Sidee Ayuu u Dhacay Hawlgalkii Fashilmey Ee Ciidamada Faransiiska Xalay Ku Galeen Buulo-Mareer? (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii uu u dhacay hawlgalkii fashilmay ee xalay saqdii dhexe ciidamo si gaar ah u tababaran oo Faransiis ahi ay ka fuliyeen degmada Buulo Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo lagu hatey la heyste u dhashay wadanka Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Alex kaasoo Al Shabaab ay gacanta ku dhigtay sanadkii 2009.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in hawlgalku uu bilawday abaare 2:00 habeenimo ee xalay [Sabti], waxaana ciidamo Faransiis ah oo watay afar diyaaradood ay ku soo degeen deegaan illaa 5-km ka baxsan magaalada Buulo Mareer.
Haddaba sidee buu u dhacay hawlgalkaasi fashilmay?
Sida warbixinada dadka deegaanka laga helayo ay sheegayaan, ciidamada Faransiiska oo gaaraya illaa 50 nin oo ah kuwa Kumandoska ayaa abaare 2:00 habeenimo oo wax dhiman ka soo degey deegaan 5-km dhanka koonfureed kaga beegan degmada Buulo Mareer, waxaana ciidamadaasi markiiba ay bilaabeen iny toogtaan dhowr ruux oo ahaa dad reer miyi ah oo deganaa bannaanka tuulada, waxaana dadkii ugu horeeyay ee ay dileen ay ahaayeen oday waayeel ah, haweeneydiisa iyo wiil yar oo labo jir ah oo ay dhaleen oo saddexduba ay hal goob ku wada toogteen ciidamada Faransiiska.
Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan Buulo Mareer, dad rayid ah oo arkay askarta ajnabiga oo ku soo wajahan dhinaca degmada Buulo Mareer ayaa ku soo wargeliyey sarkaal ka tirsan Al Shabaab in ciidan ajnabi ah uu ku soo wajahan yihiin, taasoo suurtagalisay in ciidamo uu watay gudoomiyihii degmada Buulo Mareer ee Al Shabaab ay dagaal kala hor yimaadaan ciidamadii Faransiiska ee ku soo wajahnaa degmada.
Dagaal culus oo qaatay mudo 45 daqiiqo ah ayaa dhexmaray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamadii Faransiiska, kaasoo sababay inuu goobta ku geeriyoodo gudoomiyihii Al Shabaab ee degmada Buulo Mareer Sheekh Axmed iyo dhowr dagaalyahan oo ka mid ahaa ciidamadiisa. Sidoo kale askari Faransiis ah ayaa halkaa ku geeriyooday iyadoo mid kale oo dhaawacmayna goobta looga cararay.
Denis Alex oo lala cararay
Intii dagaalku uu socday ayaa ururka Al Shabaab waxaa u suurtagashay inay gurigii uu ku jiray ka saaraan Denis Alex oo ahaa la heyste mudo ka badan afar sano gacanta ugu jira Al Shabaab, waxaana loola cararay goob aan la sheegin.
Al Shabaab waxay kaloo goobta kala bexeen askari dhaawac ah oo Faransiis ah kaasoo ay magaalada kala baxsadeen.
Dagaalka hore ka dib, ayaa wararka sheegayaan in ciidamada Faransiiska ay soo rogaal celiyeen abaare 4:00 habeenimo waqti ku dhow hase yeeshee waxay marale fooda isdareen ciidamo fara badan oo Al Shabaab goobta keeneen waxaana la maqlayey hubka culus oo ay dhinacyada isdhaafsanayeen.
Sidee looga hadlay hawlgalka?
Wasiirka difaaca dawlada Faransiiska oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Paris ayaa sheegay in hawlgalka ay ku geeriyoodeen hal askari oo Faransiis ah mid kalana ay ku la’ yihiin. Wuxuuna sheegtay in dhanka Al Shabaab ay ka dileen 17 ruux.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay inay rumeysan yihiin in la heyste Denis Alex ay dileen Al Shabaab oo uusan nooleyn.
