Banaan bax loogu Magac daray Maalintii Carada oo Garoowe lagu qabtay (Warbixin+Sawirro).
Garoowe (RBC RADIO) Banaanbaxan oo loogu Magacdaray Maalintii Carada iyo isu soo baxa oo ay soo abaabuleen Culumada Bulshada Rayidka iyo Dowlada Puntland ayaa Abaaro 9kii Subaxnimo ee Saaka ka bilowday Barxada wayn ee Magaalada Garoowe Banaanbaxaasi ayaa sida la sheegay looga soo horjeeday Kooxda Alshabaab iyo Dilkii dhawaan Magaalada Garoowe loogu Gaystay SHeekh C/qaadir Nuur Faarax waxaana banaan baxaasi lagu muujiyay sida loogu midaysan yahay ka dhiidhinta dilka macno darada ah ee loo gaysto Dadka Indheergaradka ah ee bulshada Ka dhex Muuqda, iyadoo banaan baxaasi uu kasoo qayb galay madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa Culumada Isimada Masuuliyiin ka socotay 2da Gole ee Puntland iyo Dad kumanaan gaaraya oo isu soo baxaasi ka qayb ka ahaa..
Banaanbaxa waxaa ka muuqanaya Boorar ay ku Qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Alshabaab iyo Hadafkooda iyo in Diinta iyo Dalka la ilaaliyo sidoo kale waxaa Banaanbaxa ka muuqanayay Arday Badan oo isugu Jira Dugsi Hoose, Dhexe, Sare, iyo Jaamacadaha Ku yaal Magaalada Garoowe oo ay ka mid tahay EAST AFRICAN UNIVERSITY waxaana Guud ahaan la fasaxay Dhamaan Goobaha iskuulada waxaana la xiray intuu socday Banaanbaxa Goobaha Ganacsiga ee ka agdhaw halka uu isu soo buxu ka socday.
Culumo iyo Isimo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf,Sheekh Jaamac Cali Liibaan, Sheekh Axmed C/samad, iyo Suldaan Siiciid Maxamed Garaase ayaa dhamaantoodba waxay dareen midaysan ku tilmaameen sida ay sheegeen in Kooxda alshabaab aysan ku taagnayn Wado sax ah ayna ku dagaalamayaan Fikir Qaldan sidaa darteedna dadka ay ka midoobaan kana hortagaan Kooxaha Alshabaab taageersan kana mid ah ee ku sugan Deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan faroole oo hadalkii ugu dambeeyey halkaaasi kasoo jeediyay ayaa cod dheer ku yiri aynu u midowno sidaan isaga celin lahayn alshabaab wuxuuna sheegay in alshabaab ay doonayeen in ay Qaarajiyaan halboolayaashii Puntland balse ay dileen sidoo kale halbowlihii Islaamka ee Soomaliya iyo Puntlandba oo uu ula jeeday Sheekh C/qaadir wuxuuna sheegay in ay jiraan dadka ka badbaaday Alshabaab oo ay Doonayeen in ay dilaan.
“Halbowlaha Umada ayaa la beegsaday 11kii bishan waxaa Qarax lala eegtay Halyeeygii Amniga Puntland Gen Muxiidiin, 15kii Bishanah waxaa la dilay Halyeygii Islaamka Soomaaliya Sheekh C/qaadir oo dad usoo tashaday in ay dhabarka naga gooyaan ay arintaa ka dambeeyeen wax kalana waa soo socdaan hadaan laga hortagin, alshabaab waa la dagaalamaynaa waana ka aarsaneynaa waxaana ka bilaabaynaa kuwa Guryaha lagu qariyo mana ka harayno ilaa ay Ciribtirmaan ayuu Yiri Madaxweyne faroole.
Banaanbaxan Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe oo ahaa mid balaaran ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo lagu mucaaraddo Alshabaab iyo kuwa taageersan, waxaana dib loo furay iminka goobaha ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka iyo Dadka oo Markii uu Banaanbuxu Socday la xiray.
RBC RADIO.





































Ninba waa maalintiisa.
To:shaarka… Waan fahmey hadalkaaga . Waxaad ogaataa anigu adi waan kaa fiicanahay waayo waxan leeyahay shacab ilaaahay caqli siiyey iskuna duuban iyo dawlad diyaarsan xag ciidan adigu waan dareeemayaaa in alshabaaaab xaarka kugu dhajiyeeen iyo kaaadida laakiin Aniga wan iska dhicinayaaa waaana ka adkaaanayaa in shaalaaah .. Mala socotaaa ninkii shiikha garoowe ku dilay sida loo qabtey : wiilashii qabtey ee geesiyaasha ah waliba gacanta ku dhigay isagoo xabad ku ridaya ayey u bareeereeeen oo ay qabteeen kuwaas oo tuuuta gashan ayaa u diyaaaar meelna wan ooga soo harayaa adigu xagso ani wan is hubaaa iguna salaaaan walaaashaaadii ilmaha ugandhayska dhashay kkkkkkk koley xamar waxaa lagu dhalay jareerbadan oo Ugaandhees somali citizen
Waa arin lagu farxo in alshabaab ninkii keenaa la abaal mariyo waana fikir lagu suulin karo shabaabka iyo wixii la halmaala sida ictizaan ka ictisaamku waa lamid alshabaabka kulina waa in qoorta laga wada jaraa
Waa arrin lagu farxo. Shabaab waa la suulin karaa haddii dad ku isku xirnaadaan. Sheekh iyo Shariifba deyn maayaan cadowga Shabaab, ee ha iska qabto.
Jabuuti iyo cia-da mareykan baa ka dambeysa dilalka. Alshabaab maxa loo maqlay marka mareykan zarun malateri ka sameesteen jabuuti? Maxa hore loo maqli waayay? Shabaab ma cirka maalin ma soo dhacay hadana bilowdey dilalka soomaalida? Meesha mareykan tagoba maxa markiiba ay ka dhacda dilalka haldoorka islaamka??? Cia-da mareyksn iyo yahuuda uu tashtey soomaalida waxaana uu fuudeeysy cumar gheele oo burburibta islaamka iyo soomaalida raba.