Waa Hubaal In Nala Heysto. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud
Waa Hubaal In Nala Heysto
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Saciidciise258@aol.com
Waxaa ubadka lagu barbaariya waxbarasho tayo leh si ay maskaxda uga xoroobaan, jiilkoodana ay caalamka aragti maangala kula wadaagaan iskaashi iyagoon cidna qool ugu jirin, haddana fahamsan halka loo socdo oo aragtida guud ee dunidu ay u guureyso. Ma sahlana in la helo fac ka xora dhinaca siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha, maxaa yeelay shacabka waxaa ku dhex milan qeyb ka mida oo u heelan qabaanimada danaha shisheeye iyaga oo aysan damiirkoodu dareensaneyn garashada heerka uu gaarsiisan yahay dhagarta ay u geysanayaan gobonimada Soomaaliyeed oo xornimadeeda ay ku timid halgamo dhiig badan uu ku daatay, Soomali badana ay ku naf waayeen, kuna xoolo beeleen.
Haddii aan fiirino dhanka bulshada waxaa saameyn weyn ku leh wadaadada, kuwaas oo dadka u tilmaamaya dhanka circa iyo dhaqanka Carabta. Hooyooyinka sharafta mudan aqoonta barbaarinta ubadka waxey jaal kula yihiin wadaadada, waxeyna u dhego-nugulyihiin fariintooda. Qoordhibashadaas waxey bulshada Soomaaliyeed dhaxalsiisay wadaado taladoodu xuntahay inay mariin habaabiyaan aayaha jiilka soo baxaya, hooyooyinkana u adeegsadaan deeq u soo ururinta loo isticmaalayo masakaxrogida ubadkooda. Wadaadadu qoolka ay ku heystaan bulshoweynta Soomaaliyeed waxey si xeeladeysan ugu xalaaleystaan iney dadaaladoodu salka ku hayaan diinta islaamka, ciddi iyaga ku caasisana aysan huri doonin carrada Alle. Sidoo kale waxey wadaadadu sameeyaan wacyigelin diimeed oo qasadkeedu yahay in wax sheegidooda ay ku lamaansan tahay wax warsi aan qaawaneyn oo salka ku haya tabaruc diimeed oo dadka loogu yaboohayo in aakhiro ay kheyr u keydsadaan. Ururada aan adeegsiga diinta ku saleysneyn ha noqto kuwa dowliga ama kuwa aan dowliga ahayn waa ay ku adag tahay iney bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ay ka aruuriyaan dhaqaalo wax loogu qabanayo horumarinta ama xalinta dhibaatooyinka ka taagan bulshada Soomaaliyeed, inkasto labaduba ay danahooda gaarka ah mudnaanta kowaad siinayaan.
Jiilalka soo koraya waxaa horyaala iney ku soo barbaaraan in afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed uu hayaan u yahay inu u gadoomo afka Carabiga iyo dhaqanka Carabta. Tilmaantaas loo jiheeyey shacabka oo ah ku dhaqanka Carabnimada wuxuu dadka siriq u gelinaya in Soomaalidu ay qabaanimo ugu jirto danaha carabta iyo siyaasadahooda lagu xagjirsiinayo wadaadada hogaaminaya kooxeysiga diinta. Haddii aad istiraahdid bal u kuurgal nuxurka ama maslaxada Soomaalida ugu jirta carabnimada aan u sanduleysanahay, waxey in badan u arkaan inaad meel uga dhaceysid diinta, iyadoo kuwaas sida muuqata aysan u kala baxsaneyn Islaanimada iyo carabnimada. Wixii ka dhaqangala bulshada wadamada carabta ayaan ku qasbanahay inaan dabagalno. Naceybka loogala soo horjeedo dunida aan Islaamka ahayn ayaa ku soo xoogeysanaya dhaqanka dunida carabta, waana taas mida maanta ka taagan Soomaaliya oo naf iyo maalba Soomaalidu ku seegtay aduunyada kale. In Soomaalidu ay ku tiirsanaato ama weligeedba ay taageersanaato Carabeynta dhaqanka Soomaaliyeed waxey muujineysa in dhanka bulshada aan gun ka nahay.
