la gudboon:
    Nabad aan Cadalad wadan waxaa ka fiican nabad la’aan cida kugu xadgudubto aad iska rideyso,Sidas darteed waa in la baabi’iyaa Masharucan leeykugu nabayo sedaxda gobol kadibna Gobol walbaa uu si gaar ah usameysto maamulkiisa kadibna dadka deeganka goboladas eey ka tashadan hadii eey isku biirayaan iyo hadii kale.
    Inta ka horeysa waa in cid walba eey aqonsataa xududeeda oo eeynan cid kale ku xadgudbin isagana dhigin in eey gobolka ka leeyihiin iyadoo Ajnabi ama Somali aan gobolka u dhalan garabsaneyso.Taas waxba lagu gaarimayo,Juujubna sidoo kale,oo Nin ajnabi wata oo aan Buulo Obliko dhaafi karin amaba gaarsisneyn yoonan Deeganka waqtiga ka luminin ee Allah haka cabsado dadkana hakala badbadiyo sida toosan wuu ogyehee.

  8. abdulkadir says:

    ASC.
    Dadka meelahaan wax ku qora waxay u badanyihiin, mid cudur qabiil dishay, mid Somali diid ah. ku isticmaar u baahan, mid Keniya & Igad arxan u haysta. Waxaa hoogay ciddii kuwaan damaq Somali ka dhawrta. WBT.

  9. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa dalka Hollanda, waxaa dalkan aan ku noolahay ee Hollanda ka jiro Axsaab badan, isla markaana dadka dalkan waxay mar kastaba doortaan Golayaashooda Deegaanka iyo Maamulkaba, magaalo kastana ayada ayaa is maamusha, ayadoo Dowladda Dhexe u dejisa Qorshaha Maamulka,
    Axsaabta wadankan dhowr jeer ayey soo jeediyeen qaarkood in Guddoomiyayaasha Gobollada iyo Degmooyinka dalkan laga dhigo Doorasho kuwo ku yimaada, taasoo ilaa hadda loo diiday arrimo fara badan oo ka iman kara dartood, waxaana had iyo jeer magacawda Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka dalkan Hollanda Boqorada dalka.
    Sidaa darteed, maxaa u diidaya in ay Dowladda Soomaaliyeed soo magacawdo Guddoomiyayaasha Gobollada iyo Degmooyinka uu ka koobmo dalka Soomaaliya, uuna Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliyeed u soo magacaabo, si ay wakiil ugu noqdaan Guddoomiyayaashaasi Madaxweynaha, kuwaasoo aan filayo in ay la mid yihiin Safiirada Soomaalida ee dalalka dibadda u fadhiya oo kale.
    Gobol iyo Degmo kasta waa in ay soo doortaan Gollayaashooda Deegaanka oo keli ah, maamulka Dowladda ayaa mas’uul ka ah, ayadoo loo sameynayo sharuuc u gaar ah.
    Haddaba, ninka la yiraahdo (Axmed Madowe), waa in uu iska daayaa hab dhaqanka Reer Miyinimda ah, una hogaansamaa Nidaamka Dowladnimo iyo Qawaaniinta u yaala dalka, waana in uu hurdada ka kacaa, kana tanasulaa nidaamkii Jabhadeynta iyo nidaamyaddii khalafsanaa ee dalka soo maray, sidoo kale kuwa hoosta ka soo abaabulaaya Nidaam xumadaasi, sida kuwa lagu sheego IGAD, iyo inta ku fekerka ahba, waa in ay ka waantoobaan mala’awaalka ay muddada dheer ku soo jireen, ayna u hoggaansamaan Awaamiirta Dowladda.
    Dowladda Soomaaliyeed, waa in ay Howshooda guda galaan, ciddii ka hortimaadana ku dartaa Liiska Argagixisada ka jira dalka Soomaaliya, lagana saaraa meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

