DEG DEG: Banaanbax looga soo horjeedo Dilkii Sheekh C/qaadir oo Barito ka dhici doona Magaalada Garoowe.
Garoowe (RBC RADIO) Sida uu RaxanReeb u xaqiijiyay Duqa Degmada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi Koor waxaa berito Magaalada Garoowe ka dhicidoona banaanbax balaaran oo ay kasoo qayb gali doonaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada Culumada iyo Masuuliyiin ka socota Dowlada kaasi oo lagaga soo horjeedo Dilkii sheekh C/qaadir Nuur Faarax laguna Canbaareynayo Dilalka loo gaysto dadka Haldoorka ah ee Bulshada ku dhex jira sida uu Gudoomiyuhu sheegay.
Cabdicasiis ayaa sheegay in dadku ay isugu soo bixi doonaan Barxada weyn ee Magaalada Garoowe banaan baxaasina uu yahay mid shaacsan oo ay ka warheyso Dowladu ayna codsadeen Shacabka Dowladuna ay soo dhaweyneeso kana qayb qaadaneyso Banaanbaxaasi, wuxuu sheegay Gudoomiyuhu in Si nabadgelyo ah uu banaan baxaasi u dhici doono lana fasaxay Ardayda Dugsiga Sare iyo kan dhexe dhigata si ay Isusoo baxa uga qayb qaataan.
Magaalada Garoowe ayaa Caawa laga dareemayaa Ciidan Xoogan oo sugaya Amniga kuwaasi oo ku daadsan Wadooyinka waa wayn ee Magaalada iyo Halka uu banaanbuxu ka dhacayo ee Barxada waxaana la diyaariyay halka qudbadaha laga soo jeedinayo iyo Goobaha loo asteeyey in dadyowga banaanbaxayo ay istaagi lahaayeen waxaana la filayaa sida uu Gudoomiyuhu sheegay in Kumanaan Dad ah ay kasoo qayb gali doonaan banaanbaxaasi sida lagu ballansanyahay.
Dilka sheekha oo ay kasoo wareegatay 8maalin ayeey Raxan-reeb weydiisay Gudoomiyaha inuu yahay Banaanbaxan Mid dib u dhacay oo la rabay in Xilli hore la qabto ayuu Gudoomiyuhu ku jawaabay in intaa lagu jiray abaabul ay wadeen dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Magaalada berina ay soo Bandhigi doonaan Sida ay uga Xunyihiin DIlkii sheekha iyo Dilalka Qorsheysan ee loo geysto Dadka Indheer garadka ah ee ku dhaqan Deegaanada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kaleba,arintana waxay imaaneysaa iyadoo Culumada Al Ictizaam Baaq ay Garoowe kasoo saareen uu Codsigoodu ka mid ahaa in Deegaanada Puntland lagu qabto Mudaharaado looga soo horjeedo Dilkii alle ha u raxmadee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Mudaharaadkanah wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ka dhaca Magaalada kaasi oo lagu canbaareynayo Kooxda Alshabaab.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.














kkkkkkkkkkkkkkkk war kuwa dilka geystey waxaa laga soo ababuley waa Muqdishow iyo xasan calasow oo hadda bilaabey sida puntland loo hagardaamin laaha dilalkii Muqdishow waxaa loo soo weeciyey waa Puntland haddba waa in laga foojignaada oo la bilaaba iney lisku soofeeyo abgaal iyo habar gidir haddba somaliya dowlad kama jirto waa mooryaan shaarka badashey USC
guul guul guul waxaan leeyahay waan soo dhaway nayaa mudaharaadkaa waxaana filayaa in loo baah naa mar hore hadaa nahay shacabka somaliyeed ee wada nigaa waxaana leeyahay waad ku mahad santi hiin dhamaan shacabka puntland iyo somali wayn banaan baxiinaa ka dhici doona barito magaala madaxda puntland ee garoowe waxaan leeyahay waan soo dhaway naynaa waxuuna ka tur jumaayaa arag tida shacab keena somaaliyeed ee ka nuun saday dilka loo gay sanaayo wax garad keena waxaana ka cod sanaayaa in ay ka dhacaan dhamaan dalka somaaliya oo dhan laakiin waxaan is way diinaynaa waa in ayadana laga abaabulaa caasimada muqdisho madaama ay tahay caasimadii wadanka dowladiina ay fidhidaa waana wax looga baahan yahay in ay ka dhacaan dhamaan ba magaalooyinka somaaliya sida muqdisho hargaysa garoowe kismaayo laascaano iyo ceeri gaabo baydhabo iyo dhamaanba gobolada dalka oo dhan mar labaad waan soo dhaway naynaa guul guul guul allow somaali hagaaji allo w dalka noo hagaaji
reer garowe hambalyo ayaan idin leenahay gaar ahaan dhalinta garoe waa halgamayaasha somaliyeed oo ka dhiidhiye nimanka khawaarijta ahi inay dulaystaan cabsi galiyaana dada khawaarij adeer date.kiinii dhacyey laydin ogana waxa aad tin hambalyo shacabka somaliyed hambalyo shacabka puntland hambalyo shacabka garowe guuuuuul dawlada puntland
xasan culusoo hadaan reer puntland iyo jubaland aQoonsiga waankala noQonyaa beesha caalaku waa ujeedan inanka muQdisho lagu ilaaliyo inuusan muQdisho matalo uusan matalin