Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Suxufiyiinta gobolka Bari Ka Farxisay Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Cabdirixmaan Cabdullaahi Jaamac “Dayax”"

Boosaaso[RBC Radio] Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom ayaa kala qeybqaadatay Suxufiyiinta ku dhaqan gobolka Bari Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed iyadoona kaga Farxisay Hadiyado qaali ah oo ay ku shaqeysan karaan.

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Cabdirixmaan Cabdullaahi Jaamac “Dayax”" oo Xafladda Xuska Maalinta Saxaafada ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadda Golis Telcome iyo bahda Saxaafadu yihiin kuwa Mataano ah oon marnaba kala maarmin.

…”"” Ka dib markii aan u garanay hadaan nahay Shirkadda Golis Sanadkan inuu noqon doono Sanadka mataaneynta,walaaltinimeynta,isu soo dhawaanshaha Saxaafada iyo Golis ayaan waxaan ku talagalnay inaanu kaga qeybqaadano qalab Warbaahineed oo ay Mustaqbalka Saxaafadu Isticmaasho….”"”ayuu yiri Dayax.

Mudane Cabdirixmaan Dayax ayaa ka dhawaajiyey in Barnaamijka ay kaga qeybqaadanayaan Xafladda dhaqaalaha kaga baxay aysan fiirin doonin balse ay doonayaan in Saaxiibtinimada iyo wadashaqeynta Suxufiyiinta.

...”"” Barnaamijka dhaqalaaha naga galay noo muuqanmaayo,waxaa noo muuqanaya Saaxiibtinimada iyo Isu soo dhawaanshaha Saxaafada iyo Golis ka dhaxeysa,..”"”ayuu yiri.

Qabalabka ay kaga qeybqaadatay Shirkadda Golis Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed ayaa u badnaa qalabka ay Isticmaasho Saxaafadu sida Kaamirooyinka,Hard disk- yo,Falshyo,Simcar,Head Phone iyo kuwa kale.

Hoggaanka Xafiiska Xiriirka Dadweynaha Shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire

Hoggaanka Xafiiska Xiriirka Dadweynaha Shirkadda Golis Faarax Xaaji Mire ayaa Saxaafadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey hawsha adag ee ay bulshada u hayaan,isagoona intaas ku daray in ay u tahay Maalinta Saxaafada iyo Isgaarsiinta.

…”"” Waa Munaasabad muhim ah aad iyo aadna qaali u ah,runtii anagu waxaan is leenahay hadaad tihiin Isgaarsiinta,waxaad ku gawracantihiin Saxaafada marka kuligeen waxay noo tahay Maalinta Saxaafada iyo Isgaarsiinta…”"ayuu yiri.

Wuxuu u sheegay Suxufiyiinta gobolka Bari iney la qeybsanayaan isla markaana ku taageerayaan Maalinta farxada iyo hambalyada leh ee Saxaafada Soomaaliyeed.

..”"” Waxaan leenahay maalinta farxada iyo hambalyada leh waan idin la qeybsaneynaa,waxaan isleenahay Saxaafadu cagahay ku taagantahay waa Isgaarsiinta,Warku meel magaareen haddii uusan Internet helin,Facebook baan shaqeeyeen,Webseed baan shaqeeyeen…..”"ayuu yiri Faarax Xaaji Mire.

Si kastaba ha ahaatee tallaabada ay qaaday Shirkadda Isgaarsiinta Golis,waxay ka turjumaysaa astaanta Saaxiibtinimo ee ka dhaxeysa bahda Saxaafada ee Puntland taasina ay tahay mid mar walba ay la garab joogto.

 

________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Suxufiyiinta gobolka Bari Ka Farxisay Xuska Maalinta Saxaafada Soomaaliyeed [Sawirro]”

  1. RUNLOW says:

    Golis waxa qabateen wax wananaagsan hadaad saxafiyinta dhiiri galinaysaan waligiin jiroo jooga,bal wannaaga dadkayga fiiriya ILAAHAY ha idin karaameeyo dhamaantiin.

  2. dimuqraadi says:

    reer golis waxan leeyahay waad mahad-san tihiin,laakiin hawl kama daalooyin wali reerku waa hayaan,wax-qabadka dalkiina iyo dadkiina haka daalina,saxaafadda bari hormar ayay sameeyeen runti.

  3. OSMAN says:

    golis waxaan kasugnaa waa CUSBITAALO IYO ISKUULAAD IYO WIXII LAMIDAH ha taagerina shaqsiyaad ama ururo ee taageera bulshada p/land ee macaamiisha idiin ah.

Leave a Reply