Soo celinta Somaalida kala ir-dhootay. W/Q Maxamed Abdullahi ( Ildab)
Soo celinta Somaalida kala ir-dhootay
Maxamed Abdullahi ( Ildab)
Idab20@gmail.com
Janaayo 14 2013
Waxaa beryahan danbe soo baxayay warar lafili karayay in ay mar uun dhici doonaan oo ku saabsan Soomaalida kala daadsan waddamada Afrika, khaas ahaan dalalka Kenya, South Sudan iyo Koonfur Afrika.
Haddii aynu ku hormarno dalka dariska nala ah, isla mar ahaantaasna ay degan yihiin dad Soomaaliyeen oo keenyaatiga ah ayaa waxaa ka soo baxayay warar sheegaya in dadka Soomaaliyeed oo degan xaafadda Islii (Small Mogadishu) si xun ay ciidamada Booliiskaasi dalkaasi ula dhaqmayeen illaa iyo markii ay soo baxday go’aanka ah in dadka Soomaaliyeed iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Ifo , iyadoo lawada ogsoon yahay in dadkaas Soomaaliyeed ay ku haystaan xaafaddaasi dhaqaale iyo hanti ma guurto ah.
Waxaa lagula kacayay xarig aan loo meel dayin, dhac iyo boob muuqda, baad laga qaado kuwa lacagta haysta iyo nacayb sii kordhaya oo dadkaasi loo hayo.
Arintaasi arin la mid ah waxay iyana ka socotaa dowladda haatan dhalatay ee la yiraahdo South Sudan, taasoo iyana lagu soo waramayo in ay dadka Soomaalida ah ee meeshaas ganacsiga ku haysta la iska xir- xiro sabab la’aan amase la boobo.
Dalka South Afrika isna waxaa dadka Soomaaliyeed lagu sameeyaa dil, gubid , baad, hanti boobid iyo ammaan darro baahsan, kuwaas oo kaga imaanaya dadka waddankaas ku nool.
Haddaba arinta iswaydiinta leh waxa weeyaan maxay dadkaasi kaga duwan yihiin dadyowga caalamka ee maalin kasta qaxa iyo barakacu ku haysto waddamada aysan u dhalan sida Soomaalida oo kale, maxaase ku kallifay dadka Soomaaliyeed in ay waddankooda ka haajiraan oo maanta taagan?
Dalka Keenya dadka Soomaalida ah ee u qaxay waxay iskugu jiraan noocyo fara badan kuwo dantu si khasab ah ugu kalliftay in ay u qaxaan sida kuwa ku nool xeryaha qaxootiga, Dhadhaab iyo Ifo iyo kuwa kaleeto oo inta badan aan iimaan ku qabin dalkooda Hooyo oo nolol wanaagsan raadinaya iyo ganacsi.
Xaqiiqada dhabta ah ee jirtaa waxa weeyaan dalka Soomaaliya in ay meelo badan ka dhacday dhibaatooyin kallifay in la kala irdhado ama la qaxo oo xeryo qaxooti iyo waddamo shisheeye la miciin bido, waana midda maantay dhaxal siisay Soomaalidii in ay ku faanaan magacyo cusub oo qaamuuska Soomaalida mudadii dhawayd ee bur burka ahayd ku soo biiray sida Qurbo- joog, Jaaliyad, Reer Minasoota iyo kuwa kaleeto oo la mid ah.
Midda aan rabo in aan diiradda ku saaro maqaalkayga waxa weeyaan dadka Soomaalida ah ee kunnool xaafadda Islii,Nairobi, kuwaas oo ku haysta meeshaas dhaqaale ganacsi iyo mid hanti ma guuraan ah.
Islii waa xaafad ka aasaantay bur-burkii ku yimid caasumaddii Soomaaliya, waana sababta Kenyaatigu Soomaalida ugula kaftamaan marka ay ka degayaan gagida dayuuradaha Jooma Kenyaata “ ma waxaad ku deign Small Mogadishu” oo ay ula jeedaan xaafadda Soomaalidu cammirtay Islii.
