Xukuumada Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wareejiyey Dugsigii Bartamaha Sheegtayna Iney Dayactir Deg-Deg Ah Ku Sameyn Doonto Dugsigaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku wereejiyey wasaarada adeegga bulshada dugsigii Bartanaha   kaasoo ay dhawaan maamulka gobolka ka saareen dadkii kunoolaa mudadii uu dalku ku jiray burburka gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan ayaa maanta si Rasmi ah ugu wareejiyey wasiir ku xigeenka Wasaarada adeegga bulshada Mudane Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe” dhismaha dugsigii  Bartamaha oo maamulku ka saaray dadweyinii degenaa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa ku  nuuxnuuxsaday iney tahay wax aan la aqbali karin in ubadka Soomaaliya uu waxbarasho la’aan ahaado isagoona ballan qaaday in hada wixii ka danbeeyey ay carruurta Soomaaliyeed heli doonaan Tacliin lacag la’aan ah isagoona  intaa raaciyey in maamulka gobolka uu ku rajo weynyahay in xiliyada  soo aadan   ay suurta gasho in dhamaan ubadka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Banaadir ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu kasoo baxay kaalintii uga aadaneed dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir maadaama ay ka saareen dadkii hooyga ka dhigtay kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay wasaarada adeegga bulshada iney si deg deg ah dib u dhis ugu sameyso dugsiyadii waxbarashada gobolka Banaadir oo ku burburay dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya si waxbarasho ay uga helaan carruurta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeen wasaarada adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya  Bashiir Maxamed  Jaamac ayaa isne dhankiisa ballan qaaday in xukuumada Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan  dib u dayactir ugu bilaabi doonto goobihii waxbarshada ee gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo dugsiga bartamaha,wuxuuna hoosta ka xariiqay in 3 bilood gudahooda ay xukuumada Soomaaliya ku hirgalin doonti 10 dugsi oo lacag la’aan ah kuwaas oo wax lagu bari doono ubadka Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Xukuumada Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wareejiyey Dugsigii Bartamaha Sheegtayna Iney Dayactir Deg-Deg Ah Ku Sameyn Doonto Dugsigaas”

  1. Ali ad says:

    Waa arin wanaagsan

Leave a Reply