Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kadib Safaro Uu Ku Tagay Wadamada Yugaandha & Kenya
Muqdisho(RBC Radio)Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa maanta dib dalka ugu soo laabtay kadib markii uu safaro ku tagay wadamada Kenya iyo Yugaandha Wasiirka gaashaandhigay Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxaafada kula hadlayey gagida diyaaradaha Aaden Cadde Airport ayaa ka warbixiyey safaradii uu ku tagay wadamada Kenya iyo Yugaandha.
C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay inuu ku hormaray wadanka Yugaandha halkaasne uu kulamo kula qaatay saraakiisha ugu sareysa wasaarada difaaca dalka Yugaaandha wuxuuna sheegay iney ka wada hadleen sidii ay labada wadan iskaga kaashan lahaayeen dhanka milateriga, Fiqi ayaa sheegay iney isku afgarteen masuuliyiintii uu la kulmay in tababarida ciidamada dowlada Soomaaliya loogu qaadi jiray wadanka Yugaandha xiligan wixii ka danbeeya loo weecin doono gudaha dalka.
Fiqi ayaa tilmaamay iney arintaa keentay maadaama uu dalak Soomaaliya uu ka baxay Kumeelgaarnimadii uuna u gudbay dowlada rasmi ah iyo dhanka kale amaanka wadanka oo soo hagaagay iney u suurta galineyso dowlada Soomaaliya iney dib u dhis ku sameyso xeryihii milateriga ee ku yaalay magaalada Muqdisho kadibne halkaas lagu tababari doono ciidamada milateriga Soomaaliya oo xiliyadii hore loo qaadi jiray wadamada deriska si halkaas tababar ay ugu soo qaataan.
Wuxuuna intaa ku daray iney sidoo kale ku heshiiyeen dalka Yugaandha iney iska kaashadaan tababarka saraakiisha ciidamada isagoona tilmaamay in bilaha soo aadan ay dalka Yugaandha gaari doonaan ilaa 300 oo layli sarkaal ah kuwaas oo tababar kusoo qaadan doona wadanka Wuxuuna intaa ku daray iney sidoo kale ku heshiiyeen dalka Yugaandha iney iska kaashadaan tababarka saraakiisha ciidamada isagoona tilmaamay in bilaha soo aadan ay dalka Yugaandha gaari doonaan ilaa 300 oo layli sarkaal ah kuwaas oo tababar kusoo qaadan doona wadanka Yugaandha.
Wasiirka difaaca ayaa intaa raaciyey inuu wasaarada difaaca sidoo kale lasoo galay heshiisyo dhanka milateriga ah oo faa’iido u leh dowlada Soomaaliya isagoona sheegay in wasaaradiisu ku hawlantahay dhisida iyo horumarinta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku burburay dagaaladaii sukeeye ee dalka soo maray.
RBC Radio














guuleysta walaalayaal dalka haloo gurmado ciidan dalka haloo dhiso oo gudaha halagu tababaro waa in laga naarnaa ciidamada calood u shaqeystayaasha ah ee dalaka hada jooga waan qabsan karnaa soomaaliya soomaaliya ayaa leh