Waxaan kusoo arkey soo dhaweyntii madaxweynaha. W/Q Mukhtaar Geedi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waxaan kusoo arkey soo dhaweyntii madaxweynaha
Mukhtaar Geedi (Ote)
mukhtaargeedi@gmail.com
Janaayo 22 2013

Madax-wene Xasan SH Max’ud ayaa sida muuqatay markii uu magaalada Minneapolis yimid waxaa si istikhyaar ah so dhoweyntiisa ugu soo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul iyo Minneapolis, iyadooo waliba ay nimanka u qaabilsanaa soo dhaweynta ay aad u qariyeen xogta la xiriirtay qaabka ay u dhacayso booqashada madax-weyne Xassan, waxayna hab waqtiyeedkiisa (schedule-kiisa) intuu joogo la socodsiiyeen dad yar oo sababo gaar ah ula xiriireen, taasi waxay keentay in dad-weynihii soo doweyn lahaa aysan ogaan soo geliddiisii magaalooyinka mataanaha ah waxaana gigada ku qaabilay dad aad u kooban oo ay soo sooceen nimanka soo dhaweynta u qaabilsan madax-weynaha ee kamid ahaa jaaliyada Soomaalida ee Minnesota.

Waxaa iyadana yaab ila lahayd oo meel ka dhac weyn ku ahayd madax-weynaha maamuuskiisa in Qabanqaabiyaasha soo dhaweynta madax-weynaha ay u shaqayniyeen sidii dad feejignaan ka qaba bulshada qaar iyagoo ku kala soocayay dadka hab aan ahayn mid xirfadeed laakiin salka ku hayay qaab aan wanaagsanayn oo run ahaantii aad uga fog xirfadda (Professionalism) iyo hab maamuuska loogu adeego maqaam madax-weyne.

Waxaa dadku qaarkii rumaysnaayeen ama la ahayd in madax-weyne Xasan SH Max’ud uusan la socon qabyaaladii agagaarkiisa ka socotay, waxey dadku arkayeen iyada oo dad gaar ah oo dhalinyaro ah sidii in ay kamid yihiin xafiiska madaxweynaha loo gudbinayey dhanka danbe oo ay fadhiyeen madaxda Dowlada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dhammaan dadkii mas’uulka ka ahaa hab maamuuska madax-weynaha intii uu booqanayay Minnesota ay si toos ah u horistaageen oo waajibaadkoodii ka gudan waayeen sawir qaadayaashii, iyo film qaadayaashii saxaafadda, waxayna fursad qaas ah siiyeen oo keliya dad yar oo sabab gaar ah ay ku tix geliyeen, isla markaasna ay geeyeen meeshii loogu talo galay inay martida fariisato taasoo u suuro gelisay inay barnaamijkooda siday doonaan u qabtaan.

Waxaa dhacday in qaybo muhiim ah oo ka mid ah saxaafadda Soomaaliyeed ay isaga caroodeen oo ay isaga tageen xafladdii soo dhoweynta madax-weynaha, kuwaasoo waliba war-baahintoodu aad uga tayo wanaagsanayd isla markaasna meesha ku yimid qalbi wanaagsa oo Soomaalinimo iyo dal jacayl ah halka kuwa tix gelinta la siiyay ay qabanqaabiyayaasha soo dhaweynta Madaxweynaha ku soo dhoweysteen dano gaar ah oo ay ku saleeyeen sabab gaar ah oo an macno weyn u lahayn xafiiska madax-weynaha, taasoo waliba lagu saleeyay sabab gaar oo ka baxsan shaqada hab maamuuska ee looga baahanyahay soo dhaweynta madax-weynaha.

Waxaa iyadan xusid mudan in qabanqaabiyaasha soo dhaweynta  madax-weynaha ay ardaydii jaamacadda Minnesota xubno ka mid ah ka dhigeen dadkii ka shaqayniyay madasha madax-weyne Xassan uu jaaliyadda reer Minnesota kula hadlayay iyadoo aad waliba moodo in dad gaar laga ilaalinayay inay ka mid noqdaan adeegyada lagu soo dhoweynayay madax-weynaha.

