Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: Weli Wax Casumaad ah Somaliland Kamay Helin Shirka London


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Wasiirka arrimaha dibadda maamulka la baxay Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in illaa hadda maamulka Hargeysa aan lagu martiqaadin shirka la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa cadeeyay in dawlada Soomaaliya iyo dawlada Ingiriiska oo wada qabanqaabinaya shirka aysan la soo xiriirin maamulka Somaliland.

“Weli Somaliland si sharci ah casuumad looguma soo dirin, Waxaanu ka tashanaynaa markaanu ogaano meeqaamka ay Somaliland ku tagayso shirka ee aanu ogaano waxa nooga soo kordhaya, markaanu arrimahaas ka dheregno ayaanu mawqif cad ka bixin doonaa, laakiin iminka shir Somaliland lagu soo casuumay ma jiro.” ayuu yiri Maxamed C/laahi Cumar oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka aan la aqoonsaneyn ee Somaliland.

Qabanqaabada shirka London ayaa waxaasi wadajir ah gacanta ugu haya dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Ingiriiska, iyadoo ay wada gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameroon.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda dawlada federaalka Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qeybgaleysa shirka wasiirada arrimaha dibadda Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in martiqaadka shirka London ee dhacaya 7-da bisha May inay diyaarinayaan dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Ingiriiska lagana fiirsan doono dadka ka soo qeybgalaya.

Wadahadalkii Dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda maamulka la baxay Somaliland ayaa la weydiiyey halkii ay ku dambeeyeen wadahadaladii maamulkiisa la waday dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo waxa iska bedelay gooni u goosashada maamulka Somaliland.

“Wadahadaladu weli may bilaaban, waxay ahayd in markii Dawladda cusub ee Soomaaliya la sameeyay inay dib u bilaabmaan, laakiin sida laga warhayo dawladda Soomaaliyeed waxay ku jirtay sidii ay hay’adaheeda u dhisi lahayd, laakiin annagu geestayada diyaar baanu u nahay.” ayuu yiri.

“Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa in shirkaas si dhakhso leh dib loogu bilaabo oo ay dunidu ka soo qaybgasho.” ayuu sii raaciyey.

Joogitaankiisa Addis Ababa?

Fawsiyo Yuusuf Xaaji ” Shirka London casuumadiisa waxaa wada sameynaya dawladaha Soomaaliya iyo UK”

Wariyaasha ayaa Maxamed C/laahi Cumar weydiiyey waxa uu ka qabanayo Addis Ababa oo maanta [Sabti] uu ka furmayo shir madaxeedka qaaradda Afrika maadaama maamulka Hargeysa uusan ahayd dawlad la aqoonsan yahay isla markaana ay shirka ka qeybgalayaan wafdi heer sare ah oo ka socda dawlada federaalka Soomaaliya.

“Horta Somaliland waligeed kamay qeybgalin shirarka Midowga Afrika mana aan ahayn xubin ka mid ah Midowga Afrika, mana lahayn xubin sharafeed ay weligeed kaga qeybgashay shirarkaasi.  Waxaanu halkan u nimid waxa weeye sidii aan wadahadalo ula yeelan lahayn wufuuda ka imaaneysa dalalka kala gedisan.” ayuu ku jawaabay.

Shirkan jaraa’id ee uu qabtay wasiirka ka socda maamulka Hargeysa ayaa ku soo beegmay iyadoo uu soo baxay war murtiyeedka wasiiradda arrimaha dibadda Midowga Afrika oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fawsiyo Yuusuf kuwaasoo si adag ugu baaqay in la xoojiyo taageerada iyo dhismaha qaranimadda Soomaaliya.

Sidoo kale shirka Midowga Afrika ayaa taageeray shirka London ee arrimaha Soomaaliya iyadoo Qaramada Midoobay loogu baaqay inay taageerto dhismaha ciidamada amniga ee Soomaaliya si dawlada ay amaanka ugala wareegto ciidamada AMISOM.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

7 Responses for “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: Weli Wax Casumaad ah Somaliland Kamay Helin Shirka London”

  1. asmadeeq says:

    soomalialnd hanoolato guul

  2. daacad says:

    kkkkkkkkkk somaliland hakugu taagnaato waleeeee somalia oo dhan xamar ayaa laga xukumi doonaa ama diiiiiida ama yeeeeeela viva somalia viva somalia ka naxoo nafta waaaa

  3. prof piccolo says:

    kkkkkkkkkkkkkkk war ninkani wali marqaanka kama kicin miyaa somaliya waa mid marka xasan raac ama qori qaado

  4. muqdisho says:

    Sc Wada jirka SOOMAALIA waa muqadas Soomalia waxaa laga xukumayaa Caasimada dalka oo ah Muqdisho Xaruntii dalkaygaay xajkii geeska bariyeey xamareey ma nabadbaa,,, w/qooyi g/beed riyo ayay ku jiraan bal nin kaan eega istaagaayo xarunti shirka ka socday oo hadba wasiirki soo baxa dhahaya in nala aqoon sadaan rabnaa meel uu san ka casuun nayn ayuu irideeda istaagayaa xishood nin yahaw umada aad ka dhalatayna ka daa madadaalada oo runta u sheeg Qabiil Qaran manoqdee,,,

  5. Ali Soomali says:

    nimankan sow iskuma xishoodaan, mar aad irridda shirka AU istaagtaan oo tirahdaan please we are S/ lan talk to us iyo markii aaskii melez qurumaha kasoo qeybgalay la xaadiriyey markii ayaga keliya ay soo hareen lagu yiri dee wakaas waftigii Somalia ordaayoo raaca, bahdil intaas idin kugu filan, shirkan waxaa masters ka ah david cameroon iyo Xasan Sheikh ayagaana idin yeerinaya mowduuca,hadaad diyaar u tihiin bahdil kale immada haddii kale iska jooga haka soo qeybgelina, shirka Somalia iyo maamulkaas s/land ma soo fadhisanayo ajnabi waayo waa arrin gudaha soomalia taasna dowladda somalia ayey u taala, maamuladaas soomalia ayaad ka mid tihiin, haddii qabiil dowlad loo aqoonsanayo addunyada oo dhan qabiilwalba dowlad ayuu noqon lahaa, wax tegey tiigsimaad maleh soo raaca dadkiina iyo dalkiina.

  6. khalid citizen says:

    somaliland waa dad leh goaaan kaman soo noqonayaan gooni isu taagooda,ilaa ay hamigooda ka helayaan ee iska ilowa somaliyeey

  7. khalid citizen says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply