Dawladda Puntland Oo Soo Dhaweyn U Sameysay Xildhibaan Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe oo Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya [Dhageyso ]
Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu soo dhaweeyey Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo Jeeda Puntland.
Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe ayaa waxaa soo dhaweeyey Madax ka tirsan Puntland uguna horeeyo Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan,Odayaal dhaqameed,Haween,Maamulka gobolkayo kan degmada Boosaaso,
Xarunta Wasaarada amniga Puntland ee magaalada Boosaaso oo kulan lagu soo dhaweynaayey uu Wasiirku ugu qabtay ayaa Xubnihii kasoo qeybgalay waxay Xildhibaanada usoo gudbiyeen sida Puntland uga qatan tahay deeqaha laga helo dalalka Caalamka taasoo aan marnaba soo dhaafin Muqdisho.
Waxay sidoo kale ka Codsadeen Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe in Baarlamaanka Federaalka u gudbiso baahiyaha ay qabaan si ay wax uga qabtaan maadaama Federaalka kamid yihiin.
Wasiirka amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ku amaanay Xildhibaanada kusoo laabashadeeda Puntland ayna tahay wax lagu farxo in gobolkii laga soo doortay kusoo noqoto si ay u Ogaato Xaaladda Shacabkeeda.
Halkan ka Dhageyso Codka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan Guji Halkan
…”"”Farxad gaar ah bey i tahay inaan Acyaan iyo Madax dawladda ah aan kusoo dhaweyno Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo ah Xildhibaan reer Puntland kana mid Xildhibaanada aan u dooranay iney nooga mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka ah,..”"”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.
Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heegtay in si weyn ugu faraxsantahay Imaantinkeeda Puntland gaar ahaana gobolka Bari,waxayna u mahadcelisaya Xubnaha sida weyn usoo dhaweeyey.
Halkan ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sacdiyo Carays Ciise Kaarshe Guji Halkan
Imaanshaheeda Puntland ayey ku sheegtay sidii ay ugu kuurgeli lahayd Xaaladaha dhanka arrimaha Bulshada ee dadka ku dhaqan deegaanada Puntland ee ay kasoo jeedo si Baarlamaanka ugu celiso Warbixin faahfaahsan oo arrimahaas ku saabsan.
Xildhibaan Sacdiyo ayaa waxaa dhalay EEBE ha u naxariistee Abwaan Carays Ciise Kaarshe oo kamid ahaa Abwaanada ugu waaweyn dhanka Murtida dalka Soomaaliya,waxayna lagu amaanay Xildhibaanada dadaalkeeda dhanka horumarka ah ee ay wado.
Si kasta arrinta ayaa daba socota dhawaan markii Xildhibaanada Baarlamaanka ka tirsan ay galeen fasax dheer,kaas oo looga goleeyahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen Xaalada deegaanada laga soo doortay.
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

















Waa arin aad u wamaagsan we ku deyasha leh .waxaana xildhibaanada kale laga rabaa in ay sameeyaan sidaas oo kale ,misee dibeday fasax u soo aadayaan .
Xildhibaanka aan dadkii doortay we aan dib ugu soo noqonin ,waa in kalsoonida lagala noqdaa .Waxaana cadaanaysaa in uu yahay calooshii u shaqayste oo aan qofna matelin.
“A Representative must visit his/ her constituent at the end of every parliament session”
WAA QOF GOBANIMO KU ABTIRSATAY.
SIDA NASABNIMADA AH EE AY U HADASHAY.
SIADA WADANINIMADA AH EE HADALKEDU UU KU QOTOMO.
WAA QOF KA SOO JEDO BEEL SHARAF IYO SOMALI NIMO LEH.
INA CAREES CIISE KAARSHE ALLAHA KU DHOURO
WALEE GABADHA , AHLU MUSHARAF BAA DHALEY, ILLAH ABE HEED HA UNAXARIISTO.
that is good but please all Somali beel are same no one better then the other and I feel more women are participating political.
ASC, dhamaantiin,
Gabadhaan xildhibaanada Dowlada dhexe ah runtiin hadal aad u qiima badan ayeey dhahday, waana qof xilkas ah, oo is xisaabineeysa waxa eey ku hadashay, iyo waliba sida taxadarka ah ee eey u hadashay. Mida kalese, ninka wasiirka maamul beeleedka Garoowe ah waxuu u hadlay sidii qof tuugsanayo, oo raba wax uusan xaq u laheeyn in uu ka dalbado Dowlada Jamhuuriyada Somaliyeed. Bal caqli xumadiisa fiirsha, kulahaa yaanan waxba laga badalin dastuurka. lol, Jaale, waxaan rabaa in aan kuu sheego dastuurka Somaliya waa qabyo amaba “provisional” u baahan in la saxo, la hagaajiyo si joogto ah, in other words, “constiution is such la iving and breathing documents that is to be changed and perfected whenever the needs and cirmustances permit”. Yaan la badalin, af maahan. Ma adiga iyo boss kaaga burcada ah ee qaswade Faroole ayaa dadka Somaliyeed u yeerinaya waxa eey rabaan. Waa la badali karaa dastuurka, waxaana badali kara, amaba u dhaafi kara sida uu yahay golasha sharci dajinta oo eey marwadaan xildhibaanada ah ka mid tahay. Runtii waan ku amaanayaa marwada sida u caqli celinta wanaagsan ee eey ula hadashay jaahiliintan meesha u fadhiya in eey soo celinta qaranka Somaliyeed, iyo isku soo uruurinta iyo mideeynta umada Somaliyeed isbaaro u dhigtaan. Waxeey u baahan yihiin in xlidhibaanada kale ee Dowlada ugu jira sida gabadhaas sameeysay eey shakiga iyo tuhunka beenta ah ee kuwa mas’uuliyiinta isku sheegaya ee Garoowe fadhiya uga saari lahaayeen, ayagoo fahamsiinaya aqoon darida heeysta.
Mida kale, odaygaan meesha ka hadlay waxuu ku leeyahay maamul beeleedya badan oo sidoodoo kale hala dhiso. Waxaan rabaa in aan adeer kuu sheego, Somalia uma baahna maamul beeleedyo kale, kuwii hore oo Garoowe iyo Hargeeysa fadhiya ayaa la rabaa in dadka Somaliyeed lagu soo daro, oo umada Somaliyeed israacdo. Somalia is one nation under God, indivisible with liberty and justice for all Somali people”. Uma baahnin darbiyo iyo maamul beeleedyo dano shaqsi lagu fushado, ee adeerow sidaas u fahan, raalina ahow.
Mooryaanta sababta eey ugu soo horjeedaan federalism waxeey tahay ineey iyaga wax qabsan karin, wax qeeybsan karin, dhul ma laha, imaan ma laha. Intii eey Xamar ku boobeen kuma filna, Dhurwaa ma dhergo. Somalinimo kuma jirto, waa bentood. Mar labaad yaan leeydin khaldin. War hooy!! Mooryaan bini’aadaam ma ahe waa juuj iyo majuud.
mashaa.alaah waa wax wanaagsan in xildhibanad sacdiyo ay timaato puntland
balse waxaa su.aal iga ah reer carays ciise kaarshe ma reer jubaland ayeey ahaayeen mise reer puntland ?
qofkii aqoon u leh ha iga jaahil baxsho
waa gabar wadaniyad ah markii baarlamaanka la fasaxay kumay noqon Canadee waxay aaday dhulkii laga soo doortay walee inay rag badan dhaantaa oo Kenya qaad u doontay guulayso gacaliso