Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar!. W/Q Yasiin Cabdi Jaamac (Yaasin Garaad)
Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar!
Yasin Abdi Jama (Yasin Garad)
Gara0022@gmail.com
Janaayo 13 2013
Wixii Qoran baa Quruuma haree muxuu Hadal Qiima leeyahay
Waxaa yiri Abwaan Soomaaliyeed
Walaalkay nimaan u haystay
Muxuu wado ii fariistay
Maxaa dacar ley walaaqey
Waxay kamid ahayd maanso ay kooxdii Iftin qaadi jireen
Niman yohoow dantay baan hadlaye iga daliil qaata
Dacwadeyda meeshaan u dhigo fiira dib u yeesha..!
Mirahan waxay kamid ahaayeen Gabay uu Allaha u naxariistee Sayid Maxamed C/Xassan ugu jawaabayey qolyo ku farxay jabkii Daraawiish la jabiyey
Aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laabaan! Waa maah maah Soomaaliyeed
Illaahay Quraanka wuxuu kuceebeeyey kuna canaantay dadka ku hadla ama dadka ku waaniya wax aysan ayagu samayn. Waatuu Illaahay ku sheegey Qur’aanka Suuratul Huud aayada 88, Nabigii Illaahay (Shacayb) oo qoladiisii ku lahaa
“madoonayo in aan idiin daba maro waxaaan idinka reebayo ama idinka waaninayo”
Sidoo kale Suuratul Baqara aayada 44 aad Illaahay wuxuu ku canaantay dadka dadka wanaaga iyo samaha fara ayaguna ilooba inay sameeyaan wanaaga ay dadka farayaan.
Umadaha aduunka in badan oo ka mid ah waxay ku guuleysteen in dad ka loo sameeyo Diiwaan lagu keydiyo taariikh dooda [Record keeping]. Diiwaan ku wuxuu umada ka caawiyaa in aan qofka xun ama qaldan uusan umada u dhuuman oo laga ilaaliyo.Sidaa darteed Dunida qaarkeed waxaad ku arkaysaa qof 60 jir ah oo u sharaxan jago ama raba inuu qabto masuuliyad oo la leeyahay markuu Dugsiga sare dhiganayey ayuu Imtaxaan qishey ama gardaro Ardey kula dagaaley, sidaa darteed laguma aamini karo masuuliyad. Record keeping ku waa xadaarad iyo horumar lagaarey kaas oo qofka xumaantiisa iyo wanaagiisaba kamarqaati kaca.
Arintan waxaan u soo qaatay waxaa maalmahan warbaahinta Soomaalida qaarkood ka soomuuqdey waraysi uu bixiyey Wadaad lagu maga caabo SHiikh Maxamed Ibrahim Shakuul.
Waraysigan oo dheer qofkii rabaa wuxuu ka heli karaa linkigan
http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=LsyQ4PoW1Yo#
Wadaad kanu hadalada uu ku Hadley ama wareysigiisa ku jira waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku qoran
“Kenya iyo Ethiopia xaq ayey u leeyihiin in ay arimaha Jubooyinka kahad laan qof kii yiraahda kama hadli karaana waxaan u arkaa arin Doqonimo ah”
“Kenya iyo Ethiopia waxaan leeyahay wey mahad sanyihiin oo dadka ayey bad baadinayaan amaan kana wey sugayaan”
“Egad sharci ayey ahayd shaqo sharci ahna wey ku bilawdey shaqada ay ka wadaan Jubooyinka”
“Beesha caalamku waa stake holders xaqbayna u leeyihiin in ay ka had laan ama talo ku yeesheen arimaha jubooyinka”
Erayadan aan kor ku xusay dhamaan waxay ka mid yihiin ama ku jiraan wareysiga Shiikhu warbaahin ta siiyey.
Afeef
Inta aana hadaladan jawaab ka bixin ama aana ka waramin aqoonta aan Shiikhan u leeyahay.Waxaan jeclahay in aan aqristaha sharafta leh u cadeeyo in aana anigu ka mid ahayn jaceyl iyo xamaasadna ii hayn kooxaha ama xarakooyinka Diinta ee isku heysta Soomaaliya, balse aan ahay qof Muslim ah oo Soomaali ah. Wax aan Muslinimo iyo Soomaalinimo ku gaari waayeyna aana diyaar u ahayn in aan jaceyl iyo xamaasad koox iyo Xarako Diineed ku gaaro.
Shiikh Maxamed Ibrahim Shakuul bal is dhageyso
Maalintii nolosheyda iigu horaysay Shiikh Shakuul waxaan kula kulmay Maraykanka Gobal ka Minnesota. Anagoo sheekaysanayna ayaan waxaan weydiiyey meeshuu ku soo koray ama ku soo bar baaray yaraantiisii wuxuuna ii sheegey in uu kayimid Soomaali galbeed uusana Jamuuriyadii Soomaaliyeed ee xorta ahayd uuna waligiis arag. waxaan filayaa in uu igu yiri waxaan ahay reer Qabri Dahare
Su’aal? Anigoo jawaab tiisa tixraacaya ana xaq ma u leeyahay in aan dhaho Sh. Shakuul in uu dhaho Ethiopia iyo Kenya xaq bay u leeyihiin in ay Jubooyin talo ku yeeshaan waana u mahad celinayaa waa ku saxan yahay ku mana qaldana waayo asagaaba Ethiopian ah waxa guuleystay oo cadawgiisa ka ad kaadeyna waa wadan kiisii. Waxay ila tahay. Haduu asagu u bareerey in uu yiraahdo Ethiopia waa mahadsantahay in ay anigana ii banaantahay in aan su’aal galiyo Soomaalinimadiisa.
Su’aal kale?
Sh. Shakuul Kenya iyo Ethiopia ayagu dhulkooda iyo maamulkiisa maka talo galiyaan Soomaalida? Xageese ku qorantahay in wadan xor ah dhulkiisa iyo Goboladiisa ay wadamo kale xaq u yeeshaan in ay ku duulaan ama maamulkiisa talo ku yeeshaan? Waxaan maqley in aad tahay qof wax bartay ee bal meesha sharciganu ku qoranyahay noo soo sheeg aan kaa faa’iideysanee.