  10. Galgala says:

    Waa aqbaar wanaagsan sida uu sheegay Sheekh Axmed islaan, waxaana leenahay gobolada kale ee soomaaliya ee aan wai dhismin waa in ay ku daydaan, dadka soomaalida ah ee wali ay ka muuqato colaaddii sokeeye waxaan leenahay waxaa la gaaray waqtigii aad ku mashquulilahaydeen deegaankiinna iyo goboladiinna, gobolada bay iyo bakool ee hadda dadaalayo ee billaabay in ay wax dhisaan waxaan u rajaynaynaa in ay marka hore saddexda gobo ee bay, bakoo iyo shabeelada hoose maamulgoboleed u samaystaan waayo dalku waa gobollo intii israaci karto ayaa muhiim ah in la israaciyo markii nabadda ay hagaagto oo ay haboonaatana waa wax meesha ku jiro in a wada hadlo oo wixii la isku darsan karo la fiiriyaa, laakiin waxaan filayaa in aysan suura gal ahayn lix gobol ayaan maamul u dhisayaa, waxaana dhihi karnaa taasi waa ninkii xaabada qaadi waayey ee yiri mid kale iigu dara, sidaa awgeed waa in uu caqliga shaqeeyaa oo wixii suura gal ah la qabtaa.

  11. Wars an says:

    Dhamaan lixda gobol raxweyn degto makala harayaan sxb ame jilib,jamaame.saakow,sablaale, luuq, Doolow wey go’aysaa dhab ahaanti 90% waa dhuul uu badan digilmirifle

  12. dr xuluuliye says:

    asc dhamaan bahada raxareeb iyo inta wax ku qorta ama aqrisataba inta hada wa soo qortay mid mooyee inta kale qabiil wax ku tageeraan ama ku diideen waana wax cad ama doowlad ha sheegta ama sheekh ha sheegtee isma qarin kartaan lakiin waxaa idaa ka maqan somaali wax gacanta ugu jiraa ma jiraan waxaan dhan waa laga soo shaqeeyay ugadheeska adiga ma keenin kenyataga adiga ma keenin itopayaanka adiga ma keenin burudeeska adiga ma keenin rag baa lacag siiya oo ay u shaqeeyaan hadaay dhintaan haday noolyihiin rag baa meesha keensaday adiga reer hebal iyo reer hebal maamul sameesanaya caqli kuu ah hurdada ka kac kor fiiri saad wax badan u ogaato

  13. ciid yare says:

    han balyo hanbalyo hanbalyo waan soo dhawaynaynaa waana arin wanaagsan oo ku dayasho mudan cid kasta oo soomaali ahna waa soo dhawayn maamulkaan soo socda ee walaalaheen jubaland laakiin dad waxaa jira ka yimid dicomo iyo doc dheer hadana hadba shaarar badan oo kiciyay sicir bararkii dharka sida shaar diineed shaar isbaaro shaar qab qable iyo hadoo lagu qaraaban shaar qaran laakiin taas somaalida in dhaha dheer la guma siri karo ee waa ka digtoon yihiin sida jubaland waxaana leeyahay dadkaa udhaafa dadka dhul kooda iskale oo udaaya taladooda hadii kale daan yeer iyo doc ka yeerba daan kaa lagu dhuftaa ka gudub, digniin , waxaan xasan culusow aan uga digaynaa in uusan isku dayin inuu hor istaago jubaland ee ka daa fara galinta ayaan ku leenahay una soo dirso gudi wax la dhisa laakiin adi hasoo abaabulin moor yaan adi kuu adeega hana usoo dhoo dhoobin waxaan meel gaarayn hadii kale wxaad kaheshaa waxba hayga siin sida cirka tiig san waayay dhulkana joogsan waayay aduunow tana ma ii dan baysay iyo aduunow ta ta baale tana caawa ka joogay iyo walaalkaa c\qaasim wadaduu maray iyo mid ka daran waraf iyo shimbiru war is kama hayaan kkkkkkk

