DEG DEG: Kooxo Hubaysan Oo Tacshiirad Huwiyey Dad Rayid ah Oo ku Sugnaa Koonfurta Gaalkacyo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa ku waramaya in saaka aroornimadii hore ay rag hubaysani tacshiirad huwiyee dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayada ku taaala koonfurta magaalada Gaalkacyo tacshiiradaas ayaa waxaa qasaare ka soo gaaray dadkii ka shaahayey maqaayada la rasaaseeeyey.

Wararka ayaa tilmamaya in rag hubaysan oo sarnaa gaari nuuca raaxada ah ay rasaas ooda kaga qaadeen dadkaas rayidka ah waxaana halkaas la sheegayaa inuu ka dhashay dhaaawaca 7 ruux oo kamid ah dadkii rasaasta lagu furay kuna sugnaa maqaayada la weeraray dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid aha haween.

Raggan hubaysan ayaa la sheegay iney si indha la’an ah rasaasta ugu fureen dadkan rayidka ah dhaawacyada ayaa la sheegay in la gaarsiiyey cisbitaalka magaalada Gaalkacyo ilaa hada lama oga sabbabta ka danbeysay in dadkan la rasaaseeyo balse waxaa malmihii danbe ka tagnaa magaalada Gaalkacyo rabshado la xiriira aanooyin qabiil,wixii kusoo kordha tacshiirada ka dhacday magaalada Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Raxanreeb.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

21 Responses for “DEG DEG: Kooxo Hubaysan Oo Tacshiirad Huwiyey Dad Rayid ah Oo ku Sugnaa Koonfurta Gaalkacyo”

  1. Wiil garoowe says:

    Adeer hala laayo mooryaaanta

  2. tan oo kale lagama aamusi karo waa in jawaab ku haboon la qaadaa dowlada galmudug waxaan ugu baqayaa in ay shacabkeyda difaacdo reer barda cad darisnimo iyo xaqdhoor ma rabaan meyshey geyso ayaan arkeynaa in shacab la la xasuuqo ,

  3. wiil Gado says:

    war cusub reer faroole hadana sheekadiiii ma halkaas beey ka bilaabeen war umada somaliyeed yaa ka qabto reer faroole koleey galmudug waa yaqanaan sidee u aarsan lahaayeen kkkkkkkkkk

  4. waxgarad says:

    waa inay is difacaan rer galmudug arinta saaka suubiyeen waaa arin laxariirta dagaalada baadiyaha qurbajoogtooda iyo kuwa gudaha waa arin kutashadeen inay ban baano iyo maqayadaha waa arin ar kutashadeen

  5. SQUARE says:

    Jirrida ka soo duushay xaafada SUUSACLAY, ee rasaasta ku furay Dumarka caruuraha u adeeganaya iyo Waayeelka shaaha ka cabaya Maqaayadaha, waa shaqada lagu yaqaan mujrimiinta aan ka hortagi karin raga oo ku warwareega wax yeelada birimagaydada .Dawlad Goboleedka Galmudug waa waajib saaran oo laga sugayo in ay sugaan amaanka shacabka.

  6. BARRE BOY says:

    Maxaysatada FAROOLE waxay ka xunyihii wanaagii iyo Somalinimadii ay sameeyeen shacabka iyo Maamulka dowladda galmudug ee ku wajahnaa soo dayntii dadkii maleeshiyaadku afduubteen. Wanaaga iyo is fahamka ka dhex jira beelaha garsoor/galbeedka mudug iyo dawlad goboleedka galmudug waa mid ka nixinaya cadawga, dadka qayrka u saaxiibka ahna farxadgalinaya.
    alaha caafiyo dadka dhibku ka soo gaaray falkaas waxashnimo.

