Dimoqoraadiyadda Puntland iyo Caqabadaha hortaagan (Q.1aad). W/Q Maxamed Cali Madhoodho
Dimoqoraadiyada Puntland iyo Caqabaddaha hortaagan (Q.1aad)
Mohamed Ali-madhoodho
madhoodhe_251@hotmail.de
Febraayo 11 2013
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaalka Qormadan ama Maqaalkan oo aan leeyahay “Asalaama caleykum wa raxmatulaahi wa barakaat“
Hordhac :
Waxaan maanta akhristayaasha halkan ugu soo gudbinayaa Qormadan magaceedu yahay “Dimoqoraadiyada Puntland iyo Caqabadaha hor taagen“. Waxaan aad u jeclahay ama aan mar walba u taaganahay inay Ummaddu ka gudubto Hab-qabiileedka una gudbaan marxalad Dimoqoraadiyadeed ama Ummadda kuwa ugu Aqoonta, Daacadnimadda iyo hogaamin fiican isku darsadey inay Ummadda Hogaamiyaan. Waxaan halkan uga hadli doonaa Gurigii aan ku noolaa oo iga dumayey intiisii badneyd. Markaa waxaan hal beeg u qaadan doonaa maahmaahdii hore ee ahayd “ haddii Shey qaali ah sida Dheemanka, Dahabka iwm ay kaaga dhacaan meel aan Urta iyo Aragaba ku fiicnayn ( WC, Biyo mareen wasakh ah), loogama haro ee Afka , Sanka iyo Gacantaba inta la duubto ayaa lagala soo baxaa“.Haddaba waxaa ii muuqdey rajo beel ah inay Puntland Wadadii burburka cagta saartey iyo Dadkii ka qaban lahaa oo muuqdey intoodii badneyd inay dhinteen ama aysanba weli dhalan ?. Waxaan Qormadan ku iftiimin doonaa dhibaatooyinka ama Caqabahada jira ee ka dhex abuurmey siyaasiyiinta loolanka adag iskala soo hor jeeda ayagoo dal iyo dadba aan u damqaneyn. Waxaana aan u kala qaadi doonaa 2 qodob oo kala ah Caqabaha iyo dhibku xagee ka jirtaa iyo maxaa xal noqon kara?
Caqabadaha iyo Dhibaatooyinka jira :
Waxaan ka soo qaadan doonaa cCqabadaha iyo dhibaatooyinka jira 3 qaybood sida : Golayaasha maamulkaPuntland ee hadda taladda haya, mucaaradka iyo Xisbiyada.
Golayaasha Maamulka Tallada haya:
a) Waxaa cad in maamulkii la doortey 8 jan 2009 ee isugu jirey mudanayaasha Baarlamaanka , Xukuumadda madaxweyne Cabdirahmaan faroole iyo Maxkamadiiba inay ka gaabiyeen ama ay ku fashilmeen howshii shaqo ee loo doortey 4 sanno sida awoodii oo aan isu dhiili tirneyn(faroole aan waxba Barlaamaanku u sheegi karin), la xisaabtan xukuumadeed, Amnigii, Xuduudihii dalka iyo dadkuba lahaayeen, ku takri-falka cashuurihii soo xaroodey iyo dhaqaalihii deeqaha dibadda, diyaarinta nidaamka Xisbiyada badan 4 sanno gudahood iwm
b) Waxay Golayaasha baarlamaanka iyo Xukuumaduba ka caga jiidayeen ama ay mar walba dib u dhigayeen inaan doorasho dhicin ayagoo mar walba isku dan ahaa sida haddii Baarlamaankan oo 14 sanno meesha fadhiyey kaligood la kala diro Su´aashu waxay noqotey ayaa soo dooranaya ama soo xulaya 17-kii Xildhibaan ee Goboladda SSC oo hadda la baxay Khaatumo ileyn Issimadii Garoowe ka soo xuli jirey way ka guureen oo Taleex bay deegaan ka dhigteen, kuwa mudug ka soo gala oo dhibaatooyin badan kala kulmi doona Beelihii ay ka soo jeedeen, sidoo kale Beelaha gobolka Bari dhibaatooyin lagala kulmi doono soo xulidooda Markaa waxaa u soo baxay armaa la isu soo noqon waayaa oo meeshu burburtaa , waana fikrad ay isla qabaan maamulka hada jira yo mucaaradku labada. Waxayna ku qasbanaadeen Bulshadii Puntland in sannad loogu darro maamulka hadda jira!
