DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Jabuuti Ee Ku Sugan Beledweyne oo Tababar Siinaya Ciidamada Soomaalida


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

BELEDWEYNE- Illaa 500 askari oo ka tirsan ciidamada Soomaalida ayaa hadda tababar noocyo kala duwan ah uga socda xerada Lama Galaay ee magaalada Beledweyne. Waxaa tababarka bixinaya ciidamada reer Jabuutiee ku sugan Beledweyne. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BWLEDWEYNE- Waa unug ciidamada ka mid ah oo loo tababarayo salaan bixinta.  Badi askartii aan arkay waxay ahaayeen dhalinyaro aad u da’ yar.  /Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BWLEDWEYNE- Halkani waa unug askarta “DHIBIOWGA” ku jirta ka mid ah oo ay ka dhex muuqdaan gabdho.  Waxaa la ii sheegay in qeybtan lagu tababaryo isgaarsiinta ciidamada./ Sawirka Raxanreeb. 19 Feb, 2013.

BELEDWEYNE- Askariyad Soomaali ah oo ka mid ah askarta dhibowga ku jirta oo soo bandhigeysa aalada isgaarsiinta ee RAKAALKA ciidamada oo ay ku baratay tababarka. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Waa koox ka mid ah askarta “dhibowga” ku jirta oo ay ka dhex muuqato askariyad reer Jabuuti ah oo ka mid ah macalimiinta tababarka siineysa askarta Soomaalida. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-Gaadiidka tiknikada ee ay horey u heysan jireen maleeshiyaadka qabiilada reer Hiiraan oo laga wareejiyey isla markaana ay ku hawlgalayaan ciidamada cusub ee la tababarayo. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Col. Tawane Axmed oo ah taliyaha hogaaminaya ciidamada la tababarayo oo sharaxaad ka bixinaya hubka ay heystaan iyo sida ay u diyaarsan yihiin. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Waxyaabaha askarta lagu tababarayo waxaa ka mid ah sidii ay u daweysan lahaayeen dhaawacooda haddii ay dagaal galaan. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Ciidamada tababarka ku jira waxay dhan yihiin illaa 500 hase yeeshee, sida saraakiishu noo sheegeen waa dufcadii 2aad tan iyo intii ay ciidamada Jabuuti yimaadeen Beledweyne. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Col. Tawane Axmed oo ka mid ahaa ciidamadii militariga ee dawladii dhexe ee dalka ayaa hadda dib shaqada ciidanka ugu soo laabtay, waxaana sida uu ii sheegay Col. Tawane laftiisa shaqada milittariga uu ugu soo laabtay si uu wax uga qabto dayaca heysta ciidamada Soomaaliyeed. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Ciidamada tababarka ku jira waxay dhan yihiin illaa 500 hase yeeshee, sida saraakiishu noo sheegeen waa dufcadii 2aad tan iyo intii ay ciidamada Jabuuti yimaadeen Beledweyne. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Ciidamada tababarka ku jira waxay dhan yihiin illaa 500 hase yeeshee, sida saraakiishu noo sheegeen waa dufcadii 2aad tan iyo intii ay ciidamada Jabuuti yimaadeen Beledweyne. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Waxyaabaha askarta lagu tababarayo waxaa ka mid ah sidii ay u daweysan lahaayeen dhaawacooda haddii ay dagaal galaan. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Taliyaha ciidamada Jabuuti, Col Cismaan Dubbad (dhexe) iyo saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan oo booqanaya xerada Lama Galaay oo ciidamo 500 askari ah tababar uga socdo. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE- Macalin ka mid ah tababarayaasha reer Jabuuti oo la hadlaya askarta Soomaalida ee dhibowga ugu jirta xerada Lama Galaay ee magaalada Beledweyne. /Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Ciidamada Soomaalida ayaa sidoo kale lagu tababaraa gaadiidka iyo hubka lidka diyaaradaha oo ka mid ah hubka ay hadda heystaan. /Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Askarta Soomaalida ee tababarka ku qaadaneysa xerada Lama Galaay waxaa ku jira gabdho ku biiray ciidamada./ Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

BELEDWEYNE-  Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji (bidix) iyo taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubbad (dhexe) iyo saraakiil kale oo booqanaya xerada Lama Galaay ee ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Soomaalida. / Sawirka Raxanreeb. 19 Feb. 2013.

