Cabdiwali Gaas oo eedeynta Puntland ku tilmaamay mid “Ciyaal Suuqnimo” ah
Galdogob (RBC Radio) Raiisul Wasaarihii hore ee Dowladii Ku Meel Gaarka Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa isbuucyadaan socdaal kukala bixinaya waqooyiga Mareykanka.
Cabdiwali Gaas ayaa socdaalkiisii waxa uu kula kulmay Jaaliyadaha Soomaalida ee Magaalooyinka Toronto iyo Minneapolis si weyna ugu soo dhaweysay kadibana uu kulamo la qaatay. [Halkaan ka Daawo soo Dhaweyntii Minneapolis]
Kulamadaas waxa uu kaga hadlay marxaladihii ay dowladii uu hogaaminayey ay soo martay.
Mudane Gaas oo u waramaya mid kamid ah idaacadaha laiska daawado ee magaalada Toronto ayaa waxa uu siweyn u taageeray nidaamka Fedraalka ah. [Halkaan ka daawo wareysiga]
“….. mabda’a dowliga ah ama hanoqdo mid Fedraaliisimka ama mid dowlad dhexe si shaqsiyan waa lagu kala duwannaan karaa laakiin mabda’a Fedraaliisimka ee xukuumadeyda ma ahane ee sagaal sano ka hor IMBAGATI ayey Soomaali ku heshiisay iyaga oo leh dagaal oogayaal joogey, iyaga oo leh uraradii bulshada joogeen, iyaga oo leh maamuladii markaas jiray, iyaga oo leh ergadii bulshada caalamka ”. ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan dad diidan fedraalnimada ay jiraan.
‘ Anigu umaleyn maayo qof oranaya Fedraaliisim ma jiro, cid oraneysa dadka isma soo dooran karaan inay jirto u maleyn maayo saas inlooga qanco ayaa wanaagsan”. ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Cabdiwali Gaas, ku tilmaamay inuu yahay mid had iyo jeer u taagan burburka iyo Jiritaanka Puntland.
R/Wasaarihii hore waxa uu ka jawaabay eedeyn ay madaxda Puntland ku eedeysay in uu Cabdiwali Gaas horistaagay deeq beesha caalamka ay siiyeen Puntland waxa uu yiri.
“Hadii wax mashruuc dhaqaale uu yimid Puntland hada Airportyada la dhisayo ee dowlada sheeganeyso anaa soo saxiixay anaa gacanteyda kusoo sixiixay”
“Anaa Franco Frattini lasoo saxiixay, qofkii decumtigaas u baahana wan hayaa” ayuu sii raacshay.
Cabdiwali gaas ayaa waxa uu mararka qaar uu isleeyahay in Puntland ay sadbursiimo ay qaadatay isaga oo arinkaas ka hadlaya waxa uu yiri.
“…. anaa isleeyahay wax badan oon isleeyahay markii la eego cadaalada Soomaaliya amaa sadbursiimo qaateen baan isleeyahay mashaariicda hanoqoto”
Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/Wali Gaas ayaa waxa uu wareysigaan ay la yeelatay idaacada codka Soomaaliya ee Minnesotta ku sheegay in deeqo badan ay xukuumadiisa ugu deeqday. [Halkaan ka Daawo Wareysiga]
“Xukuumada Puntland waxaan ugu deeqnay alaabta qalabka dhismaha wadooyinka oo dhan ….. oo dowlada kasoo gadatay Dubai oo ay Dowlada Fedraalka soo gadatay Puntland baanu ugu deeqnay inay ku dayactirtaan jidadkooda”. ayuu yiri Cabdiwali Gaas.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri
“Ayraboorada waxaan ugu deeqnay lacag ay nasiisay dowlada talyaaniga oo aan kusoo saxiixay New York sanadii 2012 kii wasiirkii hore arimaha dibada ee dalka talyaaniga Franco Frattini kabacdina markaan tagay Talyaaniga 2012 kii aan lasoo sixiixday dowlada Talyaaniga wasiirka arimaha dibada iyo R/Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti in la dhiso Airiboorada Puntland qaarkood”.
Cabdiwali Gaas ayaa waxa uu ku tilmamay eedeynta ay madaxda Puntland u jeediyeen mid aan waxba ka jirin waxa uuna yiri.
“Ma dowlada Puntland miyaa tageysay oo beesha caalamka u la hadleysay soo anigu ma aheyn ninkii la ahdlayey oo mashaariicda keenayey u tageysay oo lasoo sixiiixaneysay eedeyntaasna waxa ay aheyd mid iska ciyaal suuqnimo ah”
Dhanka kale Cabdiwali Gaas waxaba kama uusan soo qaadin dibadbaxyo looga soo horjeeday madaxweyne Xassan SH oo ka kala dhacay wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.