Kulankaygii 2aad iyo Sh. Shakuul
Xiligii 2 aad ee aan arkay Shiikh Shakuul waxay ahayd 2004 mar uu Wacdi iyo Waano ka jeedinayey shir ay Ardey Soomaaliyeed oo iskaga kala yimid Daafaha North America gaar ahaan America iyo Canada ku lahaayeen Jaamacada University of Minnesota qaybteeda dhaqaalaha. Ciwaanka Wacdigiisu wuxuu ahaa“Xaqa Muslimku Muslimka kale kuleeyahay”
Hadaladii iyo erayadii uu maalintaas nagu waaniyey waxaa ka mid ahaa kuwan
“Qofka Muslimkaa qofka kale ee Muslimkaa waa walaalkiis, ma dulmiyo, ma jaajuuso, ma hoojiyo, cadawna uma dhiibo. Sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa in aad noqotaan Ardey Soomaaliyeed oo walaala ah oo aan is dulmin, is jaajuusin, is hoojin, cadawna isku dhiibin”
Su’aal?
SHiikh Shakuul hadii wacdigaasu run kaa ahaa maxaad maantay dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah oo Jubooyinka ku nool oo cadawgoodu mar xasuuqey, marna barakiciyey, marna shaabuuga ku garaacayo, marna kufsanayo aad uga hiilisay oo cadawgooda ugu mahad naqaysaa? Maxaad duliga lagu samaynayo hambalyo uga dhigtay? Mise waxaad u qabtaa in Dadka Jubooyin ku nool oo dhan ay Al-Shabaab kaliya yihiin?
Hooyooyinkii iyo Caruurtii ayagoo Busaska raacaya Diyaaraduhu xasuuqeen ma Al-SHabaab ayey ahaayeen? Buundooyinkii iyo Dakadihii Diyaaraduhu Bur Burinayeen ma Al-Shabaab ayaa iska lahaa? Miyeyna ahayn Hantidii umada Soomaaliyeed ee Muslimka ah?
Mise Al-Shabaab ayaa dhisey Buundiyinka iyo Dakadaha ay Diyaaradaha Kenya Bur Burinayeen? Al-shabaab adigu maxaad ka aaminsantahay ma in ay yihiin Muslimiin qaldan mise Gaalo? Hadii jawaabtaadu noqoto waa Muslimiin qaldan, Muslimka qaldan dilkiisa in loo dabaal dagaa ma saxbaa?
Reer miyigii ay Ciidamada Kenya duurka ku xasuuqayeen ayagoo xoolahooda raacanaya miyeyna ahayn Muslimiin Soomaaliya? Yey dambi ka galeen? Mise gar iyo xaq ayaad u leedahay in aad u mahad celisid kuwii gar darada ku xasuuqay?
Hadaad Ethiopia uga mahad celisay in ay Soomaaliya gasho taa micna heedu soo maahan in aad raali ka ahayd 18,000 (toban iyo sideedii kun) oo ay xamar ku xasuuqeen iyo Milyan iyo barkii ay barakiciyeen?
Su’aal kale? Sh. Shakuul Qarankii umada Soomaaliyeed wuxuu u bur buray waxay ahayd dagaaladii iyo dadaalkii uu u galey inuu xoreeyo dadka Soomaali galbeed ee aad adigu kamid ka ahayd, hadii maantay aad Ethiopia uga mahad celisay qabsashada ay qabsatay intii xorta ahayd taa micnaheedu soo maahan in aad ka abaal dhacday umadii dhiigooda iyo maalkooda u bixiyey in ay Ethiopia idinka xoreeyaan?
Nin Soomaaliyeed ayaa laga sheegey (Duul Culumo waashay baan nahay ).
Kulan kaygii 3 aad ee SH. Shakuul
Markii 3aad ee aan arkay Sh. Shakuul waxay ahayd 2006 xiligaas oo wadanka Canada magaalada Toronto Jaamacad ku taal oo la yiraahdo York University aan u tagay shir ay Ardey Soomaaliyeed ku lahaayeen. Waxaan Salaad Jimce u tagey Masaajid la yiraahdo Khalid Binu Waliid oo ku yaala Toranto.
Waxaa Qud bada Jimcaha akhrinayey Sh. SHakuul oo siduu ii sheegey ka yimid Kenya, maal mahaas waxaa Beriga dhexe (Middle East) ka socday dagaalo u dhexeeyey Israel iyo Lubnan.
SH. SHakuul Qudbadiisa oo dhan waxay ku saabsanayd Nacalad iyo Cambaarayn uu u jeedinayey Israel. Hadaladiisa waxaan ka xasuustaa asagoo luuqada Englishka kuhadlayey
“This is barbaric and in human war against humanity and International law and we are condemning without exception”
Su’aal?
SH. Shakuul hadii aad u mahad naqaysid Kenya iyo Ethiopianka dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee gardarada iyo sharci darada maalin walba ku xasuuqayaan maxaad Israel u nacaladeysay? Miyaan Soomaalidu ahayn Muslimiin Suni ah? Miyaadan adigu ahayn Soomaali Muslim ah oo Suni ah? Hadii jawaabtaadu tahay haa maxaad Gaalada cadawgaa ee xasuuqaysa Muslimiinta Soomaaliyeed ugu mahad naqaysaa?
Hadiise aad Kenya iyo Ethiopia uga mahad celinaysid Muslimiinta Sunigaa ee ay xasuuqayaan maxay ahayd sababta aad ugu qiiroonaysay Shiicada iyo Yuhuuda is dagaalayey? Dadka reer Israel se makaa mudanyihiin in aad ka raali galisid nacaladii iyo cambaarayntii aad u jeedisay 2006 markay Xisbullaah la dagaalayeen?
Waayo waraysigaaga waxaa ku jirta in aad leedahay Kenya iyo Ethiopia xaqbay u leeyihiin in ay nabad galyadooda hubiyaan oo aan Jubooyinku noqon meel bahala galeen ah. Hadii arintu noocaa tahay miyaan Israel xaq u lahayn in ay nabad galyadeeda hubiso oo aan Lubnaan iyo Falastiin noqon meelo Bahalo galeen oo looga soo duulo?
Waxaan filayaa in ay gar iyo xaq tahay in aad ama Dawlada Israel iyo Dadkeeda raali galin ka siisid nacaladii iyo cambaarayntii aad dusha kala dhacday ama in aad waraysigan ka noqotid.