Hase yeeshee war saxaafadeed ka soo baxay qeybta warbaahinta ee Al Shabaab oo lagu baahiyey boggooda Twiterka ayaa lagu sheegay in Denis Alex uu nool yahay, waxayna Al Shabaab ku goodisay in muddo labo maalmood ah ay go’aan uga gaari doonaan sidii ay ka yeeli lahaayeen noloshiisa.
Al Shabaab waxay sheegtay inay hayaan askar dhaawac ah oo Faransiis ah kuwaasoo saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan marka nabadgelyadu u saamaxdo, waxana fashil ku tilmaantay weerarka ciidamada Kumandoska Faransiiska ku soo qaadeen xalay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Waxay tani cadeyneysaa in wax dawlad la dhaho ay ka jirin meel ka mida Soomaliya, kuli dhulkii Soomaaliyeed min Zeylac ilaa Raaskanboni waxaa markey rabaan soo gala oo waxay rabaan ka sameeya Maraykan, Faransiis, Amxaaaro, Yuhuud, Afrikaan iyo kuwa kale, marka ha xishoodaan kuwa madaxnimada sheeganaya iyo kuwa caqli xun ee taageera.
Waxkasta oo somaliya ka dhaca alshabaab ayaa ka mas uul ah maxaa yeelay ayagaa midnimada iyo nabada somaliya diidan haddii aadan midnimo haysana cid kasta ayaa kaa faa iidaysanaysa
meeshaan dowlad waxla yiraahdo ma jirto, baarlamaanka waa in uu dib u eegaa nimaanka villa soomaaliya hadda ka taliya waayo waa niman iska hurda oo meesha sidii NGO gii wax ku gaada, looma dulqaadan karo illaa iyo afar sano oo dambe, waa in lala xisaab tamaa, waxaa kaloo la yaable wasiirada ay magac caabeen xataa gobolada dalka ma kala yaqaannaan, qof aan dhulkiisaba kala aqoo sidee wasiir uhiim ah ugu noqonkaraa dalkaan dhibaatada soo dilootay, waa nasiib darro in wafti kaste oo yimaada uu madaxweynahu qaabilo aawey raiisalwasaarihii shaqadaan lahaa, runtii haddii aannahay shacabka soomaaliyeed waan ka walwelsannahay waxa socda.
waxaa cad in wadanka ninkii doono a muraadsankaro bal fiiriya reerka la xasuuqay dawladkusheegu xitaa kama halin haday kahadli lahaayeena iyagaaba lawaardiyeeyaa waa magac uyaal waaniman waxa dhacaya aanba ogayn
@Somali beenta maxaa kugu wata?shabaab kaligood dhibka ma wadaan ee jaajuusiinta adigoo kale ah ayaa dhibka wada,tusaale ahaan adduunka oo dhan ma jirto qof la leeyahay dalkadda anigaa kugu maamulayo,ha jirto in shabaab dhib badan yihiin laakiin waxaa ay dabaqeen shareecada waxaa ay dadkii tuseen in aan wax loo yeerin simple shabaab waxaa lagu diidayaa mana maqlaan,dadka na jecel na waa dilaan shabaab waa somali waxa ay rabaan haloo yeelo.
Waa ka xumahay in saan wax u dhacaan France waxay aheyd in aay la xiriirto Saraakiisha ciidamada Dowlada si loo diyaariyo Ciidamo tababar fiican leh oo ka qayb qaata dagaalka Waxaa halkaa ka muuqata in ciidamada france uu dagaalku ku dheeraaday intii aay qorsheey nayeen wax gurmad ahna aay san heli karin si dhaqsa ah Waxaa soo dhan ma dhaceen hadii aay horay u imaan la”haayeen oo dhulka laga soo gali lahaa iyagoo lasocda Ciidamada Dowlada federalka Soomaaliyeed hadana waxaan qabaa nimnakaas waa in lagu rogaal celiyaa meesheey joogaanba Shabaab waa cadowga Islaamka , maaheyn ineey helicopter ku soo dagaan saq dhaxe si ineey wax walba i dhici doonaan sidii aay rabeen, Waxaan shabaabka lagu sheegayo waa shayaadiin mana seexdaan, Viva Puntland & Jubaland
Warmooge, ma la socotaa in Pakistan oo ah dawlad weyn quwad niyuukler ah in waddankeeda iyagoon ka warhayn komaandoos maraykan ah ay hawlgal ka fuliyeen kaasoo lagu diley USAAMA BINLAADIN.