Waa ay jirtaa in xiriirinta uu waday Cawil SHire intii uusan madax-weynaha soo gelin madasha, taasina waxay ku timid dagaal ay galeen xubno ka tirsan jaaliyadda Minnesota oo ka cabsaday inay arrintu u ekaato mid maamuus ahaan aan ku quruxsanayn jaaliyadda iyo hab maamuuska dowladnimada ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota jeceshahay in Soomaaliya u gudubto.

Mukhraar Gedi
mukhtaargeedi@gmail.com.

=============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

23 Responses for “Waxaan kusoo arkey soo dhaweyntii madaxweynaha. W/Q Mukhtaar Geedi”

  1. Xoogsade says:

    Mukhtaar waad mahadsantahay walaal marka hore. Marka labaad waxaa fiicnaan laheyd in aad si fiican u qeexdid oo aad tiraahdid Madaxweynaha soo dhaweyntiisa qabyaaladbaa lagu saleeyay intaad nagu wareerin laheyd arrimo gaar ah baa laga lahaa.

    Mukhtaarow anigu shaqsi ahaan ma qabo in ay arrintaasi arrin xun tahay ama laga caroodo. Ma diidani in ay arrintu assal ahaan u xuntahay laakiin waaqica aynu ku jirno Soomaali ahaan marka loo fiiriyo waa sida kaliya oo ugu haboon oo ruux Diblomasi ah misane xil muhiim ah haya nabadgalyadiisa loo sugi karo ( Ilaah baa badbaada hayee).

    Mida kale markaan jawiga guud fiirino, xaq bayba noqonaysaa in Madaxweynaha jifadiisa iyo cidii kale oo uu aaminayo ay waardiyeeyaan. Sababahaan u fiirso;

    1, Wuxuu joogaa dal shisheeye oo cid waliba joogto

    2, Wuxuu ku dhexjiraa kumannaan dad ah oo wax walba isugu jira.

    3, Meeshuu ku khudbeynayay horteeda waxaa tubnaa dad xanuunsan oo qaba cudurka khatarta ah ee qalbiga ku dhaca ee layiraahdo qabyaalada.

    4, Ma jirin waardiyayaal nidaamsan oo horay u diyaarsanaa.

    5, Dawlada uu martida u yahayna lagama codsan oo taasi waa wax aan habooneyn marka kan.

    Marka walaal sida aad arkeysid, cidna laguma eedeyn karo hadii madaxda soomaaliyeed si jifo ku saleysan loo soo dhaweeyo.

    Wax dhib ah uma arko hadii Madaxweynaha intii ku qabiilka aheyd oo kaliya ay waardiyeeyeen habeenkii dhaweyd. Ogowna ku qabiil ma ihiye. Waxaan ahey Daarood lagana yaabe in aan ugu horreeyo dadka laga waardiyeeynayay Madaxweynaha. Good job!

  2. Libaax-libaax DHalay says:

    @Xogsade walaal sida loo hiiliyo ma aadan soo baran inaad hiilisaanad rabtaa waxa laga hadlay ammaan ma aha, ninkaan dal buu marti u ahaa qabiil marti uma ahayn, waaqaca aad sheegaysana waa malaha qabyaaladda dadka u haysta inaan laga maarmi karin baad ka mid tahay.

    Ninkaan wax soo qoray wuxuu ka hadlayaa in saxaafaddii loo kala eexday, in maamuuskii madax-weynaha reekiis ay is xijiyeen iyadoo waliba meesha Soomaali oo dhan soo buuxisay marka walal ninkaan ammaan kama hadlin ee nidaamka foosha xun uu ka sheekeeyay hadaad wax ka dhihi kartid wax ka dheh hadii kalana inna ka dhaaf.

    Dowladda uu martida u yahay lagama codsan, war meeshu waa America sidee adigu wax kaa yihiin ma waxaad u mooday in laga hadlayo tuuladii Muqdisho ahayd ee xasan askariga Ugand ku ilaalinayay, dadkaas oo miiran baad arkaysaa oo waxay difaacayaan iyo sababta ay u difaacayaan aan midna aqoon.

  3. Gaashaan says:

    Waxaa nasiib daro ah in midkastaa oo buko uu ku dul matago umada somaliyeed horteeda wuxu donana shego. Illahay ban idin kudharshaye ninkan qoralkan qoay waxa u shegayo ma wax cadeynayo ayu tusay, daliil malaha, oo xigasho malaha, oo sawir mujinayo malaha, oo xigmadi hadalkisu kuma jirto. Waa kan oo kale waxa somaliya kala riday oo hagardamada ku wado. Anigu madaxweynaha qabiil an somali ka aheen lama ihi, lkn waxan qirsanahay wanagisa waxana Illaha uga baryaa inu qaladkisa tuso tubta wanaagsana ku hagajiyo, waxbo tari mayso hadan aflagadeno ee aanu saxno wixi qaldan,
    midkan qoraalka xun ee qurbaha qabowgu kudilayna waa mid qura ee anu iska giijinno.

  4. Adeed says:

    Securitigga Madaxweyne walba oo yimaado Mareekanka waxaa ilaaliya Secret Serviceka ilaa uu ka baxo. Madaxweynaha meel ma’aadi karo asaga aan secret service la socon.

    Marka looma baahnayn Madaxweynaha ilmo adeeradiisa inay isku hareeriyaan si ay u dhowraan securitugiisa. Haddii ay dhacday ma ahan wax xun oo Madaxweyne walbo oo yimid wadankaan waxaa abaabula soo dhowentiisa kuwu ay isku jifo ay yhiin. Isla kuwaas ayaa isku hareeriya

    Soomali oo dhan ayaa cudurka Qabiilka qabto: Kuwii ku mudahiraaday, Kuwii soo dhoweynayay iyo kuwii Ka carooday oo arki waayay MadaxWeynahaan kuligood waxay qaban cudurka qabiilka.

    Sababta Federalka loo sameeyay waxay tahay wixii isku cudur qabo inay is raacaan oo dowlad gobaleedyo dhistaan.

    Waxaan rajeynayaa inuu cudurkaan naga baxo wakhti dhow. Waxayne ku xiran tahay Madaxweynaha sida uu u hirgaliyo Dastuurka iyo Federalismka.

  5. Asluub says:

    Anigu kama xumi in ay soo dhaweeyeen Madax waynaha qabiilka uu ka dhashay runtiina anigu waaa aan taageer sanahay madaxwaynaha waxaana leeyahay guuleyso.
    waxaa aad ii dhibey wiilaal yar yar oo mid ka mid ah dhamaan dadka aflagaadeeyay iyo waliba in uu san meesha joogin qof masuul ah oo dadka si dagan ulla hadla ragii aan fileyney in ay meesha joogeen waxay ku maqnaayeen soo dhaweynta madax waynaha.
    waxaa ka sii darnaa oo aan ka yaabey ragii iyo gabdhihii daba taagnaa madax waynaha mid biyo cabaya mid xanjo buufiya iyo waliba mid mid canaanta sairadooda waa aan haynaa maqaal ayaana ka soo qori doonaa hadii lle idmo

  6. garaad yusuf says:

    Qofku hduujiranyahay jirada wuu faafiyaa sida ninka maqaalka beenta ah qoray

  7. Xaydarah, says:

    walaaal waad mahadsantahay mukhtaar Geedi, qofka bini aadamka ah inuu fikirgiisa cabiro waa fiicantahay anigu majoogin madashii madaxweynahhay lagu soo dhawaynayey laakiin waxaad ka sheegaysay wax fiican maahan haday jirto, madaxweyne soomaaliyeed in qabiil kaliya oo isaga hayb ahaan u xiga ay soo dhaweeyaan ama kafaala qaadaan soo dhawayntiisa ma ahan Nidaamka ay soomaaliya hada qaadatay

  8. wamo-man says:

    WALAHI WAA ARIN LALA YABO HADII QABIILKU UU ISAGABA RABO OO CIDIISUNA SIDAAN JILEYSO. WAXAAN MAQLI INTA KALE MAROOTI BAA. ANIGA WAXAAN AMIN SANAHEY INEY PROBLEMKA KA SOCOTO CUNSIRNIMA KU SALEYSAN INEY KA SO SOCOTO ISAGA LAFTIRKIISA. WAXAA LAGA LA’A YAHAY JOOJIYA CUNSURIYADA, HATE-KA, QABIILISMKA,XAQU-NAASKA. ANYWAY WAXAAN DOWLAD MA’ AHANE WAA MAADEYS DADKUNA MATALAYAN. WILL SEE THIS IS NOT RIGHT WAY WETHER YOU ENJOY OR NOT THIS WILL END WITH NOTHING JUST ONES BEFORE. 22YRS COMING AHEAD.

