Xukuumada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kulan Looga Hadlayay Howlgalka AMISOM Oo Muqdisho Ka Dhacay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay kulan looga hadlayay howlgalka AMISOM oo k dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qayb galeen madaxda dowlada Soomaaliya

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in waxyaabihii kulanka ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sidii howl galka AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ka wadaan dalka ay hogaankeeda la wareegto dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaan la horgayn doono shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, maadaam ciidanada AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay caawiyaan dowlada Soomaaliya.

C/kariin Xuseen Xuseen Guuleed Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa looga hadli doono qaabka howl galka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii, waxaana waqtigaasi ay ahaayeen Nabad ilaaliyaan inkastoo ay markii danbe isku badaleen Nabad dhaliyaa.

Ciidamada AMISOM ayaa haatan waxay si toos ah u caawiyaan dowlada Soomaaliya waxayna ka taageeraan dhinaca la dagaalnka Al-Shabaab iyo waliba dhinaca amaanka.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Xukuumada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Kulan Looga Hadlayay Howlgalka AMISOM Oo Muqdisho Ka Dhacay”

  1. Banaadir Boy says:

    Maasha allah waa iska cadaatay in dowladahii hore ee KMG ee ahaayen wax aan jirin oo aan qorsho lahen waa fakir fiican in hogaanka ciidamada amisom ee la wareegto dowlada ay caawinayan ee Soomaliyed si qorshayasha amaanka qaabka ay u damacsantahay u fuliyan

  2. Barwaaqo says:

    Maansha allah, Socotayeey sii wadaay, ka naxowna nafta waa! Walee ninkii hadlayaaba hayska hadlee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa hogaamiye daacad dalkiisa u ah. Mudane madaxweyne dheg ha u dhigin kuwa meelahaa ka qayl qayliya ee doonaya inay iyagu ka sad bursadaan umadda soomaaliyeed.

  3. Ali soomali says:

    Weli taariikhda ma dhicin ciidan nabad ilaalin u jooga waddan kale inay ka amarqaataan dowladdii ay nabadda u ilaalinayeen, koleey ciidamada blue helmet malaha habdhaqan noocaas oo kale ma garan karo kuwa AU sida AMISOM inay qorshahooda inay ka mid tahay.

  4. [...] federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay dooneyso in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid ay hogaankiisa leedahay dawlada Soomaaliya ciidamada AMISOM [ee ka socda Yuganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti] ay ku koobnaadaan [...]

Leave a Reply