In Iiraan caasimaddeda Tehran ay maraykanku hawlgal ka fuliyeen si ay u soo furtaan diblomaasiyiin looga haystey halkaas, waqtigii Jimmy Carter ayey dhacdey arrintaas.
in waagii IIddii Amiin kii Yugaandha isagoon warhayn ay Israa’iil ka fulisey weerar ay ku soo furteen diyaarad rakaab ahayd oo siddey boqol qof in ka badan. Dayaaradda waxaa soo afduubey koox Falastiin ahayd oo gobannimadoon ahaa. Ciidankii Uganda halkaas lagu laayey.
Maxaad ka filaysaa dawlad yaroo socod barad ah oo cadawgeedu uu geed walba, jiiro walba, jid walba uu fadhiyo oo xataa aan awoodin inay mushaar siiso ciidankeeda tirada yar iyo shaqaalaheeda.
Waxaan la yaabaa dadkan aqoontu ku yartahay oo wax uun iska soo qorayaa.
Madaxweynahan cusub markuu xilka qabtay khasnadda dawladda meeqaa ku jirtey? OOOO doollar.
Zero.
waa arin yaab iyo amakaagleh in inta shisheeye umada oo huruda miro oo laayo misana yiraahdo ninbaan soo furanaynay , dadka lalaayay intooda badan waa shacab masaakiina oo hurda iyadoo laga yaabo inaan dawlad iyo cidkale midna laga amarqaadan soomaaliya waa baylah alaa umaqan
Faransiisku ma wuxuu u maleeyay Africaanka xun ee uu markasto iska soo baabiiyo kana soo noqdo isagoo bed qaba, ama burcad badeed naf jeceel iyo xoolo jaceel naftooda ku waaya.
walee faransiiska ceeb iyo fashil aad u xanuun badan ayaa karaacay soomaaliya inkastoon shabaab falalkooda guracan diidanahay misana faransiiskii dhuumashada iyo tuugada wadankayga ku galay xalay waxaa kasooraacay jac iyo baaruud malaha soomaaliyuu mooday africanka uu gumaysan jiray !
Dadkan wax magaratada ah ee iska
Hantaatacaya bal halla waydiiyo
Waxay iyagu dalka iyo dadka
Uqabteen yayse kasugayaan wax qabad
Iyo inay dawlad u dhisto ?dawlad waxaa
Wax ka dhiga dadkeeda idinna bal waxtar
Daaye afka inaad ku dumisaan baad
Rabtaan markaasaad haddana leedihiin
Aaway dawladii may shisheeyaha naga
Celiso aduunka dad soomaali ka doqonsan
Oo haddana ka damac xun ma arag.
Kusocota puntland boy.
Waxaas walaal waa sheekadii dabadhilifnimada.waxaana fiican in qofku kafakero dadkiisana kuwaaniyo wixii sax ah laakiin madaxaaga hadii ay ku qufulnaato in aad waligaa daba dhilif ahaatid oo aad qof daba taagnaatid naftaadana waad halaagtay ilaahayna waad xaqirtay nicmadiisii. Waayo muslim ayuu kaadhigey maskaxdii aakhiro iyo aduun ayuu kuudhamaystiray hadana waa inkirtay. Wax naga maqan majiraan ayaan aaminsanahay waayo diin iyo duunyo intaba waa haysanaa waxaa naga maqan Kaliya in isku ogalaano in aan isku talino enagu dhexdeena waana mida laynookaga faa iideystey. Hadaa diidid in walaalaha kuu taliyo waxaad aqbalayso duli in uu kuu taliyo
Tan soo socota ayaa ka daran haddaan fadhiga laga kicin
War waxaan Faransiisku waa xoolo xoolo dhalay iyo inankiis, yaa yiri meel aadan aqoon baa la isga duulaa adigoon la socon cida kaa horaysa, soo ma’ahayn in ay la tashdaan dadka wadanka aad ula socda xaalkiisa oo wax ka qaban kara sida Madaxwaynaha Dawlada PUNTLAND mudane madaxwayne Abdirahman Faroole, Faransiis hadda kahor sedex jeer oo ay ku guulaysteen Somalia inay wax soo furtaan waxaa u suura galiyay Madaxwayne Abdirahman Faroole hadda ha ka xaaxaabiyeen waa kuwaas ka abaal dhacay Puntland iyo madaxwayne Abdirahman Faroole.
Waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyarada somaliyeed ee casharka u dhigay kufaarta aduunka iney ku tun weyntahay shegata ee faransiska. Runtii waa la cebeyay oo fashil bay ku dhaceen aduunyada oo dhanna lagu shekeysanayaa. Waxa kasii daran hal nin bey radinayeen, balse mid dhawac ah iyo mid meyd ah iyo mid duurka uga lumay ayaa laga reebtay kkkkkk balo aa ka raadcday ILLAAHAY BA KUMAHADSAN OO FASHILIYAY. SOMALIS ARE HEROS, runtii waxan filaa hadi somaliya hesho dowlad xoog leh inay kamid noqon karto wadamada fiitada ku leh UN ka.
Xalku waa in alshabaab dadka soomaaliyeed la heshiiyaan oo ay ka baxaan dagaalka ay leeyihiin kaligayaa dalka kudifaacayna soomalidii dalkooda difaacan lahaydna waa noo col, sidaasna dalka iyo dadkaba Waa lugula wareegayaa. runtu waxay tahay oo aan leeyahay anigu idinkuna kaligiin ha baabi’ina dalkana cadow haw loogina ee dadkiinna heshiis la qaata si aan laydiinka dhigan marmarsiinyo dalka lagu qabsado. Soomaali idinkoo aan jirin ayey jirtey dalkeedana xoraysatay oo isdifaaci jirtay, war dadka hahoosaasinina ee isu daaya iyaga dalkooda oo markaas idinkoo dadkiinna ka mida
Xalku waa in alshabaab dadka soomaaliyeed la heshiiyaan oo ay ka baxaan dagaalka ay leeyihiin kaligayaa dalka kudifaacayna soomalidii dalkooda difaacan lahaydna waa noo col, sidaasna dalka iyo dadkaba Waa lugula wareegayaa. runtu waxay tahay oo aan leeyahay anigu idinkuna kaligiin ha baabi’ina dalkana cadow haw loogina ee dadkiinna heshiis la qaata si aan laydiinka dhigan marmarsiinyo dalka lagu qabsado. Soomaali idinkoo aan jirin ayey jirtey dalkeedana xoraysatay oo isdifaaci jirtay, war dadka hahoosaasinina ee isu daaya iyaga dalkooda oo markaas idinkoo dadkiinna ka mida ku biiriya haddaad xeelad caqli suubban leedihiin. Soomaaliya inshaa’allah la’aantiin bay jirtey oo jiridoontaa
Xalku waa in alshabaab dadka soomaaliyeed la heshiiyaan oo ay ka baxaan dagaalka ay leeyihiin kaligayaa dalka kudifaacayna soomalidii dalkooda difaacan lahaydna waa noo col, sidaasna dalka iyo dadkaba Waa lugula wareegayaa. runtu waxay tahay oo aan leeyahay anigu idinkuna kaligiin ha baabi’ina dalkana cadow haw loogina ee dadkiinna heshiis la qaata si aan laydiinka dhigan marmarsiinyo dalka lagu qabsado. Soomaali idinkoo aan jirin ayey jirtey dalkeedana xoraysatay oo isdifaaci jirtay, war dadka ha hoosaasinina ee isu daaya iyaga iyo dalkooda oo markaas idinkoo dadkiinna ka mida ku biiriya haddaad xeelad iyo caqli suubban leedihiin. Soomaaliya inshaa’allah la’aantiin bay jirtey oo jiridoontaa. Ninbaa wuxuu yiri haddaan xoog waayo xeelad ma waayo, intaasna xataa ma garan karaan qowmku.
well down alshabaab !! france laaya intaad shacabka somaliyeed laynaysaan ! labada aad haysaan madaxa ka jara way istaahilaane ! maxaay ka yaal somalia ?
