Xukuumada Soomaaliya Oo Shacabka Ugu Baaqday Iney Gacmaha Isqabsadaan Dalkane Ay Dib U Dhisaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumada Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa shaaca ka qaaday in  xukuumada Soomaaliya ay bilaabeyso  diiwaangalinta guryihii danta guud oo uu sheegay iney dhawaan ku bilaabi doonaan dib u dhiska si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed waxaana ka mid ah goobaha ay xukuumada damacsantahay iney dib u dhis ku sameyso guryihii dowladii dhexe ee Soomaaliya, Cisbitaaladii,Dugsiyadii waxbarashada,iyo Dhamaan goobihii ka dhexeeyey dadweynaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iney gacmaha isqabsadaan isla markaane ay u guntadaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen Muxudiin Kaalmooy ayaa tibaaxay in midnimada iyo wada jirka umada Soomaaliyeed la garanayo halka ay Soomaaliya gaarsiisay oo ahayd iney ka mid noqdaan wadamada ugu horeeya ee Qaaradan Afrika wuxuuna hoosta ka xariiqay si mar kale ay Soomaaliya uga soo dhalaasho kaalintii ay calamka kaga jirtay in ay lagama maarmaan tahay in wadadaas midnimada iyo wax wada qabsiga markale la isku raaco oo lagu midoobo.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dhulka danta guud markii horaba lagu dhisay hantida iyo xooga shacabka Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in dib loo hawl galiyo si umada Soomaaliyeed loogu adeego, wuxuuna dhamaan shacabka ka codsaday iney dalkooda dib u dhistaan isagoona uga digay iney u hanqal taagaan wadamada Yurub iyo Maraykanka oo ay dhisteen dadkii iska lahaa, Kaalmooy ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay leeyihiin dalka Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu qanisan aduunka loona baahanyahay iney ka faa’iideystaan qayraadka ilaah ku maneystay dhulkooda hooyo.

Xukuumada Soomaaliya ayaa halgan ugu jirta sidii ay usoo celin lahayd hanaankii dowladanimo ee lumay  waxaana xiligan ka socda magaalada Muqdisho hawlo dib loogu soo celinayo sharcigii iyo kala danbeyntii uu dalku lahaa iyo dib u dhiska dhulkii danta guud oo ku basbeelay dagaaladii dalka halakeeyey.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Xukuumada Soomaaliya Oo Shacabka Ugu Baaqday Iney Gacmaha Isqabsadaan Dalkane Ay Dib U Dhisaan”

  1. ciid yare says:

    war anaa waalan mise cadan baa laga heesin waxaan waydiin wasiirku yaa waaye shacabka gacmaha isqabsan ?tusaale 1_ max waxaa isqabsan gabadhii lakuf saday walaalkeed iyo ninkii kufsaday 2 _ma waxaa isqabsan cabe cabe iyo bakiin 3 _ma waxaa isqabsan damjiid iyo ree r kismaayo 4_ ma waxaa isqabsan xasan culusow iyo ina godane 5 _ma waxaa isqabsan askarta sooxiraysa wariyaasha xaqdarada iyo wariyaaasha xaqdarada loo geestay 6_ ma waxaa isqabsan dadka dadkiisii laxasuuqay oo aan wax laga qaban su aashaydu waxaa waaye yaa waaye shacabku gacmaha isqabsan ?? yaase weeye dowlada lataageeraayo ?? kkkkkkkkkkkk kuli waa hurdaan waana qoslaayaan awal baa xasan qosalkiisii aan maaro ula ayn hadana wasiir qoslaayay keeneen waa 5 sano oo qosaliyo hurdaa kkkkkkkkk alow sahal amuuraha

  2. warsame says:

    Waxaan jeclaan lahaa, dadka barlamaanka ku jira iyo dooladaba inaat u hiilisaan shacabka soomaaliyeet, oo waa inaat ka hor istaagtaan xasan gurguurte damiisa xaqiiqda ka fog, oo aat ka hoortagtaan waxa nakala fogeenaya, sida damaciisa ah federaalkii lagu heshiiyey inuu ka takhaluso,,,….Xasuusin, 2004 ka hor qashin beey ahayd muqdisho, isbaaraa kaga buuxdey hal magaalo(one city),,…Waxeey nafta idinku soo laabatey markii dadkii aat boobteen idinla fariistey oo lagu heshiiyey federal, ma beenbaa?, arintaa fahma, dooladan federaalka markaa bey timid,,,..hore in loo socdo weeye oo arimihii laga soo tilaabsadey aan lagu laaban, dib u laabashadu isaga iyo cidiisa uun bey u darnaaneysaa, nin aan qooq jibin maroodi majibiyo,,,…

Leave a Reply