Qaramada Midoobay oo Dawlada Federaalka Kula Talisay Inay Dib u Heshiisiin La Sameyso Somaliland iyo Puntland
Nairobi (RBC) Qaramada Midoobay ayaa dawlada federaalka Soomaaliya u soo jeedisay inay suurtagaliso wadahadal iyo dib u heshiisiin ballaaran oo ay la furto maamulada Somaliland iyo Puntland ee waqooyiga dalka.
War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay lagu xusay in Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka siyaasadda Jeffrey Feltman uu dawlada Soomaaliya ku dhiirigaliyey inay wadahadalo iyo dib u heshiisiin lala galo maamulada Somaliland iyo Puntland.
“Wuxuu dhiirigaliyey wadaxaajoodyo iyo dib u heshiisiin lala sameeyo Somaliland iyo Puntland.” ayaa lagu qoray war saxaafadeedka.
Bayaankan ayaa soo baxay ka dib markii wafdi uu hogaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka siyaasadda Jeffrey Feltman uu booqasho ku yimid caasimada Muqdisho maalintii shalay. Wafdigaasi oo kulan la yeeshay raysul wasaaraha dalka, wasiiradda arrimaha gudaha, difaaca, garsoorka iyo afhayeenka baarlamaanka.
Waa markii ugu horeysay oo Qaramada Midoobay ay si caddaan ah u shaaciso inay rabto in dawlada Soomaaliya ay la hadasho maamulada gudaha ee dalka arrintaasoo diblomaasiyad ahaan saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay iyo shaqaalahooda ay iska ilaalin jireen.
Dhanka kale arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dhowaan buuq uu ka dhashay warqad uu qoray danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Agostine Mahiga taaso uu u diray madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo, waxayna warqadaasi si cad ugu yeertay madaxweynaha Soomaaliland “madaxweynaha maamul goboleedka waqooyiga Soomaaliya” walow uu Mahiga markii dambe sheegay in si qalad ah ay warqadaasi uga soo baxday.
United Nations Top Political Official visits Mogadishu
Mogadishu/New York, 30 January 2013 – The United Nations’ top political official, Under-Secretary-General (USG) for Political Affairs Jeffrey Feltman, visited Mogadishu and expressed the UN’s strong commitment to support Somali efforts to build peace.
While in the Somali capital, USG Feltman met with Prime Minister Abdi Farah Shirdon, the Ministers of Justice, Defense and Interior and the Speaker of the Somali Parliament Mohamed Osman Jawari. USG Feltman discussed a range of issues with the Somali authorities, including the positive political and security gains made in Somalia. He encouraged dialogue and reconciliation, including with Somaliland and Puntland. He expressed concerns over human rights, particularly sexual violence against women and encouraged the Government to take the necessary steps to strengthen promotion and protection of human rights.
The discussions also focused on the future of the UN presence in Somalia and the need for a better coordinated and coherent approach by the international community to support this new phase of peacebuilding in Somalia.
USG Feltman expressed the United Nation’s firm commitment to support the Somali government in its efforts to extend state authority and peace dividends to the population at large, and address the security and humanitarian challenges it faces.
“I was inspired and encouraged by what I heard today from the Somali authorities,” said USG Feltman. “This is a Government which has both vision and a practical plan to implement it. They have truly taken ownership of the process and our role is to do our utmost to support the Somali authorities, across the board and without hesitation. Somalia is beginning to undergo a profound transformation. The United Nations will continue to assist however possible.
RBC Radio














waan filaayay in ey arintaan soo baxeyso, mr qoslaaye in ay dharbaaxadan ku dhaceyso waan filaayay
muxuu isku maleeyay in uu somali oo dhan uu madax ka yahayaa kalaa wuxuu u yahay madax aan hadal kaa maqleyn ,
hada haka saarta hee xasan qoslaaye jibkaan ku imaaday
kkkkkkkkkkkkkkk horta meeshan dowlad kama jirto waayo waxaad ku garankartaa wali guryahii shacbka ayaa laheystaa meesha dowlad kama jirto ee beenta shacbka yaan loo sheegin Hargeysa waxaa lagu bururiyey diyaarado cid ka hashey maba jiraan Puntland dadka waxaa laga soo qaxiyey guryahooda ayagoo cayr ah bay yimadeen puntland oo kow ka bilaabeen
Cinwaanka iyo qoraalka waa kaaf iyo kala dheeri. Waxaad noqonteen bias sidii ra’iisul wasaare loogu magacaabay Saacid, malaha ina Khaliif hadduu noqon lahaa site-kan si kaluu u hadli lahaa.