Socdaalka Cabdiwali Gaas ayaa waxaa laga dhadhasan karay in uu rajo weyn ka qabo in loo magacaabo Raiisal wasaaraha Soomaaliya ama xil kale uu Madaxweyne Xassan SH u magacaabo.
Cawrala Qoricuud
RBC Radio
Caasimada Galbeedka Mudug Galdogob
Email: Qoricuud@gmail.com
Twitter: @Qoricuud
Facebook: Nuxnuxdiid














Adeerayaal in Ilaahay khayr idin siiyo dadka waashay iyo doqommada wararkooda ina ka daaya ha innagu wareerinina, ina ixtiraama aqristayaashiinii baan nahayee, hadda doqonkaan wuxuu shukaansi ugu jiraa in Xasan Qoslaaye u yeero oo wuxuu leeyahay Saacid anigaa kaga wanaagsan sida dadka loo lug-gooyo, hadaadmarag doonaysana SHiikh Shariif Axmed soo weyddi isagaa iiga marag ah sidaan Puntland u galayee!!! Daanyeer wallee inama sirtid…
Ninkan Gaas iyo adeerkii Farooleba siyaasada Soomaaliya wey ku fashilmeen. Awal waagii ay ugu jirtay saaxiib bey ahaayeen laakiin iminka labaduba waxba meesha kuma hayaan.
Faroole wuxuu baryayaa inuu ku biiro somaliland oo xitaa la go’o ayaguna kuma rabnee ha isku kaaya dhajin bey dhaheen.
Gaasna khaladaadkii uu sameeyey kuna waayay doorashadii ayuu hada is leeyahay qurbaha ka sax laakiin waa too late 4 years meelahaas ka iska wareego kkkkkkk
Viva Khaatumo State of Somalia
ASC, dhamaantiin.
Ma xumo in qalab dhismo jidad la siiyo deegaanada Waqooyi Bari (Puntland), oo waa dad Somali ah, dhul Somaliya ka mid ahna degan, laakiiin qaswade Faroole iyo dadka hogmaainaya maamul beeleedka Waqooyi Bari, maxaa looga badashay taageerahaas eey dowlada siisay? Waa waxba; iskaba dhaafee in eey taageero iyo in eey “pull their weight” amaba culeeyska qeeybtooda kaga soo aaday in eey dowlada Somaliyeed iyo dadka Somaliyeed mideeyaan, iskuna keenaan waxeey taas badalkeeda sameeyeen, sameeyna doonaan in eey sii majaxaabiyaan qaranka iyo dowlad Somaliyeed. Marka waxeey aheeyd qalad in Dowlada Somaliyeed eey taageerto, kaalmeeyso dad ayada lug gooynaya; Taas badalkeeda waxeey aheeyd in hadba gobolkii amaba deegaankii “contribution” amaba ciidan, amaba taageero noocya kale ah Dowlada u fidiya, in eey u abaal gudo. Mar mar ayaaba is dhahaa waxa Somalia kasocoda “defies logic”. Oo waxaad arki ayadoo ciyaala suuqnimada iyo laqdabada la abaalmarinayo, meesha daacadnimada iyo wadaninimada la dayacayo.
Ra’iisal wasaarihii hore waxeey u egtahay in uu labada dhinacba ka eedeeysan yahay;
A: Dhinaca dadka Somaliyeed oo kaga fadhiyay level qaranimo iyo mas’uul sare oo Somali sidiisii in uu u dhaqmo waa ka eedeeysan yahay;
B: Dhinaca beeshiisa/qabiilkiisana waa ka eedeeysanyahay.
Labadaan sheeyna waa calaamadaha qof fashilmay.
Hogaamiyaha rasmi ah, oo vision leh waxaa lagu gartaa in uu maadaama Somali kala fogaatay, kala shakisay, in uu reerka uu ka dhashayna isticmaalaa asagoo dhinac inta iskugu geeyo, u jiheeyaa reerkaas qabiilka ku taageeraya dhinaca danta guud ee Somaliyeed, sidoo kalena kasbadaa reeraha kale ee Somaliyeed si umada la’iskugu soo dhaweeyo. Jidka saxana la saaraa. Madaxdii hore ee Somaliya soo martay, qaarna waa eey ka shaqeeysiiyeen howshaas, qaarna si “miserably” ah ayeey ugu fashilmeen, kuwa ku fashilmay ayeey ka mid yahiin Abdiwali Gaas, iyo Madaxweeynihii hore ee Abdiqaasim; Abdulaahi Yusuf, Allaha u naxariistee si rasmi ah ayuu uga shaqeeysiiyay howshaas; Sheikh Shariif ilaa iyo xad, amaba qeeyb ayaa uga suurtagashay. Madaxweenaha hada Xasan, Prime miniser Abdi Faarah, iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaga waa cusub yihiin, waqtiga ayaana sheegi doona waxii u shaqeeyay iyo waxii aan u shaqeeyn. Ilaaheeysa haku guuleeysiiyo howsha culus.
