Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Awood Loo Siiyey Maamul u Sameynta Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka (War-Saxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kulankii golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya uuna gudoominayey raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta looga dooday qorshaha amaanka iyo maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

Ka dib kulanka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada oo saxaafadda loo qeybiyey ayaa lagu cadeeyay in goluhu isku raaceen in wasaaradda arrimaha gudaha loo madax bannaaneeyo dhammaanba hawlaha maamul u sameynta gobollada dalka iyo degmooyinka.

Sidoo kale waxaa wasaaradda arrimaha gudaha isla kulankii maanta loogu xilsaaray inay qaadato masuuliyada baaritaan lagu sameynayo dhammaan dhulkii iyo guryihii dawlada ee lakala kireystay, la bixiyey ama la iibsadey wixii ka dambeeyay 1990-kii taasoo goluhu ku tilmaameen inaanay aqoonsaneyn.

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Abyan Nuur oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka ayaa ka warbixiyey.

Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG. Waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn  lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab. Waxaana howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha  inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.—-DHAMAAD—

__________________________
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

19 Responses for “Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Awood Loo Siiyey Maamul u Sameynta Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka (War-Saxaafadeed)”

  1. Puntland says:

    Arintaas Waa. Arin fiican. Oo wasiir ka. Arimaha gudaha jufadiisa Ayaa 95%haysata hantida shacabka iyo hantidii dawlada. Sida wars hada baastada, xaruntii xisbiga, boostada, wasaaradii gaashandhiga, isbitaal kii digfeer, guryihii dawlada ee kaasa balbalare. Iwm. Hadaba suashu Waa wasiir ku awood ma uleeyahay AMA daacad maka Yahay. Kasarista xarumaha dawlada beeshiisa iyo celinta hantida shacabka soomaliyeed, Caqliga wasiir ka Ayaan kuu aqaan waxuu dhihi doona jufadayda Aan ka Saaree. Xarumaha dawlada hala siiyo mag dhaw iyo dib u dejin oo dawlada xamar hawga dhisto guryo kale. Halka uu shalay ka lahaa barakacayasha kayimid baay iyo Bakool Waa in magalada laga Saaraa iska daa xaq lasiiyee.

  2. Garowe says:

    Mandag alah.waa guul la haray.dowlada mamulada dalka i sameyso

  3. Garowe says:

    Waa in dowlada mamul u sameysa kismayo si qilafka qabilada i dhamado

  4. Said says:

    BAQBAQ…waa ayadoo la yiri dhurwaa ariga ha ilaaliyo, marka la leeyahay wasiir boobey guryihii Xamar, ha sameeyo maamulo dhul kale oo jeclaan lahaa inuu boobo. Cid walba waa inay ayagu waxooda sameystaan, aaminaad way dhamaatay.

  5. c/qadir says:

    sax waa arin fiican oo wadanka fawdada kasaaraya waa in dadka bahaloobay la radciyaa oo sal mugii ay fariistaan

  6. kataange says:

    wax yaabaha ugubadan oo loo maga caabay waa kismaanyo si dii maamul loogu dhisilahaa, ninba nin ayuu kasii hooseeyaa waxaan layaabanahay ninka maanta faroore wax kasiiraadinaya kkkk war raod mabkii waa dhamaaday 6 saxiixe oo caalin kujiray .xataa kenya iyo Ethopiya waalagatay ..waarag aanba war kahayn halka maantay ay siyaasadu marayso ilaahow jahliga naga saar..faroole maalintii gugurte ladootay ayey dhibir seexato ku dhacday ..siilaanyooo udanbeeyey seefta gugurte ayaa qaadatay 2 maalin ka hor si dhib la aan ah

  7. Abdisalaan says:

    ader sheeko niic looma bahno wasiirku sheegtaay!
    Qabiil qabiil mamul usamaynkaro majiro waayo cid waliba meeshay dagto way taqaan wasiirka meelaha uu wasiirka ka yahay mamul waa inuu udhisaa ader fahamtu.
    Somalia waa federal cidna cid mamul umasamayn karto viva jubbaland state of somalia.
    Somalay riyo maal meedka hala joojiyo waxaa lagu jiraa 2013!!!

