Suudaan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Horumarinta ciidanka Booliska Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Dowlaha Suudaan iyo waliba Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen hormarinta ciidanka Booliska Soomaaliya ka dib markii wafdi ka socda dowlada ay halkaasi gaareen.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan la qaatay dhigiisa wadanka Suudaan ayaa waxay ka wada hadleen sidii xiligaan loo hormarin lahaa ciidamada booliska Soomaaliyeed.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu sheegay in dowlada Suudaan ay sheegtay in ay taageerayso sidii loo dhisi lahaa ciidamo boolis ah oo Soomaaliyeed oo caafimaad qaba iyo waliba tababarkooda ciidankaasi.
“dowlada Suudaan waxay tababar siinaysaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qayb qaadanaysaa horumarintooda” sidaasiu waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha.
Hadalka wassiirka ayaa wuxuu imaanayaa xili wadanka Suudaan ay ku suganyihiin wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya isla markaana wasiirka uu qayb ka yahay.
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta dib u dhiska ciidanka Soomaaliya qaybahooda kala duwan, waxaana jiray heshiis dhinaca Meletariga ah oo ay dowlada Soomaaliya la soo gashay wadanka Turkiga.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho













Suudaan hadeynan joojin hubeenta beelweynta reer muqdisho, dacwad beynu ka dhigeynaa united nations, insha’allah,,,,…….dadkani hanaga wareystaan waxa ay yihiin, waa moooryaan hal caqli ah aan ku jirin,,,,,,,……
Hanad waad jirantahee ilaahay haku caafiyo adiga iyo inta kugu fikirka ah
Ameeen . Qabyaalada waa cancer
Hanad
Waan kuu soo duceyneynaa in Ilaahey noo kaa caafiyo dad nagama go,ee!
Adow, Mohammad Iyo Wadaad yare, was sax inaad u ducayseen Han ad lakiin ma gar an wadeen in Ilaah uu xaqa tuso madaxda Soomaaliyeed OK xamar joogta? Hadaad Han ad uducasaan kaligii solo kama rooms inaad majoritigana uducasaa?