  14. Ayaanle says:

    Aniga waxa ay ila tahay in Ahmed Madoobe uu fahmay wadadda saxda ah ee maamul u samaynta goboladda jubooyinka, marka laga reebo in uu ku dhegan yahay faragelinta IGAD ee arimaha maamul u samaynta, laakiin waxa la yaab leh sidda IGAD arimaha maamul u samaynta somaliya ugu dhiiran karto inagoo dal xur ah, dabcan talo way ku yeelan karaan, laakiin taladaadu waxay u dhaxayn uun in la qaato ama la diido. Arinta Ahmed Madoobe ee ah “Ma jireyso in cid aan dadka deegaanka dooranin oo aan heysan kalsoonidooda ay hogaamiyaan, xitaa annaga waxaan u hogaansami doonaa cid Allaale cidii ay dadka deegaanka doortaan.” waa war wanaagsan in lasooo dhoweeyana mudan waayo waa oraahda had iyo goor uu Madaxweynuhu ku celceliyo in dadka deegaanka cidda ay rabaan doortaan. Marka walaalayaal xumaanta ma wanaagsana e qofki hadal wanaagsan ku hadla hala soo dhoweeyo. Tan kale Ahmed Madoobe dib ha u fiiriyo wixi la soo maray ee ah maamul u samaynta deegaanaddii Shabaab laga saaray sidda Hiiraan, Jowhar, Marka, Bay iyo Bakool iwm dhamaan deegaanadaas maamuladda ka jiraahi waa ku meel gaar inta laga soo dooranayo maamul rasmi ah, waayo waxa loo baahan yahay in dib loo soo celiyo adeegii bulshadda, kalsooniddii dadka, amaankii oo ay ka shaqaynayaa ciidamadda nabadsugidda iyo booliska ileen iyagay shaqadoodu tahay mar haddii deegaanka la xureeyo, sidoo kale hayadihii gargaarka ayaa loo baahan yahay in dib u howl bilaabaan. Waad aragtaan Kismaayo marki la xureeyay ilaa iyo maanta wax ka socdaahi ma jiraan, dadki dheg ayaa u taagan oo wey kala shaki qabaan, xaqiiqdiina waa ay daalan yihiin, hayádihi gargaarka ma tegi karaan, marka aad barbar dhigtid horumarka ka jira Beledweyn, Baydhaba, Shabeeladda Dhexe iyo Shabeledda hoose intaba. Keliya dadku waxa ay aamini karaan nidaam Dowli ah sidda muuqata.

  15. Diirshe says:

    Maansha Allah Sheekh Adan Madoobe Guuuleyso.

  16. Geela says:

    kuwa kumeereysanay IGAD, IGAD soow tan xamar idinla joogta maad caydhisaan ama mucaaradaan . Baroortu orgiga ka fog waxaan hubaa dawlada madaxweyne xassan inay dhici doonto dhowaan hadayn joojin faragelinta kismaayo. dawlad qabiil noqotay meel gaari meyso taas waa hubaal ee bal ila ogaada meeshay ku danbeyso , hadayn dhaqso isu sixin oo dad caqli leh iman . ma ba dhalane dhowrtaysan okaa!!

  17. Qoono; says:

    Nimaan kuu furi doonin yuu kuu rarin kibaaki
    Asiga ayaa doorasho fooda la galey sidii
    Shiikh shariif asigoon fileyn in nin kale
    Dalka madax ka noqdo ballantii uu la
    Galey IGAD oo hayd noo kordhi waa kuu
    KOrdhineynaahe kkkk
    Cudurkii laga daaweeyey reer muqdishu
    Ayaa kismaayo ka dhashay raxan weyntu
    Waxay dhahaan aydeeereee oo yaa is
    Gaarey kk.

