Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Ururka Saxafiyiinta Puntland ee Map oo Khilaafkoodui uu Xoogaystay
Nairobi (RBC Radio) Kadib markii dhawaan uu wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir soo saaray Xeer cusub oo ay yeelanayso Saxaafada Puntland kaasi oo uu Wasiirku ku sheegay in uu yahay midka kaliya ee lagu kala hagi karo Saxaafada una dhexeeya Xukuumada iyo Wariyeyaasha taasoo dhalisay in Ururka ay ku midaysan yihiin Saxafiyiinta Puntland ee Map ay kasoo horjeestaan Xeerkaasi kuna tilmaamaan mid aan sharci ahayn oo aan lagala tashan ayaa Qilaafkeedii sii gaamuray.
Wasiirka Warfaafinta ayaa dacwad geeyey dhawaan maxkamada gobolka Nugaal taasi oo uu ku andacoonayo in Wariyeyaasha iyo Xarumaha ay ka shaqeeyaanba aysan iska soo diiwaan gelin Wasaarada ayna yihiin kuwo Madax adag sharcina aan ku taagnayn sidookalena ay iska dhagatireen baaqyo badan oo ay u direen sida uu Wasiirku Hadalka u dhigay.
Wararka ay Raxan-Reeb helayso ayaa sheegaya in Xeer ilaalintu ay dib qoraalkiisa Dacwadeed ugu Celiyeen Wasiirka iyagoo ka dalbaday in uu Cadaymo cad u keeno Dacwada uu kasoo gudbiyay Saxaafada iyo in aysan ka diiwaansanayn Wasaarada ama aysan qaadan Ruqsada,waxaana tan iyo intii dacwadani ay bilaabatay jiray muran hoosaad u dhexeeya Suxufiyiinta ku sugan Gobolka Nugaal Qaar kood iyo Wasiirka kaasi oo ku saabsan degdega uu wasiirku Saxafiyiinta ku dacweeyey isagoon marka hore yagleelin kulan ay 2da dhinac yeeshaan.
Saxafiyiinta Qaar ayaa Wasiirka u arka inuu yahay nin kaligii taliye ah oo doonaya in uu cadaadis saaro Saxaafada waxayna sheegeen in Wasiirku aflagaado u gaysto Saxaafada kuna tilmaamo kuwo aan aqoon durugsan u lahayn shuruucda caalamiyeed ee u dagsan Saxaafada ,Waxayna ku taliyeen Madaama uu wasiirku Cusubyahay inuu sameeyo la tashi badan uuna ka fogaado Cadaadis Saarida Wariyeyaasha ka hawlgala Deegaanada Puntland
Wasiirka Warfaafinta ayaa dhankiisa ku doodaya in Saxaafadu aysan tixgelin weyn aysan siinayn Wasaarada ayna jirtay Ogaysiisyo ay kasii daayeen Idaacadaha Qaarkood oo ay ku Baahinayaan in la gaaray xiligii Ruqsada la jaranlahaa wasaaradana layska diiwaan gelinlahaa laakiin ilaa hada ma jirto cid hadalkeena dhulka ka qaaday ayuu yiri Wasiirku.
Inkastoo wali dacwadii Maxkamada ay taagan tahay uusanna jirin isu soo dhawaansho ayaa hadana waxaa rajo aan cago badan ku taagnayn muujinaya Dallada ururada aan Dowliga ahayn ee Punsa kadib markii Saraakiil ka tirsan Dalladaasi ay u istaageen in ay la kulmaan 2da dhinac kadibna ay doonayaan in ay isa soo horfariisiyaan Wasiirka iyo Suxudiyiinta si meesha looga saaro Qilaafka iyo muranka ka dhex taagan Saxaafada iyo Wasaarada Warfaafinta Puntland.
RBC RADIO















sida ka muqanaysa Warbahinta Madax banan ee Puntland iyo Wasaradda Warfafinta Punland,waxaa udhexeya Khilaf Ween,waxuna salka ku haya Madaxbanani iyo Xukun adag,sida laga warqabo Warbahinta Wayhan waxay ahayd warbahin madaxbanan oo xor ah oo aan cidna ku xirnan oo gaar lo’leyahay oo intoda badan,Xumumadda Puntland waxay Rabta in aan laga fafin wax yabaha aaysan rabin,mamulkoduna waxuu u’egyahay tawradii somaliya qabsatay 1969,oo aan ogalan in wax laga shego wax lagu amano moye,waxayna xumadu donaysa Wargeyskii Xidigta 0ktobar in aay noqdan warbahinta xorta ah ee puntland,sidas ayan umalaynaya in aay kajirto puntland,wad mahasan tihin.
xaqiiq waxaa ah hadii qofka xumaantiisa ama khaladaad kiisa kaliya la sheego inuu adeeg sanayo wixii uu is dhaho waad ku badbaadi kartaa puntland shacabkeeda iyo dawladeedaba warbaahintu waxay sheegtaa xumaanteeda mana sheegaan hormar keeda iyo wanaageeda taas ayaa dhalisa inay dawladdu isku daydo inay xakameyso warfaafinta balse taas aniga isma lihi dawladu way ku guuleysan kartaa waayo warbaahinta ilaa aqoon loo sameeyo laguma caburin karo xoog iyo maquujis ee waxaa loo baahan yahay wada tashi iyo isku tanaasul iyo meel is la dhigid xeer loo dhan yahay cidii jabisana abaalkeeda la marsiiyo