Puntland iyo Somaliland waa in ay dowlada ka mid noqdaan ama ay cadaystaan in ay iyagu madax u yihiin Al SHabaab (Somaliland) iyo burcad badeedka (Puntland}
Raxanreeb haddii aad runta sheegeysaan maad ciwaanka ka dhigtaan : Qaramada midoobay oo dowladda kula taliyay inay la xaajooto Puntland iyo Somaliland, qaadana tallaabo kastoo looga hortagi karo faraxumeynta dumarka. ” Erayga la isticmaalay laba marba waa encourage= dhiirigalin. Balse kabasoo qaad talis. Maxaa mid reebay midna meesha ku daray ?
Qof walbo oo ingiriiska taqaaney akhri dhammaadka. Dowladdan waxaan loo aqoonsaday kartideeda iyo qorshaha ay wadato. Haddana akhri meesha uu ku dhihi waxaan ka caawin sidii quwaddeeda iyo maamulkeedu iyo adeegeedu u gaari lahaa dhinac walboo ka tirsan dalka!
Dowlada F/D waa jiraysaa waana jiri doontaa laakiin waxaan dhci doonin Dowlad dhexe oo xoogbadan wadankoo dhan Hal magaalo looga taliyo , Hada ayaa waxaa bilaamya wadahadalkii dhabta ahaa maahan in laga sooqaadayo xalay dhalay maatadii lagu xasuuqay xamar Hantidoodiina la boobay, Su’aasha ugu wayn waxay tahay Xamar magaalo Madax manoqonkartaa ??? Dooda Caalamkoo dhan sugayo oo waliba Un u horeeyso waa taas mana aha mid aan la,ogeyn waxii kadhacay Xamar
91 ilaa & Maanta , Waa magaalo hal Reer dagan yahay & laheystayaal mana uqalanto magaalo madax umada oo dhana u dhaxaysa oo Reer sheegan karin, Viva Puntland & Jubaland
Bilqays. Hurdaaye. Ilahay ha u naxariisto in lamucaarado. Maba istaahilo ninkaan arkay oo ag fadhiya culusaw
Dhaqankaas. Waa. Kan reer galbeedka ee xasan qosalaye oo cirka lageeyay. Ayaa hadana xaqiiqda iyo Dhulka lageeyay, dadkii xamar damaashaadka iyo maray kan baa an aqoonsady ku faraxsanaa waxaa la arkin iyagoo maraykanka ku mudaharadaya .kkkkkkkkkkk wanlawaynta iyo reer galbeedka barasho baa isugu layaban
kkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaas baa imara caqtii joogsan waydaa marbay ceeb lakulantaa qoslaaye daad baa qaaday nin daad qaadow xumbo cusko kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
waa war bixin fiican ma xuma maxaa ku jaban oo aan wanaag ahayn haddii la yiri somaliyey heshiiya oo wixii wax tabanaya hala qanciyo hana lawada hadlo oo halala hadlo somali land iyo puntland…….
somali land iyo puntland hadday somali ka tashadaan maxaa soo haraya waa 10 gobol oo somalia ka go,day markaa sheekadu waaxay noqonaysaa NIN KABIHII uu ku socon lahaa laga baxay……
United Nation haka baaraandego siduu isu waafajin lahaa gobolada Soomaliland iyo Puntland oo ay qabyaaldu u shaqeysey oo Weli kusii tiirsan qabyaaladii iyo gobolo qabyaaldda faraha uga soo gubtay oo doonaya dowladnimo aanan dooneynin inay qabyaalad dib ugu noqdaan. xafiiska UNtu arrintaas guddi qubaro ah ha u saaro go’aan meel mar ah haka keenaan sidii la isu waafajin lahaa.
