Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh u Qaataa 20 Saac oo Xafiiska uu Fadhiyo Maalin Kasta, Muxuuse Dareemayaa?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud

Nairobi (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu dhowaan siiyey wargeyska al Xayaat ee afka Carabiga ku soo baxa ayuu uga sheekeeyay sida uu u qaato jadwalkiisa maalinlaha ah ee uu ku sugan yahay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 56-jir ah ayaa sheegay inuu shaqeeyo 20 saacadood oo xiriir ah, uuna soo galo 8:00 subaxnimo maalin kasta.

“Habeen kasta waxaan gurigeyga tagaa 2:00 saqda dhexe, waxaana soo toosaa aniga oo dareemaya daal fara badan.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ka sheekeeyay waayo aragnimadiisa uu u leeyahay marxaladihii dalku soo maray mudaddii burburka ee uu isaguna ka shaqeynayay ururada maxalliga ah.

“Waa markii ugu horeysay oo madaxweyne uu Soomaaliya ka noqdo shakhsi darsay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.” ayuu wargeyska u sheegay madaxweynaha oo tilmaamay inuu isagu ahaa nin noloshiisa inteeda badan ku qaatay gudaha Soomaaliya.

“Wixii dalka ka dhacay labaatanka sano ee fawdada iyo burburka goobjoog ayaan u ahaa.” ayuu yiri madaxweynuhu.

Buugaagta uu akhriyo madaxweynaha

Madaxweyne Xasan wuxuu wargeyska u sheegay in aroortii laga bilaabo 6:00 subaxnimo illaa 7:30 inta uu ku sugan yahay gurigiisa oo aan ka baxsaneyn xeyndaabka Villa Soomaaliya inuu akhriyo buugaagta iyo kutubada ay qoreen dad aqoonyahano kala duwan uuna jecel yahay inuu wax ka kororsado.

“Waxaan akhriyaa kutubka la yiraahdo “Dhakhtarkii Guriga” ee uu qorey raysul wasaarihii hore ee Malaysia Mahatir Mohamed oo ahaa ninkii isbedelka dhaqaale u horseeday wadankiisa.” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay inuu akhriyo buugga kale ee la yiraahdo “Dib u Hagaajinta Wadamada Fashilmay” kaasoo ay qoreen labo nin oo qoraaya ah oo lagu kala magacaabo Ashraf Qani iyo Clare Lockhart.

“Waxaan rumeysanahay in Soomaaliya maanta ay heysato hoggaan karti u leh inay la yimaadaan isbeddelm hoggaan awoodu leh inay keenaan isbeddelka, sidaasi darteed waxaan qabaa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay dhabihii saxda ahaa.” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

Wixii uu kala kulmay Villa Soomaaliya

Madaxweynaha waxaa uu ka sheekeeyay wixii uu kala kulmay xafiiskiisa markii uu xilka la wareegay isagoo qeexay in baaxada burburka iyo dhibaatada hortaalla uu dareemay maalintii labaad ee ku xigtay maalintii isaga la dhaariyey.

“Waxaa iigu yaab badnaa markii saraakiisha amaanka ay ii sheegeen inaysan awood u lahayn inay maareeyaan ciidamada dawlada waayo shan bilood wax mushahar ah lama siinin, xitaa cunto ma heysanin ciidamada.” ayuu yiri madaxweynaha oo ssheegay in taas ayba uga sii darneydmarkii Agaasimihii Bangiga Dhexe iyo Agaasimaha Wasaaradda Maaliyada ay ku soo wargeliyeen inuusan HAL SHILIN ku jirin khasnada dawlada oo “wixii lacag ahaa ay la bexeen madaxdii hore”.

Wuxuu yiri “taas waxay keentay in kaaliyaasheyda aan ka dalbado inay ii soo ballamiyaan ganacsatada Muqdisho si aan u weydiisto inay dawlada lacag siiyaan si mushaharka looga dhigo ciidamada.”.

