Dhageysiga Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto Iyo Haweeney La Kufsaday oo Maanta Ka Dhacaysa Muqdisho Iyo Socdaalka Madaxweynaha oo Ay Arrintan Hareysay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka furanto dacwadda loo heysto wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto oo loo heysto inuu wareystay haweeney la kufsaday, iyo naagtii uu wareystay.

Dacwada ayaa waxaa sidoo kale ku jira haweeneysa la kufsaday seygeeda, iyo labo ruux oo kale oo iyagana loo heysto inay wada xiriiriyeen haweeneyda la kufsaday iyo wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto.  Waxaana dhammaan dadkan la xiray 10/01/2013.

Qareenka u doodaya dadka eedeysanayaasha Maxamed Maxamuud Afrax ayaa sheegay in dhageysiga dacwada maanta ay ka dambeysay ka dib markii uu hor istaagay xukun “boobsiis” ahaa oo la rabay in lagu rido wariyaha iyo haweeneyda la heysto balse sharci ahaan uu horistaagay inuu xukun dhaco iyadoo qareenka uusan maxkamadda joogin.

Dhageysiga dacwada maanta ayaa lagu wadaa inay soo jiidato indhaha saxaafadda, ururada xuquuqda aadanaha iyo dhammaan wakiilada caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Dhanka kale wasiirka garsoorka dawlada federaalka C/laahi Abyan Nuur oo shalay la ka hadlay warbaahinta dawlada ayaa shaaca ka qaaday in dawlada ay soo dhameystirtay eedeymaha loo heysto wariye Cabdicasiis Cabdinuur iyo haweeneyda la kufsaday oo horey magaceeda ay dawladu u faafisay.

Wasiirka ayaa yiri “markii hore eedeymo ayay ahaayeen laakiin hadda dembiga wariyaha waa la sooo cadeeyay”.

Laakiin madaxa Xafiiska Dallada Xuquuqda Aadanaha Afrika Xasan Shire Sheekh ayaa ku tilmaamay heerka garsoorka dalka inuu hadda marayo in cadaaladii loo rogay mijaha ka dib markii meel qaldan laga abaaraykiiska wariyaha iyo haweeneyda loo heysto.

“Markii horaba waxaa muuqata in meel qaldan laga abaaray kiiska, waxay ahayd in kuwii dembiga geystay la raadiyo oo wariyaha iyo haweeneyda dhibanaha ah iyaga la dhageysto.”ayuu yiri Xasan Shire Sheekh oo xalay u waramay idaacadda VOA.

Socdaalka madaxweynaha

Dhinaca kale, arrinta dacwada ka dhanka ah wariyaha wareystay haweeneyda dhibbanaha ah ayaa si weyn u hareysay socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku marayo wadamada Yurub.

Wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa Yurub ayaa soo bandhigay dacwaddan iyagoo markasta keenaya su’aalo ah in dawlada cusub ee Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo aamusin doonta dhibanayaasha kufsiga iyo madax bannaanida saxaafadda.

Sidoo kale dawlada Mareykanka oo caawa ka hadashay arrinta dacwada ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Soomaaliya ay ku jirto tijaabo sida ay u maareyso kiiskan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

6 Responses for “Dhageysiga Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto Iyo Haweeney La Kufsaday oo Maanta Ka Dhacaysa Muqdisho Iyo Socdaalka Madaxweynaha oo Ay Arrintan Hareysay”

  1. ali-nuur says:

    xiritaanka saxafiga sharuurka qaatey hadana la difaacayo,, waa la socdaaa saxaafada waxay noqotey mid aan la heyn nidaam iyo shuruuc lagu dhaqmo, waxaa loo adeegsadaa siyaasad ama qabiil dano gaar ahaaneed,,, saxafiga ma yahay wadani daacad ah una shaqeeya sida xuriyada qoolka,, saxfiyiinta somalida waxaaa ku yar aqoonta saxaafada, waxay nolol ka dhigteen 20 sanno wadanka bur bursanaa waxay qeyb ka noqdeeen dhibaatadii wadanka tiiley c. casiis waxaan u arkaaa in uu yahay weriyaaasha ku xad gudbey sharafka saxaafada waayo jidkii u marey waeysiga ayaa u eg qaaab qaaadasho sharuu ( lacag) waa in weriyaaasha ama qofkii rabo in uu weriye noqdaaa uu heysto aqoon saxaafadeeed ama uu ka soo shaqeeeyey mid dheer saxaaafada waxaad arkeysaa qof walbo in uu iska soo qaato shaarka saxaafada asagoo aan ehel u aheyn hadii uu jecel yahay saxaafada waa in uu maraaa wadada saxda ah dhisid qaran wadaniyad dal jeceyl saxaafada waa in dib loo qarameeyey waa in 2,ama 3 sanno fursad waxbarasho la siyaaa waaa in wasaara warfaarin ay u furtaa siminaar aqoontooda saxaafadeed kor loogu qaaado markaa qofkii qalad galo lagu qaadaa qaladkiisa

  2. Ayaanle says:

    Raxan Reeb waxan u malaynayaa in arintiinu xadka dhaaftay, waayo waxa aad maalinkasta ka hadlaysaan dacwadda hebel Koronto, oo wariyuhu miyaani khalad geli karin? Sow lagama yaabo khaladka uu galo ama dabka uu shiddo wariyuhu in uu ka daran yahay xitaa mararka qaar Dilka? Miyaadan ogayn dembiyaddii iyo xasuuqii ka dhacay Rwanda qaybta ugu weyn in ay lahaayeen saxaafadda wadankaas misana dembiyaddii ay galeen laga abaal mariyay? Cid dhihi kartaahi ma jirto weriyaha hala daayo isagoon la marsiin maxkamad cidda tiraahdana waa cid aan sharciga waxba ka aqoon siddiina oo kale. Qofka marna waa eedeysane marna waa dembiile, qofka dembiga lagu helaahi waa dambiile, Weriyahani maxkamad ayuu marayaa haddi dembiga lagu waayo waa lasii deynayaa haddii dembi lagu helana abaalkiisa ayaa la marsiinayaa, THAT IS IT. Somaliddu saxaafad waxba kama taqaano iyo sharciga saxaafadda midna tusaale webka Raxan Reeb iyo kuwa la midka ah ma saxaafad ayaa loo nisbeeyn karaa? Jawaabtu waa maya waayo xeer iyo anshax celiyaahi ma laha oo waxa ay doonaan ayay iska soo qoraan cid la xisaabtami kartaahina ma jirto, waayo wiil yar qol ku jira ayaa maamula wax ala wixi uu doono ayuuna iska qorayaa markaa ayuu weliba soo raacinayaa ereyo websityadda somaliddu caan ku yihiin sidda War deg deg ah, warar xaqiiq ah oo aan ka helnay ilo la isku halayn karo, ilo wareed diiday in la soo xigto magacyadoodda IWM.

  3. Mohamed A. says:

    Nin yahow isku xishood , hana cabburin Saxaafadda iyo Xuquuqda soo tabinta waxa ka dhaca bulshada dhexdeeda.

    Ma lacag beey qaateen iyagana Odeyaashii Reer Afgooye oo u dacwoodey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif oo iyagoo Barooranaaya , ilmahana ka socda yiraahdeen ” Ciidanka Dawladda ayaa hablaheyna Kufsada , dhaca, jir dila iyago ku labisan dharka Ciidamada , sitana qoryihii loogu soo dhiibey iney ku sugaan amaanka?

    Maxaa loo hor-keeni waayey cadaaladda, loona soo qaban waayey kuwii dile 19ka Wariye ? Suurto gal miyaa ineysan dhicin in midna la soo qabto, haddii aysan ku lug lahayn Ciidamada iyo Madaxdooda ?

    Dawlad waa loo baahan yahay, laakin waa iney cadaaladda sugtaa, kuna dhaqantaa Sharciga u yaala dalka oo iyadaba ku yeelatey Maqaamka, haddii kale maxey kaga duwan tahay Moorayaantii iyo jirrigii ay lahaayeen Qab Qableyaashii dagaalka ? Marka hadaadan ka mid ahaynin moorayaanta iyo kuwa dawladda u haysta qabiil , afkaaga suubso ee ha caynin , hana cabburinin Wariyeyaasha , maxaa yeeley kuma guuleysan karto.