Saacid waa raisul wasaare aad u Dagan waxa
Uu Ka yeelayo puntlandna wuu yaqaan
Xiligii doqomada Iyo ruufiyaanada wa laga gudbay
Afdac Iyo tolkiisna waa. Dameen
Madaxweynuhu maba inkirsana Puntland iyo Somaliland oo isagaaba shirkii Bruxels magacooda ku cel celinayey oo mar kasta ammaan usoo jeedinayey. Laakiin soomaalidu waxey ku mahmaahdaa “xaaskaaga nin raba gabadhaada hoo lama yiraahdo”! Puntland waxey u dudeysaa oo isku marjineysaa waxeysan u laheyn xaq oo ah iney dowladda dhexe ku yeelato cod vito ah oo sharci darraa. Cod sharci ah oo maamul goboleed siinaya inuu dowladda dhexe siyaasaddeeda isagu meeriyo ma jirto. Wixii himilo iyo han ay leeyihiin waxey usoo marayaan dadka u matala dowladda iyo baarlamaanka.
Somaliland arrinteedu way iska caddahey oo waa gooni isku taag. Mana ahan wax ka go,a Xasan Sheekhe waa arrin ku xiran Somalida guud ahaan oo ay ku jiraan Somaliland. Waa arrin waqti qaadan doonta oo aakhirkana meel uun ku biyo shuban doonta.
Haddaba Puntland iyo Somaliland hallala hadlo maxey cusub oo soo kordhineysaa?
Ma Puntland ayaa la siinayaa awood ay ugu taliso dowladda dhexe?
Mise Somaliland ayaa madax bannaani loo saxiixayaa?
Dadkiinna hadalka ah waa in lala hadlo wax weyn ka dhigaya is weydiiya maxaa loo qabanayaa labadaas maamul oo ay tahey in wada hadalku keeno?
[...] iyo Puntland ee waqooyiga dalka. War saxaafadeed ay soo saartay … Read more on Raxanreeb Online [...]
AC:Bilqeys waa runtaa waxaan la yaabay Somaliland halala heshiiyo waa suurogal Puntalnd maxaa loogu soo daray?Puntland iyo dawlada wax dhib ah kama dhaxeeyo puntland waxaa dhiba nin reer hebel ah oo prime minister noqda kaliya(beesha saacid) taasina hadda daawo ayaa loo helay.
Puntalnd sida somaliland ma laha waan go nay ta kale Puntalnd iyagaa ismooday in ay cirka iyo dhulka kala hayaan isuma arkaan qabiil ka mid ah qabaailka somliya waxaana ay rabaan waxa ay guryahood iyo cayaalkooda u qabteen in lagu laaluusho lana yiraahdo waxbaad qabsateen marka laaluushan waa kan(madaxweyne ama prime minister )taana waa lagu diiday puntalnd shido iyadaa isugu filan kaliya reer saacid ayaa cudur ku noqday,iyagana waxaa ay cudur ku noqdeen somalida kale.
@shuuriye riyo ku jirtaa adeer ama oooy ama qeeyli waleee xasan shekh ayaa madaxweyn ku ah puntland ama somaliland waa 2 gobaol oo somalia ka tirsan marka waad hurudaa eee sooo kac siyaasaada baro
Tani waa tusaale kowaad meesha ay ku danbayn doonto talada HAG.
Puntland iyo Somaliand mabaadidooda somalinimo aad ayay ukala duwan tahay.
laakiin dhaqanka HAG ayaa isku meel geeyay.
maanta labadaan lahadal ayay joogta lakiin ha biciidsan inaad aragto iyadoo laga cod sanayo in lala hadlo Kismaayo iyo Baydhabo.
Puntland waxa ay rabto waa waa cadahay waana sharciga Xassan madaxwayne uu ku noqday inuu ilaaliyo kaliya. Taas oo ah nidaamka Federal ee aan ku heshiinay.
Guul Puntland
War annaga reer puntland ah soo malihin dhulkaan hadaan rabno yamen ayaan ku darsanaynaa.nin walba gobalkiisa ha dhisto. Reer koonfur waa ayaga ku waashay soomaali waa mid wa isu baahan tahay 1991 markey dadka soo bari kicinayeen oo ay laynayeen soo soomaali maanaan ahayn maxey soomaali ahaan noogu deyn waayeen.war niman yahow runta aan isku sheegno soomaali maqaarkaas ayaan kawada nahay laakiin xoolaha aan kala duwano.
