Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin (Koronto) Oo Maanta Loo Gudbiyay Xeer Ilaalinta Qaranka
Muqdisho (RBC Radio) Wariye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin oo maalmahaanba ku jiray gacanta ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo gudbiyay xeer ilaalinta qaranka Soomaaliya.
C/rashiid Abiikar Deel oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Warbaahinta RBC u xaqiijiyay in maanta la gudbiyay wariyaha.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii shalay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya uu sheegay in kiistaan ay gudbiyeen xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya.
Sidoo kale Booliska Soomaaliya ayaa sheegay wariyahaan in waraysi been abuur ah oo looga been abuuranayo ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu ka qaaday haweenay ka mid ah haweenka barakayaasha ah ee degan Muqdisho.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka ayaa sheegay in booliska Soomaaliya uu si cadaalada ka fog ula dhaqmay wariyahaan isla markaana uu sii adkaynayo booliska kiiska Suxufigaan ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho.
Wariyeyaasha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka walaacsan waxa maanta lagala kulmi doono Xeer ilaalinta qaranka Soomaaliyeed oo kiiska wariye C/casiis u fariisinaysa maanta.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho















dhab ahanti saxafadu waa dhibaataysan tahay waayo warkasta oo aad sheegto qofna waan qanciyaa qofna waa kanaxaa saxafiyinta somaliyed afka sharooto laga saaray allah baa caadil ah
Welwel badan kama qabo in weriyuhu garsoor fiican ka heli doono caddaaladda caadiga ah ee dalkiisa,adinkuna ku kalsoonaada maxkamadda.
Waxaan idinka codsanayaa inaad iga gudbisaan fikrad aan ka qabo qoraal abwaanad Sahra Daahir Mire ku soo qortay mid ka mida websideyada dalka,waana mahadsan tihiin.
Hadalka abwaanaddu waa ila qumman yahay.Ma dhici karto reer Gal-mudug waalkood la tartamaan,la kaftamaan lanaba hadlaan maxaa yeelay sida ay Sahraba xusta waxay lumiyeen qiyamkii lagu yiqiin oo ahaa midnimada,ra’yi wadaagga,isu garaabidda,isu gurmadkaiyo gaar ahaan jacaylka soomaali weyn iyo u halgankeeda.Waxaa taladoodii ku soo ururtay warka xun ee ah “looma dhamma” .Ciddii aan tashan waa loo taliyaa;midnimaa muruq xoog lihi ku jiraa;talada tolku waa inay meerto noqotaa.Ma dhici karto in dad dhan oo sidaas u badan sidaasna soomaaliyi ugu han weyn tahay go’aan ka gaari waayo doorashada cidda ku habboon hoggaaminta maamulkooda. aTaladaydu waxay ku soo ururaysaa “qaata talada abwaanadda cimrigeedu ha jiree”.Tillaabooyinka ugu horreya ee arrintaas lagu xallinayaana waxay saaran tahay xildhibaannada qaran ee degaankaas ka soo jeeda,wasiirka A.gudaha oo aan ka fogayn iyowaxgaradka kale ee qoomiyadda.War meesha ka kaca magiciin bi’i waaye.
waxaa hubaal ah,kuwa qabiilka wax raadiya marwalba waxaa dhibaya qaranimada.
waxay adeegsadaan,markasta beesha uu ka soo jeedo asiga oo kan haya xaqooda
dhegtana uga adima reerkaas uu leeyahay waxbaa ka maqan,mana galeeyso dhagahooda
iney cid kale wax u sheegto xitaa hadii janno loogu yeero.
Marka walaalkeey cosoble waxaa ka qaldan sharciga iyo xildhibaanada cidda waxa ay kala
yihiin,xildhibaan waxa uu matalaa dhamaan umada somaliyeed sharciguna waxa uu kala hagaa
umada somaliyeed xildhibaanku hadii uu qalad galo waxaa qabanaya sharciga,,,,,,
wariyaha waxaan dhihi karaa waxaa adeegsadey kuwa aan dooneeynin il la helo kala dambeyn
ama law anad order,waxaana uu sameeyey been abauur,fedeexeeyn ama qaa inimo qaran.
waxaana muhiim ah in sharciga la eego ee aan la eegin ruux dambiila ah,,,,,,
qabiil iyo boob hadii wax lagu noqon lahaa waxaan ka arki lahayn,,,,,,kkkkk riyu hadii ay dubleedahay
dabadeeda ayey ku qarsan lahayd,,,,ha leeys tiro 20kiisano inta dhimatey iyo inta wax heshey,xitaa
kuwa xoolaha xaaraanta ah heley ku dara,yaa badan……hanti dad xoolo sharaf soomaaliyeed.meeye
waxaas oo dhan waxaa keeney yaan la helin dowladnimo,iyo kala dambeeyn,si boobku uu usii joro…
Dumarka somaliyed bay kuf,sanjireene saxaafadana mahaday yiraahden aynu kufsano xarigaan waa caburin iyo inaan qof danbe kahadlin dhibaatada ay gaystaan askarta khasab maahan in wariyu duljoogo goobta wax lagu kufsanayo iima muuqat sabab uu ku xirmo wariye haduuba warku been ahaa waxaa kufilan warkii aan ka qaadnay gabadhaas been buu noqday midakale imisa fal aad ufoolxun bay geysten askartu maxaa looga dhigayaa sida dad wada sharaf leh oo aan kasuurtoobin inay wax kuf,sadaan illaahay anagana hanaga hayo iyagana hakadulqaado hashii labo midigle dheelmay dhana uma fiyooba
Runtii aad iyo aad ayaan usoo dhawaynayaa hadii qofkii qalad gala lasootaagayo sharciga hortiisa wariyaha aniga waxaan qabaa in lala xisaab tamo maxaa yeeley waxa uu meel uga dhacayaa waa sharaftii umada somaliyeed wax kalena kama ganacsadaan wariyayaasha somaliya joogaa waxay sheegaa 100? 80 ayaa been ah wadanka waxa dhita ukala gudbiyaa waa ayaga marka waa in waliba kii lagu helo dambi qayaano qaran ah oo been ah waa in latoogtaa oo tiirka lasootaagaa maxaa yeeley
waad arkeyseen wiilashii xooga dalka ahaa markii lagu heley in ay dambi galeen ayaa latoogtey.ku waana waaba kadaran yahiin ,,,,,,,,,
asc wiilka wata cosoble bra waad mahadsan tahay dadka ilaah abuurey dhaliil way yeelan karaan waana kumahadsan tahay dhaliishaada balse dadka udhashey galdudug waa halmid waxayna kumideysan yahiin galmudug qofkii waxkale moodaadow ogow taas madax waynaheeduna waa Jenaral .cabduqeyb diid .Xafidulaah .,,,kii kanaxaa hadhinto…..ayaan leeyahay waxaana utaaganahay sidii umada somaliyeed u heli laheyd nabad iyo kala dambeyn,,,,,