c) Waxay dhumiyeen amaba meesha ay ka saareen marjacii Ummaddu lahayd oo ahaa Issimadda soo jireenka ahaa iyo Culimaddi waaweynaa ee marka xaaladu cuslaato laga tashan jirey ,oo kuwo issimo-jadiidyo aha iyo nabadoon-jadiidyo ah ayay sameeyeen, waxaana mida maalin walbaa sidii geed weyn oo maalinba xidiid qalalo oo marka danbe iskii isaga dhaca,taasoo ay iigu muuqdaan dalkii iyo dadkiiba la odhan jirey Puntland inay waddadii Burburka cagta saareen..
Mucaaradka Puntland :
a) Mucaaradka Puntland ee hadda jira oo ka kooban Gole ay ku dhan yihiin Siyaasiyiin hore Xilaal u soo qabtay, Aqoonyahano, Saraakiil sarsare iyo qaybaha kala gedisan ee ay Bulshadu ka kooban tahay ilaa hadda ma cada hogaamin-siyaasadeed cad (platform-leading policy) oo ka gadma bulshada isbedeldoonka ah( raadinaya wax dhaama maamulka hadda jira) ee Puntland iyo sidii loo heli lahaa Tub ( Wado) looga gudbo dhibaatooyinka faraha badan ee ku habsadey dalkii iyo dadkiiba!
b) Aragtida Bulshada inteeda badani waxay qabaan in Gollaha Mucaaradka iyo maamulka hadda jiraaba ay isaga mid yihiin in aan Baarlamaanka la taaban balse Xukunka lala kala wareego iyo in Xukunku yahay meerto ama miilo ku dhex wareega 3 magaalo oo gaar ah, oo marka aad tiraahdid maxaad sabab u haysaana waxay ku leeyihiin haddii kuwa jooga maamulka ay dayaceen ama lumiyeen gobolo iyo Beelo kuwii Puntland wax ka dhistey maxay u raadin waayeen ama uga hadli waayeen sidii la isugu keeni lahaa ?
c) Golaha Mucaaradka Puntland waxaad moodaa in dhibaatadii Amni-darro oo awelba ay la dhibaateysnaayeen Bulshada Puntland ee labada dhinac kala ahaa Dilka,Caburinta iyo Caga-jugleynta uu ku hayey maamulka hadda jira iyo Dilka nimanka Buuraha ku jira inay ku soo dareen mid 3 aad oo ah Ciidamo cusub ayagoo awood ku yeeshay Gobollo iyo magaalooyin badan. waxayna u diideen in Xisbiyo laga furo Gobolada ay awooda ku leeyihiin , taasina waxay keenaysaa in Amni-darridii ay Bulshadu ka cabneysay ay sii kororto oo meel walbaa nin iyo qori ay noqoto.
Xisbiyadda Cusub ee Puntland :
Guud ahaan waxaa cad in ay Puntland dhinac martey Tubtii ama wadadii loo mari lahaa hanaanka xisbiyadda badan iyo Dimoqoraadiyada, balse anigoo qormada danbe ku sharxi doona waxaa eegid ku sameyndoonaa xisbiyada Cusub ee Puntland looga dhawaaqey.