_____________________________________

Sawirqaade: Cabdalle Muumin
Email; Cabdallemuumin2@gmail.com

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

8 Responses for “DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Jabuuti Ee Ku Sugan Beledweyne oo Tababar Siinaya Ciidamada Soomaalida”

  1. Ahmednuur says:

    Walaalkaa aan waxba kaa hagranayn wa kaas, meesha shaqo culus baa ka socota.

  2. ahmed says:

    maasha allaah shacabka reer baledweyne wanaaga ayay uhogaasameen dowladnimadana diyaar bay uyihiin alow horay kuwii usocodaa allow kadhig somalina ay kaga dayato wanaaga ay uhorseedeen alow nawada dhawr somaliyo idil baledweyne waa magaalada kaliya oo horay usocota alow ciidamada walaaleheena jabuuti alow nabadkayeel gurmadka ay usoosameeyeen walaalahooda soomaaliyeed guul ciidamada gobolka hiiraan guul ciidamada jabuuti

  3. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Maasha’allah ayaan leeyahay shaqada kasocota Baladweeyne ee lagu tabararaya ciidanka Jamhuuriyada Somaliyeed. Waxaan rajeeynayaa in Ilaaheey shaqadooda u fududeeyo ciidanka xooga dalka Somaliyeed. Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka wadanka walaalaha Jabuuti, oo runtii nidaamin iyo hagaajin fiican wada. Waxaanba qabaa in ciidamada dibada loo qaado si loo soo tababaro eey Wasaarada Gaashaandhiga sida eey hada ka hor ka dhawaajiysay ka dhabeeysaa in ciidanka Somaliyeed lagu tababaraa dalka gudahiisa sida Baladweeyne iyo meel kasta oo ku haboon. Runtii sidaas ayaa qarash yar, niyada ciidankana dhisaysa. Waxaa shardi ah, in tababarka lasiinayao kaliya uusan ahaan sida xabad loo rido, amaba “combat training” kaliya, balse eey qeeyb tababarka ka ahaato barida ciidanka waxa wadaninimada la yiraahdo, iyo wadan jaceeylka. Sidoo kale, ilaalinta xaquuqda dadka Somaliyeed, iyo waliba waxa kaliya oo eey u adeegaan in uu ahaado calanka Somaliyeed, iyo qaranka Somaliyeed, oo eeysan u adeegin ciidanka dan shaqsi, amaba mid qabiil. Waa in si fiican taas dhagahooda loogu shuba ciidanka qeeybihiisa kala duwan. Guuleeysta. God bless Somalia.

  4. Hiiraan_Man says:

    Masha Allah .Baladweyne shaqo culus aa ka socoto laakin waxaan iswediiyay maxaa loo tagi waayay
    meelaha kale oo eey gobolka Hiiran kaga harsanyihiin nimanki umada halaagay, sido kale maxaa loo tagi waayay meelaha eey wali kaga suganyihiin nimankaan afka duubtay sidi tuugadi waagi maxakimta si sahlan ayaa magaalooyinka lagu qabtay intooda badan ee sideey wax yihiin? Somaalia oo dhan guul iyo barwaaqo iyo dowladnimo aan u rajeyna.

  5. Kismayo33 says:

    Qaran adhaxda u jabay iga dheh. Maantana Jabuuti ha ku tababarto!!!!!!…….Caku mooryaanta USC waxay na baday.

  6. wiil g/dogob says:

    walaalahayo reer hiiraan waxaan idiin rajaynayaa guul iyo horumar waa in beled weyne makaanadeedii lagu soo ceshaa insha alaah

  7. caaqil says:

    kismaayo 33 sxb waka djacsan tahay jabuuti waa walaalaheen ee shisheye mahan oo mahadnaq ayaaa lagaa sugaayay dhibkaana waanagu dhacay calaacalka nagadaa ragbaa alaah naga dhigay sidii aan ooga bixilahayn aan falankeeda qabano waanan kabaxaynaa maxaa yeelay ilahay ayaaba quraanka noogu shegay in dhibwalba fudayd iyo yursi kadanbeeyo nebiguna scw wuxuu yiri xadiith macnihiisu ahaa laba culays ama laba dhib isma raacdo ee culays walba fudayd ayaa kadanbeeya ee niyadu kor ha ahaato

  8. abdulkadir says:

    ASC.
    Caaqil, mahadsanid is xusuuxinta Diinta. ASSALKEEDA BANNANNA MARKAY IL XUNTEY ILAAH CAYMIYA LEEDAHAY. Maxamed C. Gaarriye AUNte

Leave a Reply