Haa, Soomaalidu waxay si xirfadysan dhaqaale uga abuurteen waddamo ay ka mid yihiin Kenya , South Afrika iyo South Sudan, laakiin waxa jira waxa weeyaan dhaqalahaas iyo hantidaas ay ku maal gashadeen waddamadaas ma yahay mid ay ku haystaan difaac siyaasadeed iyo mid dowladeed sida caadiyan caalamka ummadaha caynkaasi oo kaleeto ay u helaan, tusaale ahaan Hindida, Carabta, Yuhuudda iyo cid kastoo waddan aysan u dhalan maalgashada.
Marka ay dadka ajaanibta ahi dhaqaalo waddan ku maalgashadaan waxa markiiba ay gacan dheer ku yeeshaan siyaasadaha dalkaas si ay u helaan difaac iyo gabaad halka Soomaalida Kenya, Islii ku nooli uu xaalkooda amni iyo midkooda difaac yahay xaal xaal mastuur iyo iga hoo beesada.
U diyaar garowga dib u noqoshada
Soomaalida dhibaatada haysata waddankooda waa mid wajiyo badan oo salka ku haysa mushkilado fara badan oo is biirsaday, sida looga bixi karaana aysan ahayn mid sahlan oo ku iman karta habeen iyo maalin, federal iyo federal la’aan, Amisom iyo Amisom la’aan ee waxay ka unkami kartaa marka hore in ummadu garawsato khaladaadkii ay horay usoo gashay iyagoo casharo fiican ka qadaanaya waxyaalihii khaldamay mudadii 20 sano ahaa iyo dhibta qurbuhu leeyahay.
Dowladnimada haatan Soomaalida u un kuntay ee sida rasmiga ahna loo aqoon sanyahay waa in ay ugu faa’iidayso ugu yaraan in ay abuurto bii’o dadkaasi ku soo noqon karaan si ay ugu muujiso dadka Soomaalida ah in ay si xor iyo ammaan ah ugu noolaan karaan dhulkooda .
In maamulka dowliga ah ee Soomaaliyeed uu u yagleelmo qaab hufan oo
waddaninimo iyo karti dheeraad ah ku larantahay, waayo marxaladda Soomaalidu maantay marayso ciddii kasaari lahayd waxaa hubaal ah in ay la timaado karti iyo Soomaali jecayl iyo in dho furnaan ay kula jaan qaadi karto siyaasadaha isdiidan ee Soomaaliya ka jira min daraf ilaa daraf.
In dadka Soomaaliyeed ee mooday dalalka ay qariibka ku yihiin in ay iska leeyihiin in ay u diyaar garoobaan sidii ay u iimaan san lahaayeen in ay ku noolaadaan waaqiciga ka jira dhulkooda iyagoo qayb ka qaadanaya dib uheshiisiinta iyo dib ugu noqoshada dhulkoodii hooyo.
Dadku waa in ay yeeshaan yool iyo hammi waddaninimo, dulqaadna u yeeshaan dib u kabashada dhaqaalaha dalkooda iyo qaybna ka noqdaan soo celinta amniga, cammiraada iyo kaabayaasha asaasiga ah.
Maxamed Abdullahi ( Ildab)
Idab20@gmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

















ASC MARKA HORE UMADA DAASHAY HALOO DUCEEYO IN ILAAH MASKAXDA U FIYOOWOYO MARKA XIGA HALOO DUCEEYO SAXAAFADA IN ILAAH HANUUNKA TUSO SI AY U OGAADAN INAY LEEYIHIIN DALKAN IYO DADKAAN AAFADU KU DHACDAY MARKA SADAXAAD DAWLADA HALOO DUCEEYO DADKA SOOMAALIYEEDNA WAA INAY OGAADAN INAY QIYAAMO SUGAYSO NAAR IYO JANO QURBA JOOGTANA HALOO DUCEEYO KKKKKKKK INAYSAN KU DHIMAN QURBAHA ASC WRTL WBRKTU
mash,lah wlh qof waliba oo somali ah hdii uu sdan o kle ahan lahaa dalkeena rajo ayuu yeelan lahaa
, allow towfiqda na wafaji amn amin amin
ASC, dhamaantin,
@Xaawo, walaal, waa ku mahadsantahay ducadaada, aamiin ayaana leeyahay.
