Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamada La Geeyay, Xeer Ilaalinta oo Dhageysatay Iyo Maxkamadda oo Dib Loo Dhigay Illaa Waqti Aan La Cayimin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa maanta markii ugu horeysay maxkamadda la geeyay wariye C/casiis C/nuur Ibraahim “Koronto” oo u xiran ciidamada booliska Soomaaliya tan iyo 10-kii bishaan Jannaayo ka dib markii lagu eedeeyay inuu wareystay haweeney barakacayaasha ka mid ah oo ciidamada dawlada ay kufsadeen.

Waxaa saaka wariyaha oo ay la socdaan ciidamo boolis ah isla markaana gacmaha ka katiinadeysan la geeyey xarunta maxkamada gobolka Banaadir oo uu ku yaalo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Maxkamadda Sare halkaasoo wariye C/casiis ugu horeyn lagu wareysatay.

Markii Wariye C/casiis la keenay maxkamadda waxaa kaloo lala keenay haweeneydii lagu eedeeyay inuu wareystay ee ahayd dhibane kufsi laguna magacaabo Luuley, Seygeeda oo lagu magacaabo Muxyidiin oo isaguna u xiran booliska, haweeney ay saaxiibo yihiin dhibane Luuley iyo nin ay deris ahaayeen oo dhammaantoodba ciidamada ay soo xireen.

Xeer ilaalinta oo ah dacwad soo oogaha dawlada ayaa ugu horeyn dhageystay kiiska dacwada ee loo heysto dhamaan dadka maanta la geeyay xarunta maxkamadda, waxaana ugu horeyn wariye C/casiis Koronto uu xeer ilaalinta ka hor sheegay in isagu uu wareystay haweeney dhibane ahayd oo u sheegtay in askarta dawlada ay kufsadeen, isla markaana uu gutay waajibkiisa suxufinimo, wuxuuna intaa ku daray in wareysigaasi uusan weli diyaarin ama saxaafadda ka siideynin, booliskuna ay soo xireen.

Sidoo kale waxaa hadashay dhibane Luuley oo cadeysay in dhibaato kufsi ay ku sameeyeen askarta dawlada, ayna ka baqday inay boolis u sheegto maadaama uusan jirin xarun boolis oo fursad u siineysa muwaadiniinta inay soo dacwoodaan, weliba inta badan dadka aan dhaqaalaha heysanin aan la dhageysanin sidaasi darteedna ay miciin biday inay saxaafadda raadiso.

Dhibane Luuley waxay beenisay inay mar hore dafirtay kufsiga waxayna ku adkeysatay inay weli tahay dhubane caddaalad iyo garsoor xalaal ah ka sugaya dawlada, loona soo qabto dadkii kufsadey ee iyada dhibaateeyay.

Sidoo kale waxaa goobta xeer ilaalinta dacwada ku dhageysatay ka hadlay seyga ay u dhaxdo Luuley oo lagu magacaabo Muxyidiin oo sheegay in isaga iyo xaaskiisa lagula kacay dulmi ka dib markii afka la qabtay loona diiday in dhibaatadooda ay sheegtaan, iyadoo booliska iyo wasaaradda arrimaha gudaha ay difaacanayaan danahooda gaarka ah, sida uu yiri.

Booliska oo fadeexad wajahaya

Goobta xeer ilaalinta ay maanta ku wareysatay dhibanayaasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxa dembibaarista booliska Jen C/laahi Xasan Bariise ahna afhayeenka booliska, waxaana jirtay in hore ay boolisku u gudbiyeen wabixino sheegaya in wariyaha uu ku been abuurtay haweeneyda uu wareystay taasoo maantana beenowday.

Saraakiisha taliska booliska ayaa ka welwelsan in haddii wax eedeyn loo waayo wariyaha inay taasi ku furi karto inay rumoobaan kiisaska kufsiga ee hadda la qarinayo taasoo ka dibna waji gabax ku ah dhammaan saraakiisha ka dambeeyay xariga wariyaha, haweeneyda dhibanaha ah iyo dadka kale ee la xiran.

Waxaa xusid mudan in xitaa golaha wasiirada iyo xafiiska raysul wasaaraha loo gudbiyey warbixinta qaldan ee booliska iyo wasaaradda arrimaha gudaha taasoo uu dhowaan raysul wasaaruhu dhaliilay warbixinada qaldan ee had iyo jeer xafiiskiisa la keeno.

Dhageysiga dacwada ka dib ayaa xeer ilaalintu ku dhawaaqday in maxkamadda kiiskan ku saabsan waruyaha iyo dumarka dhibanayaasha ah dib loo dhigay illaa waqti aan la cayimin balse maxkamadu ay dib ugu yeeri doonto dhamaan dadka maanta la horkeenay.

Wariye C/casiis Konronto ayaa dareenkiisu aad u sareeyay wuxuuna wariyaasha u sheegay inuu isagu ku taagan yahay sida saxda ah uuna guuleysan doono, waxaana dhammaan dadkii xirnaa ee uu ku jiro wariye C/casiis dib loogu celiyey xabsiga xarunta CID-da ee ay ku jireen tan iyo 10-kii bishan oo hadda laga joogo mudo ka badan 12 maalmood.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamada La Geeyay, Xeer Ilaalinta oo Dhageysatay Iyo Maxkamadda oo Dib Loo Dhigay Illaa Waqti Aan La Cayimin”

  1. Abdifatah says:

    Dawladdu waa inay bedeshaa saraakiishan aadka u daciifka ah, kuwaasoo aan kala garanayn ruuxa dembiilaha iyo kan kale, aad baanan uga xumahay haweenay la kufsaday oo xabsi ku jirto mudo iyadoo ilmo yar haysata, cadaaladi Soomaali ayey ka dhimatay, si xun bey fahmeen qaranimadda

  2. khadija says:

    bariise sida uu u xirtey derajo uusan lahayn ayuu sharcigana ugu xadgudbayaa, bariise wuxuu ahaan jirey alifle ilaaliya albaabka dekada sharciga CID waxba kama yaqaan derajadu waa bug soo ciduu doonaba xiri maayo dowlada waa iney eegtaa saraakiisha iska xiran derajada ee ay dib ugu noqotaa shalay maxuu ahaa maantase ma uqalmaa derajada la bililiqeystey markaa ayuu sharcigu shaqeynayaa

Leave a Reply