Xukuumada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Todobaad Kor Loogu Qaadayo Nadaafada Caasimada Abaalmarin Lacageedne U Ballan Qaaday Degmooyinka Gala Kaalimaha Hore


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday todobaad ay ugu magac dartay isbuucii nadaafada gobolka Banaadir waxaana lagu tartansiinayaa degmooyinka gobolka Banaadir xukuumada Soomaaliya ayaa ballan qaaday iney gudoonsiin doonto degmooyinka kasoo muuqda kaalimaha hore abaal marino lacageed oo lagu dhiiri galinayo bulshada Soomaaliyeed si ay kor ugu qaadaan nadaafada magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo ay xiligan buux dhaafiyey Qashin aad u fara badan.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayey isku soo baxay lagu taageerayey aqoonsigii dowlada Mareykanku siisay dowlada Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Soomaaliya ay ku dhawaaqayso isbuuc lagu magaacabay isbuucii nadaafada kaasoo uu sheegay in lagu tartarsiin doono shacabka Soomaaliyeed sara u qaadista bilicda iyo nadaafada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in qiimeynta tartankaas ay bilaaban doonto 26 bishan ilaa 31 bishan koowaad ee sanadka 2013,intaas ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid wuxuuna u ballaq qaaday degmooyinka kaalimaha koowaad kasoo muuqda abaalmarino lacageed, Saacid ayaa tilmaamay in degmadii gasha kaalinta koowaad ay heli doonto 15 kun oo doolar,degmadii gasha kaalinta labaad ay iyane heli doonto 10 kun oo doolar halka degmada gasha kaalinta saddexaad iyane ay abaal amar u heli doontaa ilaa 5 kun oo doolar.

R/wasaaraha ayaa tibaaxay in nadaafadu ay tahay waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha ayna waajib tahay in la iska kaashado sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafada dalka,xukuumada ayaa xustay in waxyaabaha lagu kala xulan doono degmooyinka ay ugu horeeyaan qaadista qashinka iyo jarista dhirta oo dhibaato ku haya bilicda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Xukuumada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Todobaad Kor Loogu Qaadayo Nadaafada Caasimada Abaalmarin Lacageedne U Ballan Qaaday Degmooyinka Gala Kaalimaha Hore”

  1. runsheeg says:

    kkkkkkkkkkkkkk war guryaha iyo beeraha la dhacey ee xooga lagu heysto ka hadla beenta joojiya shacbkii wali waa dhibanyahey oo USC ayaa Muqdishow xoog ku heysta marka haddii shabaab la baxiyey marka shaatigii USC ayaad noo soo gashteen oo qabiil ma dhamaan miyaa.

Leave a Reply