Dhaqaalaha Soomaaliya ka soo gala shisheeyaha wuxuu xoogiisa ku xiran yahay suuqyada Carabta, sidoo kale shirkadaha waaweyn ee ganacsiga xaruumahoodu waxey ku yaalaan wadamada Carabta. Inta badan alaabaha dibeda laga soo dhoofiyo waxey ka yimaadaan wadamada carabta oo iyaga ayey badeecadooda Soomaaliya u tahay suuq. Wershadaha fudfudud iyo makiinadaha wax farsameeya soo iibsigooda waxaa xudun u ah ganacsiga maalqabeenada Carabta. Dhaqaalaha Soomaaliya kobociisa waxaa maanta saameyn balaaran ku leh oo awood ahaan ay ku xiran tahay rabitaanka suuqyada carabta iyo danaha maslaxada wadamadaas. Ma isleedahay waa muuqata hadda sida ay isugu dabran yihiin gunimada bulshada iyo tan dhaqaalaha. Dhanka dhaqaalaha oo aadan xor ka ahayn waxey horseedeysa barwaaqo beena oo qeyb yar oo ka mida bulshada iney hodonsan tahay, inta kalana ku nool yihiin saboolnimo ay u dheertahay gunimo. Qiyaasta hadda la maleyn karo waa mid murugo badan ku reebeysa dhaqaalaha Soomaaliya haddii uu xumaado xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya wadamada Carabta. Waxaa hubaal ah in nala heysto inagoon dareensaneyn ama aysan jirin doorasho noo furan oo aan ahyn inaan u adoonsanaano danaha walaalaha naga Carabsan meesha ay noo jiheeyaan. Wadamada madaxbanaanida buuxda ku taamaya waxa ay ka taxadaraan in awooda dhaqaalahooda ay shisheeye dibeda ka hagaan, waxeyna xadidaan ku xirnaashaha hal koox keliya oo ah wadamo isku mabda’ ah.
Siyaasda Soomaaliya waxaa jiheeya burcad nuucyo kala duwan leh oo laga adeegsanayo dibeda, kuwaas oo falalkoodu uu yahay mid aad u soo jiita dareenka caalamka, isla markaasna waxqabadka caalamka lagu jaangooyo xal u raadinta waxyeelada ka dhasha masiibooyinka ay sababaan kooxahaas habdhaqankoodu u abaabulan yahay burcadnimada. Muqaalka Soomaaliya waxaa dibeda ka dejiya shisheeye, naqshada tuugsiga ayaa ah mid si fiican loo hindisey, horseedna ay ka yihiin safiirka UNka iyo madaxda wadamada deriska, waxaana muqaalkaas ku howlgelaya ururada caalimaga, waxaana dhaqso u meel marinaya deeqbixyeyaasha wadamada hodonka ah. Wixii ka duwan aragtida ururada caalamka ay ka qabaan Soomaaliya ma gaarayaan madaxda bulshada caalamka iney maqlaan, waxeyna howshoodu ugu soconeysa NGO-yadaas sida ay ugu talagaleen. Dhab ma kuugu muuqata inaanan maskaxda xor ka ahayn oo naloo jiheyey inaan noqono oo keliya talaraacayaal ay weliba intaas u dheer tahay ka qadsanaanta Soomaalidu ay ka gacan maran tahay xoolaha faraha badan oo magaca Soomaalida adduunka looga soo yaboohsadey. Haddii aad saluugtid ama aad diidid qorshahaas, caalamka mar kasta waxey u macneysanayaan diidmadaada iyo saluugaaga mid aad si buuxda ku raacsan tahay oo taladooda aad ogolaansho ku aqbashay, maxaa yeelay hantida cida bixineysa ayaa go,aank iska leh. Waxaa la aqbalsiiyey Soomaalida in faragelinta Kenya ay tahay maslaxada Soomaaliyeed, marka ama yeel ama diid waxaa lagugu meelmarin rabitaanka shisheeyaha. Geeridii Zenaawi kadib Soomaaliya waxaa ka curtay neecaaw lagu deersaday, waxeyna reebtay in siyaasiyiin Soomaaliyeed ay siyaasadoodi la geeriyooto hogaamiyahaas. Sidaas oo ay tahay Soomaaliya weli kama madaxbanaana qoor u raaricinta loogu hoganayo madaxweynida Itoobiya.
