Wasiirkii hore Dastuurka DFK oo Xaflad soo Dhowayn ah Loogu Sameeyey London (Sawirro)
London UK (RBC) : Ururka Sahal ayaa asagoo kaashanaaya qaar ka mid jaaliyada Puntland waxuu xaflad si wayn loo soo agaasimay magalaada London ugu qabtay wasiirkii hore Dastuurka DFK Dr Abdirahman Hosh Jibril. Ujeedada xafladu waxay ahayd in Av. Abdirahman Hosh Jibriil looga mahadceliyo hawshii qiimaha iyo sharafta badnayd ee ka qabtay isku dubaridka iyo dastuurka dawlada Fadaraalka Soomaaliya iyo meelmarinta Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map). Waxaa Xaflada marti sharaf ahaan loogu casuumay oo si wayn xaflada uga soo qaybgalay jaaliyada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo Av. Abdirahman Hosh Jibriil uu kasoo jeedo. Sidoo kale waxaa xaflada kasoo qaybgalay aqoonyahano, odayaal dhaqameed iyo dadwayne farabadan oo ka socday guud ahaan gobolada Soomaaliya.
Av. Abdirahman Hosh Jibriil ayaa xaflada kasoo jeediyey warbixin guud oo aad u qiimo badan waxuuna sawir guud ah ka bixiyey marxaladihii ay soo martay marxaladihii ay soo martay Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map) iyo samaynta dastuurka lagu soo dhisay dawlada fadaraaliga ah ee Soomaaliya. Av. Abdirahman Hosh Jibriil waxuu sidoo kale ka hadlay arimaha fadaraalka Soomaaliya iyo waxyaalaha looga baahan yahay in jaaliyada dibadu looga baahan inay dawlada gacan ka gaystaan horumarinta dadka iyo dalkoodii hooyo. Qaar ka mid ah dadwaynihii shirka kasoo qaybgalay ayaa Av. Abdirahman Hosh Jibriil waydiiyey su’aalo kala duwan si aad u hufan ayuuna uga jawaabay su’aalaha la waydiiyey.
Xubnihii ka hadlay xaflada waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka Sahal, Xirsi Muuse Xirsi, Maxamed Cali Madhoodhe, Cabdideeq Shire, Dr. Cabdiraxmaan Cunaaye, Cumar Dheeman, Muna Diyaana, Cabdi Xuraashow iyo Cabdulqaasim Mohamed Xasan (Dhegowayn). Ugu danbayntii xafladu waxay kusoo dhammaatay si habsamid iyo hufnaan ah.
RBC, Radio
London UK



























guuleyso cabdiraxmaan xoosh jibriil guulayso waa masuul puntlander ah waana wasiirka ugu aqoonta badnaa dowladii hore badbaado qaran waana nin waxbadan qabtay ilahay haku dhowro waxaad utimid qurbo joogtii puntlander waxayna kugu soodhaweyeen si wanaagsan nooloow cabdiraxmaan haykal maxamed faarax sweden
wasiir xoosh noolooy. dadaalkii iyo kartidii aad muujisay intii aad xilka haysa waa lama illaawaan
waxaana ku xusidoonta taariikhda umada soomaaliyeed
meesha maanta lajoogo lama soo gaareen hadaan dastuurka la meelmariyeen……..
Abuu kaate Xoosh soo dhawoow, Somalimo ku soo dhawoow iyo wadaniyad, waxaa tahay horseedka soomaali ka saarey ku meel gaar dhaqangaliyey Road mapka iyo in danta guud ay ka weyntahay mida qabiilka, guuleyso weligaa
Kkkkkk Qof soomaalinimo u taagan soo dhaweyn wuu mudanyahay and thnks Mr xoosh lkn ururka Sahal magacas macneeya intii fahamsan
Wasiirka waxaad moodaa inuu bedeley
Qabqablayaashii USC oo ka baxay saalada
Markii runtii ka daba timid.had & jeer idaacaha
Ka qaylin jirey ayagoo mucaarada ah waxaan
Dantooda gaar ahaaneydna aan arkin wax
Kale oo wanaag ummada u ah.
Ururka sahal markaan arkey sida ay wax
Ku doonayaan waxba kama duwana kuwii
Horboodaayey USC oo dano gaar ah lahaay
Qarankeeniina burburiyey ayagiina kuwii ay
U yeerteen oo baadiyaha ka yimid ayaa
Sal kiciyey,marka waxay ahayd iney ku cibro
Qaataan qabiil wax ku raadin inaan meel lagu
Gaarin !qaranimo somalinimo .
runta sheeg,realiticna ahaay,waxaan filyaa inaan sheegey run ah,wasiirkii hore
inuu had iyo jeer mucaaradyahay,dawladii ay ka tageen wasiir kastaa aan loogu
imaan hantidii qaranka,idaacadaha uu ka hadlo had iyo jeer,
ururka sahal waxbo ma dhaamo ssdf,usc iyo kuwii ku dhisnaa qabiilka qabiilna waxaan
filayaa inuu dhamaadey laakiin kuwii aas aasey SSDF ayaa shaati ugelinaya qaab kale.
laakiin waxay ahayd in lagu cibro qaato USC kuwii shaatiga ugeliyey midna kama noola
marka filan qabyaalada ku saleeysan qabuuraha yaan la faagin,waxaa loogu tagi doonaa.
kuwii ku qaraaban jirey,somali ha noolaato,ha is raacdo,
war ninikan aad ku haysaan dastuur buu meel mariyay kii ilaaheey soo dajiyay ee layiri halagu dhaqmo maahan ee isku xishooda waxaad weligiin jeceshihiin qabiil iyo qurun iyo qaad wabilaahi towfiiq