  18. Dowlo says:

    ASWWBR. Ma isla aragney beenta halka la egtahay. qof weyn hadana Muslim sheeganaya oo been ku cataabay waligey maan arkin. BBC ducfinimada weriyenimo ayay ka keenen in odeygan su’aalaha si sax u weydiiyaan Sida ” Jubada Dhexe, goormey wafud u direen? sow tan Al-Shabab heysato?

    IGAD sow Itoobiya, Uganda, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Somalia kama mid ahan? Muxuu odeyga IGAD ugu haayaa markasta oo uu hadlo. Sida la wada ogsoon yahay IGAD uu ku beerlaxawsanayo waa Kenya oo keliya, taasna waxaa sabab u ah Secreteriga IGAD oo isku qolo yihiin odeygan.

    Somalia waa dal soveriengty leh, madaxweyne leh, dastuur leh, wax aan Muqdisho looga jecleyn ama raali looga ahayn dalka kama soconayaan. Muqdisho micnaheedu qabiil ma ahan, ee waa maqaamka Somalida oo dhan.

    Maamulka dowladu rabo waa waadix, waxay rabtaa dowladu in magaalo kasta council doortaan, councilkaasna soo doortan gudoomiye degmo and so on. Muxuu odeygan iyo kuwa la fikirka barnaamija Nairobi lagu soo dhoodhobey oo top-down ah u wataan?

    Reer Baardheere, ama Jilib, ama Beledxawo waa in tuulo-tuulo illaa heer degmo u fadhiistaan oo ay isla gartaan meesha dantoodu ku jirto, balse ma ahan in kuwo Nairobi ka yimid dowlada goboleed baan u dhiseynaa. Dadku isku qabiil ma wada ahan, isku luqadna ma ahan, dhaqanka waa walagu kala duwan yahay, sow ma wanaagsan in si nabadeed wax lagu raadiyo?.

    Wax kasta waqti ayay leehiyiin ee halala sugo.

  19. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Sheikh Ahmed Madoobe, waxaan ku tuhmayaa waxoogaa diin ah maadaama uu Maxkamadihii Islaamiga ka mid ahaa, marka waxaan rajeeyn in uusan shaydaan iyo kuwa durbaanka qabiilka kasoo garaacaya Garoowe uusan dhagaha u raaricin. Waxaan u rajeeynayaa Ahmed Madoobe iyo siyaasiyiinta Somali Kenyan ah in eeysan maantay ka hoos bixin, oo eey qaranka iyo Dowlada Somaliyeed, iyo shacabka Somaliyeed u hiiliyaan, oo eey Dowlada Somaliyeed oo eey reerkooda iyo reer kasta ku jira ku qancaan ugana dambeeyaan maareeynta marxalada dalka ka jira.