  9. Xaydarah, says:

    to xoogsade
    ina adeer madaxweynahay lagaama i laalinayo lagaamana ilaalin karo waxaad jóogtaa americ ma joogtid soomaaliya xor ayaadna tahay qabiil iyo waxaasna laga gudub, waana ceeb in aad tiraahdo madaxweyne kasta ama musuul kasta oo imaada meel dalka ka baxsan qabiilkiisa ha soo dhaweeyaan,
    mineopolisna waa meel xun muqdisho iyo goroowe ayeey kala noqotay taasna waxaa keenaysa soomaalidii ayaa kabadatay Nidaamkaan federaalka ah ayaa soomaali kala saaray oo heeshiisiinaya marka taageera Nidaamka federaalka ah

  10. wadaad yare says:

    Hashii maqaarka diideysaa meelo dal dalooley ka eegtaa ayaan maqli jirey. Haddaan madaxweynaha barnaamijkiisa siyaasadeed la dhacsanahey, wax qabadkiisana la dhacsanahey waxa kale oo dhan waa minor issues laga gudbi karo.

    Haddii meeshaas qalad ka yimid madaweynuhu masuul kama ahane guddiga qaban qaabada ayaa ka masuul ah.

    Waxaana fiican in danta guud iyo macnaha laga raacee aan arrimaha yar yar lagu mashquulin.

  11. Jamal warta nabada says:

    Mida meesha ku jirta waa in la ogaada madax waynaha inta uu iman Minnisota waxaan laga war hayay in koox danayste gaar wataan oo ay abaabulayeen mudaaharad ku beleysan qabyaalad mar ka ma arko qoraaga muqtaar geedi ma arko meesha uu qoraalkiisa u wado maxaa yeele malah wuu kamid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa oo ku banaan baxay madax waynaheena, miyuuse ilooway marku Abdillahi Yusuf ahaa Madaxwayne Kumeel gaar ahaa in iyo had jeer dadka u qabiil ah qaasatan laf hoose ah in ay u diideen dadka kale in ay u soo dhawaadan waan ka warqabnaa oo umada oo dhan ka warqabtaa taa in loo adeegsaday Madaxtinimadiisa qaab qabiil marka taas ka maad hadli jirin maxaa maanta kaa hadal siiyay. Marka ma aha arin xun hadii qabiil ama dad yar ay diyaarinayeeen mudaaharad in ay ku sameeyaan madaxwaynaha in ay qabiilkiis dhaxda hirtaan oo ay ilaaliyaan amaankiisa ayagaa og dadka qaska wada oo dan gaar ah wate

    wabilaahi toofiiq

  12. Libaax-libaax DHalay says:

    @ Gaashaan,

    War ninyahow wax baa kaa khaldan qurunka iyo bugtada aad sheegaysana adigay kaa buuxaan, war ninyahow caqli yaridaa, midda kale bugta xagee bay ku dhammaatay, dad baa maalin kasta la dilayaa la dhacayaa, ma adigaa dadka soo daweeyay, wixii xumaa ee aad samaysay baad wali wadaa markaas qof kasta afka goosanaysaa adiga qashinka kula mid ah.

    Ninkaan Xoolaha ah ee aad rabto inaad u dooddo horta buktada isagay ka buuxdaa ee isaga soo dawee, tan kale qoraalkan isaga maba khuseeyo ee waxa eedda loo jeedinayo waa ragga isaga la socda ee u qaabilsan protocolka.

    Ninkan isku magacaabay Jamal warta nabada, waa beentiisee waa WARTA-DHIIGGEE dadka ha caayin, waan ognahay wixii meesha ka dhacay, dadkii banaan baxay haddii ay beel ahaayeen iyo haddii kalana wixii meesha buuxiyayna beeshooday ahayd Yaa Xayawaan, ee Xasan Ciyaal Suuq, siduu dadka ula dhaqmay ee qabiilka qaawan ahayd haddii loola dhaqmi lahaa daqiiqad keliya Minnesota ma joogeen,Isagoo wixii aan maqlaynay ku hadlayay baa loo sacbinayay, oo loo heesayay.

  13. salaan reer maraykan waaa idinku ogayn qabyaaladda dadka somali isku baa.i.iyay oo lacagta ay iskulaayaan usoodira waa idinka ilaahay waxaan kabaryaynaah inuu idinsoohanuuniyo hadda idinku hagaagtaan somali oo dhan waa hagaagaysaah waayo lacagta shidaalka lagudshido idinkss bixiyay
    haddana waxii ayaad waddaan madaxwaynaha ayaa qolo soo dhawaysay qoloaa mudaharaadsay qolo ayaa carootay dadkeedii ayaa tihiin anaga madaxwaynhu waa nooyimid sudan ardayda reer sudan oo dhan ayaa si qaranimo kujirto usoodhawaysay marka tolwaynaha somaliyeed ee reer maraykan waxaa lasoogaaray markay wax fahmi lahaayeen oo somalinimada kashaqayn lahaayeen wadan cilmi badan iyo horumar ayaa joogtaane cilmio iyio horumar noogakeena qabyaaladda hanoogakeenininii mase cilmi mababarataane xamaalato ayaa tihiin oo lacagtiinana dagaalada qaabaailka ayaa u taageetaan dalka maraan safar utagay ayaa waxaa dagaaklamay beeshayda iyo beel kale kuwa maraykanka jooga ayaa isla maalintii 90kun oo doolar soodiray marka ilaahay kabaqa oo lacagahaas oooo kale dawladmnimada kubixiyah talo waaaano

  14. Ali soomali says:

    Aniga maqaalkan wax macno ah iima sameynin, wuxuu ka hadlayana maha wax issue ah, yaa loo diiday inuu dhageysto madaxweynaha qudbadiisa, tan muhumadda waxaa weeye inaad fursad u hesho inaad maqasho khudbada madaxweynaha, haddii aad adigu dooneysid inaad madaxweynaha kala hadasho arin kuu gaar ah taasi waa xaalad gooni ah laakiin wixii intaas kasoo hara ninkii iin u raadinaya isaga ayey dhibeysaa. TOGETHER WE STAND DIVIDED WE FALL.

  15. Libaax-libaax DHalay says:

    Waxaan maqli jiray dhurwaa dhurwaa ka gar-daran markaad aragto! yaa! bal midkaan xunee Ali soomali la leeyahay khudbadda Xasan-qoslaaye meel kastaa laga dhegaysan karaa lagana helayaa, wax macno ahna ma laha oo waa la ogyahay wuxuu sheegayo, wuxuuna ku celcelinayaa “Car Yaa iska kay celin kara ” jawaabtana wuu helayaa, laakiin adiga dadka masaakiinta ah baa meelahaan ku doodee koleeyba madaxtooyadaa joogtaayee magacaaga iska soo qoro oo dee jawaabo ina qanciya inoo ninka madax-weynaha ah ina qancin kari waayayee waxa uu raadinayana wuu gaariyee.

    But, according to what you said we can not be together, and frankly speaking we wil fall together because you (Xasan-Xool & adiga) you can not understan but GUN FIRE, Liars!

  16. ciid yare says:

    kkkkkkkk walaal waxaad ka hadashay waa sax oo unmada somaaliyeed ay aragto horana u arkaayeen laakiin waxaa kasii liita ninka xasan asagoo og hadana boor uqaatay oo soo dhawayay taas wuu hurdaa ayaan oran karaa laakiin nin wallbaa qolkiisuu hadlaa qorina qiiqiisuu baxaa hadii xasan cadaalad wax ugu maamulaayo amaba dad soo dhawayntiisa cadaalad wax loogu maamulaayo dalkaa ka muuqan lahayd waa hore mida aqlaaqda madax ku sheega iyo soo dhawayntiisa maad ku quusatid tii ugandha oo asagoo calan iyo dad iyo dal samcadii wada ucasha doon tay islaan dagan uganda kadar oo dibi dhal maad aragtid asagoo beeraha isku sawiraayo dad kiisiina ku dhamaadeen bada saxaraha xabsiyada iyo xerooyinka qaxootiga asna uu beero isku sawiraayo kasii daran asagoo fuushan diyaarad ay leedahay itoobiya oo isku sawiran waa lasoo saaray in tuu isku sawiri lahaa dhulkiisa beeraha ku yaal kuna faani lahaa marka adoo intaa og waxaad boor uqaadataa oo utag taa meel uu ka soo dagaayaa waa qalad horaana loo yiri waxaan aragiisu ku qan cin ontiisa kuma qanciso oo aan ula jeedo soo dhawayntiisa kkkkkk laakiin dad badan oo soomaali qaran keeda jecel wadan kiina waa hore ay ugu dan baysay baa lagu siray oo m\ looga dhigay laakiin waa madax muuqda iyo midi saawira midna laga ma samro oo samcada in uu nooga ciyaaraa anagaa is yeel nay ee waa in aan usamir naa asagaa tagine waxaana somaali ku maah maah daa wayeel tag lama dhahee waxuu ku tagaa latusaa waa inoo fadaraalka iyo fulintiisa kkkkkkk