Kulankii 4aad ee aniga iyo Sh. Shakuul
Kulankaygii 4 aad ee aan arkay Sh. Shakuul wuxuu ahaa hameyn uu Muxaadaro ka jeedinayey Masaajid ku yaaley Minneapolis, Minnesota. Markuu muxaadaradii dhameeyey ayaa waxaa su’aal weydiiyey wiil dhalin yar oo Soomaali ah su’aashuna waxay ahayd sidan “Shiikh waxaa jira dad cid Illaahay ka sokaysa barya oo wax weydiista ee dadkaas xukun koodu muxuu noqonayaa?
Sh. Shakuul oo qoslaya ayna ka muuqatay deganaan iyo kalsooni ayaa wuxuu ugu jawaabay wiilkii sidan
“Cid kasta oo la timaada ama sameysa wax qilaafsan kitaabka Illaahay iyo sunada Nebi Muxamed (SWC) laga yeeli maayo weyna qasaartay”
Su’aal Sh. Shakuul hadaladan ku jira wareysigaaga ma waxay waafaqsan yihiin Illaahay Kitaabkiisa iyo Sunada Nebi Muxamed (SWC) hadii jawaabtaadu noqoto haa wey waa faqsanyihiin. Waxaan kaa codsan lahaa in aad soo sheegtid qaabka ay u waa faqsan yihiin iyo meesha ay uga qoran yihiin?
Dhacdo aana goob joob ka ahayn laakiin la iiga sheegey Sh. Shakuul
Nin aana shaki ka qabin runtiisa iyo xil kasnimadiisa ayaa wuxuu hada ka hor ii sheegey in uu goob joog ka ahaa meel Sh. Shakuul lagu weydiiyey su’aal ahayd sidan
Shiikh ka wadaado ahaan markii Shiikh Shariif Sh. Axmed uu Jabuuti ku dhaartay inuu daacad u noqonayo kuna dhaqmayo Dastuurka wadanka waad gaaleysiiseen oo waxaad dhahdeen waa gaalnimo in lagu dhaarto Dastuur qaldan, laakiin markii wadaadadii Soomaali Galbeed UWSLF ay dhaheen Dastuurka Ethiopia ayaan u hogaansanay waxaad dhahdeen waa saxan yihiin ee maxaa Dastuurka aad
Sh. Shariif ku gaaleysiiseen iyo midka Ethiopia ku kala duwanyihiin? Maxaadse wadaadii Soomaali galbeed (UWSLF) ugu darteen ciidamada new police ka Ethiopia?
Siduu ii sheegey ninka joogay meesha su’aalahan lagu weydiiyey SH. Shakuul. Sh. SHakuul wuxuu ku jawaabay sidan
Labada Dastuur waxba kuma kala duwana oo waa isku mid laakiin Culimada ayaa arimahaas maslaxad u arkay
Su’aal SH. Shakuul in laba Dastuur oo isku mid ah midna nin lagu gaaleysiiyo mid ka kalana layiraahdo waad saxantahay ma xaqbaa mise waxay ku qorantahay Kitaab Illahay iyo Suno Nebi Muxamed (SWC)? Waa hadii ay sax noqoto in su’aashan lagu weydiiyey adna aad jawaabtaas bixisay maadaama aana anigu goob joog ahayn.
Yaa eedayn kara ninkii yiri (Duul Culumo waashay baan nahay ).
Sh. Shakuul Ethiopia iyo Kenya isma badelin ee adigaa is bedeley!
Sh. Shakuul Ethiopia iyo Kenya Cadaw Soomaaliyeed wey ahaan jireen, weyna yihiin, weyna ahaan doonaan ismana bedelin. Arintaasna adiga daliisheeda iyo marqaatigeeda lagaama sugayo ee waxaa marqaati ugu filan taariikhda iyo waxay samaynayaan. Waxaanse shaki ku jirin in cida is bedeshey ee booskeedii ka baxdey ay adiga tahay waxaana daliil ugu filan arintaas marka la is barbar dhigo waanooyinkaagii hore iyo wareysigaaga maantay.
Talo iyo waano ku socota SH. Shakuul
Sayid Maxamed C/lle Xassan ayaa gabaygiisii dar daaran wuxuu ku lahaa
“afartaas antaan Deelka ka higaadshey daw maqabadsiiyey
Micnihiina maan dadine(qarine) soo idin ma deeqsiin”
Sh. Shakuul marka koowaad waxaan kaa codsanayaa hadii aan been kaa sheegey ama aan kuu gafey in aad qortid maqaal aad ku cadaynisid in aan kaa qaldanahay oo aan Been kaa sheegey, aniguna waxaan balan kaaga qaadayaa in aan qirto kana noqdo wixii ay cadaato in aan ku qaldanahay. Waxaan kaloo kaa codsan lahaa in aad dhamaan su’aalahan qoraalka ku jira aad ka soo jawaabtid. Hadii aadan sidaa yeelin oo aadan xujo iyo dufaac u hayn waxyaabahan, waxaan ku oran lahaa.
Sh. Shakuul sax ma ahan in aad adigu xaqii tahay, xaquna adiga uu yahay, maalinba meeshaad joogtana aad ku saxsan tahay. Sidaas daraadeed waxaan shaki ku jirin in aad ama maanta qaldan tahay ama shalay ee soo sheeg shalay iyo maanta kaad qaldanayd?
Walaal SH. Shakuul madax adeyga iyo macangagnimadu raganimo iyo geesinimo maahan guul iyo sharafna laguma gaaro ee ka laabo waxaad samaynaysid umada Soomaaliyeed ee walaalahaa ahna ka raali geli dhaawaca iyo dulmiga aad u geysatay.
Geba gabadii
Waxaan hubaa in dad badan oo Sh. Shakuul u taargeersan caadifad qabiil iyo mid Diineed ka caroon doonaan qoraalkan. Waxaan kaloo hubaa in kuwo badan cay iyo aflagaado ii soo qori doonaan. Laa kiin kuwaas jawaabta aan u sii hor marinayaa waxay tahay cabsi iyo jacayl Illaahay baa nagu leh ee xarako Diineed iyo Qabiil naguma lahan. Wax aan dagaal ooga yaashii ka diidnayna Sh. Shakuul iyo qolyo kale midna kama yeeleyno. Gabyaagii Soomaaliyeed wuxuu lahaa “ha karaama seegina habaar leygu kari waaye” ana waxaan idin oran lahaa Sh. Shakuul gardaro iyo gef haku raacina.