  7. Aj Khatumo says:

    Mamulka galmudug pintland ha isga celiyaan

  8. Talaraac says:

    To: Tifaftiraha Raxanreeb,

    Mahadsanidin shaqada aad umadda u haysaan, adinkoo uga soo baxay si xilkasnimo iyo dhex-dhexaadnimo leh kuna shaqaynaya, oo waliba meelo badan wax ka fiirinaya ayadoo lagu jiro waqti adag. Go’aanada aad qaadataan waa kuwa lagu qancikaro oo aan u arko in aad wax kuhagaajinaysaan, alaha idin ku garab galo dadaalkiina Somalinimo oo khayrka xanbaarsan.

  9. Puntland Power says:

    Qabiilooyinkii Daarood ee nolosha ka dhacay ee looma ooyaanka noqday oo dhan waxay ku daba fayleen Hawiye bal u fiirso wiil gedo,Aj Kastumo,waxaase la yidhi tiisaba daryeelaa tukale ku dara.

    Ordaya wax ku biiriya hadaad wax ku taraysaan reer Baraxley waxay ku shaqaynsan jireen uun baa lagu sameeyey ee cidina wax uma dhimin,idinka halkee idiin damqanaysa waa yaabe?,waxad oran doontaan waa muslim ama waa Somali ok,maxaad uga hadli weydeen markay sadexda qof xaafada Garsoor ku dhex toogteen iska daaba tii miyigee?,koley tolnimo idin kama rabnee iska daawada waxa dhacaya afkiinana naga ceshada anaga iyo reer daba madoobe waa is naqaanaaye.

    Markana Cabdilahi Yusuf alla ya arxama waxaa la rabaa cidii dambe ee Gaalkacayo idinku soo celinaysa kolkaan Hobyo idin dhaafsho.

  10. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Waa arrin aad u fool xun in dad masaakiin ah, oo dagaal aan ku jirin xabado la’iskaga furo. Waa mu’aamarad iyo in eeysan dadka heshiin. Falkaan hadii uu u ahaa jawaab waxyaabo horay u dhacay, iyo hadii uu yahay mid cusub, labadaba waa arrin aad u fool xun.

    Ilaa inta dalka Somaliya, la leeyahay maamul goboleedyo ayaan gooni gooni u sameeynaynaa, lana raba in lakala xir xiro darbina loo dhaxeeysiiyo dad isla dhashay, kala ganacsda, is guursada, ma joogsan doonta in qofka Somaliga sida xoolaha oo kale loo dilo, amaba Somaliga u noolaado sida xoolaha. Dadka bilaabay sheekadaan maamul beeleedyada oo laga bilaabay Hargeeysa, aniga oo og in daruufo iyo dan eey is tuseen ku qasabtay in maamul beeleed sameeystaan, hadana waxaan leeyahay waad qaldaneeydeen. Wax kale oo ka duwan ayaa ka fiicnaan lahaa in aad ku fikirtaan, oo aad aliftaan. Sababtoo ah, ifafaalaha maamul beeledka waa dagaal joogta ah, tafaraaruq umada dhexdeeda ah. Sida hadaba muuqato, kana sii dari doonta.

    Marka waxaan leeyahay Siilaanyo iyo Faroole iyo taageerayaashooda/qabiiladooda, joojiya dhagarta iyo qiyaanada aad ku heeysaan Koonfurta Somaliya iyo waliba dadka dagan Sool iyo Sanaag. Fitnada ka daaya umada. Waxa kaliya oo mushkiladaan iyo dagaalada aan dhamaan looga bixi karaa waa ayada oo Dowlada Somaliyeed la garab istaagaa. Dowladana waajibkeeda kasoo baxdaa. God bless Somalia.

  11. Fadli Cade says:

    waa arrin xun aano qabiil dad aan dambi gelin ayaana lagu dilayaa, hase yeshee qolyihiina is haystaa waxaa idinka maqan cadaaladii ; shaley dhanka kale ee faroole ka taliyo ayaa dad lagu laayey cidina kama hadlin maantana daantii kale ,war kuwiinaan cadaawada soo qorayaa war illaahay ka baqa dagaal sokeeye hurintii cidina ku faa’idmayso inta aad is duudsiyasaana sidaas ayaa dad aan wax galabsan gardaro loogu laynayaa. waxaan ku khatimayaa war caqliga saliimka ahi ha shaqeeyo oo sharci iyo kala dambeen ha loo soo noqdo.”dawladnimo iyo midnimo ayaa horumar lagu gaadhaa”

  12. Mohammed Ali says:

    ASC dhamaan inta cuqdadu kamarantahay.

