Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In aysan U Dul Qaadanayn Ajaanibta Al-Shabaab (Warsaxaafadeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdishoi (RBC Radio) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay oo Arbaco ah u safray Dalka Kenya si uu ula kulmo Wasiirka difaaca dalkaasi.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa ujeedada socdaalkiisu yahay sidii la isaga kaashan lahaa Howlgallada ay AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka uga xureynayaan cadowga guud ahaan wadanka, ,horumarinta tababarrada ciidamada xoogga dalka iyo qaabkii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidamada XDS.

“Muhiimadda ugu weyn ee safarkeyga waxa ay tahay in la dardar geliyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Gobollada ay ku suganyihiin kooxda Al qaacidada Soomaaliya ee al shabaab”.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aan marnaba aysan Wasaaradda Gaashaandhiggu u dulqaadan doonin in Ajnabi dambiile ah uu kusii sugnaado wadanka gudihiisa kana shaqeeyo dhibaateynta shacbiga, isagoo ugu baaqay ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabab in ay isaga baxaan Guud ahaan dalka inta aysan ciidamada Xoogga dalka gacanta ku dhigin.

“Dhallinyarada ay qaldeen Shabaab waxaan ugu baaqayaa in ay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan maanta oo ah in ay isasoo dhiibaan kana towba keenaan Dambiyadii ay ka galeen Bulshada cafisna ay weydiistaan waad ogtihiin maanta Al shabaab wey jabeen mana lahan awood ay isaga difaaci karaan Ciidamada geesiyaasha ah ee DF iyo AMISOM” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In aysan U Dul Qaadanayn Ajaanibta Al-Shabaab (Warsaxaafadeed)”

  1. Qufaaye says:

    Gaalo raacyada waxaan ku nacay nacnacda iyo ha lagu maqlo. War muxuu u digaa isaga ayaa baabuur shabaqle ah gaal calooshiis u shaqeyste uu ku wadaaye.

    Ajaaniinba ma Africanka calooshood u shaqeystayaasha miyaa, mise labada xabo ee muslimka inoo soo gurmaday ayuu ka hadlayaa?

  2. Ali soomali says:

    @qufaaye, bilaayo kuu soo gurmatay -ma nimanka dalkooda dembiyaal ka ah una quuri waayey inay dalkooda ka dagalaaman una yimid soomalia inay dowladnimo seegiyaan, ungana dhaartay soomalida nasiinyo iyo nabad, caruurtii soomaliyeedna u diiday waxbarasho kuna xiray bambo si ehelkooda ay isgu qarxiyaan nimanka noocaas ku sifoobay baad ku tilmaantay niman noo soo gurmaday.

Leave a Reply