Yasin Abdi Jama (Yasin Garad)
Gara0022@gmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
















Dad badan oo Soomaaliya waxaa ilaahay amarki wali haya Cuqadadii 1991dii, lama yaabayo maxaa yeelay iscafin iyo dib u heshiisiin sax ah, cidna ma samayn, laakiin Dad walaalahaa ah oo wadan idinka dhaxeeyo inaad fogaysid Kenyaan iyo Xabashina qurunlayna aad tiraahda ii taliya waa wax lagu yaqyaqsado, Sayid Mohamed C/lle Xasan haduu noolaan lahaa iyo Siyaad Barre waxay oran lahaayeen, war reer tolkayo ma waxaan baa ka dhab ah. Runtii waa wax lala yaabo, Kenyan iyo Itoobiyaan Kismaayo maamul ha usamayeen, Waana ku taageeray Madaxweynaha qodobkaas waligiisba Qabiil buu necebyahay hala dhaho, laakiin waxaan qabaa raganimo ayuu muujiyay, haduu joogi lahaan, Kenyaan maba soo galeen Soomaaliya.
assc.. raxanreeb waa mahadsantahay.. wadaadka maqaalkaan soo qoray waxaan oran lahaa illaah ka cabso oo culumadda afka kala bax ,, runtii waa shay aad looga dayriyaya in culumadda la af lagaadeeyo loo la caayo.. maqaal haddii aad qorayso 100 mowduuc oo kan looga baahi badanyahay ayaa jirah ee kasoo hadal.. ninkii wax qaldan yiraahda alle aya kala xisaab tamaayo.. raxanreeb.com waxaan leeyahay website qiimo badan oo lagu qanacsanaa baa tihiin lkn sharaftiina ooma roona in websitekiina culumadda lagu caayo.. mahadsanidin..
@ yasiin cabdi jamac
horta adigaa isa sheegay inaad caadifad qabiil uga soohorjeedo shakuul,waayo waxaad diidantahay iney beeshiisu madexkanoqoto jubbooyinka. halkan ka akhriso ragbadan oo soomaaliya xil kaqabtay oo hadana kilil5 kudhashey
1- maxamed siyaad wuxuu kudhashey shilaabo
2- cabdi faarax shirdoon wuxuu kudhashey feer
3- faarax cabdiqaadir feer feer
4 cabdirisaaq xaaji wuxuu kudhashey kilil5
markaa adigu waxaad cuqdad uhaysaa beesha shakuul,
ugu horayn waxaan Aad usalaamayaa qoraaga waqtigiisa iyo maskaxdiisa ku bixiyay maqaalkaan qiimaha wayn xambaarsan oo ay in badan oo muslimiin oo aan caadifad qabiil iyo mid xibi diineed toona ay ku waanaqaadanayaan ayna arkayaan xaqiiqada dhabta ah Waa Hadii ay dhagaysteen waraysiga uu bixiyay sh shakuul e
Rutii Anigu waan dhagaystay waraysigaa aadna waan uganaxay Waxa uu kuhadlau shakuul arinta kenya iyo ethopia cidwaliba way ogtahay inay yihiin cadawga umada islaamka ah ee soomaliyeede shakuulna Maan Saaxiib uga dhigimaayo e
Aniga waxaan Aad ugayaabay hadalkiisa uu leeyahay Dadka jubooyinku xaqbay uleeyihiin inay maamul samaystaan waana arin dastuuri ah oo uu u ogolaaday dastuurka Dawlada fadaraalka ah ee la Isku raacay
Cajiib xagaanu kuqaadanay dastuurka kufriga ku dhisan ee uu shakuul nagu qasbayo dhakadana naga saarayo
ugu dambayntii nimanka culumada sheeganaya waxaan leeyahay dadkani computer maaha inta software lagu shubo markii ladoono laga format garaynayo ogaada software yadii hore ee Aad ku shubteen baa kujira lagamana format garayn karo wabilaahi tawfiiq
Waa maqaal fiican oo ay jirto waano iyo gar naqsi fara badan wuxuuna u qoranyahay qaab asluubsan oo aan cay iyo aflagaado kanu jirin. Waana loo baahanyahay in dadku xisaabtamo oo aysan maalin walba sidey rabaan u hadlin. ee lays daba socdo. Sh. shakuulna arintan wuu ku qaldanyahay ee ha qirto umadana raali galin ha siiyo
Qoraal aan ku salaysnayn cilmi iyo caqli ayaad soo dhigtay meesha
waxaanse u,arkaa xanuun kuhaya dartii ayaad garan weyday waxaad ku hadlayso
oo dhamaan ah qaad oo dhig hana dhawrin
ilaaheey unoqo xanuunkana quraanka aqriso allahna bari inuu ku caafiyo
qoraga waxu qoray maqal dheer manacada ujeedadiisu, waxan ka’ahayn shiikhu wuxu yiri.Ok what abou you,Yacni jubooyinka in maamul losamayo? Maxaad ka aaminsatahay adigu, mise waxad rabta maqaal baan qoray bes Oo keliya?
SCWW Salan Kadib.
Qoraalka Yasin Garad Waa aan aqriyay, wareysiga shiikh Shakuullna waa aan dawadey labaduba ilama qaldana, shiikh shakuul waxa meesha ka jira ayuu ka ahadley shiikh shakuulna kitaab quraan ah ma ahan ee waxa uu dareemayo ayuu sheegey ayad qur,aan ah ma uusan saarin ee waa fakar, qofkuna fakarka uu qabo waa uu u madax banan yahay sida yaasin garaad oo kale xalkuna alle ayaa yaqaan.
Maqaalka yaasiin Garad waxaan ka leeyahay wax cusub nooma sheegin oo aan ahayn shiikh shakuul in uu hada kahor uu qabey fakar ka duwan kan hada uu qabo waana run inta uu ka sheegey badankood waa aan fadhiyay shiikhuna isagaa afkiisa ka sheegey somalidu waa xumbo marwalba meesha looyaaco ayay u yaacdaa shiikhuna waagaas fakarkaas ayaa loobadnaa hadana kankalaa loobadan yahay isna waa nala soo yaacay oo waa soomaali.