    Ma wanaagsana in wararka noocaan oo kale la buunbuuniyo, waayo gobolkasta danbiyo ayaa ka dhaca. Waxaa arintaan soo noqonaysa marwalba u sabab ah labada maamul oo aan wax wada shaqayn ah lahayn waana khasab inay dhacaan arimahaan oo kale. Waxaan oran lahaa waa in labada maamul ay bilaabaan wada shayntoodii hore.

    WBT

  13. CIID BEST says:

    waan cabaaray naynaa falkaa aan fiicnayn oo ay ku ka ceen dad wax magara tadaa ha ahaado kii hore ee waqooyiga iyo kan maanta iyo kii baadi yaha waxaana leenahay waxaas dadka wadoow faa iido ku gaari maysaan ahaada al shabaab oo dadka walaalaha ah isku diraysa say u hesho isku dhac maamul amaba adka siyaa siyiintaa oo dano gaara wata say u gaaraan dana hooda qaaskaa oo ka faa ii daysanaaya isku dhaca dadka ka dibna la dhaho waa nadufaacee aan doorano marka waxaan leeyahay arintaa bulshada galkacyo iyo maamulada waxay ka yihiin bari laajkiin waxaa ka dan beeya dad qaasa oo ay kamid yihiin al shabaab amaba siyaasi runtii waa nasiib daro in galkacyo oo hal magaalo ah in lagu kaco wax yaabahaas foosha xun sida dil iyo af duub waxaana ka cod sanayaa walaaahay reer galkacyo meel kasta hadaganaayeene in ay gacmaha is qab sadaan oo wadajir u shaqeeyaan kana horta gaan cadow gooda al shabaab iyo siyaasi yiinta danta qaaska leh iskana qabtaan daali miinta ku dhex shidaaya dabka waxaana leeyahay labada maamul waa in maamul kasta soo qab taa gacan ku dhiig laha ka tirsan dad kiisa oo meel fag haaraa si wada jir ah lagu fuliyaa waxa diin teena macaan nafarayso oo toogasho ah waana in ay qaataan go ,aan ah cidii wax dishaa oo dan be in latoogan doono oo maamul kastaa si dag dag ah u keeno tiirka taas ayay tahay wadada aan ku bada baadi kar no aduun iyo aaqiraba waxaan leeyahay waan ka xunahay kuwii hore iyo ku waan maanta la fuliyay ee foosha xun waana cadowga somaaliyeed waxii waxaan sameeyay ee si wada jir ah aan i saga qabano somaali somaali baaleh waana ul iyo diir keed allow somaali hagaaji allow dalka noo hagaaji

  14. Cadaado says:

    @Ciid Best, waad mahadsantahay talada iyo hadalka xigmada leh ee aad noo sheegtay.
    Walaalow, sow kama fiicneen in magaalada Kaalgacyo Labada, amaba Sadexda maamul ee ka jira, eey hal dhinac isku raacaan, oo magaaladan hal maamul, yacni, hal gudoomiya iyo maamul oo lagu mideeysan yahay yeelata? Sow taas bilow fiican uma noqoneeyso isku keenida, mideeynta dadka deegaankaas ku nool, kadibna sidaas loogu sii gudbaa in la gaarsiiyo nidaam, hal maamul ah. Waxa dhibka keenaya aniga waxeey ilatahay tafaraaruqa, taasoo sida aad sheegtay eey ka faa’iideeysaan argagixisada alshabaab iyo kuwa fitnada dadka ka macaasha. God bless Somalia.