  8. fowda says:

    @ Abdisalaaan waa ka baxsatay boowe
    si fiican baa u hadashay allah kaa qabto cadowga , waa runtaa fikirkaaga wan kuugu raacsanahay
    booli cune suu meel kale u maamuli karaaa , ninka booli cunay like wasiirka gudaha

  9. Jugsodhacay says:

    Kataanga waxan umalayn. Waxaad ahaan jirtay reer c/casiis. Iyagaa jeclaa in ay fariistaan oo ciyaraha kubada cagta ee muqdisho isatidiyamka fariistaan jiray dhinacii katanga Loo yaqanay, gurgurte meelna gaari maa Cali badana maqabo ,hadalkiisa xikmadu iyo garashadu ku yartahay ayuu cadaw badan ku samaysan , 4sano waxay Uga dhawaqaan gurguurasho, bilo kabacdi waxaad arki. Maraykan oo Leh, xasan ha ilaasho sharucda federaalka iyo dastuurka wadanka, maraykana waa dabecadiisa in nin kasoo saaro kabacdina dhulka lagu jido, sida Saddam, xusni mubarak, xamid Karzai. ,qadafi, c/laahiyusuf, geëdi, nuurcade, 2sharif, hadaba gurgurte ragaas meeshay Mareen Ayaa sugaysa ragaasna isaga ugu liita.

  10. somali boy says:

    malaha haduusan wasiirka uusan howsha loo igmaday qabsan ma waxaa qabanayo kuwa aan dhul somliba waxba ku laheyn oo xoog iyo dabada iga riix wada ayaa udhisi karto maamul dhul somkuyeed adeeeerayaal waala is yaqaaan eeee futada xaaaarka ka duwada kkkkkkkkkkk mida kale kan gaarisa duqa magaalada ka ah maxaaa ka quseeeeyo afaaro dhul somliyeeed ileeen isagaaba gumeysi kujiree o dadkiisa la xasuuuqayee adeeer dadkaaga utasha dad somliyeedna waxba kaama quseeeyaaane ama qabiiil isku raaadsada ama iska dhaafteeen arintiiiina ilmaha yari ayaaa og llllllllllllllloz

  11. puntlandboy says:

    doqonka garowe kuhalqabsaday garowe haka beensheegin mooryaana ayaad tahae.
    middakale wasarada arrimaha gudaha markay kahadlayso guryaha dowladda aaway guryihii shacabka
    somaliyed oo moryantu xaranta kuhaysato, mamul usamaynta lashegayo taasi maaha mid reer kismayo lagu khiyaanikaro sheekadasi waasoo xirantay.

  12. zack-London says:

    raysul wasaare. miyuu sixranyahey…ma sidaan ayaa kuu danbeysey, is casil,,,, HAG miyey ki sixreen

  13. Omarinho says:

    waa talaabo horey loo qaaday wazir ka arimaha Gudaha Mr abdikarin waa nin howl kar ah hadana shaqada daacad katahay marka waxa rajayna inu howshaas kasoo bixi doono Insha Allah

  14. Kismayo says:

    Kan wata garowe Adeer luqadas loogama hadle ma muqdisho so qadatid waxba qiiq ha isku qarine.teeda kale maamul u samaynta kismayo waxba laga Waydin mayo ee meesha kufsiga ,dilka iyo boobka ka jiro ayaa u baahan in wax laga qabto wanaga gurigaaga ka bilow ka dib gaarsi dariska.

  15. dalnuurshe says:

    Alle ka cabso.
    Qabiil qabri kula gali maayo, waxaa kula haboon inaad ka warsugto howsha waxa ay ku dhamaato.

  16. dahir says:

    yaa aaminaya wasaarad qa<ybyaaladaysan oo xitaa madaxweynihii u hab qabyaaladaysan u hadlay markii jubooyinka laga hadlayeey

  17. ali yusuf says:

    KKKKKKKKKKKK KISMAYO DAWLADA AYA U SAMAYNAYSA MAMUL GOBOLED WAXA HADHAYSA IN QABILADA AY KISMAYO U DABA FADHISTAN MAMULKA DAWLADA

  18. Xalleef says:

    go’aanku waa fiicaan yahay, hadii daacad nimo jirto. laakiin mala hubaa wasiirku inuu arimaahan si hufan ufulinayo?

  19. Ali soomali says:

    waa arrin loo qaaday dhinaca wanaagsan soona dhoweyneysa nidaamkii iyo kala dambeyntii iyo in dowladda looga dambeeyo wixii dadka wada saameeya.

Leave a Reply