Waxase suurtagal aheeyn in sadexdaan mas’uul ee Dowlada hada ugu sareeyo iyo waliba dadka ka hooseeya in magaalooyinka ambaba deegaanadooda inta eey “influence” ku yeelan kari waayaan, oo eey u jiheeyn waayaan meesha la raba in la’aado oo ah qaranimo iyo Somalinimo, in eey meelo kale iyo gobolo kale damcaan in eey “influence” ku yeeshaan. Taasi macquul maahan. “It defies logic”
Tusaale, Gudoomiya Jawaari oo aan ognahay in uu saxiixay kana shaqeeyay howsha adag ee sameeytna maamulka cusub ee Baydhabo, sidee beey ku dhacday in qabqable dagaal oo waliba “junior” ah, waa Cabdifataax Geeseey uu dhaho xilka ma wareejinaya?
Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha hadii uu maamulka gobolka Galgaduud iyo Mudug wax “positive influence” ku laheeyn, sidee beey ugu suurtagalee in uu Hiiraan, ambaba xataa Kismaayo iyo meelo kale “influence” ugu yeesho.
Waan ogahay howla culus in eey horyaalaan dhamaan mas’uuliyiinta dalka, Ilaaheeyna ha u fududeeyo. Laakiin shaqo badan iyo saacado badan in galiyaa ayeey rabtaa si maalinba degmo amaba gobol loogu soo leexiyo dhinaca Dowlada Jamhuuriyada Somaliyeed, oo aan u gaarno ” a more perfect union”
God bless Somalia.
Aqoon darida ayay ka mid tahay in meel la la soo is taago anaa soo saxiixay iyo anaa yeelay si ay tahay wax isagu uu leeyahay amaba jeebka uu ka soo bixinayo. Tuug weeye haddii umadii u madaxda u ahaa uu kala khiyaamay oo u kala sed bursiiyay.
In Ra’iisal wasaare loo magaacaabo? Ma xumo, laakiin dowlad baa dhisan soo ma ahan. Mise odaygii Saacid ahaa baa waxba yahay noqday, awalba odayga Xasan ah dhagtaa loogu sheegay inuu soo magacaabo miskiin kaas laakiin tabarteeda iyo kartideeda maleh. Sometimes talo xun, siyaasadaada bay ku ciyaartaa, waa meesha C/weli uu ka bilaabay markuu Puntland tagay. Laakiin waxaan leeyahay C/weli is one of the bright future politician in Somali, and we need him.
Ciga al shidaad wuxuu yiri geedyahow waxaan ku mooday iyo waxaad noqotay iyo waxaan loo noqondoonin..Gaasow waxaan ku moodnay iyo waxaad noqotay iyo waxan loo noqondoonin.
waxaan ku moodnay shaqsi caqli badan laakiin waxaad noqotay waxa aad ku hadlaysid xumaan iyo sabaanba waxaan loo noqondoonin in masiir iyo madaxtinimo dame lagugu aamino awalba qabiilbaad baad ku timi haddana waxaad tahay lagu ogaa,marka shaqadaada in aad xooajisato allaha ku tuso meelahaagana iska warwareeg oo haddba habro la shir oo dhexda ku gal oo isku soo sawir.
Wager walee maantuu runta sheegay mar haduu yiri waan u sad buriyay. Bilaahi calaykum maxaa idinkagaga muuqda ninkaas wayn hadalkiisa. Kuwa meelaha ka qaylinyana waxay u qalinayaan waa uun sad bursigaas. Cabdiwali waxaa lagu yiri xaq baad u leeedahay prime minister lkn dadka degaankaad kaso jeedo joogaa uma diyaarsana in ay dawlada hoos tagaan isna waa garawsaday. Marka wuxuu raadinayaa qaab uu samayn xoogan ugu yeesho siyaasada puntland.lkn ninkii samayn ku yeelan waayay isagoo waxii mashaariic ahaa ugu sad buriyay uma maleenaayo in uu hada ku yeelan karo. Lkn midbuu run ka sheegay oo ah in banaanbaxayaashu aysan wadin dan somali ee ay tahay jilib yar oo waaayay wixii ay somalia ka rabeen. Dabadeed buuq ku furaya dawlada si ay fadhiid u noqoto.waa uun cuqdad iyo yaan wax la qaban aadnnan wax ka qabanayn marka ree bari 2 uun mid halaga helo: 1 in daacad u noqdaan dalka dhan oo joojiyaan mamul beelaadkan ay sadbursiga la doonayaan ama in ay qaylada yareeyaan. Waxaan idin sheegayaa la isbaray
WAA NIN AAN SIDAA U CAQLI BADNEEN GAAS RUNTIII.