Wuxuu kaloo sheegay inuu telefoono kula hadlay madax ka tirsan beesha caalamka uuna ka dalbadey wixii dhaqaale ah ee Soomaaliya loo hayo in deg deg loogu soo dito, laakiin nassiib darro ay lacagtii ugu horeysay dawlada soo gaartay mudo hal usbuuc ah kadib.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xafiiska Villa Soomaaliya aanu ugu imaanin dad karti u leh hawsha madaxtooyada sida qeybta la taliyaasha iyo qeybta baratokoolka dhibaataduna ay ahayd amni darrada iyo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jirtay mudada dheer in dadka soo haray ay ahaayeen dad aan karti lahayn ama aanu qalmin shaqada.

“Arrimahaas ma ahayn kuwo iga yaabiyey aniga laakiin haddana ima dhiirigelin.” ayuu u sheegay wariyaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wargeyska u sheegay inuu qortay masuuliyiin cusub xafiiskiisa sida madaxda shaqaalaha madaxtooyada, madaxa barotokoolka, madaxa maaliyadda iyo madaxa amniga gaarka ee madaxweynaha.

“Marka loo eego xageyga waa wax aad u yar, waxaase aad iila weyn waa dhismaha heykalka dawladeed.” ayuu sheegay markii uu ka hadlayay xafiiskiisa.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay waxyaabaha uu iska bedelay aragti ahaan, wuxuu sheegay in isaga weligiis uusan u ogolaan gurigiisa ruux hub sita ama inuu baabuurkiisa la raaco, laakiin markii uu madaxtooyada tagay uu bilaabay inuu la saaxiibo saraakiisha amaanka waqti badana ay wada qaataan maalin kasta, inkaastoo uu haddana taxadaro, sida uu yiri.

Aragtidiisa Xarakada Al Shabaab

Mar uu ka hadlay ururka A Shabaab wuxuu sheegay in maamulkii ururku uu burbur badan soo wajahay, ayna ku dhow yihiin inay kala firxadaan, haddana wuxuu cadeeyay in Al Shabaab ay tahay koox adag oo dhib badan.

“Waxay qaadaneysaa illaa saddex sano inaanu ka ciribtirno dalka.” ayuu yiri isagoo sheegay in muuqaal ahaan iyo militari ahaanba haddii Al Shabaab ay dhamaadaan uu weli sii joogi doono fikirkii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku shubeen kaasoo uu sheegay inuu waqti badan ku qaadan doono sidii dhalinyarada looga saari lahaa fikirkaasi.

“Waa koox adag, waay waxay leeyihiin garab ajaaniib ah , kuwa Soomaalida ahna wax yar ayey talada ku leeyihiin.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu madaxweynuhu ka codsaday beesha caalamka in dawladiisu ay u baahan taageero dhaqaale, mid farsamo iyo mid diblomaasiyadeed si ay u noqoto dawlad buuxda.

AKHRI QEYBTII 1AAD EE WAREYSIGAN

______________________________________________________
*Wareysigaan waxaa daabacay wargeyska Al Xayaat, waxaana tarjumay Raxanreeb.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

29 Responses for “Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh u Qaataa 20 Saac oo Xafiiska uu Fadhiyo Maalin Kasta, Muxuuse Dareemayaa?”

  1. jamaal says:

    Asc sln ka dib waa arin aad u xiiso leh gaar ahaan madaxweyne wax aqrinayo kuna sabsan dal buburay sida lo dhiso taas aya ah tilabo I farxad galisay mida labad waa in aan helnay madax u bisil isbadal alle ha wafajiyo tubta toosan ayaga iyo anaga oo shacabka ah aamin

