Xaflad lagu xusayo Sanad guuradii 4raad ee Xukuumada Puntland oo si toos ah uga socota Magaalada Boosaaso.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Bosaaso oo ay ku suganyihiin dhamaan Madaxda Xukuumada Puntland oo uu ugu  horeeyo Madaxweynaha Dowlada Puntland masuuliyiin ka socota 2da Gole Cuqaal wax garad ururada Haweenka kan dhalinyarada iyo marti sharafkale ayaa lagu xusayaa sanadguuradii afaraad ee markii xilka uu la wareegay Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumadiisa Xafladaasi oo iminka Qudbado kala duwan laga soo jeedinayo kana Socota  Madaxtooyada Boosaaso.

 

Dadkii kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay daruuri midnimada Puntland iyo sugida amnigeeda waxayna xukuumada oo kaashaneysa shacbigeeda uga mahadcesheen ku guuleysiga sugida amniga sare u qaadida waxrashada adkeynta caafimaadka iyo daryeelka bulshada dhanwalbaba sida ay hadalka u dhigeen

 

Sidoo kale Wakiil u hadlay Dhalinyarada Gobolka Bari oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradu ay soo dhaweynayaan Furashada ururada ayna doonayaan in ay la kulmaan madaxweynaha si ay ugala hadlayaan sidii dhalinta fursad looga siin lahaa ururada la furtay iyo shaqo balaaran oo ay ka helaan Xukuumada.

Qudbadihii muhiimka ahaa ayaa wali harsan sida Salaadiintii iyo Madaxda qaar ka mid ah sida Madaxweynaha iyadoo iminka lagu soo bandhigayo Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso Suugaan iyo Ruwaayado kala duwan.

Wixii warbixin ah iyo Sawirroba kala soco raxanreeb Dhamaadka Xaflada kadib.

 

Ibrahim Muse Dahran (Dahran)

Wakiilka (Raxan-Reeb)Garowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Xaflad lagu xusayo Sanad guuradii 4raad ee Xukuumada Puntland oo si toos ah uga socota Magaalada Boosaaso.”

  1. laasqoray boy says:

    walaalayaal reer puntladoow dhibaato yaaynaan kicin anigu waxaan diidanahay wakhti korodhsiga faroole sidoo kale waxaan aad u diidanahay oo ka soo horjeeda dadka dagaalka ku goodinaya anagu dagaal ma rabno faroolena ma rabno sidii labadaa laysu waafajin lahaa waa inaaynu ka shaqaaynaa oo si nabada kaga doodnaa laakiin dagaal cidi yeeli mayso

  2. Tolow intuu nala joogayaa Yaa ! says:

    Heedhde dereskii baa idinka seexan le’e maxay ahayd alallakta iyo ooridani caawa,Isalaantii baa waxay tiri oo sow ma ogid in oadaygii soo gurya noqday, yaa tolow intuu nala joogayaa?caawa ma Boosaasaa ka dhigan minwayn hore looga tegay oo iyadoo xaalsiduu yahay og lagu soo hoyday!
    Tan ma u danbaysay,lugteneey ninba mar kuqaad.
    Dhib ma jiree, bal durbaanka iyo diririgta yareeya, saasaa driskii afdhabaandhaw aayar ku dhaheen.

  3. xasan says:

    aad baanugu farxay markaan ka dawanayey xaflada tvyada soomaalida puntland aadbay uhurumartay inshalaa dorashada may18 dhacaysaan sugaynaa guul

  4. prof piccolo says:

    vivvo puntland oo ah meel dhaxnta laga dusado iyo nabadgalyo ku taameysa vivvo puntland calnka hala badalo somalia halga jaro sida SNM

  5. DHeere power says:

    Waxaan soo xusuustay faalo ka bixi jirtey TV qarankii Somalia ee burburay 1991
    Waxaa la dhihi jirey MAAWEELADA CARUURTA lol
    Waxaa soo deyn jirey weriye ruugcadaa aha oo aad u yaqaaney sida loo madadaaliyo caruurt
    weli waa xusuusta magaciisa Yuusuf Xayd waxan maqlay inuu u dhashay deegaanka Khatumo state.
    Hadeer riwaayada faroole wado waa Maaweelada caruurta Afwaleenjo Time is running out just Go !

Leave a Reply