kkkkkkkkkkkkkk haduu saas ku fakarayo waa udoqonimo waayo asaga oo taagan buu xasan diiday in wuu magacaabo hada oo uu reerkiisii iyo qurbuihii ku noqday barlamaankiina iska casilay see buu ku soo noqon
badcan haa way caddahay cabdi wali in uuyahay nin ku caan baxay qabyaalada iyo gobal jacaylka reerkiisa ama jufadiisa
Qayaano qaboooow ma liibaane, wixii uurka ku jiro afkaa soo xado. Nink odeyga ah mudo ayuu cabursanaa oo qarinayey wuxuu soo falay, haddase waxey ula ekaatay inuu ku faano caddaalad darradii uu soo sameeyay isagoon is ogeyn. Yaa marna horey u maqlay in putland groon diyaaradeed oo ay dowlada Soomaaliyeed soo saxiixday laga hirgalinayey? sabar yeesha wax kalena waa soo socdaane, afka farta halaga geliyo isagaa wax badan soo matagi doonee.
C.Qaadir Xuseen Walaal si wanaagsan ayaan ula dhacay sida aad u yara faahfaahisay commentskaaga, laakiin mid baan ku dari lahaa, qof masuul ah in uu sidaa u hadlo weliba isaga oo sheegaya in uu reerkiisa u sadburiyay xaqiiqdii waa nasiib daro aad u wayn. Dhinaca kale waxa kuu muuqanaya dadka reer Puntland cid qancin kartaa in aysan jirin, waayo ninkii u sadburiyay ee dartood u eedoobay sidaana xitaa tartankii madaxweynenimo ku waayay, in ay caay iyo dhibaato la daba taagan yihiin oo ay leeyihiin burburka Puntland ayuu ka shaqaynayaa. Reer Puntland waxa ay xitaa raisul wasaare ku waayeen hadaladda xun xun ee soomaalidiidka ah ee maalin walbaa ka soo yeeraya, war haddii madaxdaadu maalin walba idaacadaha ka sii daynayaan hadalo umadda soomaaliyeed niyad jebiya, soomalina cadow kaaga dhigaya, maxaa u diidan dadkii kale ee iskugu jiray culumaddii, aqoon yahankii, dhalinyaradii, haweenkii in ay naqdiyaan hadaladdan somali diidka ah ee madaxdooda ka soo yeeraya iyagoo weliba maskaxda gelinaya resourcega qaranimadda dib loogu soo celinaya in aysan waxba ku lahayn sidda ciidamadda noocyadooda kala duwan sidda nabadsugidda, militeriga, policka iyo asluubta hadde kama hadlayo shakhsiyaad, sidaas oo kale dhaqaalaha lagu bixinayo ciidamadda iyo soocelinta amniga oo keliaya laga uruuriyo dekadda Muqdisho iyo Airporka maadaama hadda wixi ka horeeyay beesha caalamku ka caga jiidaysay in ay wax lacag ah bixiyaan marka laga reebo in ay taageeraan ciidamadda Amisom,,,,,,,,
Cabdiweli Gaas wuxuu qirtay wixii lagu ogaa.
oo ahaa inuu yahay qabyaaladiiste Garsoor ka fog
waxaa jira intuu joogey xafiiska inuu sameeyey
wax-isdabomarin Corruption,qabyaalad uu kula dhaqmay beelo soomaaliyed
Sadbursi,qof jaclaysi Favoritism iwm.
waxan leeyahay cid danbe ku aamini mayso Go to hell.
@Cadaado,
aad baad u akhlaaq xuntahay marka hore soo baro deegaanku waa State wax adiga lagu weydiisanayana ma aha ee magaca sax, Tiiceey oo aad ilmo adeer tihiinba madax-weynaad u taqaanaayee, 2nd, DHul Soomaaliya ka mid ah ma deggeninee annagaa Soomaali ah dhulkuna Soomaali nagau yaay1 aad baad u edeb darantahy xoogaa yar oo Ingiriis baa la bartay kalmadp yar oo saqaajinmo ah baad inoo soo qoraysaa.
C. Weli Shaqo Fiican buu Qabatay Mudadii uu Xilka Hayey Ee Xaalada Somalia ayaa Iskeed U Fashilan Qofki Guul In Uu Keligiis ka Soo Hoyey Umaleyanaya Amuuraha Wadanka ka Qooshan Isagay la Tahay Cid Kasta oo Masuliyada Somalia ka Qayb Qadatay Xushamad bay Mudantahay.
aslk marka hore waa illah mahadii ninkii xoolihii soomaaliweyn u leexiyey putland in lagu yiraahdo waxaba maad nooqaban ama waxbaad nanaga horistaagey tankale putland soomaali waa ka baxadey mar hadii aydiidey dab damiysyadii u socdey magaalo madexdii soomaaliya ee uu sidey markabkii badu ku kacdey ee moodey dhul soomaaliyeed ka dibna ku celiyey dubai bal fiiriya hadii soomaalinimo idinku jirto web raxanreeb ee uu ka hadlaayo gudooomiyihii gobalka bannnadir tarsen marka higa harto faroole baa soomaali wax ka dhisey asaga iyo kuwa la shaqeeya, hadii ay jiraan dad leh kuma raacsanin faroole iyo waxa uu wato ee soomaali baa nalaweyn ku soo qore figradiina walba waa tuhunsanaa dadkaas .cabdiweli waxaa ka leeyahay sirtii aad qodeysey baa illah kula rogey waana la ogaa in aad qabiili tahay ee waxba ma ahan waa ilaahmahdii hadii aadan noosoo noqoney kuna bareney hadii aan nahan umadasoomaaliyeed.