@ qoraaga mowduucan Maxamed Abdullahi, walaal, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay mowduucan aad nala wadaagtay, iyo waliba talooyinka wanaagsan ee aad siisay Dowlada Somaliyeed iyo shacabka Somaliyeed ee meel walba aduunka ku dayacan sida aad sheegtay. Runtii, waxa kaliya oo aan dhihi karaa waxeey tahay sideey xaqiiqda tahay ayaad sheegtay, waxaana rajeeynayaa sida aad kula talisay in shacabka Somaliyeedna eey gartaan in “aan heeybad ku leenahay dalkeena hooyo” oo aan asaga iimaansano, dhex joogna kuweena wali jooga. Kuweena dibadana in aan ku noqono oo aan maskax iyo maal wadankeena Hooyo galino, qofkasta oo Somali ah meeshuu uu doono dalka Somaliya. Dowladana sida aad kula talisay in eey abuurto jawigii eey dhibka dadka Somaliyeed ku heeysto wadamada badan ee aad sheegtay eey ugu badali laheeyd fursad, iyo in laga faa’iideeysto waxa hadadan la joogo dhib loo arko, laakiin laga dhigi karo fursad. Oo lagu dhiira galiyo dadka Somaliyeed in eey hantidooda wadankooda galiyaan. Amnigooda, iyo xaquuqdoona la dhowro. Kalsoonina dadka Somaliyeed laga dhex abuuro.
Ka shacab ahaana, waxaa nalaga rabaa in aan iska hilmaano waxyaabaha yar yarka (igamaha ahan in aan fududeeysanayo dhibka dadka Somaliyeed kala gaaray) laakiin, markii loo fiiriyo dhibka nagu soo socda sida uu uga daran yahay waxa aan soo marnay, hadii aanan tanaasul, isku turid, kala roonaansho, isjaceeyl, iyo wadaninimo aanaan la’imaan. Thank you.
Anugu waxaan ku darsan lahaa talo ah marka u horaysa ee amaanku soo wanaagsanaado in bal horta dadka reer muqdisho ee debada joogaa siiba raga sababta oo ah dumarku caruurtay sii haynayaan inay dadkii kula noqdaan waayo aragnimo iyo maalgashi. Dadka qurba joogtu way dhisi karaan dalka. Tusaale ahaan Somaliland markay burburtay dadkii dibadaha ka yimi wax weyn ayey u qabteen gaar ahaan xaga tacliin. Somalia iyadu waabay kasii naajis fiican tahay sababta oo ah waa dawlad la aqoonsan yahay oo aduunkuna raba in uu wax la qabto. Marka dadka Muqdisho sidaa sameeyo waxay role model ama harmuud u noqonaysaa dalka intiisa kale. Ogoow dadka soomalida ahi wax way qabsan karaan dalkooduna waa qani ee xaga maskaxda in laga dhiso iyo nabadgelyo un bey u baahan yihiin.
Saaxiibayaal, daleenna dhibaato ayaa ka dhacday waxxana gaystay dad soomaaliyeed sidaa awgeed dadkii dhibaatada gaystay waa in ay gogol u fidisaa soomaida kale oo ay si buuxdo raalli galin u bixisaa waayo xaar waxaa ay ahayd hooyadii dalka soomaaliyeed, dadkii soomaaliyeed ee degganaa ayaa dhiigooda iyo maakooda lagu xalaalaystay sideed suura galku tahay in aan u hunguriyoonno in aan wax la qaybsanno iyaga oo aanba diyaar u ahayn in ay raali galin bixiyaan isa markaasna wali xoog ku haysta hantiddii soomaalida ka dhaxaysay iyo tii gaarka loo lahaa, soomaalidu waxay tiraahdaa runta iyoiyo ilkaba waa la caddeeyaa, saaxibayaal maddoonayno inaan dib ugu noqonno wixii nasoomaray sidaa awgeed annaga oo aan soomaalinimada ka tagaynin waa in cad oo aan mugdi ku jirin soomaalidu u wada noolaataa taasi waxaa ay ku immaan kartaa in marka hore wixii dhacay mee la saaraa tusaale waa in wax la iska weydiiyaa hantidii soomaaliyeed sida warshadihii,taallooyinkii,maraakiibtii, diyaaradihii, iyo wax walbo oo uu qarankaan ahaa,teedada kale hantiddii shacabka soomaaiyeed iyo gummaadkii xamar ka dhacay waa in meea saaraa, haddii aanan sidaa la yeelin barrina waa ay sahlanaanaysaa in sidii ookale ay dhacdo,marka saaxibayaal aniga oo aanan cidna xumaynaynin qof walbo waxaa waajib ku ah in ku faaraa in aanay soonoqon wixii dhacay,waxaana taas ku hergalin karnaa iyadoo si hufan loo wada hadlo waxna la iska weydiiyo wixii dhacay iyo ciddii gaysatay.
