Xukuumada Soomaaliya Oo U Qalab Qaadatay Soo Celinta Hantida Ka Maqan Wadanka Soomaaliya(Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio)-Xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay usoo celin lahayd hantida ka maqan jamhuuriyada Soomaaliya oo ay ka mid tahay lacago fara badan oo ku xayiran wadamo badan oo caaalamka ah kuwaas oo la xanibay kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya Sanadkii 1991.

Wasiirada arimaha dibada xukuumada cusub ee Soomaaliya Marwo Fowsiya   Yuusuf Xaaji Aadan oo socdaal ku marsaysa qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa ku hawlan sidii ay wadamada ay booqashada ku joogto uga dhaadhicin lahayd iney dib usoo celiyaan hantidii ay lahayd dowlada Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada  Nairbo ee caasimada wadanka Kenya oo soo xiganaya wareysi uu siiyey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Calinuur America ayaa ku waramay in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya safarada ay ku  mareyso wadamo dhowr ah ay uga gol leedahay sidii ay dalalkaas uga dhaadhicin lahayd iney dib gacanta dowlada Soomaaliya ugu soo celiyaan hantidii ay lahayd dowladii Soomaaliya taas oo uu sheegay safiirku in qaar kamid ah la boobay halka qaar kalane ay ku xayirantahay wadamada gacanta ku haya.

Safiirka ayaa sheegay in wadamada laga yaabo iney safarka ku tagto  wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ay ka midyihiin Talyaaniga,Jarmalka, ISutaga Imaaraadka carabta, Yemen iyo Ingiriiska oo ay xiligan ku sugantahay waxayna intooda badan kala xaajoondoontaa sida uu sheegay safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya sidii mar kale gacanta Soomaalida loogu Soo celin lahaa hanti badan oo Soomaaliyeed oo ku maqan caalamka , waxaana kamid ah waxyaabaha ay ku raadjoogto baadidoonkooda  Safaaarado, Diyaarado, Maraakiib, iyo lacago cadaan ah oo ku jira bangiyada wadamada qaar  Sida wadanka Swisserland oo bangiyadiisa ay ku jiraan lacago badan oo ay Soomaaliya leedahay.

Bishii November  ee sanadkii dhamaaday ayey ahayd kadib markii ay waraaq codsi rasmi ah gaarsiiyeen qaramada midoobe golaha wasiirada Soomaaliya oo qaramada midoobe ka dalbaday in dhamaan hantida Soomaaliya ka maqan dib loogu soo celiyo gacanta dowlada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale jirtay xili ay wasiirada arimaha dibada Soomaaliya ku sugneed fadhiga baarlamaanka in  la weydiiyey waxa uga qorsheysan hantida Soomaaliyeed ee ku maqan caalamka waxayna xiligaas ku nuuxnuuxsatay iney baadi doon u gali doonaan hantidaas ka maqan Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii xukuumada Soomaaliya sanadihii sagaashamaadkii waxaa la bililiqeystay dhamaan hantidii umada Soomaaliyeed ee taalay gudaha iyo dibada wadanka Soomaaliya, Dowlada uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligan ku hawlan sidii ay usoo celin lahayd hanaankii dowlad nimo ee lumay kadib burburkii Soomaaliya, waxaana muuqata ifafaalo muujinaysa in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay dhabihii dowladnimada .

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

6 Responses for “Xukuumada Soomaaliya Oo U Qalab Qaadatay Soo Celinta Hantida Ka Maqan Wadanka Soomaaliya(Warbixin)”

  1. Ninkii hanbadii qaranka soo hantaa, hadoono hantida maqan says:

    Haddii ay ku mashquulsan tahay dawladu soo celinta hantida dalka ka maqan, dalkii laftiisiina kal maqan yahay xagee hantidu ku soo noqonaysaa?
    Dawladani waxay ka gaabisay isu doonkii ummadii kal habowday ee qoloba meel ka haaday ,shabaab weli waxay ku hayaan bishan iyo ta ku xigta ayaa ka takhalusaynaa,ciidanka wax ka takhalusayana waa Amisom oo ah ciiadamo aany iyadu maamulin. tan kale nimankaa leh waxabaan tirtiraynaa iyagaa la ilaaliyaa uman hayaan ajande siyaasadeed oo ay leeyihiin oo ku wajahan shabab.
    Maamuladii dalka ka dhisanaa ee ku jiray Federaalka weli umay tagin manay soo booqan intaa ay maalinba dalkale ka degayeen, mida kale ,khudbadhooda iyo aragtidoodu waxay u ek yihiin niman ku eg sidii rag maamul goboleedka banaadirlaand oo kale, sida ay u dhisan yihiin iyo qorshayaashooda markaad eegto.
    Dhulkii laga kiciyay nimanka xag jirka ah weli in maamul loo sameeyo waxaa hortaagan ama carqaladynaya hadii wax loo diyaariyay xukuumda joogata muqdisho.Hadaba intaas oo dhan iyadoo aan og nahay oo ku darsoo wadanku waxuu lee yahay ilo dhaqaale oo ah beero ku waas oo maqan lagan soo celin kuwii boobay. dekadihii iyo eeribooraddii oo aan si haboon loo hawl galin kaluumaysigii oo badihii ay fadhiyaan maraakiib jiriifa oo aan laga hadlayn xoolihii noolaa oo anay u arkayn cashuurtooda in si haboon loo geeyo khsnadaha dawlada. adeegii duulimaadyada ee hagida hawada aan laga shaqysiin, adeegii Maritimada iyo badii aanay u ahaysan hanti maqan dawldu Boostadii iyo isgaarsiintii dalka oo ah adeeg oo ay ka maqantay kalintoodii aanay u ahaysan hanti qaran oo llagu lee yahay canshuur u dhiganta saamiyadooda,,bankiyadii ay tahay inay dawladu ka shaqaysiiso,xawaaldaha oo ay ku soo rogto cashuurta ku waajibtaya waxaas oo dhan oo hantiya iyo kuwo badan oo kale hadaanay doonan, maxay rabaan, ma 4tan sano lacago iyo hantiyo aan hanaank dawldeed soo marin oo meel yaal inay kal qaataan oo boobaan.may hantida dalka taala ku hor maraan siday u hanan lahaayeen oo ugu shaqayn lahaayeen.
    Hadal badan haamo lagam buuxsho e waxaan oran lahaa ‘Ninkii hanbdii qaraka soo hanta ha doono hantida qaranka ka maqan”