a) Xisbul-xaakim:
Waa Xisbi ay ku jiraan dhamaan Golayaasha maamulka talada haya Madaxweyne, k/x Madaxweyne ,Gud.Barlamaan , gobol, Degmo ilaa heer tuulo waana Xisbiga 99 % talada gacanta ku haya magaalooyinka ay maamusho xukuumadda hada jirta, qofkii aan ku jirina uusan wax xil ah Golayaasha maamulka hadda jira wax ka qaban karin ama aanu ka shaqayn karin?.Waxaa u suurta geli karta haddiiba ay run u noqoto habka Xisbiyada badan inuu ku guulaysto 4 sanno ee hore asagoo awooda sharci iyo mid dhaqaalaba u haysta ,isla markaasna inuu maareeyo Doorashooyinka iyo sida uu rabo inay u dhacdo ( Electoral Commision-ka hadda jira ayaga ayaa doortey) iyo Xisbul-xakiimka oo dhaqaalihii gacanta ku haya waxaana u suuroobaya inay wax badan oo hantidii Bulshada ah inay Doorashada ku galaan sida hadaba laga arkey shirarkoodii. Xisbul-xakimku waa koox ku fashilantey hogaamintii Puntland waxay aaminsan yihiin ilaa hadda Bulshada Puntland wax idin dhaama ma haysato ee hadba lug fidsada( asalkeeduna waa hadii la iga kaxeeyo iyaduna way burburi).
b) Xisbiga Midnimo:
Waa Xisbi ay ku midoobeen Gole Aqoonyahano, Culimmo , Ganacsato iyo waxgarad kale oo qaybaha Bulshada ka mid ah. Waa xisbi Mabaadiidiisu fiican tahay, balse waxaad moodaa in lagu degdegay dhismihiisa xiligan, taasoo weli uusan ka hana qaadi karin ama aysan u bislaan Bulshada Puntland inta badan !.Xisbigan midnimo wuxuu ka dhisan yahay Gobolada Puntland walow Gobolada qaar uu Buuq kala kulmey haddan waxaa moodaa inuu ku socdo firado Aqoon xambaarsan kuna shaqeynayo taasoo uu qabiilka iska fogeeyey. Waxaad moodaa inay habka xisbiyada badan isku Jaal yihiin Xisbul-xakimka waqtigan oo ay mucaaradka ka soo hor jeedaan, balse haddiiba ay run u noqoto Xisbul-xaakimka habka hanaanka Xisbiyada badan wuxuu noqon doonaa Xisbi uu la dagaalamo si fududna uga takhaluso, asagoo ku tilmaami doona waa Argagixiso, Buuro-jadiid, damu-jadiid ayaa ka danbeeya, salaful-jadiid baa soo dirtey iyo wax ka sii fog.
c) Xisbiyada kale( Hor-cad, Ugub, Udad& Wadajir):
Waa Xisbiyo cusub oo maray wadadii Furashada Asxaabta doorashooyinka u tartamaya,marka aan hoos u daadegno way fiican tahay Aadanuhu inuu hami-siyaasadeed( Political ambition) leeyahay oo uu wax tiigsanayo waxaanad ogaataa inuusan qofna siyaasada ama darajo sare kaligii u dhalan, balse waxaa muhiim ah in mar Asxaab siyaasadeed la furayo ay u baahan tahay in laga eego meelo badan sida Siyaasiyiin waaweyn, Aqoonyahano, Ganacsato, Culimmo iyo qof walba oo hogaamin leh oo ka mid ah Bulshada qaybaheeda kala gedisan. Sida ii muuqatana waa Xisbiyo yaryar oo aan la jaan qaadi karinama la tartami karin Labada Xisbi ee kale Horseed & Midnimo, Waxaanan dareensanahay qaarkood inaysanba haysan Gobollo iyo Degmooyin ay ka furtaan Xisbiyada ay samaysteen , qaarna waxaaba igu maqal ah Xisbul-xaakimka ayaa ka danbeeya dhismahooda si ay ugu hir gasho riyada xisbiyada badan mucaaradkuna meesha uga baxaan ama xili kale sugaan( Xeelado badan).
