Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Eedeymo Kufsi La Xariira Oo Loojeediyay Booliska
Muqdisho (RBC Radio) Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekunaa Maya oo warbaahinta manta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga warbixiyay howlgalo baaritaano ah oo ay wadeen saraakiisha ugu sareysa Booliiska maalmihii ugu danbeeyay.
Saraakiisha dowlada ayaa waxay baaritaano ku samaynayeen haweenay ka mid ah barakayaasha Muqdisho oo la sheegay in ay kufsi u geesteen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in guddi ku howlanaa baaritaanada ku aadan falkaasi ciidanka lagu eedeeeyay uu usoo idlaaday isaga oo sheegay inay waayeen waxyaabaha cadeynaya kufsiga ciidanka lagu eedeeyay.
Shariif Sheekuna Maya taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xusay in hada wixii ka dambeeya kiiska arintani ay ugudbin doonaan xeer ilaalinta guud ee Qaranka si loola xisaabtamo dad lala ariirinayo in ay arimahaan kiciyeen.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in kiiskaan ay bilaabeen shaqsiyaad doonayay in ay ka faa’iideestaan oo leh dano gaar ah, isla markaana doonayay in ay wax kaga qaataan Hay’adaha.
Hadalka Taliyaha ciidamada Booliska ayaa wuxuu ku soo adaa xili madaxda dowlada Soomaaliya ay sheegeen in aanan loo dul qaadan doonin shaqsiyaadka isku daya in ay kufsi u geestaan haweenka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Waxaan filyaa iney ka midtahay waxa uu sameeyey wariye koronto,hor istaagidda
dowladnimo somali ay haysho mu>aamaraad,ay kadambeeyaan,kuwa ay dhibeeyso
in la helo law and order,ayaga oo eegaaya dantooda garkja ah,oo qura,ogna waxa ay
haystaan ama waxa ku imaan kara hadii la helo sharci iyo kala dambeeyn,
qiyaas ninka haysta hanti qaran ninkii ku ilma dhalay xoolihii umada ka dhexeeyey
ninka haysta beerihii ummada sida kuwa shaqsiga iyo kuwii qaranka ama ka sameeya
lacagta inaan marnaba dowlad la helin,kuna hela fowdada lacagta ,kuwaas ma aqbali
karaan marnaba dowlad,mar way kasta oo ay ula dagaalami karaan way sameeynayaan,
marka yaan loo qiil dayin nin hunguri qaadey oon ognahay shaqsiyaadka ka dambeeya
sida radio shabeelle iyo qaar kaloo badan,
Iyadoo si adag loo ciqaabayo askarigii kufsi geysta sida maantaba dhacdey, haddana waa in kuwa sumcadda dalka iyo ciidammadaba ka ganacsanaya oo ceebaha been abuurkaa allifaya haddey ku caddaato la ciqaabaa.
Dal dhan oo god ku dhacey ayaa la doonayaa in laga soo bixiyo, markaasey qunjuraaf iyo fadeexo ciyaal xunna ka shaqeynayaan!
Gacanna kuwa kufsiga sameynaya si adag halloogu ciqaabo. Gacanta kalena kuwa sumcadda dowladda iyo ciidammada wasakheynaya hallagu ciqaabo.
In si mowduuci ah oo daacadnimaa dhibka loo iftiimiyo waa loo baahanyahey.Laakiin in gabar lacag lagu siiyo iney tiraahdo waa la i kufsadey waa jariimo iyo foolxumo istaahisha ciqaab adag.
Salaan kadib waxaan halkan ummadda uga sheegayaa in shirkaas jaraaid ee uu qabtay taliyaha kadib dhamaan weriyeyaashii goobjoogga ka ahaa loo qeybiyay warbixin qoraal ah oo faahfaahin ka bixinaysa arrintaas warbixintaas oo ka kooban toddoba bog, waxaan jeclaan lahaa Raxanreeb inuu qoraalkaas ummadda u soo bandhigo oo dadku markay aqristaan oo ay fahmaan sida wax u jiraan kadib ay fikirkooda dhiibtaan, Sababtoo ah qolyahan mediaha mar walba waxa ay iyagu ranbaan ayay dadka u soo qoraan, dadkiina wax walba oo ay aqristaan inta run moodaan ayaa iyagoon hubsan uu mid walba isagoo careysan uu fikirkiisa dhiibtaa.
Warasaxaafadeedka lloo qeybiyay saxaafadda oo uu la socdo qiraalkii ay gabadhu bixisay ee ay ku sheegtay in waxaani yihiin wax la soo dhoodhoobay oo dad ay ka dhaadhiciyeen inay sheegato si lacag iyo kaar ay usbuuc walba raashin ku qaadato loo siiyo, iyadoo weliba seygeeduna uu muaamaradaas la socday oo tallaabo walba iyo dacwo walba oo la samaynayo uu ogaa.
Soomaaliyeey inteydan dambaabin marka hore iska hubiya wararka, ilaah baa quraankiisa ku sheegay marka muminiinta uu ula yimaado war qof faasiq ah inay marka hore iska hubiyaan.
waa sax runsheeg fikirkaaga saliimkaa waxaan jira dad kaa aad soo sheegtay oo kamid ah qaran ku sheegaan amaba yuusan kamid ahaan oo horay udhacay waxay somaali lahayd ha ahaado hanti shacab mid dow ladeed iyo mid nafeed sidaa darteed isla dadkaa ayaa hadana ku qaraabanaaya samcadii dadka iyo dalka ayagoo kaga qaraabanaaya gudaha dalka iyo dibada hadana aan waxba u qabanayn masaakiinta dhibkooda oo dhiba ugaysta waxaana kamid ah dadkaa dhibka loo gaystay gabadhaa lakuf saday oo kiis keedii la duugay iyo wariye koronto hadiise gabadha been sheegayso oo aan la kuf san koronto ma been buu sheegin waa taan horay ku iri maalintii abtigaa ayaan ahay habeenkii cadowgaa ayaan ahay oo aan ula jeedo d/ ku sheega oo leh maalintii qaran kaa ayaan ahay habaynkii cadowgaa ayaan ahay oo habaynkii kuf san masaakiinta barakacayaasha hadana subaxii usoo labisan oo leh see wax udhaceen markaa oo lasabayn baritaan been been ah hadana la duugin kiis kooda sida aan horay idin kugu soo sheegay ileen iya guu ku soo laaban kkk
Waxaa mar walba maqleysaa dumar baa la kufsaday oo ay ciidamadu kufsadeen . Dadkaan kama dalan miyaa kufsi ilaa i tee beey wadayaan ineey dumarka masaakiinta kufsdaan , intaa waxaa la yiraahdaa tababar ayaa lo qaaday ciidankaa , tababarka la siyo kuma jiraan miyaa casharo dhanka anshaxa iyo xuququl insaanka ah . Waxakan moortanimadi wali kama tirtirmin marka faidadooda iyo dhikooda keebaa badan .
taliayaha booliska aaway ku xigen kiisii asagaa marwalaba tvda kahadlee mise siada raysal wasaraha
laxabisay waayaab dawlad meesha majoogto.waayo beelaha muqdisho walinabad maranbaan.aaway
tliye kuxugeenkii booliiska federaalka somaliya libaaxwalba markuu tago xamar waa laxabisayaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa