Wasiir Fawsiyo Yuusuf Iyo Wasiirka UK Ee Afrika oo Ka Warbixiyay Shirka London Ka Dhici Doona Iyo Cida Ka Qeybgaleysa
Addis Ababa (RBC) Wasiirka arrimaha dibadda dawlada federaalka Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qeybgashay kulan wadamada Urur Goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaasoo ay sidoo kale kula kulantay wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan Afrika.
Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo si wadajir ah ay u qabteen shir jaraa’id iyada iyo wasiirka ka socday Ingiriiska ayaa waxay sheegtay in dawlada ku bahoobay IGAD ay si weyn u soo dhoweeyeen dadaalka dawlada Soomaaliya ka gaartay soo celinta xiriirkii diblomaasi ee Mareykanka iyo wadamada Galbeedka.
Waxay sidoo kale sheegtay in wadamada ku jira bahwadaagta IGAD inay aad u taageereen qorshaha dawlada Federaalka Soomaaliya ay u dejisay soo celinta nidaamkii dawladnimo ee dalka kaasoo ka koobnaa lix qodob oo waaweyn oo amnigu ugu horeeyo, sida ay tiri.
“Wadamada IGAD shirkoodii halkan waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay gaadhay dawlada federaalka Soomaaliyeed, waxayna noo sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan ummadda Soomaaliyeed.” ayey tiri Fawsiyo oo ka hadleysay Addis Ababa.
Shirka London
Labada wasiir waxay shirkooda jaraa’id kaga hadleen shir lagu wado in bisha May 2013 uu ka dhaco magaalada London, kaasoo ay si wadajir ah u gudoomin doonaan raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameroon iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji ayaa sheegtay in shirka London uu yahay shir looga hadlayo Soomaaliya, uuna goobjoog ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Waxayna sheegtay in dawlada federaalka ay tahay tan metesha ummadda Soomaaliyeed.
Mar la weydiiyey in shirkani uu la mid noqon doono kii bishii Febraayo ee sanadkii hore ka dhacay London ee ay ka soo qeybgaleen maamul goboleedyada iyo dawladii ku-meelgaarka ahayd ayay sheegtay inuu ka duwan yahay shirkani, isla markaana aaney jirin dhowr dawladood oo Soomaaliya ka jira.
“Waan uga mahadcelineynaa dawlada Britain dadaalkeeda iyo dadaalka guud ahaan beesha caalamka eedib u dhiska ciidamada qaranka Soomaaliyeed.” ayey sii raacisay marwo Fawsiyo hadalkeeda.
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds oo isaguna hadlay ayaa yiri,
“Dawlada UK waxay ku faraxsan tahay martigelinta shirkan ka dhacaya London kaasoo ay wada gudoomin doonaan Raysul wasaare Cameroon iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Shirkani waxaa uu ka dhashay ka dib markii dawlada Soomaaliya ay soo bandhigtay waxyaabaha muhimada u leh, shirkani waxaa uu qeyb ka yahay dadaalka beesha caalamka ee lagu caawinayo Soomaaliya.”.
Simmonds ayaa hadalkiisa sii raaciyey;
“Dadaalka xoogan ee beesha caalamka oo la isku xiro ayaa waxay naga caawineysaa inaan ku gaarno waqtiga ugu gaaban ee ugu maqcuulsan saameynta ugu sareysa si loo horumariyo amaanka isla markaana loo xoojiyo awooda dawladnimo ee dadka Soomaaliyeed.”
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi














ninka yiri waxbaanu ka hor jeednaa waxaan lee nahay – adaaba qoysanayee yaa kuu xiiraya -kkkkkkkkk- a-kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Mamul goboleed Warkiis xage ku dambeyay?
Gobolada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed waxaan
Dhihi lahaa mala awaalka iyo beenta aad isku maaweelineysaan
Ha yaraato. Zenawina idinka tag oo naas nuujis dhamaatay. Mahigana warkiisaba
Daa. Wake up my brothers!!
Ingiriis Cadow adaanu kuhoos joognaa! Ala nimanku gaala jecelaa.
Waxaa lajoogaa waqtigii reer Puntland iyo Somaliland ay dadkooda runta usheegi lahaayeen.Soomaaliya waa dawlad buuxda xaafad dambe oo gooni loola hadlaa waa ay dhamaatay dadkiinana gees karaaca.
Aadan Mohamud walaal sidaas ha dhihin Ogow dhul uun kaliya maahane waa dad soomaaliyeed lakiin sheegay inay ka go’een Somaliya kadib markii dhib badan loo geestay,ha xaqirin hana dafirin walaalkaa kale oo Somaali ah,garowshiyo adoo muujinaya isku day inaan ka qanciso waxa uu diidan yahay.
