XOG: Xildhibaano Soomaaliyeed oo Loo Heysto “Lacago Ay Qaateen” Xilligii Doorashada oo Ku Xaniban Wadanka Jabuuti!!


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jabuuti (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen xubno xildhibaano ah waxaa dalka Jabuuti ku xaniban illaa 13 mudane oo ka mid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwaasoo ka cabsi qaba tagaan magaalada Muqdisho sababo amaankooda ku saabsan kadib markii hanjabaado si hoose ay ula kulmeen.

Xildhibaanadan ayaa ka mid ahaa mudanayaaasha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ee qeybta ka ahaa doorashadii madaxtinimada Soomaaliya ee dhacday bishii Sebtembar 2012 taasoo lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyada u waramay Raxanreeb waxay xaqiijiyeen in xildhibaanada ku sugan Jabuuti loo heysto lacago laaluush ahaa oo xilligii ololaha doorashada madaxtinimada lagu kala qaatay magaalada Muqdisho taasoo siyaasiyiintii laga qaatay qaarkood ay dalbadeen in lacagahooda dib loogu soo celiyo.

Xilligii ay Muqdisho ka socodeen ololihii doorashada madaxtinimada iyo tii baarlamaanka ayaa waxaa halkii ugu sareeyay gaaray musuqmaasuqa iyo iibsiga kuraasta baarlamaanka taasoo gaartay lacag ka badan 200,000 doolar halkii kursi, iyadoo doorashadii madaxtinimada ay ahayd meeshii ugu darneyd ee lacagaha lagu kala qaatay. [AKHRI WARBIXIN HORE]

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiib la ah mudanayaasha ku xayiran Jabuuti ayaa Raxanreeb u sheegay in mudanayaashaasi ay ka cabsi qabaan in haddii ay tagaan magaalada Muqdisho in ay la kulmi karaan dhibaateyn maadaama rag siyaasiyiin ah oo musharixiin u ahaa madaxtinimada ay waayeen codadka xildhibaanadii ay lacagaha siiyeen.

Mudanayaasha jooga Jabuuti ayaan rabin in magacyadooda la shaaciyo, mana jirto wax cabasho ah oo ay hay’adaha amaanka u gudbiyeen, maadaama kiiska loo heysto uu yahay kiis dembi ah oo xitaa iyaga dib ugu soo noqon kara.  Waxayna doorbideen inay iska joogaan dalka Jabuuti illaa inta ay wax iska bedelayaan.

Siyaasiyiin hanjabay

Ilo wareedyada waxay noo sheegeen in siyaasiyiintii lacagaha faraha badan ku bixiyey ololaha doorashada ee haddana guul dareystay ay qaarkood iska quusteen balse qaar kale ay hanjabaado dhanka telefoonada iyo emailo ah ay u direen xildhibaanadii ay heshiiska la galeen ee ay lacagta laaluushka siiyeen kuwaasoo ay aaminsan yihiin inay ballanta uga bexeen.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa la sheegayaa inay hayaan codad iyo qoraallo saxiix leh oo ay xildhibaanada ka sameeyeen markii ay heshiiska la galayeen bishii Sebtembar waqtigii ololaha doorashada uu socday ayna hayaan cadeymo xildhibaanada oo ay heshiiskaasi la galeen.

Arrintan ayaa waxay dhinaca kale caqabad ku noqoneysaa shaqada baarlamaanka Soomaaliya iyadoo gudoonka baarlamaankana uu marar fara badan ugu baaqay mudanayaasha dalka ka maqan inay dalka ku soo laabtaan si ay u gutaan shaqadooda xildhibaanimo.

Lacagaha laaluushka ah ee la kala qaatay xilligii doorashada ayaa lagu qiyaasayaa illaa malaayiin doolar, waxaana lacagtaasi xoogeeda lagu bixiyey mudanayaasha baarlamaanka oo siyaasiyiinta xildoonka ahaa ay ka rabeen inay u doortaan xilka madaxtinimo ee dalka, halka lacago fara badana sidoo kale la siiyey odayaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka kuwaasoo iyaga laftooda ay hadda soo wajahday caqabado dhanka amaanka ah.