  2. WAA BERI says:

    war waxn madaxweyne maaha kulaa kutub baan akhriyaa mise ma school baa loo dirsatay mise wadan baa layiri madax kanoqo aniga waxay ilatahay madaxweynu wuu fashilmay mise wuxuu ubaahan yahay in uu barto maado ladhho international affairs se uu siyaasada wax uga ogaado iyo waxa u qaban laha markiisii hore waa lagu qaldamay waxay ahayd il ladoorto ahmed ismail samatar ninkaas baa siyaasi ah kani o NGO IYO BAAC

  3. Taash mar says:

    Nacas iga dheh waa maxay 3 sano ayay qaadanayaan in ladhameeyo sow kan niyada udhisay shayaadiintii . ala war ninku khibrad yaraaa

  4. madaxweyne aad baan kuu salamayaa sida wanaagsan ee xikmadu kabuuxdo ee wadankaaga aad ugu istaagtay hana daalin madaxweyne waxaa lakulmaysaa carqaladu tiro badan oo kaa horyimado ooo ay kamid tahay siyaasiyiin xil raadis ah oo qabiil huwan oo kumucaarada

  5. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Meesha hadal ayuu ku hayaa. 20 saacadood baan shaqeeyaa buu ku leeyahay haddana buugaag ayaan akhristaa ayuu ku leeyahay, buuga aad akhrisaneyso ma shaqaa?? Show buug akhris ay uuba waqtigii ku dhammeeyay, markaasaa Soomaali ka sugeysaa in uu wax u qabto. Buugaagtaada jaceylka iska akhriso jaalle madaxweyne, Facebook-na ku baashaal. Shaqo weyn ayaad markaa qabatay…

  6. wadaad yare says:

    Maashaa Allaah, waxaa ka muuqata in madaxweynuhu yaqaanno dhanka ay ka jirto waddada saxda ah. Ragga qaar maba aysan ogeyn waxa looga fadhiyo.

  7. qandalawi says:

    Madax kasta oo ka yimaada waddamada dib u socodka ahi waa iska caadi in uu beddelo la taliye hore ama shaqsi baratakol ama shaqa kaleba hayey oo uu keensado kuwa jufadiisa ah oo uu ku kalsoon yahay balse xassan gurguurte wuxuu wiilashii sh shariif shaqa ka cayrintii ugu daray in uu yiraahdo waxba ma aaney aqoon in wax loo dirsadona maba istaahilin taasina waa xushmad xumo iyo meel ka dhac
    Haddaba faan iyo eedayni waxba tarimeysee lugtaney ninba maalin ku qaad weeyehe waxa aad qabatid looba joogee

  8. Soomaaliweyn says:

    ‘Dhakhtarkii Guriga’ waa buug anfacaya madaxda dalka ee maanta, tusaale weyn baa ku sugan. Halkaas arrin ayaan wareysiga dhan ku qiimaynayaa.

  9. baydhabo says:

    mansha alah ,somaliyey manta ayaan helnay madaxweyna karti iyo aqoon leh,

    madaxweyne xasan sheekh waxaa u soo jitay dhamaan qalbiga wadani walbo oo dacad ah, waxu niyada ka jabiye jabhad walbo qabyalad hugsan,

    somaliyey macqul ma ahan 100 mamul qabileed is garab cararayan, aana laheyn sharci iyo qanoon kala hago,

    federal somalia 90% ma rabaan, mida kale dasturkan waa qabyo cod loma qadin weli , marka uma maleynayo federalka qabileysiga ino si shaqeyndono