Arinta qabiilka oo ay dhowr qof ka dhawaajiyeen ceeb shiikh shakuulna kama hadlin jawaabta yaasiina mahan jawaab qabiil ee farsamo kale la imaada qofkii hadlana waa loojawaabi
hadii aadan jawaab rabin afkaaga xiro guuleysta dhamaantiin
dadbaa qabiil diinta oga baxey… kkkkkkkkk..shakuul ku lahaa…
raxan reeb ayaa lagu qaraarayaa….waxaa saa cadifad.ah…dadka oo dhan ayaa afka isku dhagey hadalkii ..shakuul..
ilahey ka baq shakuul…oo qaladkaad gashey ka soonoqo. oo raali galin kabixi , yaan illaah kuu caroone….ethiopia iyo kenya dhul somaliyeed ha ugu qiil sameyne…
Waxaan rabaa inaa iraahdo Sh shakuuloow raali kanoqo gafka wiilkaan. TankLe usheego umada Somaaliyeex taariikhda wiilkaan.
1) waxaa uu aaday Asmara oo uu uqaylin jiray raalina ka ahaa dibidaabyada Iyo hubka laga soo dhiibo wadankaas uu umada soomaliyeed lagu shabaateeyo una vacant galay shabaab.
2) wiilkaan waxaa lagusaladay culimada uu uhoreeyo shiikh Abdirahman Sh Omar oo ah imaamka umada soomaliyeed ee masaajidka abuubar sadiiq.
3)waxaa uu qoraal a badan kuqoray wabsite lagu qoro wararka shabaab oo liyraasdo somalimidnimo isaga oo iska shigin wadani soomaali ah.
4)hadii uuyiri yasiin record kiibin waa fungi is waxaa a ku aqaan fudayd aad ubadan Iyo magac ratafia.
Tao kusocota yasiin Garaad
Hdaad magac raadin, please si kale uraadi lakiin culimdada faraha kaqaad.
Qoraaga Yaasiin Garaad wuu salaamanyahey.
Walaal cilladda aad ka sheekeysey ee Sh.Shakuul hadalkiisi hore iyo mowqifka hadda uu taaganyahey waa arrin ka timid is baddal ku yimid wadaaddadii Itixaadkii hore ahaa oo baddaley mowqifkoodi hore oo ay caanka ku noqdeen oo ahaa iney qabeen manhajka “Salafi Jihaadiga”. Manhajkii isaga ahaa markii tijaabo la geliyey wuxuu dhaley Shabaab.
Dib u dhegeyso cajaladihii iyo muxaadaraadkii ay jeedin jireen dhamaan culimada Itixxaadku sagaashameeyadii waxaad u qaadaneysaa iney yihiin wadaaddo Shabaab ah oo muxaadareynaya.
Uguma horreeyaan Itixaadku dad mowqifkooda baddala, dadkana markey aqooni u kororto iney baddalaan fikirkooda iyo fiqhigooda ceeb maahan. Laakiin waxaan u arkaa iney ceeb iyo khiyaano ku tahey Itixaadkii hore oo hadda dadka caammadaa qaarkood u yaqaannaan “culimada” ineysan dadka u caddeyn iney shaley ku qaldanaayeen fikirkaas ayna ka tanaasuleen aragtiyadaas!
Sidaas ma yeeline si habqan oo aan la daraaseyn ayey ugu biireen safkii ay shaley gaaleysiinayeen.
Sh.Ibraahim Dheere, Sh.Axmed Madoobe, Shuyuukhda Xamar joogta oo dowladda taageersan,kuwa Puntland iyo kuwa Somaliland oo Itixaadkii hore ah iyo kuwa Neyroobi jooga waxaa looga baahnaa iney caddeeyaan iney shaley qaldameen oo ay ka noqdeen fikirkoodi.
Taas way ka xishoodeen, laakiin iyagoon hor dhac sameyn ayey safkey gaaleysiinayeen ku biireen! Keebaa khatarsan marka?
Adiga Yaasiin ah meesha dhibku kaa heysto waxaa weeye waxaad meel la fadhidaa warkii shaley laguu sheegey oo laga tanaasuley ood u heysataa inuu sidaas xaq ku ahaa. Raggii kuu sheegeyna waxba kuuma aysan caddeyne way iska daneysteen!
Xaq ayaad u leedahey inaad tiraahdo “duul culimo qastey ayaan nahey”!
Qoraagan sow mahayn ninkii Shabaabka webkooda Somalimidnimo maalin kasta ku caytama ama ku cuna culimada islaamka?.
Maxaa keenaya webkan raxanreeb?
Raxanreeb editor fadlan ninkan ha siinina fursad uu umadda ku qaybiyo.
waa takfiiri liita oo weliba aqoontiisa diiniga aad u yar tahay.
Tan shakuul waxaan odhan lahaa waa wadaad leeydha sidato oo political incorrect ciyaaray.
Laakiin Raxanreeb editor fadlan takfiirkan jaldiga ah ka celiya webkiinna.
Ha la joogo Abdiweli Dalbood oo ah milkiilaha Somalimidnimo oo yidhi waagii Abdullaahi Yusuf loo doortay madaxweyna ku sheegga Soomaalia “Radiyallaahu canhu”
Asc wrbrk Horta waan akhiriyey qoraalkan waana fahmey waxaana ku soo koobey
Qoraa gu inuu aad ugu kacsanyahay sheekh shakuul iyo weliba waxaa ka dhadhamya maseer shakhsi oo uu qabo shakhsi kale (sh shakuul) waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta waa nin aan ogoyn sheekh shakuul. Reerkoodu inay jubooyinka iyagu dadka degan ugu badan yihiin oo arintan uu leeyahay shakuul Ethiopia n hadana uu shakuul Somali kismaayood yahay,waxaana qoraaga ilaahay uga baryayaa caafimaad
@ raxanreeb
horta miyeydaan lahay qorshe dad aad kukala saartaan,waa nin wuxuu waxkuqoraa somalimidnimo oo layaqaano inuu yahay website dhibka umada utaagan
ACWW:Salaanta islamka ka dib waxaam ku wareernay culimada somaliyeed anigu kolay waxaan wax ka dhagaysan doonaa sheekh aan isku reer nahay ankee haduusan caalim weyn ahayn,waxba kama dhagaysan doono
1-Sheekh shakuul2-Suukh Umal 3-Sheekh xasan daahir 4-Sheekh shibile 5-Allaha u naxariistee sheekh cumar faaruuq,haddii aan u baahdo maasail diini ah wadada carabta ayaan weydiin doonaa waxaa aan sidaa u leeyahay
3 sheekh ee hore waxaan haynaa meelo badan oo ay ku sheegeen qofkii ankee niyada ka jecel gaalada in diinta looga baxyo waliba waqtigan xasaasiga ah
sheekh cumar faaruuq waxaan hayaa isagoo leh ciddii amxaaro taagreetaa waa gaalo(waqtigii col cabdulahi yuusuf)waqtigii sheekh shariif an wuxuu yiri ciddii ka hor imaadaa waa gaalo markee sax ah?
