Xukuumadda Soomaaliya oo Qiimeynta Waxqabadkeeda 100-Maalmood Ku Casumeysa Waayo-Araggii Ka Soo Shaqeeyay Dawladihii Hore


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Col. C/laahi Ciilmooge Xersi.

Muqdisho (RBC) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in guddi ay u saartay qiimeynta waxqabadkii xukuumadda ee 100 maalmood ee ugu horeeyay kaasoo bulshada loo soo bandhigi doono dhowaan,sida uu shalay shir jaraa’id ka sheegay wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Col. C/laahi Ciilmooge Xersi.

Wasiirku wuxuu sheegay in guddiga oo ka kala socda  wasiirada iyo xafiiska raysul wasaaraha ay diyaarin doonaan warbixin si toos ah dadweynaha loogu bandhigo taasoo warbaahintana ay toos u tebin doonto iyadoo la qiimeynayo waxyaabihii qabsoomay mudadii saddexda bilood ahayd ee ay jireen golaha wasiirada ee uu hogaamiyo Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

“Sidoo kale Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ayaa Guddi u saaray sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa waxqadka Xukuumadda ee boqolka (100) maalmood oo ay ka harsantahay muddo yar. Waxaana loo saaray Guddi ka kooban 5 Wasiir iyo 3 xubnood oo ka socota Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.” ayuu wasiirku u sheegay saxaafadda.

Waayo araggii 1960-kii illaa KMG oo la casumaayo

Wasiir Ciilmooge wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon ay ku talajirto inay casunto dhammaan waayo araggii Soomaalida ee ka soo shaqeeyay dawladihii hore dalka u soo maray laga soo bilaabo 1960-kii illa dawladihii ku-meelgaarka si ay iyaguna u qiimeeyaan waxyaabaha u qabsoomay dawlada cusub ee federaalka ah.

“Waxaanu casumi doonaa waayo araggii ka soo shaqeeyay dawladihii hore illaa 1960-kii wixii hadda ka nool inay yimaadaan oo iyagunanala qiimeeyaan waxyaabaha noo qabsoomay.” ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka warfaafinta.

Xukuumadda raysul wasaare Saacid oo hadda dhameysatay saddex bilood ayaa ah xukuumaddii ugu horreysay ee aan ahayn ku-meelgaar oo Soomaaliya ka dhalata in ka badan labaatan sano, waxaana dad badan ay rajeynayaan in ay fiiriyaan habka maamulkeeda iyo sida ay uga soo baxdo waajibaadyada tirada badan ee u yaalla.

Inkastoo waayo araggii khibrada dawladnimo lahaa ay badankood geeriyoodeen haddana kuwooda tirada yar ee hadda nool ayaa badankood dinadaha ku maqan,waxaana dawladan ay u baahan tahay sidii ay dibadaha uga soo daabuli lahayd shakhsiyaadkaasi muctarifka ah si ay ula tashato.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Xukuumadda Soomaaliya oo Qiimeynta Waxqabadkeeda 100-Maalmood Ku Casumeysa Waayo-Araggii Ka Soo Shaqeeyay Dawladihii Hore”

  1. jamaal says:

    Asc maasha allah waaa arin aad iyo aad u fican run ahan maqalkan markan aqriyay OOYIN aya iga timid wadaninimo darted waxan arka in aan helnay dowlad xalaal ah allow jidka toosan ku toosi somaliyey gacmaha aan is qabsano dal dadkiisaa dhiso ajnabi waa uun taagere kaliya somalia hanoo laato by

Leave a Reply