  15. CIID BEST says:

    waxaan u tac siyay nayaa dhamaan intii ku dhaawacan tay iyo intii ku dhimatay falkaa foosha xun waxaana ilaa uga bar yay naa in intii ku dhimatay samir naga siiyo dhamaan teen iyo qaraaba doodii oo gacan ka xaq daran ay dishay uu ilaah geeyo jana far dowsa una danbi dhaafo inta dhaawa cana ilaah caafiyo oo danbi dhaaf uu uga dhigo mar labaad ilaa h hanoo ha gaajiyo a muura heena iyo soomaali nimadeena aamiin aamiin aamiin

  16. Fadli Cade says:

    @Cadaado
    waad ku mahadsan tahay firadaada ah in gaalkacayo maamul mid ah yeelato intii labo ama kabada ay yeelan lahayd waanad ogtahay Gaalkacayo magaalo qudha ayey ahayd dadkuna xuduud ma kala lahayn waana lagu wada noolaa .Waxaan filayaa dhibta haatan taagan waxaa sabab u ah ragga dadka hogaamonaya oo malaha isleh haddii umaddu heshiiso jago iyo darajo toona hilimaysid.
    Sidaa datreed waxaa loo baahan yahay rag geesiyaal ah oo gidaarka khiyaaliga ah ee dadka la dhex dhiga dumiya oo dadka isu keena. waxaan shaki ku jirin in aan qolona keligeed wax noqon kari ee midnimada wax ay ku noqon karaan.

  17. puntlander says:

    Somaliyey toosoo isku tiirsada dagaal wax fa’iido ah maleh wiil iyo
    gabar uun baa ku dhiman barigii hore waxaa la oran jiray wiil baa ku
    dhintee wiil kuma dhasho. lakiin somalida hada jirta waxba ma daayaa
    oo waxay arkaan way dilaan. qof walbana ilaahay baa la xisaabtami doona
    oo ka jaasayn doona dhiiga uu galo marka dadka halkan ka leh hala aarsado
    ilaahay ka cabso bari hadalkaas ilahay baad la hortagin. dadkan Jaahilnimadu
    isku dhamaysay yaan la isku dirin.ilaahay hakala qabto aamiin.

  18. DIGNIIN says:

    INKASTOO AY KHALAD TAHAY IN DAD SHACAB AH LA LAAYO, HADANA LABAATANKII SANO EE LA SOO DHAAFAY DADKA KOONFURTA GAALKACYO LA DAJIYAY WAXAY CAADAYSTEEN DHIIGA DADKA DEGA WAQOOYIGA GAALKACYO,,,,HALA ADKAYSTO TANI WAA MASIIBO AAD BILOWDEEN…

  19. Cadaado says:

    @Fadli Cade, exactly, waa sida aad sheegtay, hadii magaalada Kaalgacyo la mideeyo, oo hal maamul yeelato, dabcan shaqaalaha looga baahan yahay waa eey soo yaraanayaan, marka dad baa taas ka baqaya, oo ku magacaaban uun kaliya mas’uul fulaan hebel ayaa dhaceeysa in eey shaqo la’aan ku dhacdo. Waana runtaa, waxaa loo baahanyahay dad geesiyaal ah, oo ka doorta maslaxada caamka ah ee dadka magaaladaas dagan, intii eey fiirsan lahaayeen tooda shaqsiga. Waxaana nasiib daro ah, in dadka caadiga ee masaakiinta ah eeysan sidaa u ogeeyn oo niman aan wax shaqo iyo howl u heeyn magaalada iyo shacabkaba magacyo iyo title iska wata eey dadka isku gooynayaan. God bless Somalia.