Dadka qaar waxaa ay la aadeen qabiil oo qabiil ayay ku difaaceen arrinta sheekha,arrinta juboyinka sababta loo aylinay wey caddahay
1-Waxaa qabsaday ciidan dal kale 2-Waxaa loo qabtay qabiil kale oo shakuul reerkiisa ah
Dhulka waa la wada yaqaan (Jubaland ama Jubala valli,dooxada juba iwm)waxaa loo yaqaan from Dolow illaa Raskambini laakiin reer ayaa bedelaya kana dhigaya j/hose iyo dhexe waana in loo sheegaa in ay khalad tahay sidaa
2-Sida loo kala degan yahay marka la eego maamulkii ugu danbeeyay beesha sh shakuul iyadaa isa siisay 2 jubo mana ahan mid xaq ah mid sax ah mid soconayso,iyagoo adeegsanaya ciidanka kenya ayay rabaan in ay u sheegaan dadka sidaa beeshaa iyadaa buuqa masuul ka ah sababtoo ah 2 juba inta ay ka degto waa la wada yaqaan waa afmadow badhadhe iyo qayb buaale ah sida offcial ka maxaa ku khasbay haddii ay run ka tahay Jubaland in ay isku dayaan boob cad?
Calaa kuli xaal wax badan ayaa qaldan beesha shakuul waa in xaqiiqda ay qaataan sidoo kale waa dulmi cad in beesha shakuul lagu tilmaamo kuwo aan dalka deganayn waana ceeb in beel wasiir iyo 12 MP iyo magaalooyin ku leh dlka lagu shaabadeeyo itoobiya iyo kenya.WADAADU HAKA MID NOQDEEN SHIDADA JIRTA CID DHAGAYSAN DOONTAA IIMA MUUQATO
shiikh shakuul aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar!.. Sidaas yaasin garaad,ayaa ciwaan kadhigtay, wa cajiib (Oo qof aad is haysaan) wax aad kaqortay sidee lagu aaminikaraa? Dabcan shiikh shakuul aya jawaabta kasugayna. ileyn qoral,Qoralkale aya lagu radiyaa.
Yaasiin Garaadoow nimaan ab iyo isirkaa aqoon indhaha isugu qabo. Si fiican baan kuu aqaan qabiiliiste xun oo weliba liita ayaad tahay. Weligey kuma arag adigoo xasuuqii Xamar, Kismaayo, Gaalkacyo ka dhacay wax ka qoraya. Kitaabka quraanka iyo diinteena suubban haku ciyaarin oo hadba meesha aad jeceshahay hala aadin. Cidna kaa yeeli meyso kuwa dhibaatada soomaalida u geystay oo aad ka soo jeeddo waan qarinayaa kuwa kalena waan sheegayaa. Wixii aad geystay wax geystay ma leh 500,000 ayaad xasuuqday markaasaad boqolaal nooga sheekeyneysaa.
Adeer diinta waan kaa badinaa tuug diinta ku qaraabtana warkiisa waa horaan meel iska dhignay. Waqti yuusan kaaga lumin maqaal ujeedadiisa qabyaaladi hor boodeyso, saa cidna kaa akhrisan meysee….
walee waa yaab ragaan garka weyn lawada baxay goormay culimo noqdeen nabiga ayaa dhahay scw qiyaamaha calaamadihiisa waxaa kamid ah in cilmiga dadka laga koryeelayo marka sida loo koryeelayo asagoo noo sheegayo ayuu dhahay culimada ayaa lee anaysa markaas ayaa jaahiliin ayaa isku soo haraya markaa ayay iska fityoonayaan kuwaasi waa baadiyoobeen dadkiina way baadiyeeyeen sow kuwa hada culimada sheeganaya ma ahan kuwaas oo umadii soomaalida ahayd oo halka islaaam abayd maanta u kala qaybshay boqol firqo oo midba wuxuu rabo sheegayo oo adyunka u kala tartamaya oo masaajidada isku haysto laa xawla walaa quwata ilaa bilaah ilaahay hanaga qabto kuwaas waa garanayaa nimankaa 1996 kii dagaalka itixaaaxka gedo u madaxda ahaa inay maanta raga amxaarada ugu dhaw yihiin cajiib be muslim qaalis ah and watch out wabaabisim
Yassiin Garaad :Magaciisa saxda ah waa (Cali dhalin ) ujeedadiisa uu sheekh shakuul u dabo dhigtay oo cudur uu qabo ma aha cudur uu u qabo sheekh shakuul kaliya ee waa cudur uu u qabo nin kasta oo muuqda oo ogaadeen ah ilaahay amarkii ma garanayo in intii uusan 1991 kii uu baadiyo ka imaan ay ogaadeenku dhib u gaysteen maxaan saas u leeyahay sababtu waxa weeye ninkaan mudo ayuu cay iyo af xumo la dabo socday sheekh ibraahim Dheere ilaahay ha xifdiyee waliba si gardaro ah oo aan geed loogu soo gaban ,markii sheekhu iskaga aamusay wuxuu hadana sidii oo kale dabo dhigtay Faarax macalin waa la ogaa wuxuu been ahaa oo uu ka qoray ,cudurkaana waxaa la qabo oo culumada la caayo wiil ay yaasiin garaad ama cali dhalin reerkoodu abtiyaal u yihiin oo wepsitayda culumada ku caayo oo la yiraahdo ina dalboon waxaana ka dhexeeya labadooda culumo nacayb waxaa kale oo ay ka siman yihiin baadiyo ku daahid iyo xoogaa oo uu iskuul aaday yaasiin garaad kaas oo isla weyni uu ka qaaday waxay ii sheegeen niman Minnesota jooga in xataa yassiin sidii hore uusan masaajidada ku ahayn beesha uu ka dhashayna uu maaliln walba ka codsado in loo raadjiyo jago waxayna igu yiraahdeen reer minnesota mar ay noqatab Yasiin garaad(Cali Dhalin waxa uu culmada ka sheegayo wuu sameayn doonaa
ASC
Waa gar loo baahan yahay in Sheekhu ka garbaxo Soomaali oo dhan asaga iyo runtii labada sheekh ee ag fadhiya marka uu hadlayo.mar haday ka qaban waayeen waa ku raacsanyihiin.
yasiin runtii si nadaamsan ayuu qoraalka u dhigay shekhana ma aflagaadayn.
