Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ku Dhawaaqay In Barakacayaasha Laga Saari Doono Muqdisho
Muqdisho (RBC) Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in dawlada magaalada Muqdisho ka saareyso dadka barakacayaasha ah ee dhex degan caasimada, isagoo sheegay in hay’adaha uu kala hadlay arrintaasi sidii loo fulin lahaa.
Ka dib kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee isugu jira kuwa gudaha iyo kuwa dibadda ee xafiisyada ku leh Muqdisho ayuu wasiirku ka dhawaajiyey in si rasmi ah dawlada u codsatay in barakacayaasha laga saaro caasimada.
“Waxaan u sheegay in hay’aduhu ay naga caawiyaan sidii dadka barakacayaasha ee hadda ku nool Muqdisho dib u dejin loogu sameyn lahaa. Arrintaasna waan isku afgaranay.” ayuu yiri wasiirka oo hadlay ka dib kulankii shalay.
Wasiirku ma sheegin halka loo qaadayo dadka barakacayaasha ah ee kumanaanka gaaraya ee nolol iyo nafba biday magaalada Muqdisho, waxaana durba bilawday walaac ay muujinayaan hay’adaha qaarkood oo sheegaya in dawlada aysan weli sugin amaanka gobolada iyo degmooyinka iyo xitaa caasimada taasina ay khatargelineyso nolosha dadka laga qixinayo caasimada.
Dib u dejinta uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku soo beegmeysa xilli dood adag ay ka taagan tahay kufsi haweenka barakacayaasha loogu geysteyo magaalada Muqdisho kaasoo dawlada ay u xirtay wariye lagu eedeeyay inuu soo bandhigay kufsi haween ay u geysteen askar ka tirsan dawlada.
Barakacayaasha oo dalbaday ammaan
Qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna dhowaan sheegay inaysan rabaan inay ku laabtaan deeganadii ay ka soo carareen hase yeeshee aysan suurtagal ahayn xilligan maadaama amni sugan aysan heysan oo dhac iyo kufsi lagu hayo muwaadiniinta oo dhan.
Axmed Xuseen oo ka mid ah horjoogayaaasa mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dawlada cusub halkii ay amaanka barakacayaasha iyo noloshooda xil iska saari lahayd ay hadda goosatay inay ku siideyso dhul aan ammaan ahayn.
Wuxuu tusaale u soo qaatay dhibaatooyin askarta dawlada iyorag hubeysan ay ka geystaan magaalooyinka Marka iyo Afgooye oo toddobaad kasta laga soo weriyo dad la dilay iyo dumar la kufsaday taasoo uu Axmed Xuseen seegay inaan lagu hawlaali karin qoysaska masaakiinta ah ee soo miciinsaday Muqdisho.
RBC Radio













Wasiir kan Waa gurgurte2 sababtoo ah barakacayasha. Kayimid gobalada kale waxuu Rabaa Inuu Kasparov casimada. Laakiin barakacayasha kujifada ah ee kayimid gobalada dhexe oo xoog ku degay guryihii dawlada waxuu Rabaa in ay xamar dawlada kasiiso guryo Lana siiyo lacag dib u dejin iyo mag dhaw ah. Halka barakacayasha gobalada kala lasii barakiinaayo, soomaliyeey cadaladii Aad sugayseen wataa.
arinta guryaha ,hotelada beeraha la kala haysto yaanu isa siin ninka haysta walle goor aay noqataba waa lagaa qaadayaa waxba yaanay isa siin dadka xaaraanta haysta waa laydinka qaadayaa meel walba iyo goorwalba oo aay ahaatoba