Waar ninkaan daawadii waalida ayuu iska soo ilaaway, waar orod oo dantaada raaco Puntland kuuma baahna idiga iyo aynigaa toona!!! Horaan u sheegay nin caqli badan maahan ninkaa.
Cadaado.
Waxaan u maleynayaa in aad tahay dadka hadba waxa horyaala keliya ay u muuqdaan balse aan dib u eegin wixii la soo dhaafey iyo waxa soo socda intaba, waxaa tiri puntland ma ahayn in la taageero waayo waxay lugooyo iyo majaxaabin ku haysaa dawlada iyo qaranka , waxaan ku su aalayaa dawladii cabdullahi yusuf yey ka shaqeynweydey weydey sow dawlad somaliyeed oo la soo doortey ma ahayn ?. sheekh shariif iyo kooxdiisii ayagoo ku dhuumanaya oo leh ciidamada cadowga etobiya halaga saaro dalka markii laga saarey oo shariif madaxweynaha noqdey maxaa dhacay , waxaa dhacay in sharii afar safar uu ku tegey etobia intuba uu ku dalbanayey ciidamo etoobiyaana ah , sheekh tarsan oo usbuuc walba mudaaharaad ku qaban jirin london oo lahaa cadowgii soo jireenka ahaa ee amxaarada ayaa dalka la keeney etoobiya ma shaley ayey cadow ahayd oo maanta ay noqotey waallaal ? dawladii cabdiweli gaas roodmaabkii dalka looga saarayey ku meelgaarka wax walba waa lagu sheegey si loo carqaladeeyo oo uusan u meel marin xitaa waxaa la yiri ragaa isguursanaya haweenkaa is guursanaya intaasoo idil sow ma ahayn carqaladeyn iyo majaxaabin , maanta markii rodmabkii meel marey oo ku meel gaarnimadii laga baxay waayo cida ku faaneysa oo leh dawlad taam ah ayaan noqoney sow ma aha kuwii shaley majaxaabinta iyo lugooyada umada ka shaqeynayey ?.
I love Cawrala Qoricuud. kkkkkkkk
Cawrala ha noolaato! kkkkkkk Bulsho? Bile!
Dheere power,
Adigu hadalkaaga waxba kas, oo qaad ma leh waayo waxaad rabtey in aad cabdiweli sanka ka geliso in uu aqoonsado wax aad ugu yeertet khatumo, muxuuse cabdiweli aqoonsadaa dastuurka wuxuu ogolyahay in maamul goboleedku noqdo laba qobol iyo wax ka badan aawey labada gobol iyo barka aad dooneyso in aad maamul ku noqoto , cayn waa hal magaalo , sool garaney , sanaag xageed ka joogtaa bal noo sheeg waxaanse kuu sheegayaa in madaxweyne xasan sheekh uu sheegey in uusan aqoonsaneyn gobolada l iyo magaalooyinka la magacaabey wixii ka danbeeyey 1990, ku soo dhowow.
Anigu uma maleyneyn inuu heerkaas yahey Cabdi Weli Gaas. Ninka ra,iisal wasaare ka ah xukuumad fadhida Muqdisho oo nafta lagu celinayo oo haddana usoo qaraabaya gobol nabad iyo dhaqaaleba heysta oo dhaqaalihii dowladda lagu istaajin lahaa u leexiyey meel kale waa arrin yaab leh. Dareenkaas ah in la iska ilaaliyo reerkaan oo fiiro gaar ah loo yeesho waxa keeney ayey taasi ka mid tahey. Lama diiddana iney gobolladaasi mashaariicda wax ku leeyihiin. Laakiin haddii labo ilmood ood dhashey midkood uu dhimasho halis u yahey oon dartiis, midna uu hadda biyo ka dhergey,haddaad koob biyaa ood soo hesho kii dheregsanaa siiso intaad ka gudubto kii dhimanayey, adigoo ku doodaya in labaduba xaq kugu leeyihiin maxaa loo qaadan karaa?
