Soomaaliland Oo Ka Digtay In Wadahadaladii U Dhexeeyey Soomaaliya & Soomaaliland Lagu Soo Daro Dad Kasoo Jeeda Deegaanadaas
Hargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay iney dib u bilaabanayaan wada hadaladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Soomaaliland Wasiirka Wasaarada arimaha dibada maamulka Soomaaliland Max’ed C/laahi Cumar ayaa magaalada Hargeysa Saxaafada ugu sheegay in dhawaan la amba qaadi doono wada hadaladii u dhexeeyey maamulka Soomaaliland iyo dowlada Soomaaliya ee soo bilowmay sanadkii 2012.
Max’ed C/laahi ayaa shaaca ka qaaday iney diyaarinayaan waftigii uga qeyb gali lahaa kulanka ay la yeelanayaan dowlada Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in maamulka Soomaaliland uusan aqbali doonin iney shirkaas ka qeyb galaan shaqsiyaad kasoo jeeda deegaanada Maamulka Soomaaliland oo matalaya dowlada Soomaaliya isagoona intaa ku daray in arintaas ay caqabad ku noqon karto habsami u socodka wadahadalada bilowga ah ee u dhexeeya iyaga iyo dowlada Soomaaliya.
Hadalka wasiirka ayaa u muuqda in maamulka Soomaaliland uu uga gol leeyahay inaan waftiga ka socda dowlada Soomaaliya aysan ka dhex muuqan shaqsiyaadka kasoo jeeda maamulkaas ee xiligan ka tirsan dowlada Soomaaliya waxaana ugu horeeya dadka uu hadalkani taabanayo Rwasaare kuxigeenka ahne wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo xligan horboodeysay siyaasada arimaha dibada wadanka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Soomaaliland ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan uu shaaca ka qaaday R/wasaaraha Soomaaliya iney dib u bilaabanayaan wada hadaladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ay hakad galiyeen doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay Wadanka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.
RBC Radio















Somaliland waa beel wax tabaneeysa dowladana xaq waxeey u leetahay beeshii wax tabaneeysa ineey qanciso lakiin marna yeeysan isgu dayin beelaha la dariska ah ineey afkooda ku hadasho ,
God bless to khatumo state.
Somalidu waxey tiraa Naag ninkeeda ayey ku qabiil tahay sidaas darteed Fowsiya somalida konfurta dagan ayey ku qabiil tahay bacdmaa ninkedii uu ka soo jeeday konfurta somaliya,sdiaas darteed shirka dowlada somaliya iyo maamulka hargeyso wey ka qeyb gali kartaa hadii dowlada somaliya wafdiga wadahadalada iga qeyb galaayo lagu daro,waloow aanan qabin anigu in lagu soo daro wafdiga bacdamaa gudaha somaliya arinku yahay oo wasaarada dibadeedku shaqo ku laheen oo arinku uu u yaal wasaarada arimaha gudaha dowlada somaliya.Mida kale maamulka Siilaanyo ee hada bur burka u socdo ka dib markii intii shirkada ku aheed sida beesha dhaxe beesha galbeed iyo beesha waqooyi ey dhaxdoodii ka tafan tahay oo dhagaheenu maqlaan reer zeylac qabiil maaha ee waa qaran anigu waxaanba qabaa in beel beel wadahadalka loola furo oo fursad la siiyo dhamaan beelaha waqooyiga somaliya ku nool oo aanan beel qura awooda gacanta loo gelin.
Soomaliland. Hadii. Ay rabto walaalnimo iyo dariswanaag iyo nabad waa inay lahadasho khatumo iyo putland sababtoo ah. Deris iyagaa la ah. Oo ganacsiga iyo amankaba uu kala dhaxeyaa ,xamar wax Lakala heshiiyo ma aqaano.
Qoraalka ama commentka qofku qoraa waa muraayad laga arki karo ama daalacan karo shaqsiyadiisa iyo heerka tacliintiisa. Waxaan u soo jeedin lahaa qolyaha meelaha wax ku qora ee sida indha la’ aanta ah wax uga qora Somaliland kuna sheega maamul qabiil kaliyi wato in ay ka waantoobaan in ay xaqiraan garashada (insulting ones intelligence) akhristayaashooda.
@Khatuma a.f Dadka aad wax u sheegaysaa waa Somali, somalina waa in is taqaan qadiyadda Somaliland-na waa laga dheregsan yahay oo arintu reer cadhooday way ka weyn tahay’e bal dhuldhacaaga u hubso. Xitaa qofka ajanabka ah ee aan u dhuundalolin arimaha mandaqada ayaa fahmi kara in arintu sidaad u dhigtay aheyn . Dadka Somaliland 90% way taageersan yihiin madaxbanaanidooda.
Foosiya shirka kama soo qayb gali karto sabata oo ah waxay leedahay laba jinsiyadood (Dual nationality) sidaa darteed looma baahna in ay shirka ka soo qayb gasho.
waa runtiis wasiirka qof reer somaliland ah oo ka ,ida xukuumada somaliya kama soo qaaybgali karo waa heshiiskii la wada galay markaa yaanay isku deyin inaay dad reer somaliland ah ku soo darto wadahadalka taas xasan shiikh waa looga digayaa!! tan kale wadahadalku aaakhirka wuxuu ku dhamaanayaa in afti loo qaado aqlabiyaduna waxaay u codaynayaan gooni isutaaga sababtoo ah 30 sano oo aanu ka mid ahaayn waxba xamar kama faaiidin hana ilaawin dad baa u haaysta in aftida reer xamarka laga qaadayo oo la weeydiinayo in aay somaliland godo iyo in kale ? adeer aftida reer somaliland baa laga qaadayaa gooni isutaag baana loo codaynayaa sorry xamar wax aay noo hayso ma jirto iyaguna gacmohoodaay isku baabiiyeen anagu ma baabi in markaas dantiina gartaa reer koonfuroow!
somaliland miyaa wax u yeedhinaysa dawlada somaliya waa yaab””””” aniga waxay ila tahay berbera, Hargaysa iyo burco ka hadala, dad u dhashay sededaa magaalo shirka ma iman karaan dhaha,lakiin idinku ma matashaan Sool, Sanaag, Cayn,Boorama iyo salal, khiyaaliga joojiya,,,, tan yare foziyana waa u dhashay iyo koonfurbaa i qabi jirtay jooji sheekadaa, hadaadan shaqada qaranka siday tahay u qabnayn ku noqo hargaysadii siilaanyo kaa soo caydhiyey..
baa islanahay ,maya aniga somaliya ma’ahi ee waxa ahay magacii uu iibixiyay Gumeysigii gaalka somaliland maya maya waar ( TONY BLAIR ) anagaa dhalnay wa marqaan
midgaha baa matalaya somaliya ayaga ayaa shirka u soo direenaa ka warama
Alleylehe kan xaqiraya garashada dadka waa kan raba inuu dadka ka dhaadhiciyo iney jirto wax la yiraahdo qadiyad somaliland oo aan ku salaysneyn qabyaalad iyo hal qabiil oo carooday! oo hadaa maxay kaloo ku salaysan tahay? Maxaase ka dhigay hal qabiil inuu u ololeeyo goosasho dhul ay dagan yihiin qabaa’il badan? Dadka waxaa ugu daran kuwa qabyaalad xun oo urkeeda qofkay soo ag marto haduusan dhiman uu suuxayo intey mara xun oo daldaloosha oo foolxun soo saaraan raba in Soomaalida kaliya maahee caalamka ka gada.
Soomaalidu maahan dad wadaaga hal diin, hal madhab, hal luqad, hal jinsi, iyo hal dhul maantatadan kaliya, ee waxay ahaayeen sidaa kumanaan sano ka hor. Qoraagii Muslimka ahaa ee Al-idriisi oo noolaa ku dhawaad 1000 sano ka hor ahaana qoraagii ugu horeeyey caalamka oo si faahfaahsan wax uga qora Juquraafiga caalamka, wuxuu ku sheegey buuga uu qoray (Nuzhat alMushtaaq fii Ikhtiraaq alAafaaq) in magaalooyinka yar yar ama tuulooyinka raacsan magaalada weyn ee Berbera ay ka mid ahayd Marka. Badmareenkii caanka ahaa ee asna Muslimka ahaa ee ibnBatuuta noolaana ku dhawaad 800 oo sano ka hor booqdayna dhulka Soomaaliya wuxuu si cad u sheegey in dad isku sinji ah, isku diin iyo luqadna ah ay dagan yihiin inta u dhaxaysa magaalooyinka Zeylac iyo Muqdisho, isagoo markaas ka hadlayay magaalooyinka waaweyn.
