Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kana Warbixiyay Shr Ka Dhacay Wadanka Turkiga


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soolaabtay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka soo laabtay wadanka Turkiga.

Wasiirka difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji  ayaa saxaafadda uga warbixiyay sida uu u qabsomay Shirkii uu kaga soo qeybgalay Turkiga waxa uuna xusay inuu si guul ah kusoo dhamaadey ayna kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Dowladaha Midowga Yurub, Jaamacadad  carabta iyo Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi leesku raacay in la taageero dowlada Soomaaliya isla markaana laga taageero xaga ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

C/xakiin xaaji Maxamuud ayaa hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray in leesku raacay in dowlada Soomaaliya loo dhiso ciidamo Soomaaliyeed oo xoog leh, waxaana arintaasi hogaaminaya dowlada Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii ay Taageero dhan walbo ah usiin laheyd Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed iyadoo safaaraddeeda ay ku shaqeeyso magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kana Warbixiyay Shr Ka Dhacay Wadanka Turkiga”

  1. Sacdi says:

    Dowlada soomaaliya waa in eey yeelato milatari xoogan oo hor istaago kuwa diidan nabada iyo dowladnimada , ama weerarka ku ah , degaano eeysan u dhalan. ujeedkooduna yahay DULMI iyo DHUL BOOB , kuwaas oo isugujira kuwo dalka gudahiisa ka soo duulay iyo kuwo dalka dibadiisa ka soo duulo.

Leave a Reply