xamed @ sxb waan ku garaaba yaa calaacal kaaga waayo waxaad soo qortay maqaal ad kut ageeray sid dowlada adoo soo qaatay AXMED HAADI @ taas oo wax kaa hoos qaada aad way day dadka ugu horeeyay oo aad ku siri way dayna waa reer puntland oo il dheer marka in aad calaaca shaan waa dow giina oo somaali baa tiraah da hasha aya daa geela cunin ayadaana cabadin midna aan kuugu daree meesha ka maq now amaba ka muuqo taas idinka aan awoodin mida gaas waxuu ahaa masuul somaaliyeed laakiin nin walba qowl kiisuu had laa qorina qiiqii suu baxaa oo aniga ma eeday nayo hadii samcadiisa qaribo isaga ayay utaal ee puntland ma qari bayso umana taal hadii uu wanaa ji yana sagay utaal oo puntland u mataal ee somaali wayn bay utaal c\wali waa reer puntland laakiin xilka uma dhiiban puntland oo somaali buu u qabtay hadii uu qalad galay somaali oo dhan ayuu ka galay hadii uu wanaag keenayna somali oodhan buu u keenay laakiin maaha wax ay puntland gaar u leedahay mida sad bursiga aad sheeg teen in uu gaas siiyay puntland wax barashadii tur kiga gaas waxuu siiyay reer muqdisho oo puntland xaqeedii udiiday hadiise aad gaas aragtaan aaway dhaqalaha in giriisku ku deeqay ?? aaway kuwii turkiga hada bixi yay?? aaway tababarada ciidamada hada socda ?? aaway ?? marka waxaan oran karaa sida aad leedihiin gaas waa tuug xasan na waa caadil kkkkkkkkkkkkk taas oo lamicno ah jiir waa aamin ayna waa tuug marka waxiina waa riwaayad oo aad ku fashil mateen dowlad nima diina sidaa ayaad gaas iyo puntland aad ugu qaraaray saan tan gaasna hada waa xir matay oo kuma jiro masraxa siyaasada waa guu soo laabto ka hadla ee waxa naga dhexeeya waa fadaraal hadaa qaadato isma dhaaf no hadaa diidid bacda dhuuqso labo qaawan isma qaado kkkkkkkkkkkkkkkkkk good luckyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
Osmaan ,
Qoraalkaga waxba kama garan waa isku dhexyacsan yahay
Lakin waxan ka gartay in xaalkagu yahay
Habar dhaliweydey aleelo ku waalatay !
Hadii aan tuugii cidiina wax kasheegey C,weli calooleey
Ma deyrkii makaan gubey !
waxad ka hadashay Khatumo state
Let me tell you Khatumo waxaa samaystay dadka leh
Deegaanada Sanaag barri xeebta Laaso-daar hadaad taqan
ilaa shaxda Buuhoodle waa 840 km anaaba og oo waad ka naxaysa runta.
adiga maangaab,Afwaliinje-faroole iyo C,weli calooley midna wax laga weydiin mayo.
Budhland awel anaga saldhig u ahayn samaynteda
Lakin markanu aragnay dhaqanka wax-isdabomarinta corruption,sadbursiga,afxumada
waanu ka tashanay hadeerna waataas isku dhexyaacday Budhland
marka hadee waxba ha calaacalin tasho mardanbe Habargidir laga kicin maayo.
“Qul Muutuu bighaydikum” War caradiina u dhinta! Dadka nin walba meelbaa bal balaysaa! Colaada shakhsiyaatka ah ha u badalina oo ha iska dhigina dad qaran udoodaaya! Khaatumo seeg wuxuu la habaartamayaa waa maxaa la ii aqoonsan waayey! Cadaado…..Kkkk Please! Aaway qaranka iyo calankii aad kufsateen intaad ku wareertay dad dadkooda iyo dhulkoodaba hagaajistay! Laakiin midbaan idiin sheegin CabdiWali soo noqoshadiisa cid idinkala tashan majirto! Seeyeelaysaan marka! Waligiin iska habaartama illayn awood kale majirtee!
@Libaax libaax dhalay, kkkkk, saaxiib koox yar oo burcad mafia ah oo uu qaswade Faroole hogaamiyo wax State la dhaho waligood ma noqonayaan, ee adinka waqti ha iska qasaarina, Somalida kalena fitno ha u bilaabina, fitnadaasoo aad adinku ugu qasaara badnaan doontaan. Ka jooga ayaan idin leeyahay.
Mida ah in aad Somali tihiin, oo dhul Somaliya dagan tahiin, hala idinka arko. Show me. Sababtoo ah ilaa iyo “the inception of Somali state, you guys were nothing but traitors who done nothing but treason. Laga soo bilaabo waagii Sayid Mohamed Abdulle Hassan iyo Ahmed Gureey, Allaha u naxariistee. Marka calaamad su’aal weeyn ayaa idin saaran. Ee iska meeyra mahbarnidamada.