  10. inshaa alaahu guul baan kuu rajeyay mudane madaxweyne

  11. Banaadir Boy says:

    Raxanreeb hool macquul ayaad heesan xogta iyo wararka madaxda dowlada iyo kuwa bulshadaba inoo soo aruursha noona soo gudbiya aan wararka ugu war qabno sidii nin dalka jooga misna madaxda xariir dhaw la leh thnks
    Waxaan aad ugu qanacsanahay sheekada madaxweynaha iyo qaabka uu ugu diyaarsanyahay samata bixinta dalkaan mideeda kale qof waxaa lagu qiimeeyaa saantiisa koowad aniga markii madaxweyna xasan kursiga uu ku fadhistay hadii uu talaaboyinkiisa kowad noqon lahaayen wadadii kuwii ka horeeyay u faleen qof fashil aan is badal keeni karin ayuu iila muuqan lahaa lkn is badalo ayuu bilaabay sida 1 meeshii mar walba raisul wazaraha laga soo xuli jiray oo uu ka badashay talaabadii labaad waziirada oo kuwii hore naqshadahoodi ahen waayo tiro yar iyo tayo badan ayaan u jeednaa 3 saraakishii amniga oo shaandhen lagu sameeyay 4 siyasada gobolada oo ka dhigtay dowladan midii ugu horeesay oo saamen buuxdo ku yeelatay tusaale haatan waxay ka aramineesan shabella dhaxe shabelle hose hiiran Galgadud Gedo iyo ugu danbeentuu oo lagu guulestay in la xaliyo khilaafkii Jubada hoose iyo neecaw qabow oo hiraar aan la hor istaagi karin oo kusii socda Gobolada puntland after 10days insha allah soo duceya

  12. Banaadir Boy says:

    Aniga waxaa wareesiga aad iiga soo jiidatay inkastoo warkiisa dhan warar aad u wanaagsan ahaayen waxuu dhahay madaxweynaha( Soomaliya waxay u baahantahay gar gaar dhaqaale mid farsamo iyo mid diblumaasiyaded ) waxaa halkaas iiga muuqda in madaxweynaha uusan rabin ciidamadan ajaanibta africanta ah ee dalka musharka ku qaata waxaana ka go,an in mushaarkas qaatan muwadanin Soomaliyed oo la taba baro iyo ardayda Jaamacadaha dhameeyay ee misna badaha liibiya usoo tahriibaya in laga dhigo saraakisha qaranka iyo nabad sugida maasha allah wareesiga dhan si fiican u dhuuxa wax baad ka dareemesan oo ah ree reen dowladnimo @qandalaawi qaniis maa tahay sidee lugtaada marba qof u qaadayaa naga xishoo sxb

  13. Ayaanle says:

    Waxan filayaa in maanta umadda somaliyed heshay hogaan daacad ah, kuna fakaraya siddii uu dalkiisa iyo dadkiisa u samata bixin lahaa. Qof kasta oo damiir somalinimo ku jirto ee akhrista maqaalkan ka shekeynaya howlmaalmeedka madaxweynaha dalka, waxa uu dareemayaa qiiro wadaninimo, dal jacayl, rajo iyo in uu dib u soo laabanayo magacii sharafta lahaa ee Somalia iyadoo hormuud ay ka yihiin daacadnimo ka muuqato. Waxase dhinaca kale la yaab leh qofka somaliga ah ee ay dhibayso wanaaga iyo waxqabadka laga sheegayo madaxweynaha tolow muxuu rabaa? Mise waxa aysan si fiican u fahmin macnaha ku jira maqaalkan farxadda huwan? Tolow maxay qori lahaayeen haddi uu noqon lahaa madaxweyne Digteetar ah, qabiiliiste ah, xaasid ah misana isla weyni ku jirto? Laakiin waxan dadkaa ku dhihi lahaa: “Don’t say or write what you don’t believe or what you have no reason to believe” quote from Paul Grice. THAT IS THE RULE OF SPEAK. Musane Madaxweyne guulayso NIN LAGU SEEXDOOW HA SEEXAN, SOO JEEDOO HA SEEXAN.

