Wasaarada Gaashaandhiga Oo Dib u Dhiseysa Xarumihii Ciidamada Xooga Dalka Ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in ay dayactireyso Afar xero ay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay leeyihiin oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in xarumahaan oo ku yaala magaalada Muqdisho ay haatan wasaaradiisu ay dayactir ay ku samaynayso.
Fiqi ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in wasaarada Gashaandhiga ay dib u dhis ku samayn doonto isbitalkii xooga oo ay si gaar ah u lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya maadaama bur bur xoogan uu soo gaaray markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in qarashka ku baxaya dhismayaashaasi ay dowladu bixineyso, si haatan loo soo dhisi ciidamada xooga dalka Soomaaliya isla markaan ay dib ugu soo laabato tayadoodii.
Dowlada Soomaaliya oo uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay dadaal ugu jirtaa soocelinta awoodii ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira heshiisyo kala duwan oo ay dowladu soo gashay oo ku aadan horumarinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho















Wasiirka hadalkiisu waxaa uu ku qurxoonaa
Waxaan dhiseeynaa xeryaha ciidamada laakin
Afar xero oo xamar kutaal kaliya ma joogaan
Ciidankii X D S.waxaan ogeyn xeryo badan
Oo hadda ciidamo ay joogaan sida lamagalaay
Baydhabo & meela kale oo badan ! Waxaad
Moodaa dhiiranaanshaha gudoomiyayaash kismayo
& bay iney sii xoojineyso iney ku dhiiradaan
Gudomiyaasha hiiraan galguduud & bari iney
Iyaguna dhahaan waxaan rabnaan magacaabeynaa
Hadaan dowladu aysan balaarin maamulkeeda
Kuna koobto xamar oo kaliya ,waan garankaraa
Dadka xamar jooga waxaa ku adkeyd nin somali
Oo gobol kale ku dhashay ayaa madaxweyne
Idiin noqon doono laakiin waa ay akhbaleen taas
Waxaan sugeeynaa iney akhabalaan hantidii qaranka
Ama shaqsiga iney akhbalaan” hoppfully ”
Is qiyaamana ay u badbaadaan aduunkana
Ay xalaal ugu noolaadaan.
qoone dadka xanuunka xamar qaba miyaa kujirtaa ilahay haydin daweeyo
waa xanun san tihiin hadii ladhiso xeryaha xamar kuyaal soo mahiim mahan madaama casimad aytahay cadowgeeduna badan yahay iishiii buktooy ku bikaacsooo
mooryaantu ha dhisto ilaa iyaga baa bur buriyey
ASC, dhamaantiin,
Walaalkeey Qoono, saaxiib waa runtaa oo ciidanka xooga Somaliyeed gobolada Somaliyeed oo dhan ayuu xeryo iyo dhismayaal ku lahaa, marka walaalow ka fiiri dhinaca wanaagsan hadalka Wasiirka Gaashaandhiga, oo Afarta amaba Lixda xero ee Xamar ku yaal, marka la dhiso, waxaa ku xigta shaki la’aan, sidoo kale in ayagana la dhisa, lana habeeyaa xerooyinka kale ee ciidanka ee ku yaala 18 Gobol ee Somaliya, ayadoo loo kale hor marinaayo sida ugu haboon ee suurtagal u tahay. Waliba hada ciidanka Gobolada jooga hadii eey ku dhaqaaqaan wax dhisid, waxaan aaminsahay in Dowlada soo dhaweeyneeyso. Marka, yaanan wax kasta cilad u yeelin. Hadal yar iyo howl badan. Thank you all.