Tiifoowga ma malaaariyaa? W/Q Faarax Siciid Barre (Dr Xijji)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Tiifoowga ma malaaariyaa?
Faarax siciid barre (Dr.xijji)
fgureey_06@hotmail.com
Janaayo 25 2013

Sida ay Soomaalida badankeed aaminsatahay cudurka tiifoowga waxay u arkaan malaariya quwoowday iyagoo tusaale u qaadanaya calaamadahooda oo isku dhow sida xummada (fever) iyo madax xanuun (headache).

Laakin waxa u dhexeeya farqi aad u weyn iyadoo malaariyada ay sababto kaneecada noceeda (anophiline) dhediga ah.

Halka Tifoowgana uu yahay cudur laga qaado cunnada, cabbitaanka iyo biyaha aan nadiifka ahayn isagoo ay sababto bacteria la dhaho Salmonella typhi.

Side ku gudbaa maxaase keena tiifowga?

Tiifowga waxa sababta baceteria Salmonella typhi ama Salmonella paratyphoid. Iyadoo ku dhalata meelaha nadafada aadka u liidato sida cunnada baarixiga ah (baarta) ama cabbitaanka lagu sameeyo nadaafad xumada ama biyaha wasakhda ah.

Side ku gudubtaa?

Tiifoowga wuxu ku gudbaa nadaafad xumada iyo cunnada iyo cabbida aan nadiifka ahayn ama uu gudbiyo duqsiga deriska ah (housefly) oo kasoo qada meelaha Ee ay ku dhalatay bakteeriyada sida saxarada ama kadida.

Calaamadihiisa

Waxa lagu gartaa qandho (fever), madax xanuun,iyo cunnada oo bukaanka ka go,o isagoo marka uu 3 asbuuc ka dib ay keeni karto shuban markii bakteriyada ay gaarto beerka iyo beeryarada halkaas oo uu weynaado beerka bukaanka.

Kadib uu noqodo bukaanka mid u nugul xanuunka una jiifsada waayo waxa qaan gaar noqday bakteeriyadii

Sidee looga hortagaa tiifowga?

Sida aan sheegnay Tiifowga waxa uu ka dhashaa nadaafad xumo sidaa awgeed waxa asal u ah ka hortaga nadaafada oo lagu dadaalo sida cunnada oo si wanaasan loo kariyo ama meel nadiif ah lagu sameeyo, biya nadiif ah oo la cabbo ama cabitaanka lagu sameeyo iyadoo meelaha uu ku badanyahy cudurkan ay yihiim meelaha biyaha fadhiyaan dadka cabba oo ay soo garto wasakhda sida saxarada ama kaadida qof xanuunsan.

Waxa kale oo looga hor tegi karaa isticmaalka talaalka Tiifowga sida midka afka laga cabbo ama irbad ahan la isugu duro.

Guud ahan cudurkani waa mid ku badan wadamada dunida saddexaad gaar ahaan soomaaliya iyadoo goobaha caafimaadka ay qabtaan in kabadan 20 bukaan cel celis bishii taasina ay ugu wacantahay nadaafada cunnada oo aan aad looga taxadarin ama biyaha oo an safaysnayn loo isticmaalayo karinta ama cabbida, Iyo bulshada soomaaliyeed oo aan dhib weyn u arag faafida cudurkan oo caadi ka ah agtooda, laakin keeni kara dhimaho haddii aan la ilaalin nadaafadda.

Talo bixin:

Si aan isaga ilaalino khatarta cudurkan ku dadaal inaa mar walba cunto cunno nadiif ah .

Aad u kululay cunnada harta ama la dhigo.

Mar walba dabool weelka cunada ku jirto.

Hubi biyaha aad cabayso meesha ay ka yimadaan iyadoo inta badan tuulooyinka biyaha laga cabbo ee ku keydsan barkadaha mooskooda mar marka qaar loo isticmaalo kortag ama saxarada iyo qashinka lagu daadiyo kadib roobka soo qaado kuna shubo berkadda.

Ka ilaali caruurta inay ku saxaroodaan meelaha biyaha fadhiyaan.

Mar walba ku dadaal nadaafada jirka xirona dhar nadiif ah .

Haddii aad isku aragto cudurkan si deg deg ah u gaar goobaha caafimadka si laguu daweeyo .

Meesha aad joogto hadii u ka dilaaco ama ku faafo horay u tag goobaha caafimaadka isna talaal.

Si wada jir ah aan ula dagaalano cudurka Tiifowga si aan u badbaadino nafteena iyo bulshada.

Faarax siciid barre(Dr.xijji)
Email_ fgureey_06@hotmail.com

(Better health best life)
Khartoum- Sudan

============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

5 Responses for “Tiifoowga ma malaaariyaa? W/Q Faarax Siciid Barre (Dr Xijji)”

  1. saraaxi says:

    maashaa allaah waa maqaal fiican waadna mahadsantahay
    dadkana waxaan leeyahay taladaas dhaqtarka wa inaan qaadanaa.

  2. siglan jamac buux says:

    dr waad mahad santahay dadkeenana waxaa ku talinayaa ka faaiidaysta doctor ka doctor ka waxaan waydiin lahaa waxaa jira oo aan aad umaqlaa cudur layiraahdo burseel bal isna faahfaahin nagasiiwaxuu yahay waad mahadsantahay dr

  3. Asmaa says:

    Waad Mahadsan Tahay Dr Faarax, sida wanaagsan ee aad noogu aqriday

  4. mohamed ali mohamed says:

    maashaa alaah aad iyo aad baan dr ka ugumahad celinaynaa sida wanaagsan ee uu usharaxay ,waxaana rajaynayaa in umada soomaliyeed ay kafaa’iidaysandoonaan talada dr ka ,waxaana kacodsanayaa dhaqaatiirta soomaliyeed in ay kudaydaan dr xiji oo ufaa’iideeyaan umadooda mahadsanidiin

  5. waad mahadsantahay walal farah sida qurxoon oo aad usoo bandhigtayna talada iyo waanada allana hakaa ajarsiiyo imbadan waad mahadsantahay

Leave a Reply