  14. zack-London says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war nimanyahow kaaley……war ninkaan dawlad baa la u dhiibtey, asgiina Bugaag muu iska akhrisanayaa 20 sacadood ………..war somalia waa finished .nin bugaag iska akhrisanaya warna u aheyn dalka……cajiib

  15. Yoonis says:

    Madaxweynaha waa mahadsan yahay waa wax fiican buu sheegay laakiin waxyaalaha si openly ha u sheegin oo point lagaa helin laakiin sida kale si fiican oo qalbi fiyow yaad u hadashey oo muslin ku qanci karo waanad ku mahadsan tahay ilaahey ha kaa ajersiiyo waan ku garab taaganahay cadaad na ogow weligaa

  16. somali yaaban says:

    20 saacadood oo shaqo,1saac oo kitaab akhris 3 saac oo uu qoslaayo maalin walba hadaba goormaad seexataa?????

  17. G. Goodir says:

    Xasan Xoolo 20ka saac uu sheegayo malaha waa vis everse oo runtu waa inta uu hurdo 4ta saac ee soo hartana waa inta uu soo jeedo oo ay ku jirto inta uu moxoga iyo waambaha iyo cambuulada cunayo.
    dameer dameer dhalay.

  18. zaki says:

    nooloow mudane madaxweene ilaaah hakuu sahlo xilka culus

  19. Bashir Nur says:

    waxaan oran karnaa waa madaxweyne samata bixin kara ummadda somaliyeed kana saari karad dhibaatadii haysatay dhowr iyo labaatanka sano.
    ILAAHAY hala garab galo waa nin daacadnimo iyo karti isku daysaday isha ALLAH waxaan rajaynaya inuu somaliya gaarsiiyo heer ay ku faanto magaceeda.

  20. Out-land says:

    Runti maqalkan markan akhriyey waan ilmayey.walahy madaxweyne sabur wan hubaa guul waad gaaraysaa. Waayo (1000) talaabo (1)talaabo ayey ka’bilaabataa.

  21. Binmaxmud says:

    Runtii hadii tobaneeyo kun oo askar afrikana wadanka joogi lahayn waan qiimeyn lahaa waraysiga iyo hadalka madaxweyne ku sheega, laakin xaqiiqada dhabta ah waa in wax dawlad la dhaho jay irin wax madaxwayne la dhaho jirin, beena ay tahay isbadel baa dhacay iyo rajaa soo socota. Afar bilood inteyna u dhamaan ayuu Xasan Sheekh hor tagay ninka uu ka amar qaato ee Museveni, waana wax uu uga horeeyey Shariif Axmed. Haduu hal bil oo kale daahi lahaana Museveni kalsooniduu kala noqon lahaa amaba wuu casili lahaa.

    Wallaahi waa fadeexo iyo ceeb iyo Musiibo la soo darsay magacii Somalia oo ahayd wadan Afirakanku iyo wadamada kaleba ka haybeystaan. Laga soo bilaabo markii ay Ethiopia C/laahi Yusuf maqaar saar ka dhigtay ka dibna ayagoo wata Xamar soo galeen ilaa maanta waxay ku jirtaa marxaladii ugu xumeyd, xataa waxay ku xuntahay bilowgii dagaalkii sokeeye ilaa waqtigii ninka la dhihi karo wuu ugu fiicnaa wax madaxweyne sheegta ka dib dhicidii Siyaad- waa C/qaasim Salaade oo asna la ba jid kaliya ka talin jirey.

  22. Hiiraan_Man says:

    Waa maashaa allah waa madaxweyne wadaniyad ka muuqato.Soomaalida waxa halkaas dhigay waa qabyaalad ee Madaxda halala shaqeeyo ,dacaayadaha raqiista halaga daayo.