MARYOOLEY makala maarnto,ismana necba waa adad aad iyo u wanaagsan iskujcel,istageera,isku gargaara.
Shalay Soomaliland 1960-kii haddii ayagoo calanka wada nookeeneen MIDNIMO jaceyl daraadeed si maanta Midnimadaaas loo helo ma u tagi karro miyaa?????.
WAXAAN AAD QORTEEN EE NAAGTANI KA HADLAYSO WAXBA KAMA JIRAAN,S/LAND WAA DAWLAD CIDINA MA KHASBI KARTO.WAXAAN IDIN LEEYAHAY RIYADA BEENTA ISKA DAAYA OO RUN KA HADLA, WAXAAD MOODAA INAAD DHINAC JECELSHIHIIN LAAKIIN ANAGU DIYAAR BAANU U NAHAY HADDII SOOMAALIYA FARAGELIN KU SAMAYSO S/LAND INAANU ANAGUNA FARAGELIN KU SAMAYNO OO AN WAXBA ISKAGA KAAYA HADHIN MARKAA KA DAAYA WAXAN BEENTA EE AAD QORAYSAN OO XISHOODA.
Waxaa la gaaray xiligii laga gudbi lahaa Puntland, Hawiyeland, Maayland , Azania ,Isaaqland ,Daaroodland, Banaadirland, KHaatumoland , HABAR-KUULEEYLAND iwm.
dadka Soomaliyeed waa dad ehel isu-wada ah,lehna dhul baaxad-wayn oo kheyraad badan leh.
waa in hantidii la kala haystay, la isu celiyaa, oo la is cafiyo, haddii la rabo in nabad lagu wada-noolaado, oo kala dambaytii soo noqoto, sidaasaa dowlad lagu noqon kara , haddii taa la diido, aan meeshii ka sii wadno. ,BILILAQADII, DHACI, BOOBKI,BURCADNIMADII , ISDILKI,.ISBAARADII, QAXOOTININADII, aan ku soo jirnay shan iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyay.
adeer isaaq ha ogaado wuxuu leeyahay gobolka waqooyi galbeed iyo gobolka togdheer , gobolki waxaa iska leh gudabiirsey iyo ciise, sool iyo sanaagan harti baa iska leh, dalkau waa federaal nina gobolkiisa lagu xakumi maayo waataa reersaylac beetii isaaqa arkey
raxanreeb anshaxa saxaafada ha la ilaaliyo fadlan hadalo muhiim ah oo wasiirla britain sheegay oo ku saabsan somaliland si badheedh ah ayeydaan u soo hadal qaadin, waxa idinka jeceshihiin hadii aa umada u soo bandhihtiin saxaafada ayaa meel kaga dhacaysaan. Wasiirka britain waxa uu sheegay in shirkaas Somaliland lagu marti qaadey sidoo kale waxa uu sheegay in ay labada madaxweyne kulmayaan beesha caalamkana ey dhexdhexaadineyso, Somaliland shirka official ayaa loogu marti qaadayaa ka nax ama ku farax.
Raxan reeb
Sharafta saxaafada meel ha uga dhicina ee warku sida uu yahay u so gudbiya! Ogaada hadaanad xaqiiqda warka ka sheegin akhristayaashaadu kuma aamini doonto ee meel kale ayey warka ka raadsan doonaan. Bs, Somaliland shirka waa lagu marti qaaday waxayna ku hawlantahay isu diyaarinta shirka.