  17. khusuusi says:

    Madaxwaynaha koonfurta iyo badhtamaha soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. kaas miyaad soo dhoweyntiisa ka doodeysaan, adeer waxaa soo dhoweynaya waa wax waa qabiilkiisa iyo cida uu madaxwaynaha u yahay. isaga oo leh waxaan madaxwayne u ahay 11 gobol iyo 72 degmo oo aan horumar gaadhsiinayaa waa kan. maqal iyo muuqaal. http://www.youtube.com/watch?v=uRbiYjHAVoY

  18. Jamal warta nabada says:

    Horta somali baa tiri barasho horteed ha inicin, marka hadii mar layiraahdo Madaxewaynaha ma yaqaano protocol ka u dhisan madaxwaynayaasha aduunka, marna la yiraahdo waxa uu la kulmay qof dumar ah oo dagan Uganda, oo gurigeedi ku qaabishay asagoo ah madaxwaynaha umada soomali, marna layiraaho, beel ku qabiil ah ayaa soo dawaysay oo dadkii oo dhan ka xigsatay, meesha beenta lagu hayo ha la iska daayo, waayo madaxwaynaha wuula kulmi karaa qofwalba oo soomali ah oo hadna ka sii ah business women oo maal qabeen ah oo marka ay furayso moolalka waawayn ee delka Ugand Madaxdoo Uganda oo dhan ayaa ka soo qaybgala, ha u ugu waynaado Madaxwaynaha Uganda, qasab ayay ku tahay qof sidaas loo qadariyo oo Uganda magac ku leh oo umada Ugada ku faanaan oo ay u bixiyeen Mama Amina hirsi oo hadana maal qabeen ah in uu madaxwaynaha kurigeeda kula fulmo wax qalad ah ma aha Madaxwaynayaasha aduuka oo dhan ayaa taa sameey, oo ay la kulmaan qof ay u arkaan in uu wadankood investment galin karo Mida kale Madaxwaynii Kumeelgaarka ahaa ee Cabdillahi Yusuf markii uu joogay Nairobi uu ahaa madaxwayna Umada soomali waxa uu lajoogay nin maalqabeen ah oo ay is ku qabiil ahaayeen oo marna kawada mid ahaayeen Jabhadii SSDF, and marki uu yimid Eglandna waan kawar qabnay waxa ay dhigeen dadkii ku qabiilka ahaa in meel loodhaafo lawaayay madaxwayhe Abdillahi Yusuf, oo ay kala sooceen dadkii rabay in ay la kulmaan, oo ay ka dhigeen nin hal qabiil madaxwayne u ah,Midteeda kale hadii aan u soo laabto ninka isku magacabay Ciid yare oo aflagaadeynaya Madaxwaynaha umada soomali Madaxwayna iskuma uu sawirin diyaarad ay leeyihiin Ethiopia oo wuxuu isku sawiray Flight Simulator and trianing oo ay sameeyan Canadain Company which is leading flight Simulator maker in the world, and the president was fascinated with Ethiopia leap, and hurumarka ay marayso Ethiopia and Pilots use it to further their education, waa qalab qaali ah oo wadamada qaar dibad bay u aadaan just to get flight simulator training, and to further their pilot training, marka beenta meesha ka daa oo qabyaalad yey ku qaadin madaxwaynaha mudo yar ayuu wadanka madax ka yahay oo wax qaldan ma uusan sameyn, waa la dhaliili karaa madaxwaynaha oo qofwalba ayaa haq uleh in uu dhaliilo, marka wixii runta ah ka hadal, oo malaha waxaad ka mid tahay qabiilada uu madaxwaynaha ka hadlayey oo mar hadii aad waysay rasulwasaare in aad afka furataan oo aad caytantaan ceeb, qabyaalad yey ku qaadin waqabadkiisa waan wada aragnaa marka beenta iyo cayda ka daaya madaxwaynaha..

