Wasiirka Haweenka Puntland: Madaxweyne Xasan sheikh Waa in uusan ka leexan Wadadii lagu soo Doortay.
Garoowe (RBC Radio) Wasiirka haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo Xasan Xaaji ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya aan marnaba looga fadhiyin in uu farageliyo dad dhulkooda oo ay ula jeeday Gobolada Jubooyinka waxayna sheegtay in ay rajkeeneyso madaxweynuhu in uu abaaro wadada saxda ah ee dastuurkii lagu soo doortay uu farayo balse uusan laab laab kale keenin sida ay tiri wasiiradu mar ay ka hadleesay Xaflad Sagootin ah oo loo qabtay Wafdi ka socda Jubbooyinka iyo Magaalada Gaarisa kaasi oo ka dhacay Xarunta Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe.
Marwo Xaliimo ayaa sheegtay iin uu yahay talaabada kaliya ee dalka dhibaatada looga saari karo ku dhaqmida Federaalisimka oo qura laakiin aan loo baahnayn waxyaabaha kale ee laga shaki qabo in Madaxda dowlada somaaliya ay ku dhaqmayaan waxayna sheegtay in ay tahay kala goweyn soomaali u timaada iyo dhibaato hor leh oo uu dalka cagaha la galo hadii uusan madaxweynuhu ku dhaqmin dastuurkii lagu soo doortay qudhiisa sida ay wasiiradu tiri.
Sidoo kale Wasiiradu waxay soo dhawayn iyo wanaag badan u muujisay Gudigii ka socday jubooyinka iyo Gaarisa waxayna sheegtay in ay soo dhaweyneeso in jubooyinka ay yeeshaan maamul ay u madaxbanaan yihiin iyadoo dhanaka kale sheegtay in dowlada Puntland ay il gaara ku hayso Xaaladaha ka jira jubooyinka iyo qaabka loo maaraynayo intaba
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen madax ka tirsan Xukuumada Puntland ururada Haweenka Dhalinyarada iyo Nabadoonada ayaa Sida uu sheegtay Gudoomiyaha 3da Gobol ee Jubooyinka iyo Gedo oo kulankan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka Puntland ay u yimaadeen ay tahay in Xukuumada iyo shacabka ay ka hellaan tageero dhaqaale si looga qeybqaato dhismaha Maamulka Jubba -land, Sidoo kale Gudoomiyaha Gaarisa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu doonayo in uu hirgesho mataaneynta dhanka amniga iyo dhismaha marka la eego 2da Magaalo ee Gaarisa iyo Garoowe ayna iska kaashadaan dhanka Sugida Amniga iyo Sare u qaadida Hormarka.
Sagootinta Wafdigan oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa lagu muujiyay Cayaarta Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida sidookalena waxaa lagu taageeray In Gobolada Jubooyinka ay Helaan Maamul ka madaxbanaan Faragelin ahna mid iskiisa u taagan, waxaana Wafdigan la Filayaa in ay gaaraan Magaalada Bosaaso iyo Qardho oo ka tirsan Deegaanada Puntland.
Hoos ka daawo Sawirada Xaflada.
Ibraahim Wadani
Wakiilka (Raxan-Reeb) Garowe.































masha allaah waa arin wmgsn wana soo dhawaynaynaa!
Mala odhankaraa mr xassan dhuxul inta loodooranayey md umada somalia waxaa ku haboonayd in marwadan loo doorto pressident of somalia?
Jubaland anigaa iska le
maanshaa alaah ilaahay ha ina guuleeyo runti waa wax lagu farxo
islaan kasta waxey iska dhahe tuulo hebalayo wasir maraka wax lala yaabo siyasada somalai in qof kasta war iska dhaho its stupid talk what ever you mouth can say
wasirad xalima jir oo joog viva pntland jubbaland
yes yes warkaasaa igu socda waain dadka kismaayo loodaayo maamulkooda walle dawlad danbe oo xamar wadanka uga talinaysa ma jirto! ninwalba isagaa gobolkiisa maamulanaya oo horumarinaya odayaal ku sheega xamar ka hadlayana afkiina jubooyinka ka jeediya baanu leenahay nin kuu digay kuma dilin!!!!
ALLA JAAHILNIMADU IYO QABYAALADU KULULAAA. QOFTAN HADA MAXAA KA GALAY ARIMHAAS WALE DOWLAD LA,AANTI WAXAAN AY NABADAY
masha alaah noolow waan soo dhawayn jubaland dhalataye ka naxow nafta waa puntland and jubaland
islaantan maxa ka galey jubbaland kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk meeyey xaawaleydii ay ku shaqo laheyd caku siyaasadey maxad cantarabaqash noqotey waxan kaloio la yaaba midkan xun oo ZUJUUah maxa ka galey jubbaland waaba kenyaati bee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxa muuqata raggani in siyaasadii ururka sahal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkHALOW GAARISA HALLOW KISMAAYO HALOW GAROOWE HALOW JIGJIGA KKKKKKKKKKKKKKK walaa waa wadadii hoogga wadanku wuxu yeeshey dowlad sharci ah inta kalena waaa baadil. waa dhamaatey siyaasadii labo wejiyeyntii mareykanka dawaco meeshey mac ugu barato ayey macluul ugu dhimataa xalka kismaayo iyo kistaa waa iyadoo dadka asalka leh lagala tashado oo soomaali ZUJUU iyo somaali daboqoiodhi ey ka dhex baxaan reer kismaayo.