Soomaaliya maslaxad uguma jirto iney koox caalamiya dabin ugu jirto ama ha ahaadeen wadamada Muslimka ama wadamada carabta ama kuwa Afrikaanka ama shisheeyaha ka durugsan. Ma qabo in laablakac Afrikaanimo, Carabnimo, Islaanimo, iyo iskaashiga shisheeyaha fog midna aan ka yeelno in dalka ay ugu adeegtaan habdhaqan ku dhisan gumeysi dadban. Waxaa loo baahan yahay isbedel keena baraarug bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed oo Soomaalida u horseeda gobonimo buuxda, haba ahaato mid saboola. Fahamka mashkilada wuxuu dawo u yahay xal u helideeda. Waa xaqiiq inaan xoog nalku haysan laakiin maskaxda nalka heysto, lahaystenimadaasna aan uga gudbi karno in soomaalidu ay garwaaqsato iney isku tashato oo walaalaha Soomaaliyeed oo shanta ah ay maskaxda iska kaashadaan, lana garto guriga hooyo inuu mar kasta lama huraan uu u yahay Soomaalida, xalinta mashkilada dhulka hooyana ay u baahan tahay aqoon dhiiran oo garab marta dibandaabyada dibeda laga soo maleegey ee loo adeegsanayo maxlalinta madaxbanaanida Soomaaliyeed oo doonista xornimadeeda ay Soomaalidu ku weysey naf iyo xoolaba.
Soomaaliya si toosa ayey siyaasadaha bari iyo kuwa galbeedka intaba ugu rukuucday waxaan xasarad ahayna kama abuurmin, maantana dalaaliin dadban oo ka amar qaata sirdoonka siyaasadahaas ma filayo iney hadda abuurayaan madaxbanaani Soomaaliyeed. Dadka Soomaaliyeed waa iney u kacaan dhanka dhismaha xisbiyo siyaasadeed oo heer qarana, ayna hogaaminayaan aqoonyahano ay daacad ka tahay xaqsoornimo. Maanta dalku wuxuu u baahan yahay difaac siyaasadeed oo gudaha iyo dibedaba xadgudubyada uga imaanaya u daruura gashaanka. Shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yihiin hogaamiyeyaal siyaasadeed oo ka duwan shaqsiyaadka dowlada madaxda ka ah, kuwaas oo wadaniyiinta Soomaaliyeed xogwaran daah furan ku wargelinaya marxaladaha siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay, maxaa yeelay shacabka ayaa loo baahan yahay iney ka dhiidhiyaan dhagarta loo geysanayo dhulkooda hooyo.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM














Ma’waalan yahay, muxuu ka hadlayaa? Wallaahi waa yaab, ganacsatada aduunka ayaa ku xiran united arab imarates, wadanka koowaat waa iiraan oo sida aatka ah wax uga dhoofsada,.. Dubai aduunka ayeey caan ka tahay, horu marka soomaaliya iyo adeegyadeeda casriga kulli halkaa bey ka soo qaataan, ganacsigu waa xor, makula tahay meel uga raqiisisan hadii ay heli lahaayeen ineysan aadi lahayn? Maxaase nin xor ah, jeebkiisa iyo meeluhuu ka soo adeegto shanta kuu gashay, who are you to judge? Is it your money, mise habash soomaaliga bartey baat tahay jeclaan lahaa sharci cusub inuu ku dabakho xoriyada shakhsiga soomaaliga, neceebkaagu caadi ah, waa kaa muuq muuqataa,,,…
I very much agree with this timely, well written article. Wallahi aad Iyo aad baan ugu mahdinaya dr siciid.
Dadkeenii maskaxdaa lagaxaday, aduunkana adoonsi midka maskaxdaa uguxun( mental slavery) mideeda kale carabta malinwalba somalida uguwacda abiid, adoon hadaad wax kasheegtid maxaa diinta wax ugashegeysaa baa Lagu Oran
Wadan Iyo dad aan isqiimeyn waligood cidna ma qiimeyneyso
Kkkkkkkkk waa war macno iyo ujeedo dheer waxaanse u fahmay xariirka carabta iyo islaamka aan la leenahay dan nooguma jirto mana ahan wax caqli ah koley dhaqanku waa kii islaamka diintana waa islaam that is all
Oon been aheyn. Dadku ama ha is-yeelyeelaan ama ha iska daayaan in nala heysto shaki kuma jiro……..