Dadka halka qabiil ka soo jeeda ee u ololeeya kala goynta dhulka qaaliga ah ee ab looga harka iyo dhaxal awow ga ah waxa ugu weyn oo ay ku andacoodaan yaabka yaabkiise waa gumeyste kala duwan baa nakala gumaystey ka dibna anaga hortiin naga kacay dhawr bari ka hor. Dadkaas waxay iska indha tirayaan ama siday u badan tahay jaahil ka yihiin in Somalia aysan ahayn dalka iyo dadka kaliyaa oo gumeyste kala duwan uu kala goo goostay. Dalka maanta ugu quwada weyn caalamka ee USA waxaa gumeystey British, Spanish, French iyo Duch, laakiin dadka Maraykanku dhulkooda siday midba maalin u xoraynayeen oo ay u midoobayeen ayay ku soo gaareen meesha ay maanta joogaan. Sidoo kale wadanka labaad ee ugu xooga wayn caalamka maanta China waxaa gumeystey British, Russian, Japanese iyo German, laakiin dadka Shiinuhu dhulkooda siday midba maalin u xoraynayeen oo ay u midoobayeen (waxaa ugu danbeysey Hong Kong oo xorowdey lana midawdey China 1997) ayay ku soo gaareen meesha ay maanta ka joogaan.
Arimaha Somaaliay waa in ay ka hadlaan dadka hanka wayn oo raba Soomaaliya inay maalin maalmaha ka mida noqoto sida USA iyo China, lagana mamnuucaa iney wax kudarsadaan arrimaha Soomaaliya kuwa hankoodu yahay inay Soomaaliya ahaato siday tahay maanta ama haday ugu badato sida Ruwanda iyo Burundi oo Hutu iyo Tutsi laba magaaloo yar yar loo kala gooyey 10 ama 20 sanoo kastana is gumaada.
Barwaqo
Comments kaaga wax badan ayaan arkey oo qof wax garad ah ayaad tahey oo macquul ah. Waan ogahey in Somaliland arrinteedu ka culustahey sida dadka qaar u dhigayaan. Waxaan kaloo ogahey inaan la qasbi karin haddey aqlabiyaddu gooni isku taagga dooneyso. Laakiin waxaan qabaa in dowladda soomaaliyeed ay xilligaan ku tahey deg deg iyo waqti hore iney Somaliland la gasho wada hadal lagu go,aaminayo masiirka gobolkaas!
Is xog wareysi iyo abuuritaan jawi isku soo dhowaasho ah waa in arrinta laga billaabaa marka hore. Kabacdi Koofurta ay kasoo baxdo dowlad shaqeyneysa oo shacabkeeda maamusha waa in lala sugaa go,aan qaadashada noocaas ah.
Xataa ma qabo anigu iney wax macno ah sameyneyso wada hadal lala galo Somaliland inta Puntland ay tahey maamul gooni u taagan oo bar bar socda dowladda.
Haddey Puntland hoos timaado xakunka Muqdisho oo Jubbooyinka iyo gobollada kaloo dhan hoos yimaadaan, oo laga maarmo Amisom unbaa Somaliland lala geli karaa wada hadal far waaweyn wax la iskugu dhigayo oo ama lagu kala tegayo ama lagu wada joogayo. Inta ka horreysana waa iney labada qolaba ku qancaan is akhbaarsi iyo bariido wanaagsan iyo wax wada qabsi intii suurto gal ah.
haddiise iyadoo dowladdu aan weli Koofurta hanan laga filo wax ka baddalan is wareysi waxaan u maleynayaa ineysan suurtoobeyn.
marka jawiga sidaas ah macno weyn kuma kordhineyso in wefdiga ay ku jiraan xubno Waqooyi ah iyo ineysan ku jirin.
Midnimada iyo kala go,u waa iney noqdaan kuwo bulshada soomaaliyeed dhammaanteen taladeeda ka qeyb galaan. Qolo gooni ay u khuseyso ma jirtee dadkoo dhan ayey khuseysaa.Waxaana lagu xallinayaa sida qancisa majoritiga dhammaan bulshada soomaaliyeed. Haddii loo baahdo afti halla qaado.
Iska hadlow ina igarre
Somalia waa mid. Qabiilkii dhulka ama degaannada Somaliya u fasira qabiil deetana yidhaa afti baan ku goosanaynaa dee taasi waa khiyaano qaran.
Somalidu waa inay fahamtaa
Dalka Somalia ciiddiisa iyo baddiisa iyo khayraadkiisa waxaa wada jir u leh Somalia.
Beelna ma gadi karto, oo ma hebayn karto, kama jari karto dhulka Jamhuriyada Somalia
SNM waxay gashay khiyaano qaran.
Ciddii ku taageerta sida most of Somaliya media outlet waxay kaleen khiyaano qaran marka ay aqbalaan in beel taariikhda iyo midnimada Soomalia ku qaybiso.
Xalka Maamulka SNM ee hargeysa.
1- Maamulka Khatumo State
2- Maamulka Awdal State
3- Maamulka Saylac, Lughaye iwm.
Waxaa soo hadhaya saddex magaalo oo habraha fadhiyaan:
Hargeysa
Burco
Berbera
Saddexdaas Magaalo waxaa la siinayaa muddo saddex bil ah inay maamulka ku soo wareejiyaan.
Haddii ay diidaan, dadku waxaa la odhanayaa ha xagaa baxeen inta wakhti xagaa lagu aadiyo.
Deetana weerar saacad ka badan ku qaadan mayso Somalida qabashadeeda.
Kooxda mooryaanta SNM waxay iska dhiibi lahaayeen London sidii kuwii iyaga dhalayba ay British Shipyard duud xamaal u ahaayeen.
Dabadeed Dawladda Somaliyeed waxay ka xayuubinaysaa Somali Citizenship iyada oo ka dhigaysa
Most wanted criminal fugitives. Interpols ayay magacyadooda dhigaysaa.
Haddii aan sidaa la yeelin oo aan la karbaashin SNM muranka dhaafi mayaan.
Hargeysa Somali baa iska leh
Dadka Koofurta dalka deggan way ogyihiin conflict iney la galaan Somaliland ineysan aheyn arrin shaqeyneysa. Laakiin qaar badan oon anigu ku jiro waxey qabaan in haddii Koofurta lagu soo celiyo kala danbeynta iyo nidaamka oo ay u muuqato meel ku habboon in wax lala wadaago ee markaas afti laga qaado Somaliland iney dhci karto in la helo majority midnimada u diyaar ah.
Ka hor waa in la helaa waqti waafi ah oo bulshada soomaaliyeed isi sii wareysato oo ka dooddo arrintaas.
Waxaan aad ula yaabaa dadka qaar oo Somaliland markii laga hadlayana kula hadlaya lahjad kulul oo usha u gil gilaya, dhanka kalena sameynaya wax kasta oo lagu wiiqayo in Koofur ay ka hir gasho dowlad adag oo shaqeysa! Waa labo fikradood oo si toos ah isku duqeyneysa,laakiin logic ga qabiilku waa logic cajiib ah oo aysan muhim aheyn inuu isku hal dhinac u socdo!
Qofka soomaaligaa waxaa ku dhex loollamaya logic ga qarannimada iyo kan qabiilnimada.
Wadaad yare
Taladaada waxaan u arkaa mid macquul ah marka laga hadlayo in la sugo dawlad adag oo Somalia ka dhisanta insha Allah waxaan rajaynaynaa in Xasan Sheekh arintaa ku guulaysto, balse aan qodob kuugu dara’e kama fursanayso in afti la qaado, aftiduna waxa laga qaadayaa dadka reer Somaliland ee kuma jirto Somalia.
adeer loo joojin maayo reer muqdisho codka go idana anaa ugu horeeya oo ucodeeyay go take s\land freedom next p\land somaali ismataqaan moor yaana loo joojimaayo go barwaqo i help you kkkkkkkkkkkkkkk if alah say insha alaah i hope good luckly
Wadaad yare
Qolyaahaa aad sheegtay ee markay Somaliland maqlaana lahjada kulul ku hadla markay Somalia notana lugta jiidaya waa kuwa aanu ka goosanayno horana xukunkoodii noogu xasuuqay!
Kismaayo 33
Taladda xun ee aad soo jeedinaysaa waa tii hore kuu halaagtay ee kacaankii ku jabay. lahjadaada iyo caqliii xumaa ee aad Somaliyadii dhisnayd ku burburisay ayaan halkaa ka garanayaa oo waxaad tahay qolyihii 1977kii Hargeysa ku soo qaxay ee laga dhaadhiciyey in aad dadka reer Somaliland xasuuqdaan oo dhulkooda qabsataan. Maantana tii oo kale ayaa wadaan oo waan maqlayey meelo aad sidii oo kale rabtaan inaad boobtid! Maad ka waantobi taladaa xun ee hore somaaliyi hore ugu soo jabtay? Horaa loo yidhi qofku meesha aanu wax ku lahayn burburkeeda kama naxo, haatan adigu sadexda Somaliyeed ee xorta ah waxba kuma lihid wixii burburayana dan kama lihid.
