Wasiirnimada Saleebaan-Xagla-toosiye oo Golaha Wakiillada Somaliland Ansixiyey
Hargeysa(RBC):- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta meel-mariyey Wasiirnimada Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ah Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, kuwaasoo ku jiray masuuliyiintii ugu dambaysay ee uu magacaabo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labada mas’uul ee kala ah Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Fadhiga maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa Mudanayaasha ka hor akhriyey Digreetooyinkii lagu magacaabay mas’uuliyiintaasi iyo taariikhdoodii shaqo iyo waxbarasho.
Dhanka kalena labada mas’uul waxay mudanayaasha ka hor jeediyeen warbixino tilmaamayay hawlahii ay qabteen mudadii magacaabistooda ka dambaysay iyo qorshayaasha u degsan mustaqbalka. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu gudo galay cod u qaadistii ansixinta labada wasiir iyadoo ay fadhiga maantana soo xaadireen 48 Xildhibaan.
Wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo- toosiye) waxaa magacaabistiisa ansixiyey 47 Mudane, cid diidayna ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin, Guddoomiyahuna ma codayn.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Cabdisalaam Maxamed Xasan waxaa magacaabistiisa ansixiyey 46 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay hal mudane, gudoomiyahuna ma codayn.
Wasiirnimada Saleebaan-Xagla-toosiye ayaa ka dambaysay heshiis dhex-maray isaga oo ahaa hoggaamiyihii Kooxdii SSC oo dagaal hubaysan Somaliland kula jirtay illaa 2011-kii, iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland, kaasoo wadahadal muddo socday ka dhashay, isla markaana aakhirkii dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2012 u gooyey in Xagla-toose uu noqdo Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland, kaasoo uu u magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo bishii sagaalaad ee 2012-kii.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.













Waxan aaminsanahay kan wax jira maaha waa Dead walking damiirkiisu marhore ayuu dhintay !
Maatadii lagu soo duuley la xasuuqay Beebeega la mariyey
kuwii ku dhintay ama ku dhaawacmay ilaalinta naftooda,maalkooda dhulkooda SHUHADADII
dadkii ku waayey hantidooda duulaankii gardarada cadowga jamhada hargeysa snm
Intaas oodhan wuxuu ku doorasay Garaabada iyo khamriga hargeysa dulinimo ku dhimo.
Meesha wasiir majiro dibudejin waa meel hungo ah xitaa xafiis waa dhaboqoodhi cusub kkkkk
ma qaxootiga ethiopia la dejinayaa !
Kan marki hore baa lagu khalda may raxanreeb kan wakhti hayka galinina qof dhintay iyo mid nool midna maaha
Shalay ninkaan waa halyey ey lahaayeen maantana waa kuwaas oo waa ey caayooyaan, dhulbahantow ma shalaa walaydewn mise maanta? Cali khaliif maamulka somaliland wax uu ka dhisay (1991) ma shalaa waalwydeen mise maanta? Kkkk…..raxanreeb fadlan iyo siyaasiintooda wakhti ha iskaga luminina, asc
kkkkkk horta anagu hadaanu nahay reer maakhir waad ogaaydeen inaanu ssc iyo khaatumoba idinku taageernay laakiin ma saanu idin moodnay mise saad nagu noqateen mise waxaanu idiin moodnay dad u dagaalamaya moowqif iyo mabda laakiin waxaa noosoo baxday inaad ahaaydeen hunguri raadis tan kale waxaan ka baqayaa kuwa hadda khaatumo meelahaas la taagan inaay mid mid hargaysa iasaga dhiibaan waana la arki doonaa sababtoo ah hadaadan mowqif lahaayn mabdana aanad u dagaalamaayn wixii intaas ka soo hadhaa dee dhuuni raadis!!
leave this man alone, he is a hero