Marka walaalaha qoraalka u badelay qabiilka waxaan oran lahaa soo dhagaysta shekha khudbadiisa ama waad la jaabi doontaan ama idinkaa aaminsan fikrada ah in Itobiya iyo kenya waalo noo yihiin oo xaq u leeyihiin inay wadanka wax ku maaulaan.
Dadka qormada ku dabaqaya danaha qabiil ee Jubooyinka in ay wax ka qoraan maaha runtii madaama qoraalku ka hadlayo kala hadalka shekha iyo diinti oo hadba mesha danta shaqshiga loo leexinayo.
Aniga waxaan ka mid ahay dadka dagaalkii 77ka ku waayey walaalo qaali ah, marka aan maqlo ama arko dad u dhashay Somali galbeed oo maanta Itoobiya amaanaya aad ayaan uga xumaada. Mahadanidin
KG
Waa qoraal cilmiyaysan laakiin akhrisyaashu waxay u badan yihiin caamo masaakiin ah sida fikradaha ka muuqata.
1- qoraagu fikradiisa ayuu ka hadlay, suaashu waa ma ku khaldan yahay? Dadka kasoo horjeeda fikradda qoraagu nooma aysan sheegin meel uu ku khaldan yahay ee taas beddelkeeda shakhsiyadda qoraaga ayey wax ka sheegeen taasina waa ceeb.
2- Sheekhu ma qaldan yahay mise maya? Labaduba waa suuragal. Laakiin maxaa ku jaban in sheekha fikraddiisa la dhaliilo xittaa hadduu saxan yahay? Sheekhu ma nebibaa?
3- “Nin culumo wareerisay ayaan ahay” Waa hadal xaqiiq ah, nin kale oo wadaadadaan hadba dhinac u socdaa wareersheen ayaa isna waa hore yiri “wadaadada yaa walwaal ku diroo, wareersha
sidii wadaantii”.
Ugu dambayn waxaan oran lahaa wadaadku dadkiisuu ku jiraa ee malag ma ahan. Mid halyey ah iyo mid caado qaate ahba waa leeyahay. MARKA YAAn La WAReeRiN!
Qoraal uu nin buufis qabo qoray bay iila muuqataa, wax aan ahayn cuqdad iyo ‘character assasination’ ma qorin. Raxanreeb ha soo gudbiso marka ninkan wax ku saabsan lasoo qoro oo la daba galo qoraaldiisi ilaa Asmara iyo somalimidnimo iyo xagjirnimo u ololeyntiisa.
ASC, salaan kadib sxb waxaan kuu arkaa dhawr shay oo isbiirsaday in ay kuu guwacantahay in aad sheekha afka lalaacdo, 1. waxaa tahay qof xaasida kana xun sheekha iyo nimcada alle siiyay ee cilmi iyo maalba leh,2. waxaatahay qof kaxun in ay soomalida kasoojeeda ethiopia ay wax noqoto ama kaba hadlaan arimaha soomaaliya taariikhdana dib ugu noqo,3. waxaatahay qof qabyaaladi lahadhay oo scop kiisu gaabanyahay oo wax kala firdhin mooyeen aan sama katalin abidkii sidaan maqaaladaadii horeed ku soo qori jirtay somalimidnimo.com kaa ga baranay.
waxaad si dadban iskugu xayaysiisay in aad tahay qof aqoonleh oo waxaad ka sheekaysay inta jeer eed sheekha kulanteen ood waliba sheegtay in aad jamacado caalami ah kukulanteen, laakiinse maqaalkaagan wax aqoon ahi kama muuqato waayo wax uun baad ku xasdaysaaye wax xikmad ah masheegaysid oo malaha nuxur la taaban karo oo laga faaiiday, aqoon been ah ama khasaartay iga dheh, ileen aqooni haday xasad gasho way khasaartey
hadaan kahadlo soomalia in ay uhurtay nafteeda in ay soomalida ethiopia xorayso taa been qaawan oodan geedna ugu soogaban ayaad sheegtay, soomalidu waxay ku maahmaahdaa “bohol hadimo haqodin hadaad qodana hadheerayn waxaa laga yaabaa in aad ku dhacdee” somalia jabkay lamaagtay walaalaheeda somalida ethiopia oo dabcan ah dad soomalinimadu kadhabtahay oo adigan shakhsiyan kaa soomalinimo jecel ayay kudhacday ooy ilaahada inkabadan 20 sano ka soobixilaadahay, tii tulamid ah uun baa adna kaa muuqata
eensheegaya
waxaan ku odhan lahaa sxb waxaad sheekha ku aflagaadeen marka hore lafahaaga wax u qabo oo maaree timahan kugu baxay eed moodid inaadan waligaaba aadan arag meel meel timo jare kuyaalo, nin naftiisiiba maarayn la’ ayaa sheekha kab
walaal waxaan kuleyahay kolay sidaan kuu haysto waxaad tahay qof muslim ah ee Alle subxaanu watacaala unoqo oo toobad keen tawbadu way furantahy eh, sheekhana meel kadhac ayaad ku samaysaye raali gali
mahadsanidin
http://somalitalk.com/2011/08/30/garaad/
Ku . yaasin garaad.
yaasin waxa aan ka daawaday marki iigu ka horaysay adiga o kaso baxay tv ga yar ee reer mnpls-SOMTV.
maalintas an ku arkayay waxa aad aflagadaynaysay FAARAX MACALIN.oo aad lahayd ereryoay ka mid ahayen .(samin kalbak ya.kuluk.) kori aygaada ha kucune. adigo faarax ku tilmaamayay daba dhilif.
maantane waxaan arka shakuul sida aad u dabo dhigaty. runta ma oran karna qabiilka( ogaaden)ayaad u durbaan tumanaysa. markaan arkay qoraalkada waxa an ka dheehday in xoogaha xanuun jiro. bal aan aragno meesha ay kula gaadho iyo waxa aad ka hesho.
