Ciidamada Dowlada & Amisom Oo Degmada Hodan Ka Sameeyey Hawlgalo Dad Badan Lagu Soo Qabqabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Subaxnimadii hore ee saakay ayaa ciidamada booliska,nabadsugida,Milateriga dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom ayaa ku jarmaaday xaafado badan oo ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir oo ay ka mid ahaayeen Xaafadaha KPP,Warshada caanaha,Black Sea,Al-Baraka,Wasaarada gaashaandhiga,Kuliyada Jaalle Siyaad iyo Cisbitaalka xooga ciidamada ayaa guri guri u galay xaafadahaas iyagoona gacanta kusoo dhigay dad badan oo ay sheegeen iney k a tirsan yihiin alshabaab.

Taliyaha gaaska Labaad ee ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya C/laahi Cismaan Cagey oo kamid ah saraakiisha horkacayey hawlgalka Maanta ayaa saxaafada u sheegay in hawlgalka lagu soo qabqabtay 117 ruux oo looga shakiyey iney xubno ka yihiin ururka alshabaab, taliyaha ayaa sheegay in markii la kala shaandheeyey dadkaas ay xabsiga u taxaabeen 20 ruux oo uu sheegay iney cadeymo u heleen iney ka tirsanaayeen alshabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay iney dib xoriyadooda u siiyeen 97 ruux oo ka mid ahaa dadkii ay maanta kusoo qab qabteen hawlgaladii ay ka sameeyeen xaafadaha degmada hodan taliyaha ayaa ku tilmaamay ujeedka hawlgalka aan loo kala harin ee ay sameynayeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo  kuwa Amisom mid lagu doonayo in lagu adkeeyo amaanka degmada Hodan oo ay xalay ka dheceen weeraro bambaano oo lagu weeraray hooyga xildhibaan Cabdi Wali muudeey oo ka tirsan mudanayaasha Soomaaliya

Intii ay hawlgaladani ay socdeen ayaa waxaa ciidamada lala eegtay laba qarax oo siyaabo kala gedisan loola beegsaday ciidamadii hawlgalka ku jiray taliye Cagey ayaa shaaca ka qaaday in qarax bam gacmeed ah lagu weeraray ciidamada hawlgalka waday qaraxa oo ka dhacay dhabarka danbe ee Warshadii hore ee caanaha isagoona sidoo kale sheegay in qarax miino oo dhulka lagu aasay lala bartilmaameedsaday Ciidankii hawlgalka ku jiray balse waxa uu meesha ka saaray dhibaato soo gaartay ciidamadii la weeraray.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

No Responses for “Ciidamada Dowlada & Amisom Oo Degmada Hodan Ka Sameeyey Hawlgalo Dad Badan Lagu Soo Qabqabtay”

  1. Ware says:

    Good work

Leave a Reply