Taliyaha Ciidanka Jabuuti Ee Jooga Beledweyn oo Digniin u Diray Kooxaha Maleeshiyaadka ee Isbaarooyinka Dhigta
Muqdisho (RBC) Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kana tirsan AMISOM Col. Cusmaan Dubbad ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cid kasta oo iskudayda inay amaanka gobolka wax u dhimaan.
“Taliye Dubbad ayaa soo hadal qaaday kooxo maleeshiyaad ah oo uu sheegay inay si dhuumaaleysi ah ay u dhigtaan isbaarooyin waddooyinka magaalada dhexdeeda ah iyo deegaanada ku dhow dhow iyagoo xoog lacag kaga qaata baabuurta.
“Waxaan uga digeynaa kooxaha caadeystay isbaarada. Isbaaro way u dhamaatey cidii lagu arkana waxaanu ka qaadeynaa tallaabo adag.” ayuu yiri Col Csmaan Dubbad.
“Haddey rabaan in lagu dilo waan ku dileynaa, haddii ay isdhiibaana waa la soo qaban.” ayuu sii raaciyey Col. Dubbad.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa ka hadlay isballaarin ay qorsheynayaan in ciidamadooda ay doonayaan inay ka sameeyaan deegaanada kale ee ka tirsan gobolka kuwaasoo hadda ay ka taliso kooxda Al Shabaab.
“Hadda waxaanu xaqiijinay amaanka Beledweyne, waxa noogu xigana waa la dareemi karaa waa inaanu u dhaqaaqno degmoyinka kale ee gobolka Hiiraan.” ayuu sii raaciyey.
Xaalada amni ee Beledweyne ayaa dadku sheegaan inay aad isu bedeshay waayadan dambe tan iyo markii hawlgallada joogtada ah ay bilaabeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa maamulka gobolka hoostaga ee ku wada sugan Beledweyne, waxaana ay ciidamadaasi ka takhaluseen maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhigan jiray gudaha magaalada.
RBC Radio













jaale dubad nin somaliyeed baad tahay,waana ku mahadsantahay inaan dadkaadii
hadii garanwaayeen iney iska qabtaamn mooryaanta laga qabto,,,,si ay u naalaadan,,,
GOBOLKA HIIRAAN WAXAA KA JIRA MAAMUL WAANA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN EE UU MADAXA KA YAHAY MUDANE C/FATAAX XASAN AFRAX……MAGAALADA BALADWAYNE HADA WAXAA UU TABABAR UGU SOO DHAMAADAY ILAA KUN ASKARI OO KA TIRSAN CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN…AMAANKA BALADWAYNE WAXAA GACANTA KU HAAYO CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN…CIIDAMADA WALAALAHA JABUUTI XAGA TABABARKA IYO ADEEGA GUUD AYAY KA CAAWIYAN GOBOLKA XAQIIQDU WAA SIDAAS BALSE WEBSITE YADA SOMALIDA BADANAA ARIMO AAN XAQIIQ AHEEN BEEY KA SHEEGAAN MAGAALADA BALADWAYNE