Wasiirka Ciyaaraha Puntland oo Ka Biyo Diiday Doorashada Guddiga Olombikada ee Ka Dhacday Muqdisho
Gaalkacyo (RBC) Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Puntland Cabdiweli Xersi Cabdulle “Indhaguran” oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa naqdiyey doorashadii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in doorashadaasi aan lala soo soconsiinin wasaaradaha kale ee maamulada dalka ka jira oo ay ku jirto Puntland isla markaana ay ahayd mid qol xiran hoostiisa ay ku qabsadeen dad uu ku sheegay inay ka soo jeedaan hal gobol oo kaliya.
“Waxaa nasiib darro ah in Guddigii Olombikada Soomaaliyeed oo ah meel u dhexeysa Soomaalida iyo ciyaaraheeda inay isku koobaan dad hal gobol ka soo jeeda.” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin guddiga lagu doortay Muqdisho ayna la shaqeyn doonin.
“Anagu waxaanu cadeyneynaa in wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland ahaan inaanu la shaqeynin aanu aqoonsaneyn doorashadaasi,” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu wasiirka ku eedeeyay in koox gaar ah ay qabsadeen ciyaaraha dalka ayna danahooda gaar ah ugu adeegtaan isagoo yiri “wax wadatashi ah lama yeeshaan maamulada ka jira dalka”.
Dhowaan ayaa war saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Olombikada Soomaaliya waxaa lagu sheegay in doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho lagu doortay masuuliyiin cusub oo uu yeelanayo Guddiga taasoo ka dambeysay geerida gudoomiyihii hore oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho 4-tii Abriil sanadkii hore.
RBC Radio














Kkkk waziir puntland ee Faroole hadii uu sidan u hadlay wax weyn oo la yaab ah maahan waayo odaygii dhalay ee faroole ayaaba looga bartay inuu dhaho ma aqoonsanin waxas waliba wax uusan shaqo kulahen oo uusan waxba u dhimi karin sida markii faroole lahaa OLYMPIC aduunka ee lomdan ka dhacayay ma aqoonsanin natiijadii kasoo baxdana ma aqbali doono it was funny wlhi kkkk
kkkkkkkkkkkkkkkk mudane waasiiir tan tagtayeee o namartayeeee doorashada kale naga ilaaalsho nimaka wax waliba xamar ayay ku kooben madaxweynaha dalka iyga madaxweynaha sportskana wasiirka gudaha iyga deeee tan kale yaaanan nalaga badsan deeeeee kkkkkkkkkkkkkkkkk faroole dhagta ugu sheeeeg tvga haka hadleeeeee
Qolooyinka Xamarna mid ayaan kula yaabay, Oday Faroole groupna mid ayaan kula yaabay. Qolada Xamar waxaan kula yaabay, waxay ku leeyihiin Mogadishu waa magaalo madaxdii Soomaaliyeed oo ummadda Soomaaliyeed ayay ka dhaxaysaa, wax ay uga ogal yihiin ummadaha kalena lama arko. Markay wax walba oo ummada u dhaxeeyey qaateen, ayaa waxaa maqlaysaa Guddoomiyaha indhoolayaasha, iyo gudoomiyaha curyaamada Soomaaliyeed, xoghayaha garoobada soomaaliyeed, waxay ka dhigeen Soomaaliyeed= gobalka banaadir. Oday Faroole group, maruu shacabkiisii wax uu ku qanciyo waayey, wax horumar ahna keeni waayey, ayuu wuxuu ku waashay LOOMA DHAMA QADADAAS. haddii wasiirku ka hadlaayo qabiilada Olompiga Soomaaliyeed, anigaa og way ku jiraan niman u dhashay gaboladaas.Muhiim maaham, meesha ay u dhasheen gudigu, waxaa muhiim ah in ay wax qabadkooda gaarsiiyaan dhamaan gobolada Soomaaliyeed.