  23. cadaani says:

    runtii waa waraysi xiisobadan gaar ahaan buugaggta madaxwaynuhu aqriyo oo ah arin aanan filayn inuu sidaa u baraarugsanyahay waa arin wanaagsan inuu ogaado inay waxweyn utarayaan waayo aragnimada uukaraadinaayo buugagtaa ay qoreen rag khabiiro ah waxay taasi cadaynaysaa in thaqaafada madaxwaynahu ay sarayso alow talada wanaagsan waafaji aamiin

  24. ciid yare says:

    asc\ waa yaab waa cajiib nin aan waxba oran ayaa dhihin wax baan arkay walaahi waa yaab runtii walaalayaal waan soo dhawayn hadalka m\ kusheega laakiin waxaa iswaydiin muda hadii 20 sacadood lashaqaynaayo somaali ma tahriib bay ku dhamaan lahayd mida kale hadii 20 saac cadaalad loo shaqaynaayo xamer maa dad lagu dili lahaa habayn walba hadii 20 saac lashaqay naayo wariyaal iyo wax garad iyo siyaasi iyo culumo ayaa bilaash ubaabi lahayd runtii walaal buug la aqriyaa iyo qosal laqoslaa iyo dalxiis haba dal la aadaa ayaa 20 saac noqotay runtii aniga waxaan u hanbayaynayaa r\ wasaaraha iyo golaha wasiirada qaar kood oo aan ilaa hada aan kabixin wadanka oo shaqdooda wata habayaraatee laakinn m\ kusheega waan kadiidnay 20saac baan shaqeeyaa waxaasna waa dhacayaan isma gasho meel walaahi waa m\ waynihii ugu qibradayaraa uguna shaqda yaraa uguna badbaadin yaraa oo soo mara somaaliya intii bur burka waxaana leeyahay ilaa how somaali badbaadi siyaasi aragnay culumo aragnay ganacsade aragnay aqoonyahayn aragnay ngo aragnay maxaan noo dhimanwaa dumer oo somaaliya m\wayne kanaqota laakiin intii kale laguqasaar yaan dooranaa yaan aaminaa yaan taageernaa mawaxaan taageernaa culumadii\kusheegii xasuuqay dad mawaxaantaageerna siyaasigii bangiga lacagta ka xaalufiyay ilaahoow somaali adaa umaqan

  25. Barwaaqo says:

    Ku: Is-badel doon

    Waxa hubaal ah in qof kasta oo somali ahi jecel yahay in magacii somaaliyi lahayd dib loo soo cesho, hadaba waxa haboon si arrintaa lagu gaadho waa in lala shaqeeyo dawladda cusub oo laga daayaa hagardaamadda. Somaalaay u fiirso 22sano ayaa dhib iyo halaag lagu jiray; Afrikadda aynu sharafta iyo maamuuska ku lahayn waad og tihiin in dhiiga Somaligu yahay wax aan qiimo lahayn; qoxootigeenii iyo foolxumadeenii ayaa meel walba wadhan.

    Dibjirka koonfur afrika waynu u simanahay oo Somali looma ooyaan ah ayeynu u nahay,Kenyatigu waa la mid oo uma kala sokeyno ama somaliland ahaw ama puntland ahaw ama muqdidho ka soo jeed oo. Hala badbaadiyo jiilka soo socda oo yaanay waqti dheer inagu qaadan in aan heshiino oo oo dadka iyo dalka la badbaadiyo.

    Bal caqligaaga inta aad ka shaqaysiiso oo aad 2 mirid indhaha isku qabato ma kula tahay Madaxweyne 3 bilood dalka haystay oo waxaad ogtihiin oo dhibaato ahi hor taalay in uu soomali oo dhan dhibkeeda ku xalin karo mudadaa yar. Ogoow oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa ee waqti hala siiyo dawladda cusub. Waa in qof waliba la yimaadda si uu magaciisa uga saari lahaa ceebta oo dalkiisa wax ugu qaban lahaa.

    Dal dhan ayaa u baahan in la dhiso waliba guri iyo dhismayaasha waa la dhisi karaa dhibaatana ma leh ee waxa hawl weyn u baahan dhisida dadka ama maskaxdooda, bal idinku maleeya qofka dalkii ku nool ee markii burburku dhacay 10sano iyo wax ka yar ahaa maanta waa 32sano iyo wixii ka yar .

    Dadkaa aan kor ku soo sheegay waxay dhibaato ku soo jireen noloshoodda intii ugu wacnayd maalin walbana waxay arkayeen dhiilo. Waxaan leeyahay qurbajoogta wali wadda dhibaatadda dadka ee meelahaa wax ku qora ee aan aniguba ka mid ahay aan dhaliinyaradda noloshii ka xumaatay ee la sii kala kaxaynayo ku dhiiri galino wadan jacaylka iyo kala danbeynta si dadka maskaxdisa u dhisanto.

    Waxaan leeyahay qurba joogoow hadaynu isleenahay caruurtiinii dhul nabad ah ayey idiin joogaan waad og tihiin in ayna caruurteenu ahayn dad qab leh ee tittle- koogu waa minority iyo iyaga oo la qabsan waayey qaarkood noloshan aan waalidkood u sameyn ee ay dadka dabadda kaga yaalaan.

    Waxa kale oo aan ognahay in inaguba aynaan la qabsan dalalkan shisheeye oo cimri degdeg inagu dhacay, gabowna inagu soo dhaw yahay oo aynu u baahanahay in aan ku noqono dhulkeenii. Qurba joogtaay ka daaya dabka aad dalka ku shidaysaan ee uga faa’iideeya waayo aragnimaddiina iyo inay muhiim tahay dawladnimaddu idinkaaba arkay nidaamka dawladaha dalalka aad ku nooshihiine.

  26. ina warsame says:

    ninka jagada madaxweyne soo doonanayaa waa inuu habkuu raacilahaa diyaar u yahay waxaa muuqata in Xasan jago anu u diyaarsanayn uu soo raadsaday waayo ciduu ku daydo ayuu raadinayaa hadda waxaase jirta high school students ayaa raadsha cid ay role model kadhigtaan ee madaxweyne qaab kiisa isagoo ka faaiidaysanaya xiliga iyo dadka iyo dalkiisa ayuu dajistaa Allaw Soomaali u hiili Caqli caruur weeye kaniye !!!!!

  27. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. @ Barwaaqo, walaal, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay waanada iyo wanaaga aad kula talisay dadka Somaliyeed, qaasatan qurbajoogta.

    Runtii waa arrin wanaagsan xogtaan iyo waraysiga uu madaxweeynaha siiyay bulshada. Waxaan rajeeynayaa in uu dadaal badan ku jiro madaxweeynaha, Ilaaheeyna asaga, iyo Ra’iisalwasaaraha, Gudoomiyaha baarlamaanka, saraakiisha ciidanka, iyo wasiirada dhamaantood shaqada Ilaaheey ha u fududeeyo, kana dhigaa kuwa wax la taaban karo oo loo jeedo oo wanaagsan dadka u qabta.

    Waxaan idinkula talinayaa, Somali maryooleey, in aan danteena garano, in aan iska dhaafno wax sheeg sheega raqiiska ah iyo caayida madaxda ayadoo waxa kaliya ee loo caaynayo eey tahay qabyaalad iyo jahli. Qof kasta oo Somali oo aan anaga ka mid nahay ayeey tahay shaqadiisa in uu ka shaqeeyo wanaaga, iyo horumarinta dalka iyo dadka Somaliyeed, taasoo eey ugu horeeysa in laga daayo dacaayada iyo qabyaalada lagu mucaaradayo amaba xataa lagu taageerayo madaxda dalka. Waa in qofka mas’uulka ah lagu xisaabiyaa wax qabadkiisa iyo wax tarkiisa, ayadoo fursad la siinayo oo aan horay lugooyo iyo jilaafo looga bilaabeeynin. Viva Somalia.

  28. Waraabe says:

    Bug Aqri kkkkk

  29. faysal osman says:

    Alaha kuu fududeeyo howl sahlan maaha faroolaa ku fiicnaan lahaa howshan ànigu waxaan ku leeyhay faroole latasho

Leave a Reply