@Osman, walaal, waxyaabaha aad ka hadashay qeeybo badan ayaa ka run ah sida in Dowladii Cabulaahi Yusuf lagu mudaaharaday, la mucaaraday etc. Laakiin, farqi ayaa xukuumadaas iyo xukuumadaan u dhaxeeya, waqtigana waa is badalay. Marka, waxaan kugula talinayaa in aad adigana is badasho, oo aad kaalintaada kaaga aadan in aad muwaadin wanaagsan oo Somali ah noqotid, oo adigoo wax dhaliilaya/toosinaya hadana ka gudubtaa shalay, si eeysan bari kuu dhaafin.
@Dheere Power, shaki la’aan waaye in aad tihiin laf dhabartii iyo dadkii maskax, xoog iyo caqliba ku biiriyay maamulka dadka deegaanada Waqooyi Bari dhisteen (Puntland), laakiin hogaamin xun, qabyaalad, xaqiraad iyo jahliga heeytsta qabqablayaasha Garoowe iskugu xig xigay in eey talada u qabtaan ayaa sababay in dadka Somaliyeed eey sii kala fogeeyaan. Waxeey burcada uu Faroole hogaamiya fahmi waayeen in maamul qabyaalad/qabiil lagu dhisay aan lagu heeyn karin meeshaas qabyaalad/qabiilka ah sababtoo ah ma’ahan “sustainable” waqti dheer hadii aan si dhaqsa ah loogu xijin nidaam kale oo ka fiican/kasareeya, sida mid qaran. Taas waayana waxa uu qaswade Faroole hadeer ku wareersanyahay sababtoo ah maamul beeleed waxaa uu leeyahay “expiration date” oo uu dhacaayo/halaabayo mudo ka bacdi. Maamulka qaswade Faroolena waxuu dhacay 1/07/2013. Xisbiyada beenta ah ee isla qabiilkii oo magac xisbi loo sameeystayna ma shaqeeyneeyso. Ee halaga joogo. Faroole waa in uu ka fadhiistaa shaqada qaska iyo xukun boobka inta eey goor goor tahay. Hadii kale, meel xun ayeey ku dhamaan fitnadiisa.
Waxaa tijaabadaas maamul beeledka Garoowe ee lagu qasaaray la rabaa in eey u noqota “case in point” kuwa hada soo baraarugay oo raba in eey maraan jidkaas faashilka ah ee qaswadayaasha maamul beeleedyada dhisayo.
Somali waa hal wadan, oo Ilaaaheey abuurtay oo aan lakala qeeyb qeeybin karin, oo eey dadkiisa oo dhan xaq u leeyihiin xoriyad iyo cadaalad siman.God bless Somalia.
Dheere power.
Puntland iskuma dhex yaacin laakiin waa sida aad jeceshihiin , puntlaand waxaa jooga rag maskax iyo caqli ku shaneynaya , laakiin maangaabkoo idil baa mooda markii nin mucaarad ihi meel ka hadlo in aduunyo rogmatey , cabdiweli tuug ma aha ee wixii xaqa uu u lahaa ayuu qaatey , tan iyo dawladii salaad boy aduunku wuxuu ku daabulayey xamar maal iyo agab puntland dowladaa ay xukumeen ayey ka mid ahay ma aragtey masuul leh intaa puntland ayaa qeyb u leh, mida kale sidaad adigu sheegtey hadii cabdiweli tuug yahay hadii hala yaabin wuxuu ka bartey adeerkaa cali afqurunle oo asagoo dhalku nabad yahay maalin weyn ku rartey hantidii umada dayaarad . dhulkan aad sheegteyna waan kuu sheegoo sool oo keliya ayaa ka jira inta kale dawladan cusubi diidey , puntlandna ugama aad tegin wax isdabamarin iyo sadbursi ee waxaad uga tagtey hadba ninkii maalintaa mijin dheeraad ah kuu qaada in aad daba washleyso, teeda kale quwada aad sheegatey dalkaaga iyo dadkaaga la gumeysto ku xureyso puntland dal iyo dad kama maqnee.
Osmaan,
Dawlada Soomaaliya xeerka u yaal waa 2 gobol Sool aniga leh Khatumo state dadkeedu
Sanaag anigaa leh dadkeeduna waa Khatumo stat.
degmada warsangeli xitaa waxay yimaadeen shirkii Taleex odayashodii waxay taageren Khatumo state.
C,weli wuxuu waxan u haystey nin waxbartay oo ka xoroobey qabyaalad anyway.
midakale Cali khaliif ka xishood wuxuu qabaa islaan cumar max,ud miyadan waa seedigaa !
Hadee tolku inuu marmar isqalaco waa wax dhici kara lagumana kala tago.