Illaa saddex oday dhaqameed oo ka mid ahaa kuwii soo xulay baarlamaanka cusub ayaa lagu dilay gudaha Muqdisho tan iyo bishii Oktoobar.  Inkastoo aan la sameyn baaritaano la xiriira dilalkaasi ayaa haddana waxaa aad looga shaki qabaa inay la xiriiraan xulistii baarlamaanka oo odayaal badan iyo siyaasiyiintii xildoonka ahaa ay ku kala irdhoobeen.

Xildhibaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo dhowaan ka hadlay xaflad ka dhacday wadanka Mareykanka wuxuu si cad u qeexay in laaluushka iyo musuqmaasuqa baarlamaanka uu gaaray meeshii ugu sareysay oo xitaa isaga oo MUSHARAX ahaa laftiisa ay xildhibaano u yimaadeen ayna weydiisteen lacago.

“Anugu waxaan u soo joogay baarlamaanka Soomaaliyeed doorashadu markay dhacaysay oo aan indhahayaga ku aragnay lacagta oo la isweydaarsanayo…  Qof intuu ii yimid i yiraahda war Axmed Samataroow aan ka wada hadalno qarankii Soomaalida way yar tahay,.. dadka noo imaanayey ee baarlamaanka ku jira waxay ahayd DEE NOO DHIIB, ama xaafada anugu aan ka imi ha noqoto amba xaafada Kismaayo ha noqoto iyo inta u dhexeysa NOO DHIIB, KEEN!!!” ayuu yiri xildhibaan Axmed Samatar oo hadal u jeediyey dad Soomaaliyeed oo uu kula kulmay Minnesota.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

11 Responses for “XOG: Xildhibaano Soomaaliyeed oo Loo Heysto “Lacago Ay Qaateen” Xilligii Doorashada oo Ku Xaniban Wadanka Jabuuti!!”

  1. jugsodhacay says:

    baarlamanka waxaa ka daran xasan oo diyaarad saaran sidii shariifka ,3dexbilood waxuu ku tegay diyarad 2marjabuuti, ithobiya,kenya,ugandha, sudan, baydhabo, baladwayn. kharashka kubaxayna waxaa lagu sheegay 1milyan oo doolar walibana laysma gaarin oo safarka waxaa u dhiman burundi,tanzania,ruwanda,italy,baljamka,talyaniga,ingriiska kkkkkkkkkk markii lawaydiiyay xasan maxaad wasiirka cafimadka iyo waxbarashada u magacabi waydeen waxuu ku jawabay mushaar uma hayo hadaba 3bilod 1milyan oo dolar halkee laga helay 2wadaa wasiir hadii bishii lasiin lahaa 2.500 doolar , 4sano musharkoodu waxuu noqon lahaa 240.000 dollar lacagtaas oo 4meel marka loo qaybiyo 1milyan ee gurgurte 1meel ka ah, wasaradahaasna shacabka waxbay u qaban lahayeen laakiin diyaradii la racay maxay u qabatay shacabka.

  2. Puntland boy says:

    Waa nasiib daro in mushtamicii ka dhamaatay wada niyadu , Marar waxaan is iraaahdaa wadankaan Dadkii lahaa aawey ? Qofwalba inuu wax dhacuu rabaa berina diyaarad karaaco oo wadankale aado , See wax xaaran ku dhisan looga sugayaa ineey xalaal keenaan ? Dadkaan wax badan baa ka qaldan ilaa aan isla aragno qaladkee nana wax hagaaga yaa majiraan , Viva Puntland & Jubaland

  3. yaabane says:

    adinka laftigiina yaan wanaag wadin, waxaad ka gaabinaysaan waajibka idinka saaran in ad dadka si buuxda wax ugu sheegtaan si loo ogaado kuwa lacagta qaatay oo jabbuti ku gabanaya si dadku u ogaado kuwa ay yihiin.
    hadda waxaad tuug ka wada dhigteen waxa barlamaanka ku jira oo dhan. tuug iyo xalaal quute. dambi qofkii galay ama saansaanki laga arkay waa in lagu koobaa. isku jamcintu u shaqayn maysto dan qaran.