Idnka iga yeeli maysaan aan idin xukumo anagana yeeli meyno inaad na xukuntaan.xalku wuxuu ku jiraa nin walba gobalkiisa inuu u madax banaan yahay. Hadan dhib raadis ahayn maxaad ku diidaysaa gobal walba asaga ha is maamulo?
Haka yaabin inaan xamar kuu dhiso waa habeenkii xalay oo tagay,adigana xamar dhiso anagana dhulkeena aan dhisano.sidaas nugu kala wada. Wixii soomaali nimo iyo muslimo ah waa naga dheexreyaan,
Nin sacdi wata waxaan lee yahay oo soo hadal qaday Puntland kolay waa reer walawen caqli xumadii Muqdisho heer kaas gaarsisay ayuu ku hadlayaa umada reer Puntland adeer aya hooda ayay ka Tashteen ismaqal iyo wanaag baana horumar lagu garaa burcad guryeed xolihii umada somaliyeed Xalalaysatay waa la yaqaan marka illaah xaqa ha idin tuso ninka sacdi la lee yahow waxa kaa danbeya Gadaal u fiiri horumarka iyo wanaago qaado xaasi nimo yaysan ku qaadin
sacdi horta gabar baad tahay baan u maleynayaa ee cayda ama aflagaadad iska dhaaf gabar somaliyeed baad tahay daw kuuma ahay
@soomajeeste
waxaad sheegtay beesha saacid inay cudur kutahay puntland xalna loohelay oo loona diyaariyay beesha saacid
waxaan ku oranlahaa hadaad ku qanacsantahay inaad wax ku hesho xaqiraada iyo duudsiga reer puntland sida qoraalkaaga kamuuqata cirka miyay hayaan markaadleedahay iyo qiimaha aan lahaa ama aan mudnaa aadka dhigtay inaan laaluush kurabay iyo inaysanba ahayn umad xaq uleh inay wax doonato ama kahadasho way,fiicantahay waana ku farxay sidaad noogu cadaysay hamigiina waxaana kagartay ninkan saacid ee iska hurdaaye ilayn wax kale looma dooran lomana dirin iska ilaali inagana ilaali reer puntland ayuunba lagala balamay war nin,yahow tolkiijira alaha kaadhigo goor fiican baad noodigtay
farmaajo noosoraacay nimankaan is,haynay iyo afwayne oo in qilaabay c/rishid cadowna uarkay beesha isagoo ka baqayay inay kursiku ka inqilaabay kaga dabayimaadan kadibna dhibaato noodhameeyay iyo waliba qaarkaloo badan walaahi waad asiibtay meeshaan iska eegaynayba show cadowgu nagama jirin
hadaba cidna iga badinmayso xasarad iyo iska daba wareeg hadaad hawiye kuraacday xumaanta ana isaaq baan ku raaci oo laraadin aqoonsi sheekaduna waa badal shisheeyena waa subaxba cidaad is,haysaan sokeeyana waa subaxba cidaad is rabtaan
somali caddaalad darrada iyo dulmiga dad baa ku caysha iyo ay opportunity u tahay in dadka qaar la xasuuqo ama la laayo ama la xaqiro bal day midkaan @ sooma jeeste hadlkaaga ayaan ka gartay inaadan isku kalsoonayn wixii aad noo gaysatayna aadan xasuusan waxaad ka dhaxashayna aadan ogayn iyo sidii kuu danbaysay 1991 wixii ka danbeeyay inaad dalka gudihiisa qaxooti ku noqoto iyo inaad anigii aad i dilaysay oo aad i gumaaday aad dalkaygii intii yaraydee aan nabadda ka dhigtay maamulna ka smaystay aad barakacayaal ku noqoto…. sxbow colaad ninna kaga rayn maysid armay wanaagsantahay inaadan wax ba qufin oo aan dadkeena iyo dalkeenna dhinac ka raacno?????
tan kale ninyohow wali waad buktaa oo waad iga cabsanaysaa anigoon waxba kugu haysan waxna kaa haysan horaa loo yiri “sir ma qabe saabba biyo u cesha” sharkaaga alla hana duwo hadaad dagaal u soo bareertana haddee war isnot the answer for peace in this world….