  2. mohamed says:

    Hadii uu Madaxwynihu si xaqa ushaqeyo ummado dhan asaga ayaa kasbanaya,waxuna noqonaya nin tarikhda Somalida iyo mida Adunkaba meel wanagsan kagala,maxa yelay manta wadankena waxuu ku jira dhibato ween oo qof kasta oo somali ah sameysay Adunyaduna quus katagan tahay dhibatada wadankena,inkasto xiligan wadamo badan uso jesten in laxaliyo,hadana waxaa lo bahan yahay Hogamiye adag oo isu taga wadanka burbursan,sida hadeer kamuqata madaxwynha cusub,hadii anu nahay dadka wax indh-indheya,waxuu umuqda nin aay ka’go’antahay socelinta rajadii somaliya,mahadsanidin warbahinta raxanreeb.

  3. Bismillah marka hore hooshan balaaran ee waziirada iyo guud ahaan Dowlada ku baadi goobayan hantida qaranka waa hool muhim oo aad u wanaagsan mida kale hadii aan u Jawabo dadkan ku calaacalaya hanti dibada jirto lama rabee mida gudaha ee la iska dhacay hala isku celsho horta (waxan oran jwb aad u gaaban oo istaahilkoda anigoo qaabka waalidoda cmn ula hadlaya (hantida aad 1991kii aad ku laheden xamar iyo gud ahaan koonfurta soo lama oran karo hadeeba jirto waxad ku heshen naas nuujin waayo dowlada ayaa ahed mid darod sidasna idinkugu sahashay boosas waayo dowlada markay dhul bixineso ayee idin siin jirtay hadiise si kale wax u dhaho waxaa jiray guryo dowladed oo shaqaalaha dowlada dagnayen oo marexan u badnaa waayo Majerten xiligas geel raac ayuu ahaa marka hadii hada dowlad dhalatay guryahas yaa dagaya shaqaalihii hore mise shaqalaha hada kuwii hore waa mid duqoobay iyo mid shaqadas mushar ka fiican hada heesto mida kalese boosaskii sharci darada iyo garabka lagu siiyay miyaa hada loo celin waa maya waayo markii horaaba qalad naloo harer marshay…….. Mida Kale CADAADO Iyo wadad yare ayaad mar walba qabiil ku tilmamtan iyagana waxay u hadlan rag quburaa oo aqon yahano cmna waxay jecelyihin isu soo dhawansho iyo isu tanazul lkn hadii ragas sida dagan wax idinkugu sharxa fahmi weysen dadka dhabtaa waa ani iyo in kaloo badan

  4. ASXABEY any way wlhi qadiyadeda meel eesan iga maren ayeeba ila gaari rabtaa markan arko war xumada qabyaalada iyo nacebka ay qabaan dadka qaar anigu kole caawa ayaa iigu danbeeso wapkan oo aan furtaa ama aan comments ka dhiibtaa xitaa commentska ma aqrin dooni wbtf

  5. Runsheeg says:

    Waxan la yaabanahay dakii somaliyeed ee muqdisho iyo ageeda deganaa ee 1991 kii xasuuqa lagu sameeye,boqolaal kun ka badan hantidoodiina xoog lagu heeysto iminka,,wax in hantidooda loo soo celiyo ka hadlaya wali ma aragteen?,,ma loo xalaaleeyey nimanka xamar jooga in ay dhacaan hantidii umada somaliyeed ee la qaxiyey,,sow kuwaas ma aha kuwa hada raba ineey ku darsadaan oo iyadana dhacan wax alle iyo waxii hanti ma guurto ama dhaqaale kale ahaa ee somaliweyn dibadaha u yaaley,,gabadhaan wasiirada ahi qeeybtii hargeysa weey u geeyn inta kalana xamar baa qaadan,,halkaas ayaana dhanka loo wadaa,,waxaa lagu heshiiyey in ninba meel ruqsado ama goosto,,rajada somaliya indha fiican ma leh,,waxaanse la yaabay kuwa dulman oo hantidoodii la xalaaleeystay oo hadana iska aamusan,,oo weliba hantidii dibadana ku darsada leh. Nimankaa boobka ku heshiiyey waxay u dhaqan egyihiin dhurwaaga,,DHURWAAGU HOYADII WAA NUGAA MARKUU DHASHO,,HADEEY DHIMATANA WAA CUNAA.

  6. walaashaa muslim ah says:

    waxaan kugula talin lahaa maadaama sawirkaaga meel walba laga daalacanaayo Qoortaada Qarso MADOONAAYO in aan magacaaga sheego igana raali ahow

Leave a Reply