  20. CIID BEST says:

    cadaado @ walaal waad ku mahadsan tahay fikir kaaga wanaag san oo ah in lami deeyo galkacyo walaal taas waa bay ku fiicnayd oo ahayd waagii c\ laahi yuusuf allaha u naxariistee uu ahaa madax waynaha maamulka puntland ee waq tigaa jiray taas oo gaalkacyo dhanka koon furta ay ka talin jireen odayaal dhaqameed oo qiimo badnaa ku waas oo lagala xaa joon jiray waxii xaafadaa ah ciidan kana lasiin jiray mushaar cashuurta dhanka kon taroolka galkacyo ee xaga koon furta kuyaal ragaas hadii aan wax ka maga caabo wax ka mid ahaa cali diiriye aloore marka ayadoo larabo in lamideeyo gal kacyo oo xaafada baraxlay lagu soo daro puntland waxaa hor istaagay dad ay kamid yihiin cismaan caato iyo c\ qaydiid oo u badalay arinta mid gumaysi abaabulana maamulka gal mudug oo sheega naaya xarar dheere iyo hobyo iyo dhul kamid ah cadaado marka maamulkaa waxaa aqoon saday dowladii shariif marka taas oo lasameeyay see loo midayn karaa hada oo la ictiraafay maamulkaa mida midaynta galkacyo punland mayeelayso in ay raacdo galmudug hadii ladhaho hala raaciyana sanaag ilaa hobyo maqaadan karto galmudug oo dhulkaa baaxada leh hal maamul ma maamuli karo hadii puntland ladhaho maamul oo adi madax noqo, gal mudug ma yeelayso in ay ka tanaasusho maamul keeda puntalnd ilaa hobyo ilaa sanaag xaq uma yeelan karto marka midaynta way ad kaanay saa laakiin ani ciid ahaan waxaan hayaa hal xal waan ku fakari karaa oo goboladaa lagu midayn karo waa sidaan fikir kayga tusaale hadii puntland hadii lasiiyo ilaa sanaag ilaa galkacyo dhamaanteed oo maamul u noqoto waa suurta gal mideen teeda hadii gal mudug lasiiyo ilaa ban diirad lay ilaa gado waa suurta gal in ay midoobaan hadii hiiraan ilaa afgooye maamul lasiiyo waa suurta gal in la mideeyo laakiin waxaas oo dhan waxaa ku dhex jira oo diidaya maamulo yar yar sida ehlu sunna xumin iyo xeeb qaatumo state iyo maaulka hiiraan marka see ay ku tanaasulaayaan maamula daa oo hadana ay aqoon satay dowladii shiiq shariif marka dhibka hada taagan waa see u tanaasulaa yaan maamula daa hadii ay tanaasu laana i ctiraaf kii dowlada ay siisay xee laga maraayaa hadana mayi hiin dad is xukumi kara oo waad u jeedaa in aan is lay nay nay 22 sano mana is aamini karaan tusaale hadii reer gal mudug ladha ho waxaa idin xuku maaya reer cadado ma yeela yaan hadii reer puntland la dhaho waxaa idin xukumin reer gal mudug ma yeela yaan hadii reer qaatumo la dhaho waxaa idin xukumin puntland amaba somali land ma yeela yaan marka way adag tahay si loo mideeyo waxaana midayn kara dowlad awood ciidan iyo siyaasad leh hadana lasocdaan bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayaasha naba doonada iyo haweenka dhalin yarada siyaasi yiinta iyo culumada dhamaan tood oo isku duuban hadii ay ka shaqeeyaan oo cidii amarka diidana ay ku qaadaan si wada jir ah waa la midayn karaa laakiin inta saan wax loo wado waxba lama midayn karo taasna waa fikir kayga waana mahad santihiin dhamaantiin allow somaali hagaaji allow dalka noo hagaaji

  21. CIID BEST says:

    caado@ walaal waxaan ku way diinayaa ma waxaa noo fiican in aan ku jir naa dar biya deenaa yar yar oo qolo kasta ku ilaal sataa maxas teeda inta aan helayno dowlad intaa aan soo sheegay wadata mise in aan bilow no in aan bur burino dar biyadaa oo aan ka dhigno nin walba buul kiisa dab ha ku dhajiyo wadan kuna hawada if tiimo dhul kuna hawada buux samo oo sheeka deenu waa wax baso wax beel baa laga helaa hadaba midkee dooranaa inta aan ka helayno awoodeena ma duminta mise dar biga ??

Leave a Reply