Afsomaliga uu nagula hadlayo barkiis in uu carabi yahay yaa u sheega horta. Carab hadaan noqono maxaa nagu dhacaya oo dhib ah?
asc, marka hore DR.SIICID aad baan uu salamaya, waxana aad ugu faraxsanahay in uu ka hadlaya aragtidisa sidaa xalka somaliyaa uu ula muqdo iyo sidaa xal loogu heli karo, lakin waxa ficnaa lahay in uu lama bid kala saroo wadanaa shishiyo WESTERN ka ama AFRICAN KA aan isku diin ta iyo isku dhakhan ka toona ahayan iyo wadana CARBEED ee an isku DIINTA iyo isku dhaqanka nahay WADANA CARBEED AMA WADAN KASTA OO ISLAM AH WAA DAD ISKU DHAKHAN AH ISKU DIIN AH , hadii an halka sii fahfahiyo dadka islamka ah waxa ka dhexeysa hal DIIN dhaqan koduna waa iyada dhaqan diinta ka baxsan dhaqan dad islam ah loo dirin karo maha.
marka WADA CARABTA AMA SE ISLAMKA MA KALA MARMI KARNO SINAMA LAKIN WADANA GALADA DAGAL BAA INAGA DHEXEYAA FIRST KENYA AND ETHOPIA ee dadka islamka ah iyo galada isku meel ha geen dr, saciid, aad mana kuslamaa mahadsanid
ninkan oo kale marka uu hadlayo shaki badan baa kaa gelaya islaamnimadiisa ,dadka haddaan wadaadadu wax u sheegayn yaad rabtay inay wax u sheegaan ma shayaadiinta iyo gaalada,wax wayn baa soomaalida caqliga iyo diinta u saaxiibka ah uga soo baxaya qoraalkan,waayo ninkan dr saciid isagaa is sheegay waxa uu yahay,weliba sidaa ayuu xisbi hor boodayaa oo rabaa inuu mansab soomaalinimo ku helo,inta maanta diinta islaamka fahamsan iyo inta ka dhow kollay xisbigaaga il dheer bay u yeelanayaan adigaana bannaanka isa soo dhigay saaxiib saciidoow.
Asc.
@Abdullahi Hassan Allah ya Cizak si wanaagsanbaad ugu caqli celisay.
Manta dunida markaad sidaa u eegtid waxaa la isku laynayaa waa diinta Islaamka nimaan taa garaneynina waa dameer lumay markaa ninkanu wuxu leeyahay ee ah aynu xidhiidhka dhaqaale iyo ka siyaasadeed ka goosano wax caqliga feyow ee muslimka ahi aqbali karo maaha. Takale timir lafbaa ku jiirtee muxuu uga jeedaa “dhaqanka Carabnimada”.
@Mahdi..Carab waa dad ilaahay abuurey oo adiga kula mid ah, inaad qof aan ilaahay kaa dhigin iska dhigto waa liidasho, Afsoomaaliga waa afkeena ilaahay inoo sameeyey ineynu ku wada xidhiidhno, Af kale ineynu ku dhexmilno waxay noqoneysaa ineynu jiritaankeenii baab’ineyno. Afka Carabiga waad baran kartaa gaarkiisa, se maahan inaad kusoo dhexmisho Afkaagii soomaaliga ahaa, taasi waxay noqoneysaa inaad jiritaankaagii baab’ineyso iyo dhaqankaagii. Marka danbe waxaa tirtirmaya afkaagii oo waxaa meeshisii buuxinaya afkale, afkaas oo wata dhaqamo kale, taas miyeyna markaas noqoneyn inaad taadiina ka tagtey midkale gaadhi waydey. in Afkaagii uu guuro meeshiisiina ay buuxiyaan kuwo kale waa gumeysi, U fiirso dalalka Afrikaanka iyo kuwo kaleba ay gumeysan jireen reer galbeedku waxay geyeysiiyeen dadkaas iney ku hadlaan Afafkii reer galbeedku lahayeen sida Ingriisi, Af bortuqiis iyo Isbaanish, Nimankas Afrikaanta ah xoog ayaa afafkoodii looga bedelay, se waxaa daran in inaga gumeysi maskaxdeed afkeenii iyo dhaqankeenii loo bedelo.
