Xeerka habdhaqanka Anshaxa oo ay maanta Saxiixeen 6da urur ee Puntland [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC RADIO) Kulankan oo ka dhacay Xarunta PDRC ee Cilmi baarista  Puntland ee Magaalada Garoowe  ayaa waxaa isugu yimid Gudoomiye yaasha KMG  ah ee 6da Urur siyaasadeed ee HORCAD, UDAD, MIDNIMO ,WADAJIR, PDP ,iyo Ururka HORSEED ayeey Qalinka ku duugeen Xeerka habdhaqanka Anshaxa Ururada kaasi oo ay soo diyaariyeen GuDiga Doorashoooyinku.

Gudoomiyaha KMG ee ee gudiga Doorashooyinka Mudane Maxamed Xasan barre ayaa sheegay in kulanka nuxurkiisu uu  yahay in la dhaqan geliyo isla markaana iyagoo raali ka ah ay saxiixaan Hogaanka Urur kasta si loogu gudbo hirgelinta xeerkaasi wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in loo wada socdo hal meel sidaa darteedna laga fogaado is qabqabsi iyo shaki badan si loo muujiyo Horumarka iyo ka dhabaynta u gudubka Dimuqraadiyad taam ah oo Puntland ay higsato waxaana ku rajo weyn nahay in 90 cisho kadib  ay doorashooyinka Dowladaha hoose ay ka dhacaan Deegaanada Puntland ayuu Gudoomiyuhu yiri.

C/risaaq Shoole oo Ka mid ah Saraakisha Gudiga Doorashooyinka ayaa halkaasi ka aqriyay Qodobada Xeerka ku qoran iyadoo ay dhageysanayeen Xubnihii ka socday Ururada Sidaayada ee 6da ka koobnaa waxaana qodobadaasi  ugu muhiimsanaa in ururadu ay usoo diyaargarobaan diiwaangelinta taageerayashooda oo urur kastaahi laga rabo ilaa 330 qof sidookalena diiwaangelintaasu ay bilaabaneyso 5ta bisha February kuna egtahay 9bsihaasi, waxaa kaloo ku qoran Xeerka in ururadu ay is xaq dhawraan dhamaantoodna ay u siman yihiin sharciga.

Dhamaan madaxdii ka socotay ururada ayaa saxiixay Xeerkaasi oo maanta si toos ah u dhaqan galay inkastoo ay jireen  talo bixin ay doonayeen in ay dhiibtaan qaar ka mid ah ururada oo ka cabanayay qaar ka mid ah Qodobada ku xusan Xeerka taasoo dhalisay in daqiiqado uu dib u dhoco Ansixinta Xeer oo ay wadatashi ku maqnaayeen Ururada MIDNIMO  iyo UDAD.

Dr Saadiq Eenow Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga Midnimo oo madasha ka hadlay ayaa ku booriyay Gudiga  Doorashiiyinka in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arimaha siyaasada ururada iskana ilaaliyaan wax walba oo dib u dhigi kara hanaanka dimuqraadiyada ee Puntland la doonayo in la gaarsiiyo.

Gudoomiyaha Ururka UDAD ayaa isagana talo kusoo jeediyay in aan loo isticmaalin hantida qaranka ololaha doorashooyinka taasoo ah buu yiri mid u gaar ah Urur kasta loogana baahan yahay in uu isaga isku filnaado, 2daan urur ayaa ugu dambayntii saxiixay Xeerka iyadoo ay kasii horeeyeen Ururada Horseed ,PDP, Wadajir ,iyo Horcad , Gidiga Doorashooyinkana waxay sheegeen in Xeerkani xili hore loosoo diray ururada loona baahnaa in xili hore ay soo gudbiyaan cabashada iyagoo sheegay in ay tixgelindoonaan kulanah ay wada yeelan doonaan 2da dhinac.

5ta bisha ilaa 9ka bisha February ayaa looga fadhiyaa in ay kusoo dhameystiraan Taageerayaashooda Ururada Siyaasada Puntland diiwaangelintooda  iyadoo qaarkoodna ay sheegeen in waqtigaasi uu cariiri ku yahay maadaama aysan qabsan shirweynohoodii ay ku dooran lahaayeen Maamulka Rasmiga ah ee Urur kasta.

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Xeerka habdhaqanka Anshaxa oo ay maanta Saxiixeen 6da urur ee Puntland [Sawirro]”

  1. cali says:

    waa guul in ururada qaranka dawlada soomaliyeed ee puntland ku heshiiyeen xeerka doo rashooyinka wamahad sanyihiin komishanka doorashooyinku waxa laga filayaa ururada barnaamijyo fiican intaan olalaha dorashadu bilaaban hanbalyo shacabka puntland

  2. ali says:

    ururka Horseed wuxuu lamidyahay xisbiga hanti wadaaga kacaanka soomaliyeed .

  3. gfasdg says:

    WAR FAROOLE SHEYDAAN AYAA MEESHA ISKU QARINAAYA EE WAAXBA MA YAALAAN

  4. Cabdiraxmaan Garoowe says:

    guul iyo khahey u soo kordhay reer puntland. Cadow Puntland ayaa halkaas ku jabay

    waa ilaaheey mahadiis

  5. Hanad says:

    Waa raganimo, sidaa baa loo baahanyahay waana uwada hambalyeynayaa lixdaa urur, anaguna waa balan insha’allah kan ugu fiican aat iska soo saartaan isagoo meela badan laga eegi doono inaan doorano, u dhiibta geesi la mid ah faroole oo leh leadership style, waa inoo kala reebka insha’allaah, guul,,,….

Leave a Reply