    Wax aad iyo aad u fool xun waaye in la dhaho Igad ayaa wax noo dhisaysa amaba nala dhisaysa. Waa qiyaano qaran oo aad u weeyn. Halaga waantoobo qiyaanadaas. Hala iska laab laabo in Somaliya laga dhigo mandaqado yar yar oo maamul beeleed ah, kuwaasoo walle iyo bille ku jiri doona dagaal joogta ah oo aan dhamaan waligeed. Somalia uma baahna “balkanization” iyo in laga dhigo imaarado yar yar oo qabiil ku saleeysan. Waxaan rajeeynayaa in Ra’iisal wasaaraha uu maskaxdiisa iyo caqligiisa asagoo isticmaalaya uu qatarta kasoo socota halkaa iyo Kismaayo ka hortago, waa hadii tolnimo iyo reerkiisa eey ku tixgalinayaan in uu yahay mas’uulka wakiilka uga ah Dowlada dhexe. Shaki iigama jiro, in uu garawsan yahay in Somalia waxa u dan ah eey tahay Dowlad dhexe oo xoog leh, oo aan shacabkeeda ku xadgudbin ee taas badalkeeda u adeegta shacabkeeda kana shaqeeyso 18 gobol ee Somalia ka kooban tahay. Waad arkeeysaan fashilaada kasoo muuqata maamulada qabiilka lagu dhisay sida Saylac oo doorashadii deegaanka qabiil la’iskug heeysto hadeer; sidoo kale waad aragtaan sida eey ugu dhaw dahay in maamulkii Waqooyi Bari ee Garoowe uu u kala fur furmi rabo; waad aragtaan in gobolka Galgaduud kaliya eey dadka degan 5 maamul oo kala jaan jaan ah dhisteen; marka, pointigeeyta waxuu yahay, si kastoo la’iskugu dayo in maamul beeleed xanjo camal la’iskugu dhadhajiyo wax “sustainable” ah, oo shaqeeynaya mudda dheer maahan. Oo lamasii joogteeyn karo, maxaa yeelay mushkilada ayaaba waxeey tahay “foundation” ka qabiilka oo aasaas looga dhigay. Waan ogahay dowlada jamhuuriyada laftigeeda in qabiil lagu soo dhisay, laakiin ayada laftigeeda ayaa la rabaa in eey si dhaqsa ah uga shaqeeyso wax badala maamulka qabiilka ku dhisan, maxaa yeelay mar kale hadii aanan si dhaqsa ah loogu gudbin nidaamka ku xiga kan jahliga qabiilka ah oo ah mid “primitive” oo ah kan hadda aan taaganahay, waxaa dhici karta in sidii dubnada oo kale u kala daataan.

    Somalidana waxaa laga rabaa in aad ogaataan, Dowladnimo ayaa ka muhiisman qabiil; qaranimo iyo sharafkeena ayaa taas ku jirta, ee aan Dowlada taageerno; la shaqeeyno; saxno, u sheegno waxii gobol amaba reer tirsanayaan; koleey waxa qabiilka la dhaho dad baa ku qaraabto oo ma jirto qabiil dhan oo cabasha soo jeediya, badanaaba waa qof dantiisa shaqsi ku fushanaya magaca qabiilkiisa; taas waaye sababta aan u yeelanay madaxweeyne goboleedyada/qabiileedka aduunka ugu badan. Thank you all.

  20. Mahdi says:

    Su’aal? Axmed Madoobe iyo Jubbaland maxaa idinka galay? Axmed Madoobe waa Absame

  21. Ali soomali says:

    Gobolada Jubboyinka cid aan ka ahayn dowladda dhexe oo maamul u sameyn kartaa ma jirto, war nimanyahow hadda iyo kow dagaal sokeeye yaan laga shaqeyn, dadkan sheeganaya jubboyinka shaqo kuma leh, Jubboyinka waxay taladooda ka go’daa qowmiyadda digil iyo Mirifle waxaana shirka loo fadhiyaa Baydhabo, war dalkan cadaalad-darro ayuu la burburay, yaan cadaalad-darradii lasoo celin.

  22. Abdisalaan says:

    kkkk @ ali somali!
    Su’aal: digil iyo mirifle ma somali baa?
    Masha allaah siwangsn ayuu u hadlay waana cid waliba fahmi karaan masheegin inta cudurka qabiilku ka guuxayo mooye.
    Jubaland anigaa iskale
    viva kenya viva all igad!!!

  23. Ali Soomali says:

    @ abdisalaan, Adiga kolley iyo inta kula halmaasha D&M way ka Soomalisin yihiin, adigoo oo laaji ah waddaanka meel walba qaxootinimo ku degay baad dooneysaa inaad jubooyinka yeelid, taasi inta cirka uu kuu jiro ayey kuu jirtaa ama qosol ama ooy. jubooyinka rag baa leh weligoodna lahaa,raadkaagii ayaad dib ugu noqoneysaa iyo meshii baas ee qaxootinimada aad oga timid. will see boy.

Leave a Reply