Wasiirka Difaaca Kenya Oo Sheegay In Wax Laga Qaban Doono Dhibaatada Lagu Hayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Xaafada Islii


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi(RBC Radio) Wasiirka difaaca dalka Kenya iyo Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka wadankaas ayaa shir la yeeshay ganacsatada ku dhaqan xaafada islii ee degmada Kaamankuji ee Magaadala Nairobi si ay u dhegeystaan cabashadooda islii ayaa maalmihii danbe waxaa kusoo batay falalka amni darrad ah oo lagu dhibaateeyo shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii.

Kulanka oo ay cabashadooda kusoo gudbiyeen gudiyada ganacsatada xaafad Islii waxayna u sheegay masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka tirsan dowlada Kenya in xaafada lagu hayo dhibaato baaxad leh oo ay ka mid tahay falal ammaan darro bililiqo loo geysto ganacsiga Soomaalida iyo raaf aan kala sooc lahayn oo ay ku hayaan ciidanka Kenya.

Xildhibaanka laga Soo doorto deegaanka Dhuujis Aadan Barre Ducaale oo kulanka ka hadlay in hadii ay yihiin Soomaalida ku jirtay dowlada Kenya ay la xanuunsanayaan walaalohooda Soomaaliyeed ayna ka warhayaan balse wuxuu Soomaalida dhankeeda ku eedeeyey iney iyagu isduudsiiyeen xaqii ay ku lahaayeen wadanka taa bedelkeedane ay laaluush bixiyaan iyagoo sharci leh.

Aadan Barre ayaaa intaa ku daray ineysan marnaba aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee xaafada Islii oo maalmihii lasoo dhaafay marti u noqday qaraxyo iyo qalalaaso kale oo lagu hayo umada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh xaafadaas.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka hadlay Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji oo isne sheegay ineysan jirin go’aan ay dowlada Kenya ku gaartay in la barakiciyo shacabka xaafada Islii balse wuxuu qiray iney jiraan shaqsiyaad ka tirsan askarta Kenya kuwaas oo ka taajiray Soomaalida oo dukaamo ka furtay lacagaha baada ah ee ay ka qaadaan shacabiga xaafada Islii sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Haaji ayaa ballan qaaday inuu sida ugu dhaqsaha badan uu dhibaatada lagu hayo Soomaalida kala hadli doono madaxweynaha Kenya Mwai Kibabi si wax looga qabto dhibaatada qaawan ee lagu hayo ganacsiga Soomaalida xaafad Islii, wuxuuna ku dhiiri galiyey dadka xaafada iney soo gudbiyaan markey arkaan shaqsiyaadka dhibaateynaya isagoo hoosta ka xariiqay in maxkamad lasoo taagi doono dadka ku hawlan falalkaas.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Wasiirka Difaaca Kenya Oo Sheegay In Wax Laga Qaban Doono Dhibaatada Lagu Hayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Xaafada Islii”

  1. mohammed ali says:

    ASC dhamaantiin
    Waxaan u malaynayaa in ay dhagaystaan ganacsata soomalida ee kiinya khaasatan ganacsatada ka soo jeeda gobolka banaadir in ay dib ugu laabtaan meeshay kayimaadeen, waayo xamar way ku ganacsan karaan haatan, hadii kale idaacadaha la soo istaaga gabdhaa la kufsaday inlayn ma xishootaan. Aada degaankiina waa ii nabdoonyahay.

    Wbtwfq.

  2. Abdi Yare says:

    @ Mohamed, Kenya cid wax ku faleysa ayaaba is ka yar, meesha dhiiqada badan.

    Ganacsatada reer Muqdisho, intii kenya u taalay Xamar ayey intooda badan u soo rareen maal mihii la soo dhaafay, inta harteyna way soo socdaan, Markii hore ba Xamar businis kooda waxay kaliya oo ku kordhiyeen dukaamada Kenya waagii Muqdisho labo qeyb loo qaybiyey si ay hantidooda qaar ku badbaado hadii qeyb dhunto dagaaladii dartiis, hadda sheekadii dagaal waa dhamaaday, waa goodbye kenya. Shopping centre cusub ayaa dhismo lagu bilaabay xeebta agteeda, reer muqdisha ku arki meysid Nairobi

  3. Somali says:

    Ninkaan la yiraah YUUSUF XAAJI ee Islii shirarka beenta ah ugu qabanaya dadka Somaliyeed dhib uusan abuurin asagu madhicin, asagaa qabyaalad iyo balaayo Somaliya iyo Isliiba ka wada.
    Waxuusan ogayn inuu sharaf ku leeyahay Somali oo wanaagsan, markii loo soo adeegsado dhibaataynta Dadka Somaliyeed ee ay KUUKUUYADU ay asaga u isticmaasho, sidii ayaa loo gubi asaga maalkiisaba, aynu dhawrno, YUUSUFOW waxba Islii dhexdeeda baroorta beenta ah ha isku daalin, caqli ka durugsan sideed million baan ahay meesha kuma haysid.

  4. Tuuga neceb says:

    Ninkaan Yusuf Xaaji markaan maqlo waaba ku lalaboodaa saan muu wasiir difaac ku yahay. Somali yaan been la idiin sheegin meesha dowlad ma jirto ee hadaa reer islii tahiin iska celiya tuugada askar isku sheegaa ama wadankooda uga soo taga…………….

Leave a Reply