S/C
Akhyaarta, please make the comments short,Do you expect that we can read these long emails”guys learn how to write in summary,we do not have the patience and time to read,such emails! Mr. wadaad yare( specialy) you,
fadlan soo kooba hadalka muhimadiisa,
Regards/
Lamayaqaan luqunmadow
ACWW:Waan idin salamayaa salaan ka dib somalida runtaa dhibta.
@Shaqsi puntland waxaa laga yabaa afsomaliga in uu ku dhibayo reer puntalnd waxaa dhiba nin beesha saacid ah in loo magacaabo ama uu noqodo madaxweyne that was my point hore waan u soo aragnay Gen M S bare,Farmajo,haddana wax ka dabaqaylinaya SAACID waa majeerteen wax xun ma sheegin runta un baan taabtay inta aan sheegay miyaanay jirin?Farmajo ayaa ugu danbeeyay si shacabka beeshan loogu qanciyo isir nacaybka idinku jira qaarkiin ayaa la yiri Farmajo Puntaland ayuu burburinayaa si sawir kale dadka loo tuso xaqiiqdiina Farmajo Puntland waligii xumaan uma gaysan sababta loo yeelayna simple dadka qaar ayaa siyaasiin ah aqoon yahan ah wax kale lagama gadi karo farmajana UN IYO ITOBIYA AYAA CAYRIYAY.Gen M S Bare somali oo u heelan yaa xabadda ku bilowdeen hadda yaa qaylinaya?wax xaqiiq ah ayaan ku tusay,beesha saacid oo qaylinaysa miyaad aragtay waqtigii AU Col Yusuf, gaas cumar?MAYA MAYA.
@Gamaadeed- mudug WALALOW maxaan kuu gaystay?waxba kuuma gaysan adigaa wax ii gaystay cadayn teedana waan haynaa haddii aad reerka saacid u taqaab dawaladii siyad bare dee dawaladda adiguba waad ku jirtay dawaladii AU Col yusf wixii ay gaysatay adiga miyaa gaystay mise maamul ba agaystay?wali garasho la aantii ayaad daba taagan tihiin laakiin marka aan u raaco sida aad u hadashay adigaa i xasuuqay ina dhibaateeyay,Gaandiid mudug waxaa fiican qoraalka farta in aanu kaa xadin waa halkee halka aan qaxootiga ku ahay?miyaanay somalidu maanta is dhex socon?kuwa Gedo jooga ee reerkaaga ah qaxooti miyay halkaa ku yihiin?maxaase ku jaban haddii aan meel dalkayga ka mid ah aan tago ama dego ama ka shaqaysto bal inoo sheeg adiga intaa?qaxooti ayaadan aqoon micnaheed ayaan filayaa war kan boosaaso guriga leh ama meherada ku leh qaxooti ma ahan kawa oo kale gedo ayay joogaan c/waaq ayay jogaan maxaa ku jaban mise maskaxda dhinac kale ayay kaa saaran tahay?Gamaadiid mudug saaxiib waa aidga kan somali kaliya ee isagoo qabiil hubaysan ah wata ciidankii tiiobiay 4500 oo itobiyan ah xaquuq ka soo bilaabay from galaadi iyo warhdeer naflihii madaxqaadana dilay xabashina u dhiibay?anigu waan ka xumahay kan somaliga waliba ehelka ee dawaldii siyad bare dishay qofkii lagu helaana sharciga la horkeeno adiguse ma qabtid ciidanki SSDF ee qabiilka soocn ahaa in sharciga la horkeeno dhibka na haystaan waa kaa bukaan daawo ayaa la siiyaa sabab aan kaaga cabsadana ma arkin waligay ee runta ayaa idin dhibta gartana ma qaadantaan sidaa ayaan la idiin ogyahay.SOMALI HA ISRAACDO CUDURKANA ILLAHAY HANAGA SAARO KAN IDINKU DHACAYNA ILLAHAY HA IDINKA DAWEEYO.