Maasha allah Guul weyn ayaan u arkaa oo shacabka soomaliyed sharaftodi iyo dadnimododi muujineso iyo waliba inaan nahay dad gobonimo jecel oo marnaba raali ka noqonen in gaalo inta nagu soo duusho misna aabe iyo hooyo muslim ah ku dilaan dalkena iyagoo sheeganaya in ay baadi goobayen gaal nijaas ah oo awalba dalkeena baadil ku joogay ,waa farxad weyn oo usoo hoyatay dhaman shacabka soomaliyed xitaa inta aan shababka jeclen waayo guushan oo kale record ayee galeesaa oo ah in Soomaliya lagu dilay askar faransis ah oo duulan ahaa waxa dilayna Soomaliya ayee noqonesa halkasna waxaa ka cadaanesa in soomaliya aheen dad waxii doono la iskaga fushan karo mida kale walalahey soomaliyed ee soomalinimada ku yartahay waxaan leeyahay wax walba xornimada ayaa ka muhimsan ee xoriyad dareema sidee ku yeelesan in gaalo hal gaal raadinesa ay dilan 3qof oo muslim soomali ah never aniga alshabab ma taagerayo lkn markan isku dan nahay midan cmn waxaan oran viva soomali weyn gobonimo waa loo dhashan shababna hool galkii lagu fulinaayo dhankoda wa in uusan noqon mid shacabkena wax u dhimaya
heerka gumeysiga gaarsiiyay soomaalida waxaa ka dheehan kartaa dadka comentiga dhiibtay.
alshabaab howl muhiin u ah sharafta somalideey qabteey waxayna mudan yihiin in loo hambalyeeyo qaladkaste oo kale ha gaysteen koleey mooryaan maaha waa rag loogu hagaagayo rag iska dhicin .
Kuwaan magacayada Puntland wata waa Caruur Faransiisku dhalay, Nijaas fooqal nijaas.
alshabaab ama khawaariij hadba saad u taqaan iyo franche waa noo same nooma kala sokeeyaan waa gaalo madaw ah iyo gaalo cadaan ah khawaariijna ilaa waqtigii asxaabta waa jireen waxgaradkii; culumadii; odayaashii; da yartii ardaydii: way dhameeyeen waxayna u shaqeeyaan cia iyo esrael ilaaahey hana dhaafiyo sidii fircoon iyo ciidankisii ilaahey umada u dhaafiyay:
Kan wata magaca Ahmednuur waa caruurtii Qabqablayaasha dagaalka iyo Ashahaada ladirirku dhaleen, Nijaas fooqal nijaas.
Punlander canug sun cabsan waaye aan waxba kala ogeyn Faroole ciyaal yar yar oo geeley qori qaatay ah ayuu faransis usoo hor kacay ma waxas oo kalaa koonfur jooga dadkan koonfurta jooga waa kuwii dhoor dowladod oo america ku jirto meedkoda jiid jiiday sxb riyada dhaaf ee indhaha fur waxa faransiska ceebeyay waa puntland waayo dhulkas ayuu waxu rabo ka samesan jiray markasu is dhahay waxu waa wada soomali ee bal eeg kkkk maxaa daaray hee
Puntland boy iyo puntlander mid koodna ma matalaan reer puntland waxaan damiir laawayasha ah waxay ceebaysanayaan reer puntland adeerayaal anaa puntland ah nimankaasna waa ku taageersanhahay Dhofar France inay cashar udhigaan oo Tusaan Somali inay yahiin rag dagaalama oo gaal cad meel saara . Hanbalyo guushiina iyo inaad difaacdeen sharafta Somali oo aad meel saarteen qarmuunkaas.