Wadaad yare@ hadii ey soomali oo dhan aqoontaas iyo garashadaas leeyihiin mar hore ayaq umad mideysan la heli lahaa, balse nasiib daro waxaa jiro kuwo iska dhigo in ey midnimo somalia raadinayaan amaba difaacayaan balse ay caadif qabiil iyo isir neceyb dartiis meelahaas uuga qeylqeylyaan, anaga hadii aan reer koonfur nahay ummada reer somaliland wanaaga iyo horumarka ey gaadheen waa aanu u qireynaa, hadii ey midnimo diyaar u yihiib iyo hadii eysan u eyeynba mar walbo wanaag ayaa naga dhexeeyo, cida iska dhigeyso in somalia jecelyihiin hadeertona calankii buluuga ahaa ku fake ah barbar dhigey labada kaas ayaa daran.Asc
barwaaqo
waqooyi 5 qabiil oo dega ayaad mid ka mida tahay kaas uun u hadal waqooyiga kale wadaad yare kama xigtid waayo waa isku soomaali cid gooni idiin caydhsanaysana ma jirto xasuuqii 1988 dawlad soomaaliyeed oo xataa reer hargaysa ku jiraan baa sameeyey hal qabiil idinkuma samayn ee caatifada yar ee caatada ah jooji maantana ii sheeg gobolka soomaaliyeed ee aan xasuuq ka dhicin oo aan la laynin dadkiisa iyaguba saw ma dacwoon karaan wlaalo dab 22 sano shidnaa baa la rabaa in si caqli ah lagu damiyo mana aha macquul qarnigan 21 in hal qabiil uu yidhaahdo dawlada baan noqonayaa
@wadaad yare
aboowe mid baa ah wax hubaal ah oo soomaaliya ka jirta maanta taasina waa in aysan jirin wax la yidhaahdo waqoyiga soomaaliya oo is raacsan iyo wax la yidhaahdo koonfurta soomaaliyeed oo is raacsan weligeedna ma dhicin waayo maalintii gobanimada aynu qaadanay soomaalidu inay xoroeday uun bay u dabaaldegeen oo wax waqooyi iyo koonfur u kala socday ma jirin markaa markaad qadiyadaa ka hadlayso haw isticmaalin waqooyi iyo koonfur markastana ku xisaabtan in waqooyiga soomaaliya uusan matalin maamulka siilaanyo oo ay jiraan degaano uu ilaa hada siilaanyo ku hayo xasuuq barakicin iyo dagaal joogto ah nidaamka hargaysana kama masuul aha degaanada kale ee waqooyi waxuu u hadli karaa degaanada beesha dhexe uun
Barwaaqo
Waxaan qabaa in aragtiyada xag jirkaa la ignore gareeyo. Waxaanan rajeynayaa in soomaalidu u bisishahey iney ama midnimo raalli lagu wada yahey ama kala bax raalli lagu wada yahey la gaari doono. Cid la qasbi karaa meeshaan ineysan jirin qofkii aqli leh wuu fahmey,jaahilna warkiisa kuma jirno.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa adhi daasad Kama ilboxo.inka badan labaatan sanadood ayaa dadka nidaamkaa hargeysa taageera been lagu qulaaminayey markaa layaab ma ay leh haday ku dheganaadaan wixii mudada intaa le,eg lagu akhriyayey.waxaase wax lala yaabo ah dadkani xitaa miyaanay wax akhriyin?!waayo haday wax akhriyaan wax badan way ka dawoobi lahaayeen.aduunyada sharciyaa maapmula gaar ahaan arimaha qaranimada ama(sovereignty) waxa la yidhaahdo highest body waxa weeyaan United Nations security council ,iyaguna hadal kasta oo soomaliya kusoo qaadaan waxay ugu hormariyaan in (somalia’s unity territorial integrity and political independence )ay tahay lama taabtaan.waxaa u dambeeyey kii october 2012 .markaa waxba yaan lagu xiiqin beentoodaa ha ku seexdeene.waxaan u nasateexayn lahaa uun qorayaasha webkan raxanreeb oo runtii ah Kuwa ugu standard ka fiican webabka soomaalida inay aad uga digtoonaadaan inaanay ku dhicin dabinada gooni goosatada hargeysa. Tusaale ahaan phraseka (Somalia &somaliland)ma aha hadal sax ah iyaga ayaana allifey si ay ugu ekaysiiyaan in laba wadan ay wada hadlayaan halka caalamka oo dhamina uu u haysto dawlada soomaliya Iyo gooni goosato ama saparatists oo wada hadlaya.
somaliland aftida gooni isu taaga horaan nu u samaynay waanu isku raacnay intayadii badnayd,aduunkana codka badan baa la qadariyaa,ninkii isleh markaa reer hebal baad matashaan ama qolaa qabiil diidan adeer macnaha dawlad nimada fahma cid kuu joojinaysaa ma jireena nin dadka badidiisa wata oo ay adeecsanyahiina ogow wallaal waxuu ku dhaamaa ma jirto.
barwaaqo iyo wadaad yare
hadalku intaa aad tidhaaheen buu ku dhanyahay , qoladan kale ee caadifada iyo qabyaaladu dilootay , wakhti iskaga khasaarayn maayo u jawaabistooda…….waad mahad santihiin
laasqoray boy
saaxiib waan kugu raacsanahay fikirkaaga, runtii anigu garan maayo dadkani inay isyeelyeelayaan iyo inay sidaasi dhab ka tahay !!!!! si kasta ugu sheegnay haddana way soo taagan yihiin…….kkkkkkkk
SOOMAALI waa (race) ama (ciriq) oo soomaali waynu wada nahay , kamana go’i karro oo waa dhalan , quruuntaa ama ummaddaa SOOMAALIDA la yidhaahdaa waxay degtaa dalal badan sida itoobiya , kenya , jabuuti , IYO somaaaliya IYO somaliland………it’s nothing to do with qabiil……….isaaqa dega itoobiya waa soomaali laakiin dalku waa itoobiya , daaroodka dega itoobiya waa soomali laakiin dalku waa itoobiya……kenya la mid jabuuti la mid………..cilmi badan uma baahna
haddii somaaliwayn la doonayo , maaha in laga doono british somaliland iyo italian somaliland…..meeday nfd ogaadeeniya ?, meeday jabuuti? , meeday soomalidii kenya iyo riseef area?
meeday somaliwayntan ay nagu wareeriyeen dadkan aad muuddo inay dhasheen 1991 iyo wixii ka danbeeyay !!!!!! ????
sideedba soomalilland waa dhul ee qabiil maaha soomaliyana waa koonfur iyo waqooyi, hadii ay jiraan dad raba iney soomalinimada diidaan oo midnimada diidaya, dadna ay doonayaan midnimada waxaan anigu qabaa in xor loo yahay mooqifka ama araagtida qof waliba qabo balse cid oran kartaa majirto ila go’ oo midnimada diid waa xor oo midnimuu doonayaa inuu meel keligii ku oodnaado madoonayao, tan albaad anigu waxaan qabaa cidii saxiixdey hadey ka noqoneyso iyo hadey danmoodo ineysan keli wax ku noqon karin ha soo raacdo soomaliweyn anaguna waanu soo dhoweyneynaa, tan ah dadka u dhashey soomalilland kama soo qeyb geli karaan ahdey dowlada la shaqeyaan waa in asagana loo sheegaa ineysan ka soo qeyb geli karin dadka khaatumo u dhashey balse maamulkaas la shaqeeya ee ay goobta yimaadaan dadka saxiixey goosashada waa fikirkeyga.
Khadiija
Waa figrad wanaagsan waana sida saxda ah….well done
khadija
waan kugu raacsanahay oo waa runtaa in cid lagu qasbaa ila go waa khalad , meeshana ma taalo….markaa miyaanay ahayn in dadka u dhashay somaliland in laga qaado afti oo dhinacii loo bato lagu kalsoonaado oo la raaco?
tala labaad miyyaad diidantahay in wixii laysku odhan jiray jumhuuriyada dimuqraadiga somaaliya ay ka koobnayd laba dal oo isku darsaday ( british somaliland iyo italian somaliland)……haddii aad leedahay taasi may jirin dee walaal waxaad u baahan tahay inaad adiga oo aan cidna wax waydiin aad baadhitaan samayso……google garee….kkkkk
hay odhan xudduudan gaalaa samaysan!!!!!! africa iyo asia iyo caalamkaba xudduudda u dhaxaysa isticmaar baa sameeyay , xudduudda jabuuti yaa sameeyay ? maxaad u yeeshay in soomaali la kala jaro? bal ka jawaab…..
haddii aad leedahay annaga reer kayagu wuxuu ku badan yahay italian somaliland oo british somaliland waxaanu ka noqonaynaa minorty dee , isaaqa dega itoobiya waa minorty , kuwa dega jabuutina waa lammid , daarood kadaalik……..arintu maaha qabiil iyo qabyaalad ee waa international borders……..haddii aad leedahay somaliwayn ha la doono oo shantii ay u taagnayd xiddigta calanka buluuga ah ha laysu keeno waa ok……waanaan ugu horeeyaa , laakiin labadan iska laalaada baan isku qasbayaa ilaa yoomul diin , dee inaadeer hadal maaha…….
tan khaatumo anigu waxba kaa odhan maayo
waad mahadsantahay
Waxaan qabaa anigu dadka u maleeya in arrintu jiqdaas uun iska ahaaneyso weligeed oo lagu jirayo “i jiid aan ku jiido” ineysan aheyn waaqici ee ay caadifad yar oo carruurnimaa uun wax ku qiimeynayaan. Anigu waxaan jeclahey in dalku mid ahaado, waxaanan u arkaa in xooggeenna iyo maqaamkeenna ummadnimo sidaas ku hagaagsanyihiin. Caadifiyan aad bay ii dhaawaceysaa inaan qeybtaas weyn oo joqoraafi iyo dad ee dalkeenna iyo dadkeennaba ka mid ah aan weyno oo khariiddada sevenkaa la la fool xumeeyo oo laga dhigo meeshey hangoolka uga ekeyd ul dhuuban.