Masha allh ilahaay somalia ha israacsiiyo oo asaageed haka hormarto dadka soomaalieedna ha isku calool fiyoobaadaan wax walba waa hagaagayaane oo nidaamkii waa soo noqonayaaye insha allh
asc dadka saxaha waxa ushee somaliand wa 2 qeb waye 1 ma dadka dhalad aha oo saxaha somaliy mase dadka lacag cunaayo xaqa masakinata oo been lo sheekh somaliland dhafa beent sheekha ruunta saxaha somaliya wa somaliy somaliland wa dad dhalad aha waye shacabka wa saxa wye wakan numka talfooka waxa joog ingiriiska 00 44 79 602 10 704 / 079 602 10 704 / mahadsan TESTE
aniga ciid ka ahaan waxaan taageer sanahay walaalahay s\ land oo run tii xaq ku dirira ee aan xaq daro ku doonayn taasna waxaa usababa dadka ka soo jeeda koon fur oo diiday nabada hadana waxay somaliland goosatay in ay ka go,do somaaliya inteeda kale waana wax la qaadan karo hadii sababa badan laga eego sida dadka qaar aan doo nayn in ay somaaliya soo laabato waxii lagu heshiiyay oo labaal marin sida fadaraalkii iyo dastuurkii caasumadii oo dad qaasa isa siiyay oo sharaftii dalka lagu bur buriyay iyo dadka hantidiisii naftiisii hadana larabo in dad tashaday oo wadan kooda dhistay kana dhigay nabad sida s\land iyo puntland ay rabaan in muqdisho tafa ku dhiig ay ku soo celiyaan hadana ay dhacaan oo laayaan mar labaad taasna masuur too bayso mar labaad mida somaali land ma loo hoy day xasuuqii wax ma laga la xaalay waxaa laga soo qaaday hantidaa xamer lagu haysto oo kale mala is way diiyay imisa dad ayaa xaq daro loo xasuuqay aniga ma jecli in uu wadan ku kala googo oh laakiin hadaan la is da firayn s\land waa laga gar dar naa waana laga gar daran yahay hadiise ay raacayaan somaali ayagaa xor u ah hadiise diida yaan ayagaa xor u ah ma qasbi karo x\ ku sheega iyo fowsiyo midna fawsiyana way ka dhalatay laakiin ma matasho oo shacabka dhan gacanteeda kuma jiro mana aha ramuud kontarool siday rabto u istic maali karto ee waa jamuuriyad madax banaan ee jirta jiraysa jiri doontana laakiin dad xaasid ah ayaa jira walaal walaalkaa haduu hormaro maaha inaad caydo ee ku taakeer xaqa ani qabiil mala wadaago laakiin waxaa walaal kay ah waxii wax keen sada dadka nabad galiya ku eg dhulkiisa aan dhicin xaaraan aan dhicin guryo dadow aan xasuuqin caasumada dadkeedii marka waa taageer sanahay in ay ka godo somaaliya maadaaba aysan noo muuqan ku dhiirasho iyo dowlad daacad ah oo hada jirtaa sidaa darteed waa in ay somaaliland aysan u aaba yeelin cid kasta oo hor istaagta mowqifkooda haday ku soo laabanayaan somaaliya iyo haday ka go ,ayaanna ayagaa xor ah mida puntland waa dowlad ka mid ah somaaliya hadiise ay ku dhaqmi waayaan reer mudisho waxii lagu heshiiyay oo uu ugu horeeyo fadaraalka iyo dastuurka ayadana mow qif keedu waa cad yahay oo waxay marin wadada ay marto s\land hadiise lagu dhaq mo waxaas aan kor kusoo sheegay waa dada shaqayn inta laga helaayo dowlad daacad ah in nin walba dhul kiisa asagaa umadax banaan ha go ha joogo amaba ha bur buriyo nin walbaana
weel kiisa ugooni waaye suu rabuuna u walaaqa noo yaah hadin ku taag naato kkkkkkkkkkkk qaraara ama kala dhuusa puntland iyo s\land way socdeen cid loo jooji naa yaana ma jirto goooooooooooodbyyyyyyyyyyyyyyyyyy baska danbe soo raaca kkkkkkkkkkk
WAXAA WADA HADLI DOONO WALALAHEEN SOMALILAND IYO SOOMALIYA WAXAAN JECLAA LAHAA IN AY ISFAHMAAN WAXAYNA XAQ ULEEYIHIIN IN AAYAHOODA KA HADLAAN ILEEN MARKII HORABA AYAGA AYAA NOO YIMID OO CALANKA NOO KEENAY DAGAALKII KADIB WAXAY AHAAYEEN DAD MAAMULWANAAGSAN SAMEESTAY LKN WALI DOWLAD NIMO HELIN WAXAANSA REJEEHAA IN AY MARKALE NOO YIMAADAAN OO AY NA.AQBALAAN CAASIMADUNA WAA MUGADISHO AMA HARGEYSA .
barwaaqo@ waa sax hadal kaaga oo raxanreeb ka ma aha xaqiiq dadka hadal kiisa waxayna dur baanka latun taa waxay rabto ka gudub somaaliland ha noo laato puntland hanoo laato natii j aduse guul ayay k
u
dan bayn kkkkkkkkkkkkkkk ha ujoojin raxanreeb iyo kuwaan qalaadaaya kkkkkkkkkkk
[...] wasiiradda arrimaha dibadda Midowga Afrika oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fawsiyo Yuusuf kuwaasoo si adag ugu baaqay in la xoojiyo taageerada iyo dhismaha qaranimadda [...]
[...] ayaa ku yimid heshiis ay wada saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf ahna raysul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus oo kulan ku yeeshay xarunta [...]
[...] ayaa ku yimid heshiis ay wada saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf ahna raysul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus oo kulan ku yeeshay xarunta [...]