ASC, dhamaantiin,
@Ali, walaalkeey, waxyaabo badan ayaad ka hadashay, waana ku maqalnay, wax xuna ma’ahan in la wadahadlo, oo la gartamo. Aan wadahadalno, waa aaan heshiino. Taas baana danteena ku jirtaa. Waan kula qabaa, in laga fikiro waxii dhacay, iyo dhibkii na kala gaaray, iyo wadankii aan iska qaribnay in eeysan mardanbe dhicin. Waana in si tiirar adag, oo maskax fiican ka timaaday loo dajiyaa dibuheshiisiinta iyo wada noolaanshaha. Marka anoo waxba ka qabin in sida aad rabto, eey Somali gar isku dhigato, hadana aniga shaqsiyan waxaa ila quman, in aanaan far isku fiiq fiiqin, wax lasoo dhaafay gocan, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in eey taas cusleeyso dib u heshiisiinta. Maxaa yeelay, qofkii hal far ku taaga cid gooni ah, waxaa dhic karta in dadkaas ayaga ahna eey Toban farood ku taagaan. We need to be forward looking, and not backward. We must unite and live with each other with dignity and respect. Thank you
Cadaado saaxiib waan ku fahmay, laakiin suura gal ma aha in aan laga hadlin wixii dhacay oo aanan farta lagu fiiqin ciddii gaysatay oo waiba ay qasabtahay in si buuxda loola xisaabtamo, saaxiib waxaa maqan oo la laayey shacab soomaaliyeed oo hab qabiil oo waliba ay bahdilaad ku jirto loo laayey, dhul iyo gobollo soomaaliyeed ayaa xoog lagu qabsaday oo haddana la bililiqaystay wixii hantii ahaa oo taallay, dad shacab ah oo soomaaiyeed ayaa gaajo loo laayey oo loo diiday in ay beerahooda fashaan, gabdho soomaaliyed ayaa qasab lagu guursaday taas oo ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaaiyeed, hantidii ummadda ka dhaxaysay ayaa xoog iyo bililiqo lagu qaatay oo waliba la yaqaanna dadkii qaatay warshadihii dalkeenna iyo taallooyinkii, saaxiib guryihii xamar kuyaallay ee ay soomaalidii la barakiciyey ay lahaayeen ayaa wali xoog lagu haystaa, saaxiib 23 sano ayaa la hortaagnaa in la helo dawlad soomaaliyeed oo waiba la yaqaanna cidda hortaagan, saaxiib ma waxad leedahay yaan arrimahaas iyo kuwo kale oo farabadan yaan la isweydiin, saaxiib haku tala galin in soomaali isu timmaadda inta la soo celinayo hantidii ummadda soomaaiyeed oo waiba magdhaw iyo raalli galin dhab ay bixinayso ciddii gaysatay gummaadkii iyo bahdilaadii loo gaystay qarankeennii saaxiib sida muuqato soomaali waa kala tashatay nin walbo awrkiisa ha qaado, gurigaada cadoodo ah ku ekoow iyada dhiso, aniguna waxaan dhisanayaa hoygayga puntland iyo jubbaland
nabadgelyo cadaadooy