Siciid Cabdi Faarax: Gaalkacyo Waa Hal Magaalo Shacabka Kuwada Noolne Waa Isku Dan Waana Iney Gacmaha Isqabsadaan
Gaalkacyo(RBC Radio) Kulan ay kuyeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa la iskula lafa guray sidii meesha looga saari lahaa kala qeybsanaanta magaalada Gaalkacyo iyo sidii ay bulshada kuwada dhaqan magaaladaas uga wada shaqayn lahaayeen horu marinta iyo amniga magaaladooda oo ku caanbaxday rabshado iyo kala shaki ka dhextaagan labada maamul ee ka kala arimiya Koonfurta iyo Waqooyiga.
Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tahay hal magaalo shacabka ku dhaqane ay yihiin shacb mid ah oo isku dan iyo isku ujeedo ah balse ay ku kala dhexjiraan dhagar qabayaal ku naaxay dhiiga shacabka gobolka Mudug.
Duqa Magaalada ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya uusan sii jiri doonin qadka cagaaran ee kala qaybiya magaaladaas isagoona intaa ku daray in iyaga iyo Galmudug ay isu raaceen in si isku mid ah ay uga wada shaqeeyaan danaha shacabka magaalada Gaalkacyo wuxuuna ballan qaaday in si wada jir ah ay amaanka uga qeyb qaadan booliska labada maamul oo iskaashanaya.
Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay in maalmaha soo aadan la arki doono booliska Puntland oo hawlgalo ka wada Koonfurta gaalkacyo halka sidaa si lamid ah booliska Galmudug ay iyane hawlgalo ka samyn doonaan waqooyiga Gaalkacyo isagoona ku nuuxnuuxsaday iney lagama maarmaan tahay isdhexgalka iyo wax wada qabsiga bulshada kuwada nool magaalada Gaalkacyo.
RBC Radio














Masha allh waa arin wanaagsan oo qofkii caqliga usaaxiibka ah uu soo dhaweynayo waana arin mudan in lataageero magalada ma ahan lama magaalo. Waa hal magaalo shacabkana waa hal shacab marka ialahay haka dhigo quluubta shacabka soomaliyeed mid is jecel
asc raxanreeb iyo umada soomaaliyeed oo dhan after salan hadii an mowduuca meesha ku qoran aan oraah yar ka dhaho horta in amaanka laga wadashaqeeyo waa wax mesha ku jira loona baahanyaahy in la is ixtiraamo labo maamul oo wada daris ah lkn inta ay jirto xaasidnimada iyo magaalooyinka la heysto waliba lala taaganyahay anaa leh shacabka la iska heesto sida xaq darada ah waa wax aan dhaceynin in wax heshiis ah uu dhaco waxaan u arkaa hadal malagiis galay uun mahan dhibku magalada waa in laga wada hadlaa dhulka miyiga ah waliba dad reer guura ah waaye meesha ay dhibaatada ugu badan ka taagantahay waliba maalinkasta dadka la dilo xoolahooda la dhaco ceelkoodiii laga xoogo miyaa la leeyahy waa la heshiinayaa ciimada mg ah ayaa ka shaqeynayaa dhinaca galmudug tas waa wax aan dhaceynin caqligu ha shaqeeyo asc
Ina Faarax Tigey wuxuu uga golleeyahay hadalkaan anigu ma aan garan,maxaawacay wax gogolxaar ah oo isku soo dhawaansho woqooyi & koonfur muujinaya annagu ma aannaan
maqal bal arag daayoo,miyaanayse ka horrayn riyada Ina Tigey horta in la seexdo yacni :-
(in la heshiiyo)?. Habar Gidir godobtay gashay waa in aay guddaa ama laga gudaa !!
Hadalka Ina Tigeyna waxaa iiga filan xigmaddii ahayd :-habar baa darooryaysoo
oday baa dareen galay durbaankeenna noo tuma !!!.