  4. Banaadir Boy says:

    Raxanreeb Qoraalkiina ilaa inta kore waa warar xaqiiq noqon kara oo aan qofna inkiri karin lkn plz Samatar warkiisa iska ilaaba waxuu ahaa war caadifesan oo fidno wato inkastoo laalushka wax jira aheed hadana aqoonyahan siyasi ah mana ku haboonen warar ceenkas inuu ku hadlo ugu yaraan inuu ka gaabsado oo uu si hoose wax uga qabto oo dadaal xulufeesi sameeyo oo arimahas wax ka qabtaan ileen soomali ama dad dhan xumanta kama sinaan karaane mida kale hadii uuba aaminsanyahay in arimahas wax ka qaban karin waa inuu ogaadaa in soomaliya dhibkeda intas iyo in ka badan yahay loona baahanyahay siyasi wax ka qaban kara samatarna waa inuu meeshas ku aamusaa warkisa dhamaadaa BUSTE weyna isku dadaa ileen waa jilicsanyahee arin jilicsan ayuuna sugayay

  5. abdinuur said says:

    waa murugo iyo yaab waa mahadho iyo ceeb

    maan la aan ku dhimo oo kugu oloshay
    maradaadu

  6. karahaye says:

    warhelaa tala hela
    Madaxwaynaha anigu waa aan ka shakisaanaa mudo oo xaga qabiilka ah lakiin waxaan hada ku farahsanahay in uu waxa soo fahmayo, guuleyso madaxwayne waa aan ka helay sida uu ula dhaqmayo shisheeya dariska ah.
    Tan baarlamaanka tuugada lacagta cuntay hala soo qabto
    guuleysta

  7. Xalleef says:

    waa arin aan caadu ahayn, hadii ay jirto fadeexaddaasi.

  8. cadaani says:

    war anaguyaabnaye mayaabteen?????????

  9. abdullaah says:

    @Banaadir Boy, sxb Cabdi Samatar qurunka qarsoon ee meesha ka jira ayuu diirka ka qaaday. ma waxaad la gubanaysaa maxaa xaqiiqada loo sheegayaa, sxb Cabdi Samatar runta ayuu ka hadlay bulshadana xaqaa,iq ayuu hor-dhigay marka walaal Banaadir Boy iska daa caadifada iyo casabiyada ee weligaa taageer kuwa runta sheegaya .

  10. wadaad yare says:

    Kolley dad laaluush bixiyey haddey jiraan ma ahan kuwa hadda talada haya oon ognahey qaabkey kusoo baxeen inuusan aheyn lacag la bixiyey.

    Midda kale baarlamaanku laaluush ma wada qaadane kooxdii qaadatey hallagu koobo denbiga. Haddii kale waxey noqoneysaa hadal aan macno sameyneyn oo hawada loo direy. Haddii dadkoo dhan laaluush wada qaateen maxaaba laga hadlaa markaas?

    Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu isku deyey inuu isku difaaco magaca beesha Direed. Laakiin su,aashu waxey tahey isagu muxuu u heli waayey codadkii beesha Direed haddii meesha uu jirey faquuq lagu sameeyey beeshiisa?

    Hadalkiisu wuxuu ahaa hadal aan boos heysan oo iska frustration ah.

  11. Af-Aji says:

    Somalia barlemaankeedu waa kii lixdankii oo tuug iyo boob meesha lafadhiya. Soomaaliya qof military ah sidii maxamed Siyad bare ayaa wadi kara. Xasan qoslaaye isagu sidee ayu madax ku noqday ? Boqorka Qatar ayaa lacagta ka bixiyey si uu iibsado cadadka akhri qoraalku ina samatar walaalkiis ku qoray al-jazira. Wax sharaf iyo dimuqraadiyad ku yimid meesha ma joogaan ee waa tuugo is urursatay.

Leave a Reply