  4. Abdikarim buh says:

    ASC,
    Soomaalidu waa in ay ka kortaa wadan shisheeya ah baa sidaa yiri. waar kufsigu wax badan buu Soomliy ka dhacayey oo maaha wax cusub. Arrintan wariyaha waa arrin maxkamad furan hortaala marka ha loo daayo maxkamada oo yaan la moodin in wadanka looga taliyo dibada. Kalsooni siiya dadkiina inta aad ka sheekeyneysaan islaan dabadda joogtaa waxay tiri.

  5. Dalmar says:

    Arrintan dowladdu si fiican ugama shaqayn, waxaad moodaa in la sahashaday sumcad xumada uga imaan karta. waxaad moodaa in ay si kala duwan uga hadleen madaxda dawladdu. Waxaan daawaday Madxwaynaha markii uu la kulmay qaar ka mid ah Baarlamaanka Europe oo su’aalo somalia ku saabsan la waydiinayay, ugu yaraan 3 xubnood oo Baarlamaaanka Europe ka tirsan ayaa arintaan waydiiyay, waxayna u sheegeen in arintani tahay tijaabo adag oo ay indhaha ku hayaan bulshada caalamka sida dowladda somlaiya arintaan u xaliso.

    Madaxwaynaha waxaad moodaa in uusan u soo diyaargaroobin in su’aashan la waydiin doono, jawaabtuna waa ku adkaatay oo wuxuu u ekaa in uusan faahfaahin fiican ka hayn.

    Dadka dhinaca dowlada u hadlay wali ma caddayn in Gabadha dhibka sheegatay ay dacwad soo gudbisay inta aan wariyuhu waraysan iyo in kale? Haddii gabadhu ama ehelkeedu ayagoo wax dacwad ah gudbin oo xataa haddii ay ciidamada Policeka ka baqaan waxay u dacwoon kareen nabadsugida ama hay’ad kale, laakiin haddii dacwad la’aan ay waraysi siiyeen wariye.. arintaas shaki ayaa ka dhalan kara!. Haddii ay dacwoon lahayd, waxaa qasab noqon lahayd in la soo qabtay raga ay sheegtay in ay kufsadeen.

    Midda kale, dadkii markhaatiyaasha ahaa ee maanta la waraystay oo ubadnaa dad u shaqeeya hay’ad caawisa gabdhaha kufisga lagu kacay, waxay sheegeen in ay aaminsanyihiin in Gabadhan aan la kufsan ka dib baaris ay sameeyeen iyo waraysiyo. Marka saxaafaddu ha joojiso in ay mar walba soo qorto Gabadhii la kufsaday ee ha yiraahdeen gabadhii sheegatay in la kufsaday.

    khaladka dowladda dhinaceeda waa mudada kiisku qaatay iyo faham la’aanta dowladda aysan fahmin sumcad xumada ay arintu u keentay. Haddii maxkamadu kiiska ku oogi waydo dadka lasoo eedeeyaay, waxaa khasab ah in dad badan xilkooda ku waayaan, haddii kale dowladda dhaawac wayn ayaa ka soo gaaraya. Haddii kiisku ku cadaado dadkana, waa in saxaadaddu aqbashaa go’aanka maxkamadda iyo cadaymaha la soo bandhigo maadaama ay ayaguba goobjoog maxkamadda ka yihiin, ee aysan ku adkaysan wariyaha danbi ma galin.

  6. ubax says:

    waxaa la yaaba in nimankii isbaaradu u taalay oo dadka baadi jiray in dawladu dharkii ciidamada u galisay iyagoo akhlaaq xumadii iyo dhiigii shacabka aan laga dhaqan celin oo aan wax tababar ahba la siin ma yaqaanaan masuuliyada ay sidaan inta ay le,eg tahay meeshii loo carari lahaa haday baladu ka sooyeertay illah baa inoo maqan.

Leave a Reply