shakhs p/land
horta sida la wada og yahay c/rashiid cali sharmaarke waxaa dilay nin qoyskiisa ah oo siyaad ma inqilaabin
ta kalaad tidhi hadii reerka saacid hawiye raacaan anana isaaq ayaan aqoonsi la doonaynaa oo walaal idinku imsaad hawiye wax la qaybsanayseen idinkaaba qaarood uga dhigay caado inay hawiye ku daba faylaan ta kale dee hadaad bal xaawishaan in aad isaaq aqoonsi u doontaan jawaabtu waa xagaad isaaq u maraysaan marka hore waa inaad khaatumo iyo reer maakhir aad ka talaabsataan mise waxaadba leedahay awalba snm waad la raadinayseen aqoonsiga iyadoo taasi ay daliil u tahay in laascaanood maamulka p/land ay snm kala wareegtay iyo in degaanka maakhir ay snm say doonto ka yeesho oo ay ciidamo soo dhigatay ree p/landka maamulka haya kaartada uu weligii isticmaalayey waa in marka wuxuu rabo uu waayo inuu calanka soomaliiga uu bilaabo laablaabkiisa waxaan iswaydiiyaa war horta yaa reerkaa daarood uga dhigay boqortooyo iyagu uun leeyihii xaqan wax xukunka?xagay iska kiin tustay arintaasi?sidee bayse daaroodka kale idiin aaminayaan idinkoo kuwii idinkala joogay ee maamulka idinku darsaday aad ku gorgortanteen ood degaanadoodii dayacdeen war daaroodkii waqooyi idinka aamin bax hadana waxaan kula talin lahaa walaalaha absame war mj yuusan idinku beer laxawsan kablalaxnimo iyo huu haa p/land daaroodka la joogay gaday hadafkeeduna waa in uun ay heshi geed ay ku kor noolaato sida laamaha creepers ka ay dhirta isugu maraan reerka saacidna waa reer dulqaad badan oo qiimeeya ehelnimada aan laguna baran danaysi iyo gorgortan hana layga raali ahaado hadaan runtu sida ay tahay aan sheegay
Waxbaa ka dhacay, tusaale ugu filan Xasan Dhuxuloow laakiin waxaan ogahay in uu talada HAG ku shaqeeyo. Marka HAG iyo dowladnimo isma qaadan karaan.
@SOOMAJEESTE
gardiid waa alle diid afwayne iyo beesha uu kadhashay iyagaa ku bilaabay inay dowladay codka ku kasbadeen majeerten xoog ku af ganbiyay waxaan hada lafaagi,karina oo dhimasho waa loo dhashaaye ay ugu xumayd siday asaagood ama umada uga hoos mari,lahaayen kula,kacay dafiraadu waa ceeb runbaa lagu dawooba farmaajo intaan ladooran waa lawada ogaa inuu khilaaf punlan iyo dowlad dhexe dhaxyaalo farmaajo anagoo hawiye xininyaha is,ku dhagan bay gaashaan kadhigteen wuuna gafay ama way seegtay inuu dhexdhexaad noqdo iyado in taasiba dhacday hadana maanta inaad xaqiraada p/land aad utaagantihin sida idinka muuqata oo tiraahdid waxaa dhibaya nin sade,ah hadalkaasi wuxuu makhraati cad uyahay nin lasoo diray oo iskakay ilaalinaya dee waadba ii cuqdadaysantahaye sidaad iimatalaysa amaan kugu aaminayaa marka kalsoonidi xasana horaybay nooga dhimatay dhan iga wada mara gafka waad udhalateene
@ dacad
adiga moryaan ayaa tahay maxaan kaala hadli
moryaanimadaada ayaa webka ka qireysaa adeer
marka qof xaraan ku koray lama hadlo aniga , dahir iska soo dhig xaraan ayaa ka muuqato adiga,,,
@ wayo arag walal waa runtaa HAG hor mar uma soo wadaan somaliya gadaal u socod moyee
mideeda kale intaan meesha ka qeylineysaa oo ninkan hogaami kooxeedka ka mid ah u hiilineysa waa ku gacan seeyreen shit, HAG caaqibadooda wa guri xaraaan dil kufsi waxaasi oo dhan waa dacadooda ma ahan ceebtooda wa in laga fikiraa meel casimad noqon laheed.xamar moryaan aya dagan cidina imaan meyso