Isku soo wada duub aragtidta guud ee ii soo baxdey marka aan arkey ama daraasad aan ku sameeyey waxaan ku soo koobayaa Golayaasha siyaasada ku howlan ama u tartamaya wuxuu hab-dhaqankoodu iila muuqdey ” Dhurwaagii la yiri hooyadaa baa dhimaneysa, markaasuu yiri haddii hooyadey nooshahayna caano ayaan ka cabi, haddii ay dhimatana Hilibkeedaan cuni ” . weli ma arag mana maqal wax ka hadlaya war maamulkii naga dhaxeeyey ma wanaagsan yahay mise wuu liicay oo waa dumi rabaa , waxaan uu aan arkaa ama maqlaa kuwo leh aan madaxweyne ka noqdo, kuwo leh meeshee dheecaansi yaal oo wax laga boobaa iwm. haday duntana dadkaas ay hadda madaxda isaga dhigayaan bay dhinac fariisanayaan ama wadankaba way ka soo carari !!
Waa ay socotaa waxaana Qormada danbe ku soo qaadan doonaa xalka iyo talooyin aan is leeyahay Bulshada Puntland aad u bandhigtid.
Waad mahadsantiin
Mohamed Ali-madhoodhe
0049-17626926900
madhoodhe_251@hotmail.de
Karlsruhe, germany
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















odaygan qoraaga sheeganaya wixiisu waa habaar ee maha waxkale wadankan jamuuriyada puntland dadkiisaa dooranaya xisbiyada lixda ah,xisbi ninkii fikrad lagu qanco keenana walaracayaa codkana wahelayaa kuwan kale wax madhici karaan iyo lama gaadhin waa qolo fashilmay shee ka dooduna wala magaadhin dadwaynahana waxay usheegi layihiin maxaa lasugayaa tolow may nosheegayaan qoragan baana kamida kuwaa
waa maqaal macno ku fadhiya kana hadlaya runta ka jirta Puntland faroole iyo ragiisu ma xishoonayaan.
waxaanse anigu u nax sanahay walaalkey Dr Enow oo aan ku aqaan wanaaga iyo horumarka bulshada waxaan is leeyahay waqtiga iyo fakarka uu been beenta faroole galiyay waa ku qaldantey ee inta kuu horsan ha ku fogaanin waxba meesha kama soo socdaane.
Midnimo Waqtigeedii Ma ahan. nabadna ma tihiin ,in la idin la diriro waa ay fududahay isma difaaci kartaan ee nabadgala
waxaan aad ugu faraxsanahay inay aqoonyahanada soomaaliyeed xil iska saareen horumarka puntland iyo umada soomaaliyeed
Qoraagu waa fiican tahay inuu cabiro figradiisa mucaarad nimada ku saleysan, maahi nin Kujira xisbiga Horseed una maleyn maayo inaan maanta aan u codeyn lahaa hadii aan nasiib u yeesho inaan dul istaago Sanduuqa codeynta Midbaanse is weydiiyaa Waa maxay Astaanta Mucaaradku , Maxay u yihiin mucaarad , Maxaay ku qancaan mucaaradku , Isku soo wada duuboo Jawaabtu waa in Doorasho dhacdaa hadii layiri Doorosho ha dhacdo oo Shacabka sharafta leh ee Reer Puntland qofkay rabaan ha Doorteen hadana maxay tahay Qayladu ??? Shacab weynaha Puntland ee sharfta leh midbaan idiin sheegayaa Dadka qaylinyaa maahan mucaarad ee waa Qolooyin Xukun madax maray Rabana ineey Arintu ahaato Selection waa sideey noo aheyd 14 sano sii ahaato Kana baqaya Electionka waa cajiib Dadka nuucasa mala dhihi karaa Mucaatad ??? Mucaaradku waa raga & dumarka xisbiyada furtay kana qayb qaadanaya Isbadalka Puntland ka socda waana ku mahad sanyihiin, Jiritaanka Puntland & inuu isbadal kadhaco Dadkuna Doortaan Maamulkooda ayaa loo baahan yahay intaa ka hoos waxii wada ama kahadlaya Ogaada waa Cadowga Reer Puntland , Wax walbana waxaa ka horeeya Jiritaanka & horumarka Puntland Xifidu laah,Viva Puntland & Jubaland
xisbiga midnimo waha loo qatay ina Somaliland ku biiraan , wyo berri ba lo odan doona wa argaxiso.