Hase ahaatee haddana waxaan ahey waaqici aan riyo ku nooleyn oo waxaan ogahey in uu jiro wax la yiraahdo “rabitaanka dadka deggan dhulkaas iyo rabitaanka beesha caalamka”.
Haddaad dooneysaan in saameyn posative ah aad ku yeelataan labadaasba rabitaankooda waxa ugu horreeya oo la idinka rabo waa in la joojiyaa daadadka lagu soo fatahayo dowladnimo koofur ka hano qaadda. Iyadoo weliba lala kaashanayo dalalka deriskaa oo diiddan in xataa Koofurtoo is heysataa cagaheeda isku taagto.
Wareysigii Dr.Cali Khaliif dib u dhegeysta
Hal su,aal dhexdeed ayuu ku sheegayaa in dowladaha deriskaa haddey heli karayaan aysan oggolaaneyn Goballada Jubbooyinka oo Muqdisho laga xakumo! Laakiin isla jawaabtii ayuu wuxuu ku yiri: “waxaan qabaa in gobolladaas dowladdu faraha uga qaaddo dadka meeshaas deggan iney maamulkooda u dhistaan sidey doonayaan”!
Qabyaaleystayaalku wax dareen ah uma lahan sida hadalkaasi isku burinayo oo uu isku duqeynayo, sababtoo ah way xadreysanyihiin!
Dadka qabyaaleystayaashaa oo leh Igad(Itoobiya iyo Kenya) ayaan uga kalsoonnahey dowladda Soomaaliyeed halloo daayo muraadkooda miyuusan ka dhigneyn labada dowladood ee Kenya iyo Itoobiya halloo daayo muraadkooda ah inaan Kismaayo Muqdisho laga xakumin?
Dadkaas yaa ilaalinaya midnimo soomaaliyeed oo lagu aamminayaa miyaa? Mise kan doonaya inuu Koofurta kusoo celiyo gacan dowlad soomaaliyeed, Waqooyina soo dhaweeyo oo si walaaltinnimaa oo niyad sami ku jirto ula doodaya?
Halla kala saaro xinifta iyo xurgufta qabyaaladda iyo danaha qarannimada.
Xinif qabyaaladeed nalakuma qaldi karo oo raadin dan qaran nalookama dhigi karo waanan ka weynaanney.
Gaasira
Horta oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye hadaan isku dayo in aan hadalkaaga kaaga jawaabo:
1. Somaliland waxa dega shan qabiil sida adba aad u sheegtay 90%-na waxay taageersan yihiin jiritaanka Somaliland.
2. Aan runta kuu sheege Wadaad yare Somaliland oo dhan kama xigo waayo waa nin Somali ah ee bal taana ogoow anigu SOMALINIMO ma diidin, ee gooni isu taag ayaan rabaa,somalinimadda qofka ugu horeeya ee difaacana waan ahay sababta oo ah dee jinsi kale oo aan noqon karaa ma jiro oo Alle ayaa iga dhigay Somali Allxamdulillah.
3. 1988kii xasuuqii laygu sameeyey dadka soomaaliyeed ima xasuuqin xaasha lilaah nin aan dambi iga galina saari maayo, ee waxa i xasuuqay nidaam qabyaali ah oo loo adeegsaday ciidankii xooga qaranka ee canshuurtii layga ururinayey lagu dhisay oo ay ahayd in uu xasiloonidayda dhawro maadaama aan ahaa muwaadin somaliyeed oo jacayl uu soomaalinimo u qabo calankiisii iyo dawladnimadiisii ku darsaday walaalihiisa koonfurta 1960-kii. Madaxda sarsare ee cidamadda hogaaminayeyna waxay ahaayeen nidaamkaa qabiiliga ah kuwo u adeegayey.
5. Ha is barbar dhigin xasuuqa ka dhacay gobolkasta oo somaalia ka mid ah iyo kan Somaliland! sabatuna waxay tahay sidan: Somaliland waxa xasuuqay dawlad dhisan oo ah dawladii dalka ka dhaxaysay ee aan ka midka ahaa amaba ku darsaday dawladaydii halkii ay dadkeeda xaquuqdiisa siin lahayd, amaankiisana ilaalin lahayd. Xasuuqaas siyaasada ka dambeysayna waxay ahayd in dhulka Somaliland dad kale lagu beero (taasi waxay ahayd siyaasad dhicisowday qofkii doonaya in uu wax ka ogaadana wuu baadhi karaa arintaa)
Haa gobol kasta oo soomaaliyeed xasuuq wuu ka dhacay xasuqaasna wuxuu ahaa xasuuq ku yimi dagaal dhex maray qabiilooyinka oo daba dheeraaday oo ay keentay xumaantii dawladii dalka ka talin jirtay iyo dawlad la’aantii dalku ku jiray mudo 22sano ah.
6. dabka 22 sano shidnaana aniga ayaa kow ka ah damintiisa iyo in la taageero dawladda rasmiga ah ee Xasan sheekh, arinta ah qabiil qarnigan 21 dawlad noqon maayana, hadii qabiil kaliyi rabo in uu dawlad noqdo horta u suuroobi mayso oo anaaba markhaatiga kuu furaya, balse Gaasiraay 90% reer Somaliland gooni isu taag bay raabaan oo qabiilooyinka oo dhami way isku raaceene iyama guushu raaci ma aqlabiyada mise 10%-ka mucaaradka ah? Jawaabta adaan kuu dhaafaya ileen is khasab ma jiree.
Barwaaqo
waxa aan isku haysao waxa weeye sxb Yaa reer somaliland ah? Ma waxaa la qasbayaa dad aan rabin gooni isu taag .
Illeen sidaan ognahay qorshan waxaa wata waa qabiilka Hargaysa.
Xiis
Xaraam umad dhan ha ku odhan waa beenalayaal, been iyo higsina ama in dadku rabitaankooda gaadhana (aspiration) kala saar! Waxaad noo sheegtay hadaan akhriyey dulucda qoraalkaaga ( I read between the lines of your writing) inaad wax akhrido, ma la socota in dhawaan Scotland qabanayso afti (referundum) oo ay ragaynayso in ay gooni uga go’do UK?
Somalia waxaa loo diriray isir ahaan oo ilaa maantana loo dirirsan yahay. Looma diririn Waqooyi iyo Koonfur (ingiriis & talyaani) ahaan.
Sidaas darteed waxaan aamin sanahay haddii ay go’ayso Somaliland in aan laga maarmeen in afti nadiif ah oo uu adduunka goobjoog ka yahay laga qaado dadka daga goboladaas loogana qaado si isir ahaan ah, si loo ogaado qabiil kasta inta ugu badan dhinaca ay rabaan, sababaha soo socda dartood:
1. Somalia waxaa la isku hayaa isir ahaan.
2. Waxaa jira dad u dhashay gobolada Waqooyi oo midnimodoon ah, kana kooban dhamaan qabiilada daga goboladaas inkastoo la aaminsan yahay in ay u badan yihiin Dhulbahante iyo Warsangali.
3. Waxaa sharci ah xaqna ay u leeyihiin muwaadiniita in laga qaado afti, sidaas darteed waxay u muuqataa Somaliland in ay marayso marxaladdi uu maray dalka South Sudan si ay u go’do.
Hadii aan saadaal ka bixiyo sida ay uga jawaabeyso dowladda federalka shuruudda ay la timid Somaliland, waxey noqoneysaa sidaan:
Dowladda federalka waxey ku oraneysaa Somaliland- Qabiilada daga Koonfur hawl utaalo ma ahan, ma horistaagi karaan mana hortaagna in Somaliland go’do.
Somaliland in ay go’do waa hawl utaalo dadka daga Waqooyi, iyagaana hor istaagi kara sidoo kalena hortaagan in ay Somaliland go’do, sidaas darteed lagama maarmi karo wadahadalka in ay soo galaan dad u dhashay Waqooyi oo midnimodoon ah, sababta oo ah majiro wax ka dhaxeeya Koonfur iyo Somaliland oo ay kawada hadlayaan.
Sida runta ah, wadahadalka wuxuu u dhexeeyaa Waqooyi.