Horeta nin wasiir ka ah gobol waxaa ka sareeya GUDIGA OLOMBIGA SOMALIIYEED waxaa kale oo ceeb ah isagoo nin maamul gobol sheegta inuu xil ka hayo hadane uu la hadaaqo aqoonsan maayo sabatoo ah yaaba isaga aqoonsi uga baahan warkiisana cid u joojin meyso waxna soo kordhinmaayo waxna ma dhaamo dameer iska ciyey oo GUDIGA OLOMBIGA SOMALIYEED waxaa aqoosan dowlada federalka iyo OLOMIGA ADUUNKA oo ey somaliya xubin ka tahay,marka nin jooga garoowe oo aduunka meel ey uga taal cid taqaan jirin inuu iska aamuso ayaa u dhaantay intuu ka hadli lahaa wuxuusan waxba ka bedeli karin ileyn waxaadan aheeyn ma noqotid mida kale kuwa maamulka puntland ka tirsan qalbigooda ha geliyaan in eysan waxba somaliya dhaxdeeda ka noqon doonin inta ey maamul gobol matelaan sidaas darteed ninkii iyaga ka mid ah ee raba inuu somali weyn maamulkeeda iska dhax arko marka hore xil kaha doonto dowlada dhexe ee somaliya haduu ka heli ayuu cod ku dhax yeelan karaa somali weyn dhaxdeeda ee inta uu maamul dowlad hoose joogo hadalkiisu waa dameer meel cidla ah ka ciyey.
war wasiirkaan reerkoodu ciyaarba ma aqoone dagaal iyo dood xikmadaysan baa lagu yaqaanay ee maxay u lugooyeen kkkkkk
Aniga reer Moqdisho ayaan ahay waana ku raacsanahay wasiirka hadalkiisa, Sports-ka waa isdhexgalka bulshada marka hadii la rabo in bulshada is dhex gasho maamulka sports-ka loo sameeynayo waa in wadankoo dhan laga qeyb galshaa
Aniga reer puntland ayaan ahay waan ku raacsannahay wasiirka, waayo soomaaliya goor hore ayeey kala irdhoowday waxayna u baahantahay in ay wada tashato si oo damiyo dabkii kacay 1991, maantay xamar cidna ma xukunto, iyadii ayaa ciidan shisheeye difaac ka hayaan, sidaa awgeed wax awood ah ama dawladnimo ah oo ay u sheegan karto garowe ma jirto, waxaase wanaaggu ku jiraa in la isqanciyo oo danta soomaalinimo hoose loo eego, taasi waxay ku imaan kartaa in xukunka iyo awoodaha dalka la wadaago noocaydoonto ha ahaatee, runtii waxa xamar ka dhacay ee olombicada lugu doortay waxay ceeb ku noqonaysaa ciddii samaysay,waxaadna ogaataan adduunka meel la isku haysto ma aqoonsado,ama sifiican uma shaqayso, haddaba waxaa ku haboonaa in daka oo dhan wada tashiga uu ka dhoco. Dadbaa waxay leeyihiin farole muxuu tarikaraa, saaxibyaal sow ma ogidin in farooe meesha uu hadda xukumo in ay ahayd meeshii xamar nabadda iyo dawladnimada gaarsiisay, sow ma ahay meeshii dastuurka lagu soo aasaasay si loo helo xamar oo nabad ah, haddii aan lala tashan maxaad ka fili kartaan, waxaa ku filan dawladda hadda jirtaa in uu faroole yiraahda wadashaqayntii waa kala noqonnay, waxaan shaki ku jirin in beesha caalamka maalintaas villa soomaiya ay abaabada ka xiran doonto waana arrin xaqiiqo ah taas,sidaa awgeed dantu waxay ku jirtaa in laga shaqeeyo soomaalinimada oo aan been la isu sheegin.
Gudiga Olypikada Soomaaliyeed Waaa meel ummada Soomaaliyeed oo dhan u dhexeysa, qaabka ey hadda wax u maamuleena ama u doorteena waa mid Soomaalinimada ka fog. Hadddii afar tuug oo maxaysato ah meel isugu tagtona, war ka jooga khaladka waa la oranayaa. Wasiir sporti gobol xaqbuu u leeyahay inuu tuugada wax ma garatada ah ka jooga yiraahdo dhibka Soomaali ku wadaaan. Nimanka Somali ama Banaadir soo qaadanayow, Jahliga waa lagu kufaa eee taa ha la ogaado…Hadduu caqliga kaaga jiro in tuuga Xamar gabdhaha ku kufsadaa ama bililiqa ku noolkja ah, Soomaali metelo Olympica Soo socda, Saaxiib kaama yeeli..ama toban(10) tuug oo guri hoosta ka xirtay oo yiri Areey Olympic aan metelaa kaama yeelin ee halyeeyo sport Somali Meteli kara lasoo shir tag..haddii dameer cidla kayeerayna wakan guriga kuugu xiran ee lagaa rabo innaad deriska ka aamusiso ee ma ahayn innaad ka dhinac qayliso….Illeyn dameer dameer ma dhaamo……………..