Ururka Ahlu Suna Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Kooxda Al-Shabaab


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Ahlu Suna ee ka arimiya gobalka Galgaduud ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo wali ku xoogan deegaano ka tirsan gobalkaasi.

Sheekh Maxamed Cartan Shuuriye oo ka mid ah saraakiisha ururka Ahlu Suna ee gobalkaasi ayaa sheegay in ay haatan doonayaan in Al-Shabaab ay kula dagaalamaan gobalkaasi.

Sargaalkaan ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaalka ay la galayaan haatan ay u diyaargaroobeen isla markaana ay jiraan ciidamo u diyaarsan weeraro lagu qaado deegaanada ay joogaan dagaalyahanada kooxdaan.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayaan in laga qabto dhibaatooyinka Al-Shabaab ay ku hayaan shacabka ku nool deeganada gobalada Dhexe oo ay Shabaabka maamulaan.

Sargaalkaan ka tirsan Ahlu Suna Sheekh Cartan ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab ay dhibaatooyin adag ku hayaan shacabka ku nool Gobalada dhexe loona baahan yahay in wax laga qabto.

Hadalkaan ka soo yeeray Ahlu suna ayaa wuxuu ku soo adayaa xili Al-Shabaab haatan ay ku suganyihiin deegaano ka tirsan gobalka galgaduud isla markaan weeraro ay xiliyada qaar ay ka geestaan deegaanada ay maamulaan Ahlu Suna.

Waxaa jira deegaano badan oo laga saaray kooxdaan ka dib markii ay wajaheen dagaalo xoogan oo ay kala horyimaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo waliba kuwa AMISOM.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Ururka Ahlu Suna Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Kooxda Al-Shabaab”

  1. rashiid says:

    RAXANREEB MAQAALADIINA ISKA SAXA UMADANA RUNTA U SHEEGA. AHLULSUNAH XITAA GALGADUUD MA WADA HEEYSATO. TAAS OGAADA MARKA DALKANA DOWLAD BAAKA JIRTA URUR IYO JABHADO WAA U DHAMAADEEN. AHLULSUNAH WAX LA DHAHO HADA MA JRAAN. DALKA DOWLAD BAA U DHALATAY MARKA KA SAXAAFAD AHAAN UMADA KU BARAARUJIYA NIDAAM DOWLADED. MAAHA URUR DIMEED INAD XAYEEYSIISAAN COMMENTIGANA SOO DAABACA OO FIKIRKII KIINA AAN AHEN SO DHAWEEYA THX

  2. dhenged says:

    ahlussuna Guul Guul kasaara dalka eeyda eeyda dhashay Bidcada Wahaabiyada Moryaanta Garka leh (MORYAAN GAREEY ) dad iyo duunyo iyo diinta waxba reebahayn

  3. waad salaaman tihiin bahda raxanreeb waxaan kaloo leeyahay wiil ka isku magacaabay dhenged adeerow caga dhigo maceebaa qolodaan isku magacaawday ahlu suna adeeryaal adinkoo amxaara wata ayaa kasoo cararteen ee caga dhigta deegaanada aad duulaanka ku tihiin dad ayaa iska
    leh dadkeeduna wuu tashtay ee aashiina (oo guusha la iskuma hubee hororka aashiina) nabadeey

Leave a Reply