Koonfur waxey meesha ka tahay oo kaliya dacwad-dhageeste iyo gudbiye. Waxey Koonfur dacwada u gudbineysaa Q.M. (Qaramada Midooway) oo dabadeed amraya in la qaado afti haddii laga maarmi waayo.
Abshir X.
Obshannada ku saabsan qadiyadda Somaliland oo na hor yaalla:
1. In ciidan inta lagu bixiyo xoog lagu soo xero geliyo! Iima muuqato taasi.
2. In lasoo dabaalo majority R/Somaliland ah oo midnimada lagu qanciyo! May be.
3. Iney iska ahaato sida hadda xaalku yahey oo Somaliland ku status noqoto Taiwan iyo Kosovo.
Taas danbe aad ayey u dhici kartaa iney waqti sidaas sii ahaato,haddeysan soo bixin daneyn dowladaha waaweyn daneynayaan in la kala gooyo somaliya.
Wada hadalladu waqti dheer iyo is wareysiyo badan ayey qaadanayaan.
Waxaa iska cad in wada hadaludu aanay 2 dhinac midna natiijo wanaagas u lahayn sabatoo ah mawqifkooda oo aad u kala durugsan, sidaa awgeed waxay u muuqtaa in xaalad i jiid aan ku jiide ah(iska lulasho) mud dheer lagu jiri doono.
aakhirka dhinaca koonfurtu waxaa khasab ku noqon doona in ay fahmaan in aannay aduunka ka jirin midnimo & jacal khasab ah. afti guud oo lagu xaqiijiyo rabitaanka dhabtah ee dadka degan Somaliland beesha caalamkuna goob joog ka tahay waa xalka kali ah ee lagu heshiin karo laguna kala bixi karo…I jiid aan ku joodo waa gacmo daalis
Waxaa iska cad in wada hadaludu aanay 2 dhinac midna natiijo wanaagas u lahayn sabatoo ah mawqifkooda oo aad u kala durugsan, sidaa awgeed waxay u muuqtaa in xaalad i jiid aan ku jiide ah(iska lulasho) mud dheer lagu jiri doono.
aakhirka dhinaca koonfurtu waxaa khasab ku noqon doona in ay fahmaan in aannay aduunka ka jirin midnimo & jacal khasab ah. afti guud oo lagu xaqiijiyo rabitaanka dhabta ah ee dadka degan Somaliland beesha caalamkuna goob joog ka tahay waa xalka kali ah ee lagu heshiin karo laguna kala bixi karo…I jiid aan ku joodo waa gacmo daalis
Somalia waxaa loo diriray oo ilaa maanta loo dirirsan yahay isir ahaan. Looma diririn Waqooyi & Koonfur.
Sidaas darteed, waxaan aamin sanahay haddii ay go’ayso Somaliland in aan laga maarmeen in afti nadiif ah oo uu adduunka goobjoog ka yahay laga qaado qabiilada daga gobolada waqooyi, loogana qaado si isir ahaan ah, si loo ogaado qabiil kasta tirada ugu badan dhinaca ay rabto, sababaha soo socda dartood:
1. Somalia waxaa la isku qabtay oo la isku hayaa isir ahaan.
2. Waxaa jira dad u dhashay gobolada waqooyi oo midnimodoon ah, kana kooban dhamaan qabiilada daga goboladaas inkastoo la aamin sanyahay in ay u badan yihiin Dhulbahante iyo Warsangali.
3. Waxaa sharci ah xaqna ay u leeyihiin muwaadiniinta, in laga qaado afti, sidaas darteed waxay u muuqataa Somaliland in ay marayso marxaladdi uu maray dalka South Sudan si ay u go’do.
Haddii aan saadaaliyo sida ay dowladda federalka uga jawaabeyso shuruudda ay la timid Somaliland, waxey noqoneysaa jawaabta sidaan:
Dowladda federalka waxey ku oraneysa Somaliland- Qabiilada Koonfur daga hawl utaalo ma ahan, ma hor istaagi karaan mana hortaagna in ay go’do Somaliland.
Somaliland in ay go’do waxey hawl u taalo tahay oo is hortaagi kara sidoo kalena hortaagan, qabiilada daga gobolada waqooyi, sidaas darteed lagama maarmi karo in ay wadahadalka ka soo qeyb galaan dadka midnimodoonka ah ee u dhashay gobolada waqooyi, sababta oo ah majiro wax ka dhaxeeya Koonfur iyo Waqooyi oo ay kawada hadlayaan.
Sida runta ah, wadahadalka wuxuu u dhexeeyaa Waqooyi.
Koonfur waxey meesha ka tahay oo kaliya dacwad-dhageyte iyo gudbiye.
Waxey Koonfur dacwada u gudbineysaa Q.M. (Qaramada Midooway) oo dabadeed amrayo in la qaado afti haddii laga maarmi waayo.
Wadaad yare
aniga ma soo hadalqaadin maqanuunin.
Waxaan sheegay dowladda federalka in ay dacwad-dhageyste ka tahay meesha oo uusan wadahadalka quseen Koonfur.
wadahadalka wuxuu u dhexeeyaa sida runta ah qabiilada daga gobalada waqooyi laakiin maa’damaa Somaliland ay kamid tahay Somalia ayaa keentay in dowladda federalka soo gasho wadahadalka.
Waxaana in ay dowladda federalka sidaas yeesho ku amray caalamka oo ka sugaya dowladda federalka in ay u soo gudbiso aragtida midnimodoonka iyo midnimodiidka ee gobolada waqooyi.
Waxey marka ku dambeyneysaa haddii la ismari waayo, in afti laga qaado qabiilada daga goboladaas loogana qaado isir ahaan si loo ogaado qabiil kasta tirada ugu badan dhinaca ay rabto maa’damaa la isku hayo isir ahaan dadkuna is dhexdagin.
Barwaaqo
Horta jawaabtaadan imminka ayaan arkay oo commentiga hore markaan soo geliyey kadib maanan eegin waanad ku mahadsan tahay.ugu horayn horta Scotland waa meesha aan ku noolahay infact waxaan deganahay caasimada edinburgh markaa wax lays barbar dhigi karo maaha dhawr arimood dartood : waa ta koobaade Scotland waa proper functioning democracy oo u ogolaanaysa all citizens equal rights ama xuquuq siman tusaale waxaa u ah in baarlamaanka Scotland uu ka kooban yahay dadka taageersan midnimada uk Iyo Kuwa doonaya inay Scotland ka go,do ingiriiska iyadoo waliba hada ay Scotland ka taliyaan qolada goitaanka rabtaa. Waxay taasi xaq u siinaysaa labadii dhinacba inay si siman casekooda u sharaxaan gudihii dawlada Iyo debedeedaba. Markaa isbarbardhigaagu wuxuu sax noqon lahaa hadii jaamac maxed qaalib ,Cismaan kaluun,professor axmed ismaaciil samatar Iyo inta kale ee lamidka ahi ay gudaha baarlamaanka somaliland Iyo albaabkiisa uga campaign garayn kari lahaayeen midnimada soomaliya sida qolada goitaanka rabtaaba ay imminka somaliland xaqa ugu leeyihiin. Qodobka labaad marka wadan kala goayo waxyaabaha ugu horeeya ee la eego ama prerequisite waxa la yidhaahdo u ah in xitaa consideration lagu sameeyo arintaa waxaa ka mid ah ethnicity ama isirka iyo waliba diinta ama faithka Scotland arrimihii aan Kor ku soo sheegay waxaa u dheer isir ahaan way ka duwan yihiin qaybaha kale ee ingiriiska oo waa dad taariikh dheer oo u gaar ah leh oo ahaa dawlad madax banaan oo institution gaar ah leh mudo aad u dheer.somalida dhineceeda isaga sheekayn mayno oo waa dad wax walba wadaaga iskuna mid ahaa ilaa gumeystayaashii reer yurub ay yimaadeen oo ay kala qaybqaybiyeen.aduunyadu arimaha soomalida way ka dheregsan tahay in waxa meesha yaalaa ay tahay mock democracy. Markaa wax referendum la yidhaahdo oo dhici karaa ma ay jiraan sida xaaladu imminka tahay .
Doodod aad u qurux badan oo ayaa meeshaan ka socota shabakads raxanreeb waa aan uugu hanbalyeyneynaa sida wanaagsan ey muwaadiniintaan fikirkooda iyo aragtidooda isku weydarsanooyiin, hadii ummadeenu sidaas oo kale u wada hadli leheys oo aan cidna la caayeyn cidna wax laga sheegeyn unmadeenu waa ey isku soo dhawaaneysaa iA.
war aniga laba qabo fikirkaan ah wada hadalka somaaliya iyo somaliland sababtoo ah labadaas waa labo aan ka dhaxayn karin wada hadal toos ah waxaana ka horeeya waxyaabo badan fadhigaas aniga sida lagu abaari karo oo wax lagu xalin karo waa sidaan aan soo wado 1 _ in marka hore lashiriyo beelaha sool iyo sanaag oo ladhaho soo midooba soona sheega in aad tihiin hal cod _ ka dib markay soo sheegaan in ay soo midoobeen oo ay hal cod yihiin in la iskugu yeero lababda maamul oo isku haysta goboladaas sida p\ s\ kadibna ayagoo fadhiya labadii maamul iyo beelihii loo sheego in gobalada sool iyo sanaag yaa raacaysaan labadaa maamul ma puntland baa raacaysaan mise somaliland oo afti loo qaado cida ay raacayaan hadii ay raacaan puntland waxay raaceen somaaliya hadii ay raacaan somaliland waxay raaceen somaliland 3_ markaa ayaa waxaa isku imaanaya oo heshiis saxii xan labada maamul p\s\ oo cadaynaaya in ay ku heshiiyeen gobo ladaas ka dib ayaa laqaban shir ka dhaxeeya somaliya iyo somaliland oo afti laqaadin hadii ay sool iyo sanaag ay raacaan somaaliya awal oo ay raaceen puntland waxa wada hadalka somaliya iyo s\land uu ka duulin gobolada ay ugu horayso togdheer ee burco hadiise ay gobolada sool iyo sanaad ay raaceen somaliland waqtigii heshiiskii puntland waxaay dowlada ka bilaabaysaa xisaabinta gobolada somalilnad gobolka sool iyo inta kadan baysa laakiin ayadoon saa loo soo xalin ila ma aha in ay somaliya iyo somaliland ay intay shiraan ay ku heshiin karaan ayadoo laxusin qaatumo iyo puntland taasna waa aan is jiid jiid no meeshana ma yaalaan in xuduudo iyo buugaag hore loo xiray dib loo fur furo ee taladu waa taa aan sheegay hadaan ani aan saadaaliyana waxaa guushu raacin somaliland sababtoo ah sida ay hada wax kuwado d\ kusheega amaba ay uwa jahayso waa qalad waana hubaal in laga guulay sanaayo xasan culusow somaliland i hope good luckly
wadaad yare
adoo iga raali ah waxaan kuu akhriyey qoraalo badan waxaana ka dhadhansadaa inaad hal qabiil oo soomaaliyeed aad si khaas ah u daba geshid oo aad qiil u raadisid khaladkooda uun walaalo soomaaliyi 30 sano iyo kabadan bay jabhadayn,dagaal qabiil,warlord nimo iyo isbaarooyinba soo mareen soomaaliduna waa bislaatay maanta oo isma lihi maanta hal qabiil oo soomaaliyeed ayaa midaysan ama heshiis ku ah dan u gaar ah taasi waxay markhaati u tahay in aan soomaaliyi qabiio ama xulufaysi qabiil ayan wax ku qaybsan karin oo markastoo qabiil ay adeegsadaan soomaalidu ay square one ku soo noqonayaan markaa walaalo anoo dhuuxay hadaladaada oo aad wado xulufaysi hada ciida laga xaadh xaadhayo adoo i fahmaya ma fiicna inaad nabaro bogsaday aad marba diirka ka qaaddo binaadamku khaladka waa ka faaiidaystaa waana ka dhaqdaa mana horumari karto soomaalidu hadayan is cafin oo ayan ka dhaqan oo hore uga socon wixii tegay qabiilna maanta qabiil kale mana khasbi karo mana maamuli karo qaran soomaaliyeed uun baa dadku ku heshiin karaa sidaasay ila tahay hana moodin inaan adiga si khaas ah kuu daba socdo qoraaladaada uun baan dareenkaan ka arkay kaala hadlayaa cafi iyo samaaxna
Gaasira
Anigu walaal isma laheyn qabiil ayaad dabo joogtaa,laakiin qaladka haddii qabiil wado iyo haddey kooxi waddoba waa in la tilmaamo si loo saxo.
Habka maamulka federaalkaa ee ay Puntland waddo,haddana Jubbooyinka lala doonayo ayaan u maleynayaa inaad dhalliisha aan dhalliilo u qaadatey inaan qabiil gooniya ku raad joogo!
Habkaasi walaal waa hab aan laga aammusi karin qaladaadka ku jira, mana ahan hab dowlad hal ah lagu ahaan karo. Waanan tilmaamaa qaladaadka ku jira. Mana arkin ilaa hadda dadka habkaas wata oo ka jawaabaya su,aalaha ku wajahan arrintaas.
Waxa kaliya oo habkaasi uu keenayo waa in lagu jiro status quo aan dowladnimo mid ah loo gudbeyne la leeyahey aan isku summad dhiganno laakiin waxba iskuguma keen jirayaan!
Somalilanda waxey leeyihiin isku summadna ma dhiganeyno waxna iskuma darsaneyno ee aan ahaanno labo walaalo ah oo is garab yaalla oo innagoo aan wax iskugu keen jirin aan iska kaashanno waxaan iska kaashan karno.
Walaalaha habka Puntland u heysta inuu midnimo macne leh yahey waxaa laga rabaa iney xaqiiqda u daadegaan oo qaladka meesha ku jira fahmaan.
Puntland iyo Somaliland waa isku mid xagga midnimada,laakiin midna si cad ayaa loogu dhawaaqayaa midna waa laga af gobaadsanayaa.
Waxaa intaas sii dheer Somaliland intey gooni u istaagtey ayey dhib iyo dheefba xaggaa kaaga istaagtey. Laakiin Puntland waxey dooneysaa in gobolladey geeska uga baxdey ay faraha kula jirto oo ay lug ku yeelato masiirka dowladda dhexe iyo gobollada koofureed ee dalka.
Haddey u suurto geleyso waxey dooneysaa iney wadcigaas mid la mid ah ka abuurto Jubbooyinka oo aysan dowladda dhexe maamulin gobolladaas. Haddana ay Bay iyo Bakool sidaas oo kale ka abuurto.
Waxaasoo gobollo ahna ay marjaciyaddooda iyo tiirkoodu noqdaan dalalka soomaaliya deriska la ah.
Anigu qaladka aan Puntland ku heysto iyo ciddii ku fikrad ah waa kaas ee adigu maka jawaabi kartaa waxa u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland xagga go,itaanka oon ka aheyn magac iyo faro gelinta ay ku heyso Koofurta, iyadoo iyadana aan la faro gelin karin?
Dhammeys tir
Gaasira
Khilaafka Xasan Sheekh iyo taageerayaasha “habka federaalka Puntland” salkiisu waxaa weeye Xasan Sheekh wuu ogyahey in habka ay hadda ku shaqeyso Puntland uusan aheyn hab sharci ah oo hal dowlad lagu wada ahaan karo. Laakiin wuxuu kaloo ogyahey in habkaas qaldan uu yahey xaqiiqojirta oo dhisan uusanna wax ka qaban karin hadda xilligaan la joogo. Tan Somalilanda waaba iska cadyahey warkoodu oo iyagu waan go,ney ayeyba taaganyihiin.
Haddaba walaal Xasan Sheekh ma doonayo in wadci kale oo qaldan hadda dushiisa lagu abuuro oo aysan jirin sharci isku xiraya maamulkaas iyo dowladda dhexe.
Ma qabiilbaa marka in qofku iska diido gooni isku taag shaati loo gelinayo?
Haddii kale ii sheeg habka ay dowladda dhexe awood ugu leedahey Puntland oo aysan Somaliland ugu laheyn? Jubbooyinkana sidaas oo kale haddii la yeelo sida dadka wataa maamulkaas doonayaan!
Jawaab cilmi ah ayaan kaa sugayaa. Haddii kale waa inaad garowshiiyo bixisaa.
Wadaad yare
aniga oo aan u hadleen marwo Gaasira, run ahaanti qoraalada waxey marar badan muujiyeen inaad qabyaalad ehelkeed tahay sababta oo ah waxaad reerkaaga u raadineysaa wax dheeraad ah oo uusan xaq u laheyn.
Puntland adiga kama xigtid koonfur oo wey dagtaa sidaas darteedna xaq bey u yeelaneysaa ka hadlidda koonfur, waadna qiri la heyd xaqiiqdaas jirta haddii aadan caddaalad daro raadineyn.
Federalka qalad maleh waana xal aan laga maarmi karin adigana waad ogtahay laakiin waxaa diidan da caddaaladdaro doonaya oo faaiido dheeraad ah ku qaba federal la’aanta siyaasad, dhaqaale. juqraafi ahaan.
Wadaad yare
federalka sidee qalad ku yeelan karaa haddii uu sheegayo in dadku ku noolaan karo, ka codeyn karo meel kasta oo kamid ah Somalia, sidoo kalena yeesho ismaamul hoose oo horseedaya horumar iyo kahortag kaligiistaliye?
Federal shaqada uu qabto soo intaas kuma koobna?
Ma sheegi karta sabab caqligal ah oo uu federalka ku noqonayo cadawgaaga?
Jooji is ciyaaleenta!
Abshir X.
Adigaa is ciyaaleyn wada ninyahow oon su,aalihii aan keeney ka jawaabeyn.
Waxaad tiri: “federalka sidee qalad ku yeelan karaa haddii uu sheegayo in dadku ku noolaan karo, ka codeyn karo meel kasta oo kamid ah Somalia”!