@ dhere power adiga soo maahid kii nacaska ahaa ee HORUFADHI.COM wax ku qori jiaray maxaase meeshan ku keenay ma hor fadhi baad mooday iyo tuuladii xumayd ee buhodle war isku xishood majnuun falan baad tahaye….
tan kale adeer maxaa kaa hadlinaya adiga oo arimaha puntland iyo somalia kaa quseeya b/c waxaa wakiil kaa ah SIILAANYO oo cadkaaga kuu haya marka adeer waxaba ha eedayn madaxda somalia ha eedayn sillanyo cadkaa u doono asagaa kaa wakiil a eh kkkkkkk ama adeer miyir soo yeelo oo mawjadda siyaasada wax ka baro marka hore qawdhan yohow qaarta weyn leh.
saaaxiba yaal anagu waxaan taageer sanahay fadaraalka laakiin waxaan ogalayn waa dad yar oo aan meel haysan oo habayn kii in tay seexdeen ku riyooday in ay yihiin waxaana dadkaa ay iska dhigaa yaan dad taageeraya qaranka oo mid nimo somaaliyeed raadinaaya laakiin hadii lakeeno nadaam ka qeexaya fadaraalka waxuu la imaana yaa shuruudo sida imisa gobol ayuu haystaa maamulkaa ?? casimadiisu waatee ?? xuduudiisu waatee ?? iyo imisa dad ayaa kunool ??marka ay shuruuda haas yimaa daan waxaan buuxin karin dad waxaana kamid ah ku waas qiyaali ga ku nool oo qadka ka baxaaya labada maamul ee isku maga caabay QAATUMO STATE iyo XUMIN IYO XEEB laba duba waa qayaali ku nool mid waxuu leeyahay maaul baan ahay hadana caasimadii mahaysto iska daa laba gobole midna xataa dagmo dhamays tiran mahaysto oo waxuu fadhi yaa wado laami ah oo cidlaa marka waxay laba duba iska dhigaan inay yihiin wada niyiin tusaale hadii ay xumin iyo xeeb wadani tahay maxay uyeeli way day nadaamkii ay d\ ku sheega ku doonaysay in ay ku midayso gobolada dhexe oo gal mudug iyo ehlu suna ay u hogaan sameen ?? mida qaatuma maxay uraaci way day somaliland oo la, go i way day leen wax bay ka soo dhis teen go idana way lasa xiix deene hadii ay somaali doonay sana oo ay ku mar mar soonayaan somaali ka go imaayo maxay uga baxeen puntland ileen waa somaaliyee ?? hadii uu yahay maamul iskii isku taagay aaway goboladiisii iyo caasimadiisii ?? marka labaduba waa dhuuq dhuqo dhex yaal waxaan idin tusaayaa run tooda hadii ay d\ ku sheega ay dhahdo ma aqoon sani labadaa maamul waxaad arkay saan kuwaan hada qaran taageer ka iska dhigaaya ayagoo leh waan ka baxnay d\ ku sheega waana ogaan doontaa hadii ay taas samayso d\ ku sheega kkkkkkk kkkkkkk labaduba waa yaa mi jin ii qaadi kara bas iyo fadlan lacag ku shubo kkkkkkkk good lucklyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
Dheere power.
Xaaji dheerow waxaan kuu sheegayaa hadii aad sugeyso in nin somali ah uu nadiif ka noqdo qabiil ama aqoonyahan ha noqdo ama yuusan noqon in taasi ay waqti dheer kaaga lumi doono. cabdi welina midoo sameeyey ma aha mid khalad ah wuxuu qaatey oo keliya wax uu xaq u leeyahay , hadaan tusaale yar kuu soo qaado magaalada xamar ee caasimada somaliya ah maalin dhoweyd waxaa looga dhawaaqey gudiga olompekada somaliyeed oo ka kooban 13 qof , sadax iyo tobankii qofoodba waxay noqdeen hal beel oo hawiya ah , waa tusaalaha ugu yar kani marka maxaad ku eedeyneysaa cabdi weli . mida kale dhulbahantoo idil waxay ku eedeynayeen cabdi weli in uu aqoonsan waayey khaatumo , bilcagsi wareegtadii uu cabdi weli ku aqoonsadey khaatumo waa tan ay soo bandhigeen odayaashii ka hadlayey buuhoodle habeen dhoweyd, waana tan ay ku kala tageen cabdiweli iyo faroole .
mida kale cali khaliif , gabdhaha waa la kala guursadaa soomaali oo idil fagaarayaasha iyo goobaha lagu shirana lagama sheeg sheego cali khaliif gabar ina adeertiisa ayuu qabaa waad ogtahoo asagaa goobwalba iyo fagaara walba ka sheega hadii la kala xishoonayana asagaa ka xishoon waayey seedigiis cabdullahi yusuf oo meel walba ku aflagaadeynayey . marka in ragu wada hadlo oo runta la isu sheego wey wanaagsantahay .
osmaan sxb ninkaan dheere power runta ayaad u sheegaty hadduu rabo ooda ha jiiro oo qaartissa ha ka cararee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.