KU:SOMALIDA ARAGTIDOODA DHIBTAY
waxaan idin weydiinayaa sheekha ma qabiil baad ku difaacaysaan mise khaladaad jira oo uu galayn un ba ala sheegay?arrinta ugu mihiimsan ee uu ninkan ka hadlay waxaa weeye in uu sheegay waxyaalo uu isagu goob joog ka ahaa iyo wax duuban(practical evidence)uu u hayo.
Waxaa iiga kiin muuqata wixii somali gubay waxaanna noqonay shibirkii maalin duushay maalintiina buulkii hooyaded dabka qabadsiisay.
Waxaa cajiib ah haddii qoraagu eedeeyay 2 ama 3 qof oo isku reer ah(Ogaadeen)taa micnaheedu ma ahan in uu ama daarood ama ogaadeen u jeedo.Reer kastaana wuxuu yeelan karaa 40 siyaasi iwm.
Ta kale waxaa wax laga naxa ah reer hebel iyo sheekha ayaad ka xun tahay?war miyaydaan xishoon reer hebel illahay baa reer hebel ka dhigay,hiikhana dadaalkiisa ayaa sheekh ka dhigay maxaa iska khuseeya qoraalka iyo arrintaa,ta kale ninkan qabiil miyuu ka hadlay bal aan ku nqodo.Waxaan ku raacsanahay qoraa ka mid ah dadka in beesha la xushay(ogaadeen)ay somalida ugu wanaagsan tahay marka laga hadlayo somalinimada waana macquul in ay xumaantooda soo baxdo mar un
sidoo kale
@Mohamed waxaan aad uga xumahay in aad adigu tahay ka beenta sheegay somaliya illaa maantadan waxaa ay eersatay waa faragalintii itoobiya hadda un baan lahaa beesha waa laga heli doonaa mid qarabin waana kaa isla markiiba somaliya illaa maantadan waxaa loo dabataagan yahay arrinta somalida itoobiya bal inoo sharax adigoo raali ah wax soamli la maaganayd dadkaa somaliyeed ee xumaan ah?
Isku soo duub wadadkii qaldan waa la sheegi waana sax in la sheego ninkii qabiil la aadina waa isaga iyo garashadiisa beeshan ee kusoo celceliseena waa un beel somaliyeed oo iyadaba dulman oo dadkoodii aan waxba u qaban karin(Garisa case)oo kale ee qofka arragtidiisa xor ha u noqdo qabiilkana iska daaya PL
Yasin anigaa arkay oo xasuusta asagoo ONLF taageeraya oo shirarkooda jooga. Anigaa arkay asagoo Wadaadii Al-Itaxaad ee Ogadenia taageera oo leh Ethiopia waxay gumaysataa dad Soomaaliyeed. Hadana wuxuu qoraalkiisa ku soo daray asagoo Sayid Maxamed C/lle xasan u ducaynaya Sayid kuna Ogaden buu ahaa. Marka anigu waxaan dhihi lahaa Yasin fikirkiisa ayuu xor u yahay ee Qabiil nacayb kama ahan arintu. Mida kale soo idinkii oran jiray Itaxaadku Ogaden maaha ee waa koox falaago ah Shiikh SHakuulna AL-Itaxaad buu ahaa ma haduu Ogaden noqday. Idinkuse Shiikh Shakuul wuxuu ku hadlayo ma idinla saxsanyihiin. Haduu yiri Kenya iyo Ethiopia waa mahadsanyihiin miyaan arintaa laga soo horjeesan karin. Anigu waan yaabanahay ee dadku xagee wax u wadaan mise xaalku waxaa waaye maxaa qaladkeena loo sheegayaa.
Somalidu waxay dhahdaa Dumarku marba ninkii adkaada ayey taageeraan. Dadkan Ogaden la qaylinaya shaley waxaad oran jirteen walaalihiin baan nahay Cadaw gumaysto ee na xoreeya markii Soomaali dartiin u baaba’day oo dagaal u gashay lagana adkaaday ayaad bilawdeen in aad Soomaali ka bari noqotaan oo cidii ka adkaatay u sacabisaan. Waagii hore waxaad oran jirteen Soomaalida Ogadenkaa ugu gaalo neceb maantana waxaad leedihiin maxaa Itobia laga rabaa. Soo idinkii markii C/llaahi Yusuf watay Itobia kasoo horjeeday oo Xasan Turki taageersanaa Al-shabaabna Hawdka Raas gambooni ku qarin jiray, ma markaad Al-shabaabkii aad xulufada ahaydeen is qabateen ayaad noo sheegaysaan waa gaalo. Waxaan xasuustaa markii Bare Hiiraale iyo Al-shabaab Kismayo ku dagaalayeen waxaad la jirteen Al-shabaab markay idinka idin ku keen keeneen ayaad Itobia iyo kenya u mahad celiseen. Mida kale Shakuul Al-itaxaad buu ahaa waana idinkii oran jiray Al-itaxaad ogaden maahan oo waa khawaarij ONLF baana xaq ah ma markuu Itobia taagaareey buu Ogaden noqday. Warsee wax idinka yihiin. xagee noo wadaan. Mida kale Shakuul ma Nabibaa ma qaldamo miyaa maad qaladkiisa ka hadashaan markaad Yasin oo qaladkiisa sheegey xag xaganaysaan.
Walee cidii ceeb baad u soo jiideen dadkiinaan tola’ay yaa Ogadenahay ku haya.
Waa Salaam tahay walal (qoraha) runtii Waa qoraal aad iyo aad u qiimo badan laganasugi jawaabtiisa sh.shakuul. Dadka yiri Waa caytan qormadani Malaha waxaysan kala aqoon cayda ,nacamlenimada iyo xisaabtanka !
Waxaan leeyahay dadka maqaalladaqora asluubkaan oo kale wax u soobandhiga ama iskabadaaya.
(xisaabi xilmaleh haddaan laxumayn)
Cut the snake on the head. Your right100% this person we knew long time.. we know what he is ding why is doing?. To listen a tape can not be make a Shekh overnight!
Intuu marada weyn soo huwado, weliyo kuu sheegte
wadaagaha amxaarkii jariyo, gaalka wehel moode
Sayidkii ayaa hadda ka hor ciddaan u tiriyey