Ma intaas kaliya ayaa dalku ku yahey hal dal?
Ma kula tahey iney Somaliland haddii gooni isku taaggeeda intaas lagu xujeeyo ay diidi laheyd?
Ma ogtahey in EU du ay intaas wadaagaan haddaba iyo waddama Khaliijkuba?
Saaxiib madaxweynaha Somaliya ma xakumo hadda Puntland sida uusan u xakumin Somaliland.
Revenue ga Bosaso ma xakunto dowladda soomaaliyeed sida aysan u xakumin tan Berbera.
Shidaalka Puntland ma xakunta dowladda soomaaliyeed sida aysan u xakumin kan Puntland.
Xiriirka arrimaha dibedda ee Puntland ma xakunto dowladdu sida aysan u xakumin kan Somaliland.
Dastuur u gooniya ayey sameysteen sida Somaliland u sameysteen.
Intaas ka badan si aan kuugu sharxo ma garanayo. Haddii qorraxdoo dharaar cad taagan daliil u keen lagugu xujeeyo wax ka dhib badan ma jiraan.
Qofka xaqaa,iqaas iska indho tiraya miyaa is carruureynaya mise qofka tilmaamaya?
Wadaad yare
waa run oo waa jiraan waxa aad qortay laakiin waa qalad inaad indhaha is tirtid oo aad qarisid sababaha keenay. Sidoo kale waa qalad inaad soo hor marisaan su’aalahaan idinka oo si bareer ah u sheegay inaad rabtaan unitary system fashilmay.
Haddii aad xaqdoon tahay waxaad sidoo kale xusi laheyd:
1. In dowladda federalka cusubtahay dalkuna ku jiro marxalad dagaal dakuna kala maqan yahay.
2. In Puntland diyaar u tahay in ay u hogaansanto dowladda federalka marka laga baxo dowlad la’aanta sababta oo ah sida runta ah waxaa lagu jiraa dowlad la’aan.
3. In ay lagamamaarmaan tahay in dowladda federalka ay taageerto hirgalinta nidaamka federalka maa’damaa uu yahay xalka kaliya ee laheesto ee looga bixi karo dhibaatada.
Wadamada EU wadan kasta oo kamid ah waxaa ka codeeya oo kaliya dadka u dhashay, isku calana ma aha dadka wadamada EU.
Wadaad yare
marka aad weerareysaan nidaamka federalka waxaad gaashaan ka dhigataan idinka oo isku dayaya inaad qaladda dadka aqoonta yar in uu federal lamid yahay kalatag. Federal waxaa ah wadamo badan oo adduunka ku yaala ayna kamid yihiin U.S.A., India iyo Russia, waxaana wadamadaas stateyada kamid ah ka dhexeeya 1 calan, madaxweyne iyo magac.
Talo: si uusan inooga lumin waqti kale, codsada in lakala tago sababta oo ah ma ahaaneyso suuragal in waligeed lagu “kala tagi meeynee tabtaas inoo ahaaneysaa!
Noolaha xal la’aan majiro karo sidaas darteed waxey ila tahay in ay ku dambeyneyso kalatag haddii laga maarmi waayo.
Abshir X.
Nin macquul ah oo wax fahmaya ayaad tahey aanba wax iksu khilaafsanaannee.
Dhibkii dhacey iyo shiddadii soomaalida ka dhex dhacdey iney sabab u noqoto federaal in dalka laga dhigo si qolo kastaa arrimaheeda hoose isku maamusho waa arrin laga garaabi karo lana fahmi karo haddii loo heli karo hab shaqeyn kara oo aan keeneyn dhib ka weyn wixii laga cararayey.
Hase ahaatee calaamadaha ka muuqda “puntland federal system” Jubbooyinkana ay la dooneyso ma ahan system federal oo dal hal ah ku shaqeyn karo. Mana arkeysid qof systemkaas dadka wada ah oo ka hadlaya cilladahaas iyo sixitaankoodaba.
Waxaan dareemayaa ama iskaba cad iney Puntland sameyneyso tallaabooyin “preemtive” ah oo ay status quo geeda ku difaacaneyso ay sameyneyso, taasoo ay dooneyso xaalado kale oo teeda la mid ah in laga sameeyo koofurta si aan iyadaba loogu soo gudbin oo aan loo sixin arrinta aan isla qirney ineysan aheyn mid maangal ah.
Hadda tijaabada ugu horreysa Kismaayo ayey saarantahey oo wasiirka maaliyaddu uu sheegey in canshuur qaadis dowladdu ka billaabeyso. Kismaayo iyo Boosaasana Kismaayaa dhow. Haddii Kismaayo diiddo in wasaaradda maaliyaddu ka shaqeyso sida ay Muqdisho uga shaqeyso markaas way caddahey ineysan arrintu federal aheyne ay tahey goosasho magaca loo qurxinayo.
ABSHIR iyo WADAAD yare haddii aan idin kala dhexgalo anigoo ka soo jeeda D&M, waa wax iska cad inaan dustuurkeena ku qoraney inaan isku maamulno hab federaal ah, arrintaas meel looga leexdo maleh ama dadka qaarkiis hala qaraaraato dadka qaarkiisna hala macaanaato, dadka dega gobolada aan ka soo jeedo waxay nadaamkaas doorteen 50meeyadii laakiin waxaa ka cod batay soomalidii kale, su’aashu waxaa weeye habka federaalka aan qaadaneyno waa hab noocee ah, ilaa hal qeexid (definition) oo keliya mala nadaamkaas, habka Mareynkanka lamid maha kan Ruushka sidoo kale kan India la mid maha kan Naygeeriya, habka federaalku waa inuu qeexaa sida maamul goboledyada ay ula shaqeynayaan dowladda dhexe, nadaamkaas ay ku shaqeynayaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo guud ahaan habka gobolada ay u shaqeynayaan waxaa laga rabaa inay dejiso dowladda dhexe, marka anaga nadaamkaas nooma sameysna waxaana ka suganeynaa in dowladda ay inoo sameyso,sida Wadaad yare sheegay madaxweyne Xasan ma maamulo dekedaha Puntland waa run, sababtu waxaa weeye ma jiro sharci federaal ah oo aan isku maamulno, marka inta sharcigaas kasoo baxayo in hold la geliyaa wixii maamul la sameyn lahaa, kuwii horay u jireyna ha iska sii wataan habkay usu maamulayeen laakiin marka sharciga federaalku soo baxo cod dadweyne loo qaado waa in lagu dabaqaa maamul goboleed kasta. waxaan u maleynayaa intaas waan isku wada raacsan nahay. kala tegi meyno waxaan ku kala tagnaa meesha ma yaaliin, haddiise aan kala tagno yey dan ugu jirtaa? cadowga ummadda soomaliyeed laakiin soomalida cadowgooda uma muuqdo ee ayagaa usu muuqda, mar walba soomalinimada aan ka horeysiino tan qabyaalad aan meelna na geyneynin.