    Wabilaahi toofiq..

  19. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Horta qoraaga fikirkiisa xor ayuu u yahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa in uu runta u dhawaado marba hadii uu rabo in uu “op.ed” amaba maqaal kasoo qoro soo dhaweeyntii Madaxweeyne Xasan.
    Bal aan anigana idiin sheego waxa aan ku arkay, sidii aad wada daawateen amaba intii joogtay eey aragtay Somali reer kasta uma kala harin soo dhaweeyntii Madaxweeynaha. Waana ku mahadsan yihiin intii sida wadaninimada mudada yar inta iskugu diyaariyeen soo xaadiray. Thank you.

    Mida ah, in dad wariyayaal gooni ah ah eey caroodeen markii loo diiday in eey madaxweeynaha sawiro amaba video ka duubaan, qoraaga ayaan ka rabnaa in uu noo sheego wariyayaashaas magacyadooda iyo jaraa’idka amaba idaacada eey u shaqeeyaan. Waxaan rabaa in aan idiin sheego Xaayow oo wariya saaxiibkeey ah oo reer Garoowe ah, in uu masraxa inta uu istaagay uu sidii uu doono shaqadiisa u qabsanayay iyo waxii uu meesha u yimaaday, Iskaba dhaaf wariyayaasha kale ee wadaninimada shaqadooda laga arko markasta. Marka qoraaga ayaan rabnaa in uu beentaas uu sheegayo ka noqdo.

    Runtii waa dhici kartaa in dhalinyarada howsha iyo barnaamijka madaxweeynaha waday eey marba marka xigta eey kasii fiicnaan doonaan, xasuusnaada anaga dhan ayaa waxaan iyo nidaamka Dowlada iyo xafladaha iyo maamuuska bar baratooy ah, marka waxaa haboon in dhalinyaradaas aan dhahno waad mahadsantihiin sida volunteer ka iyo Somalinimada oo aad howshaas u qabateen, job well done. Thank you again. Anagana, aan iska dhaafno, in aan waxkasta ookiyaalo qabiil ku fiirino; ookiyaalaha Somalinimo gashta. Viva Somalia.

  20. Faarax Adeec says:

    war hala XISHOODO OO SI QARANIMO KU JIRTO

  21. ciid yare says:

    jamaal warta adeer xasan waxa uu yahay waa wax cad waana wax duuban oo meel kasta yaal ee difaacida kadaa mida flight sumiloter ka casrigaa ee aad sheegtay waxaan u arkaa waa diyaaradaha ETHOPIA ee qorbashyadaa oo idiin ah flight sumilor maadaama inaan horay u arkin diyaarado mida xasan wax qabadkiisa waa loo joogaa waana larkaa waana larkay maah maah somaaliyeed ayaa oranaysa hadii ridu hilib leedahay dabadeeda ayay ku owdan laheed kkkkkk mida masayrka xilka aad sheegtay waxaan soo doortay walaal kay asagaana ku qanac sanahay waxaana nahay far iyo faraanti ee xasan wax qabadkiisa hasoo cadeeyo yuusan ku wareegin dar biyo cid laaye hadii kale hayiraahdo wax qaban waayaye ha la iga qabto xilka asna shaqadiisii ha ulaabto oo ahayd aray meehaan biyo ku shubooyaa kkkkkkkk

  22. i am somali says:

    muqtar walal somali maqanacda ? dhalilsamadaysa? mise ogtahay adiga insidas lagu dhalililaha hadii ad sodhawaynta kuqorantahay taas ogow xurguftana iskadhaaf meeshan janalomasocone adiguse dadka dhan qabiilkoda maxifdisanayd saxafaduse somidan somaliya dabka kahurinaysa ma ahan oo afqabiil kuhadlayso alltime

  23. run sheg says:

    sxb warxun sheeg cadabta alalah galsho goorma cuqdadan kabaxeesa wa yaabe wa hilmame wixi dhacay

Leave a Reply