@GAASIRA
abaayo anigu kama hadlin wax qaybsi ee waxaan ka hadlay waxay idin ka dhaadhiciyeen oo ah baa idin isir neceb oo aan wax idiin ogolayn sidaad adiguba lasoo booday waxaan ku oranlaha intaad iska eegaysaan yaan meel kale laydinka dardarin isku isir waynunahaye sidee iigu quurtay waad i,isir necebtahay meesha madaxnimaa loo tartamayeye hada adinka baa nagaga danbeeyay tii farmaajo oo geed kasta ukoray inaad cidla nadirtaan hadana cuqdad iyo colaad wada runti webkan dab badan oo sharafleh oo beesha sade ah baa fikirkoda kadhiibta kuwaas baan ku ilaawayaa aflagaadada @soomajeeste iyo kuwa lamidah
tan
isaaqna waa dad sharafleh xaqiraada anigaa xanuunkeeda arkoo iyagana xaqiri maayo waxaadan jeclayn in lagugu sameeyo adna cid haku samaynin
@gaasira
adigu abaayo halkee ciirsanaysaa haddii somalii land iyo puntlandi oo aadkamid tihiin aad la dirirtaan mase ku kalsoontahy rrkaagu inay qaddiyad ay wax ku diidaan leeyihin waxaad tiri isaaq halkee umaraysaan reer khaatumose halkee kamaraysan walaley sow annagaas hadderba annogoo wada soconna idiin diidnay maahan inaad dawlad ka dhisataan laascaanod iyo garowe dhexdooda oo marya calastii khtmo seeg ka cayrinay kkkkkkkkk reerahani miltarigii siyad barre ayay dhagaha ku dhufteen mrkuu xaqiray oo xasuuqay daba qoodhi dhuuni hantaana u daahi mayaan rr maakhirna jirri maahan sidiina o kale dadkana waa la noolaan karaan wxyna soo ahaayeen boqortooyo ee waxba ha isku dheerarin
ASC, dhamaantiin. kkkk, horta waan wada aqriyay so far dadka commentiga meeshan kuwada qoray, oo mowduucan kahadlay iyo kuwa meelo kale la aadayba.
Kow, waxaan rabaa in aan halkaan ka cadeeyo sida si qaldan ayaa loo turjumay warkaan eey UN ka hadashay kadib markii uu Mr. Feltman la kulay ra’iisalwasaaraha dalka Jamhuuriyada Somaliyeed Abdi Farah Shirdoon, “Saacid”.
UN amaba qaramda midoobay dalkaan ma xukunta, Dowlad aya ayaa ka jirta, oo rasmi ah, oo aan ku meel gaar aheeyn. Dib u heshiisiinna Dowlada waa qeeyb ka mid ah shaqooyinak iyo ajandayaasha eey leedahay. Balse, waxaa dib u heshiisintaas muhiimad lasiinayaa waa qabiilada Somaliyeed oo kalsooni daro la dhex dhigay intii eey ku jireen dagaalada. Balse, ma’ahan waxa dib u heshiisiin laga raadinayo maamulada beeleedka Hargeeysa iyo Garoowe fadhiya. Maxaa yeelay labadaas qabiilba already, amaba horeey ayeeyba ugu jiraan dowlada iyo baarlamaanka, lagamana yeelayo in eey “douple dipping” amaba laba canleeyaan, oo laba meel amaba hab wax ku qaataan. Taasi waa cadaalad daro aanan laga aqbaleeyn labadaas magaalo.
Mida ah, qeeylada reer Garoowe kasoo yeereeysa, wax kale maahan, ee waa sida uu Somajeeste, iyo dad badan halkaan ku sheegeen, oo waxa eey la qeeylinayaan waa jagada Ra’iisal wasaaraha. Waana u ceeb iyo fool xumo oo Somali badan ku baraarugsantahay sida eey tolnimo, Somalinimo, iyo Islaanimaba u tixgalineeyn in eey reer Garoowe ka dambeeyaan xushmeeyaana hadii reer Garoowe qof aan aheeyn laga dhigo Ra’iisal wasaare. Ka jooga ayaan leenahay qabyaalada iyo wax badsiga oo idin dhaxalsiin doonta wax beel, iyo in aad walaalihiin Somalida kale ka faquuqnaataan. God bless Somalia.