kkkkkkkkkkkkkkkk waxaan oran lahaa waxaa yiri abshir iyo gaarisa laakiin waxaan kuleeyahay wadaad yare waa sax eedaa laguu soo jeediyay anaana kugu arkay waa hore laakiin waxaan diidaayaay waxa aad walaaqayso in aan kula walaaqo waayo waxaa uu dhibaato ugaysan sharaf taada shaqsiyeed iyo tan rayigaaga hadaan kahadlo waa maxay faa iidada fadaraalka ?inta aanan kuu sheegin faa iidadiisa hadaan taariiqda somaaliya aad dib ugu laabatid amaba aad aqrisid wax baa fahmin wax badan waatay ay midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo koonfur in badana waa wada shaqay nayeen laakiin waxaa jira in ay dowladii lagu midoobay ay xasuuqday dadkii ay dowlada u ahayd hadana ay can shuurtoodii ugu badashay rasaas oo ay ugu adeeg satay qaab qabiil dadkaana waxaa kamid ah somaliland waana taas mida ay hada somaliland ay ku doonayso in ay ka go;do somaali inteeda kale ayadoo ku dhawaqaaqday 1991 kii waxaa isku soo haray somaalideenii kale puntland waxaa ay u istaagtay si ay usoo celiso dowlad nimadii iyo nadaamkii bur buray waxaa ladoortay cali mahdi waxuu ku dhaqaaqayna waad ogsoontahay waxaa ladoortay caydiid oo hadana mar sadexaad xasuuq ugaystay dadka reer puntland oo u adeeg saday isla hubkii dowlada oo lagu xasuuqay somaliland intaa kadib waxaa bilowday dagaaladii qabaailka oo qabiilba qabiil biliqaystay waxaa puntland geed dheer ufuushay in ay raadiso soocelintii sharafta umada somaaliyeed ay ku lahayd caalamka waxay latashatay bulshada rayidkaa maamulada sida s\land waxayna ogaatay in aysan somaaliyo midnimo ku soolaaban karin oo aysan jirin dad is aaminaaya amaba si dhaqasaa ku ilaawaaya nabaradii lagaarsiiyay ha ugu horeeso s\land hadana waxay fiirisay puntland hadii dalkii uu kala go,go oh in ay soo laaba naayaan gumaysigii oo ay faa iido utahay waxii dad nooga dhintana calankaan baluugaa waa og tahay in laga soo qaado qiimo laawa yaal sidaa darteed ayay iswaydiisay puntland maxaa dalka iyo dadka dan u ah hadana see somaaliya kusoo laaban kartaa oo ay wax kuwada wadaagi karaan markaa ayay qaadatay hadalka fadaraalka oo aan leeyahay waa wadada ugu wanaagsan oo ay somaaliya isku imaan kartaa dalkuna ku bad baadi karaa loogana guu laysanka raa gumaystayaasha tusaale hadaan kuu raaco midnimadaada in laqaato oo laga tanaasulo fadaraalka waxaa is aaminayn umadii dhibku soo kala gaaray sida tusaale waxaan qaadanay midnimo waxaana xilka wadanka udhiibnay nin kasoo jeeda gobolada s\land ninka aan xilka udhiibanay waxaa ku jira cuqdadaan ah xasuuqa iyo in lagu xasuuqay qaab dowladeed asagoo taas ka duulaaya ayuu waxuu xasuuqay somaalidii kale ee uu lahaa waa ixasuuqday hadaba ma waxay keentay mid nimadii faa iido mise qasaaro iyo dhiig horle oo daadta tan aaminaada dadka la lahaa waxay xasuuqeen s\land haday maqlaan waxaa xilka qabtay nin s\land ah ayagana markaa yay doomahooda diyaarsan oo dagaal u istaagin asagoon xasuuqeen una socon marka waxaan oran karaa hadalkaa fadaraalka waa wadada ugu wanaagsan ee dalka iyo dadku ku bad baadayaan qaasatan qoladii dalkeeda gubtaa ayaduu ku egyahay tii hormar sataana ayadaa ku amaanan waana waxa ay hada kula duwan yihiin s\lnad iyo puntland oo meel ah iyo koon furta waxaa kaloo jirta kismaayo madoonayso koonfur koonfurna waxay rabtaa in ay kamid ahaato oo ay xukunto taasna masoconayso laakiin hadii ay tahay fadaraal arintu waa lawada shaqayn waana lakala faa iidaysan cidii wadankeeda wax uqabataa iyotii gubtaana waa kala cadaan laakiin hadii lawato shaarka midnimada waa waqti dhumis iyo hebal baa gubay iyo hebal baa gubay iyo in la isku tuur tuuro dalka hadaba waxaan kusoo gaba gabayn su aalaahaan aan kuwaydiin adiga wadaad yaraa puntland ma ku qal dantahay qaadashada fadaraalka mise waa ku saxsantahay ? ma waxaa noo wanaagsan gumaysi iyo in nalaka jar jaro mise in aan anagu wax wadaagno ayadoo qof kastaa guri giisa kasoo dhisaaya kadibna aan kor wax ka wadaano waa su,aalo aan kaa sugaayo jawaabo hooda ?
wadaad yare
anigu p/land iyo federaal toona umaba jeedin ee waxaan u jeedaa xulufaysiga irirism ee aad u heelan tahay oo aad taageerayso sida ka muuqata qoraaladaad adigoo ku soo dhuunta p/land eedaynteeda mar kasta waxaad u dhigta arimaha in p/land ay tahay qodaxda laga socon kati waayey adigoo barnaamishkaagu yahay irirism iyo waxyaabo markii soomaaliya dhisnaydba socon kari waayey qofkastoo wax fahmayaa waa garan karaa halkaad u wado hadalkaaga bal kor akhri sidaad ula hadlayso gabadha nidaamka hargaysa u hadlaysa iina sheeg meesha qadiyadaasi p/land ka soo gasho aan ka ahayn inaad isku taageeraysaan waxa loogu yeesho irirsm iyadooba dadka dega w/galbeed ay yidhaahdeen irir nimadoodu ma aha dhalasho ee waa degaan macluumadaana ka akhri barnaamijka isir raaca soomaalida ee ka soo gala somali channel isagoo wariyaha barnaamijkaas oo ka soo jeeda hargaysa uu leeyahay reekiisu irir dhalasho uma qaadan lkn degaan ahaan bay u qaateen
Gaasira
Irirism horta dadka ugu badan oo isticmaala oo laga maqlo waa kuwa ka cabanaya. Dad caammaa oo iska sheekeynaya mooyee qof wax fahmaya oo siyaasi ah waxaas dan kama galo macnana uguma fadhido. Aniga shakhsiyan macno iiguma fadhido. Isir ahaanna soomaalida dhan iney isku isir yihiin ayaan aaminsanahey. Laakiin haddaad inta hummaag iyo balaayo aan jirin aad ku shaqeyso ood oroddo aad colaad iyo shiddo ka abuurto hummaagtii kuu muuqatey ood Itoobiya iyo wax la mid ah oo soomaalida cuqdadi ka dhaxeyso aad soo wadato oo dalka dooneyso inaad gooba goobeyso adigoo hummaagta “irir” ka gaashaamanaya hadde in lagaa taxaddaro dantaa keeneysa.
Aniga iyo Barwaaqo waxaan isku jirnaa intaan aniga iyo adigu isku jirno. Dhammaanteen walaalo soomaaliyeed oo isir iyo dhalasho iyo af iyo isir ka dhaxeeyo ayaan nahey. Inaan is colaadinno oon is xumeyno waxaa nooga fiican inaan isi soo dhoweyno oon is maslaxanno.
haddii beesha aad u maleyneyso inaan ataagayo laga helo daacadnimo iyo inaan cadowgeenna dhabtaa meel uga soo wada jeesanno oonan halis gelineyn qarannimadeennu iney dib u istaagto, markaas haddaad i aragto anigoo simaya nin iga goosanaya cadkiisa iyo nin midnimada ilaalinaya anigaa miisaan qaldan wata. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa Puntland iyo Somaliland siyaasaddooda caammi kastaa fahmi karo waxaa in soomaaliya dib usoo kacdo u halisan Puntland. U fiirso hadalkaas adigoon caadifad isticmaaleyn.
Ali Somali
100% ayaan kugu waafaqsanahey arrinta aad soo jeedisey. Waana midda madaxda dowladdu qabaan oo xalka meesha dhexaa ugu dhow. Laakiin yaannan iska indho tirin shiddada ay wadaan qolyahaan oo ay doonayaan wata habka federaalkaa ee sharciga ka horreenaya oo sharciga danbeysiinaya. Maamulladii hore u sameysmey oo duruuftu keentey inta laga soo gaarayo sidoodi ha usii shaqeeyeen waa la gartey. Laakiin hadda iyadoo baarlamaankii dhisanyahey maamullo sharci aan ku dhisneyn ee habar wacasho qabiil iyo dhul goosi lagu dhisayo oo cusub sida Kismaayo oo kale weeye waxa keenaya in la tilmaamo khatarta uu xanbaarsanyahey federaalka aan sharciga aheyn.
wadaad yare
runtii waxaan moodi jiray inaad intaas dhaanto.
.
soomaalidu qabaail bay isu dishay ee gobollo iyo aragtiyo isuma layn , sidaas darteed wax la yiraahdo koonfur iyo waqooyi ma jiraan , waana sheeko caruureed .
.
haddii isaaaqa waqooyiga dagani rabo inuu go o waa xor cid khasbaysaana ma jirto laakiin qabaail kale oo waqooyiga la daga abtirna aan la wadaagin baa jiree kuwaas maxaad xal u haysaa , ma waxaa caqligaagu keenaya xasan sheekh oo hawiye ah iyo siilaanyo oo isaaq ah baa masiirka qabaail daarooda ka talinaya , adeer taasi suuro gal maaha ee ha is caruurayn .
.
waa sax waana arin kharaar in soomaaliyi sidaa isu kala saarto , laakiin waa waaqic jira iyo duruuf aan laga gudbi karin.
.
adigana waxaan kugula talin lahaa inaad iska dayso deegaamada daaroodku dago iyo siyaasadaha ay ka damacsan yihiin inaad wax ka sheegto oo aad u aragto dad soomaali khatar ku ah !!!
.
soomali waxaa khatar ku ah kan caasimadii umada dadkii ka qaxiyey oo guryahoodii ku ubad dhalaya , wax ka hadlayaana aaanay jirin.
Gaasira
Somalilidu qabiilo ayey ka soo jeedaa ,aniguna dee Irir waan u dhashay sida aad Daarood ugu dhalatay ee bal horta jooji in aad reero soo dhex gasho ileyn anigu reerkiina ma kala gurine’e. Sidaas oo ay tahay Wadaad yare Irirism iigu hiilin maayo marka ay noqoto ka hadalka gooni isu taageyga ee waanu kala cad goosanaynaa ee kii rooni reerka ha u hadho.
Somaliland way helaysaa madaxbanaanideeda sababta oo ah sharciyadii gooni isu taaga oo dhan way buuxisay.