Waxaad Afsoomaaliga dadka kula hadli kartaa oo wax ku qori kartaa intaad doonto adiga oo aan adeegsan ereyo kale oo aad dhaqankale iyo dadkale kasoo guurisey. Erayadan aad leedahay qoraagu wuu adeegsadey oo waa Afcarabi waa kuwo ay noo keeneen kuwo adiga oo kale ah oo dhoohan oo aan ogeyn sida uu hodanka u yahay Afkooda ilaahay u sameeyey.
QORAALKAYGAN AKHRI OO BAL KASOO DHEXQABO HAL EREY OO AFCARABIGAAS AAD SHEEGEYSO AH.
DRE SACIID ADAA ISA SHAYGAY INAAD KA MID TAHAY SHAQAALAHA FREEMASON ORGANOZATION BALSE CARABI DHAQAN IYO DIIN BAA NAGA DHAXAYSA IYO LUQAD NAGAMA DHAXAYSO DHAQANKA CARBEED AAD DURAYSO WAA DIINTA ISLAAMKA ADI DHAQANKA ISLAAMKA DIID BAL FIKRADA LAGUU SOO DHIIBAY HA INOO SOO GUDBIN DROW ZAYLAC BERI BAY MAGAALO AHAYD DADKII WAX BARAY OO INDHAHOODA WAA FURAN YAHAY LIBAAX NIN GANAY IYO NIN GALAY WUU OG YAHAY CILMIGAY KU SOO BARAYN FREEMASSON CAQLIGA LA KAASHO AMA XAAFUUN LA ‘AAD TAN KALE AAD NOOGU SHAYKAYNAYSO DUBAI BAA GANACSIGAYNA KU XIRAN YAHAY MA OG TAHAY INAY AYAGA KA DHIGTAYN SUUQ AY UGU TALO GALAYN INAY ASIA IYO AFRICA KA MAAMULAAN
MARKA INTAADAN WAX QORIN IS WAYDII MAQAALKAAGA CAQABADAHA KLAAGA HOR IMAANAYA I
UNVAILING THE LIES OF THE ARTICLE: Waa Hubaal In Nala Heysto
It’s shamefull that this article lacks professionalism in its content.It’s full of hatred for Islam,reflects a clossal ignorance of the writing about the workings of economics and the market, and a sickening prejudice in judging the Arab world as enslaving the interests of somalia.In this article a number of things need to be addressed with questions:
“Hooyooyinka sharafta mudan aqoonta barbaarinta ubadka waxey jaal kula yihiin wadaadada, waxeyna u dhego-nugulyihiin fariintooda. Qoordhibashadaas waxey bulshada Soomaaliyeed dhaxalsiisay wadaado taladoodu xuntahay inay mariin habaabiyaan aayaha jiilka soo baxaya, hooyooyinkana u adeegsadaan deeq u soo ururinta loo isticmaalayo masakaxrogida ubadkooda.”
1,.”wadado talaxun” who are you to judge the ulama?!!
2.The ulama teach the somali mothers and the community at large, the conduct of morality that makes the future generation one of a moral grooming ,full of kindness,dedication,responsiblness, common interest orientedness.
Let me ask what alternative for training and upbringing the future generation do you have ?of course it is not one inspired by the ulama and wadado.Perhaps it’s one engineered in the decadent west,where human beings are counted as one of the commodities of trade,where individualistic self-centred interest is the core of the moral,where dignity and purity has no place in the society.Where sex runs riot in the society.
3.The multi national big companies and corporations of the first world elite hold the monopoly of the global market.The wallstreet gangs of private banks,the rothschild banking dynasties and the likes of the rockefeller oil monopolies control products of oil in the middle east as well as the pricing in the international markets including the economy of the Arab world and the muslim one at large.
It’s due to a factor of ease in geographical distance and a long estabilished business friendship besides a cultural orientation that bind the somali horn with its neighbouring Arab countries ,it’s blindness that all these factors are ignored.That i know you won’t tell me the alternative is estabilishing business ties with a distant colonizing powers of France and England.What is it if it’s not cultural hatredness for the Arab?
And perhaps,i would not be wrong if i say that your hatredness for the Arabs stems from an anti islamic sentiment dapping them as colonizing somalia economically and culturally,an unrealistic judgement indeed.
The cultural colonization you aim at is the Islamic culture that you identify with Arabism.And this is proven by the fact that you did start with attacking the ulama as misguiding the future generation by teaching them a foreign Arab culture! of course,this foreign culture is Islam.
RBC.RADIO