Sido walaalkey Cag Libaax yidi, Dr Enow iska ilaaly Faroole yuun ku diilii . siidaa an fiilayo Mackiir
bad ka soo jeeda , a mashada ku ekoow o wah ka diis, wa igaa taloo. Dadka ku mucarida Silanyo wae
ka badbadan sida Faisal Warabae iyo booqr bur madow. Lakin manta Puntland meel huun bay maraysa
oo hataa Somalind aya welwal so gaday. anka daan no ma haa inay Punland is dagalsho. Alla wahan
niiga baryaya inaa dorosho hallal aad heshan siidi Somaliland ..
maansha allah ina cali madhoodhe maqaalladaadii quruxda badnaa indhawayn manan arag halkee ka dhacday mida xigta waankaga mahad celinaynaa maqaalkan wanagsan guul ayana u rajayanay puntland iyo shacabkeeda iyo horumar
Waxaan ku darsanlahaa qoraaga in bulshadaas ay u baahantahay inay wax barato, waxbarashadaas qaab nololeedkeeda wax ka badalo Qodobka 2aadna waxaa ila haboon in waqtiga lagu jiro intay arinta Puntland ka caga dhiganayso siday tahay inaysan wanaagsanayn lala socodsiiyo iyadoo aan waxba laga doonayn.
Qodobka 3aad Qorshaha soomaalida loo soo wado xisbiyada aad tilmaamayso kuma xusna
Fari kama qodna Faanoole,Shalay waxeey umadda ku hogaamiyeen howl iyo hantiwadaag maanta waxaa lagu socdaa wadadii kale ee la magac baxday Dimoqraadiyadda.Ilaaheey wuxuu ku yiri Quraankiisa qofkii umadda ku dhaqo ama xukun uga dhigo wax aan aheyn wixii ilaaheey ku soo dejiyey nabigeena Muxamed nnk ha ahaatee wuu kufriyey.
Hadaba kud ka guur qanjo u guur Soomaalidii hore waa waxeey ku maahmaahday.Gaaladii giriigii hore waxeey soo minguurisay weeeye.Sida dad badan oo gaalo ah aan ka soo xigtay mabda’a Dimoqraadiyadda waxaa sal looga dhigay kitaabka beybalka ama injiilka.
Waxaa sua’aal isweydiin mudan ah, ma dariiqii iyo diintii Nabigeena muqtaar ahaay nnk ha ahaatee baan mid kale oo dad baniaadam ah soo dhoodhoobeen kaga doorsateen ? Jawaabtu waa haa. Hadaba xagee la tagayaa?
Mabda’aas waxaa lagu bixiyaa lacag aad u tiro badan sidii lagu hergelin lahaa.Jidka toosan waa laga weecday,jabna ma harin,jabna waa dhiman yahay, aduunyooy lagu eed, Dhidbahaaga iyo udbahaaga meel ku rakibo.Qof walboow madaxaaga meyrax ku duubo.Waa sabankii fidnada ee aloow na mooti.
maashaa allaah madhoodhe salaan qaali ah kadib soodhawaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw
waxaa hubaal ah in qoraagu aad ugu dhuundaloolo dhamaan waxa ka dhacaaya gayigeena . puntland waa burburtay markii horena dawalad dhaqankeed mayeelan waligeedna nidaam dawli ah kama hirgalin taas qofkii qaab qabiil isku maaweelin jirayaw ka bax khiyaaliga oo runta abaar markaad dantaada iyo tan umadaada ka hadlayso waxaa khasab lama taabtaan ah in aad runta sheegtid . 1998 ilaa maanta waa qofkee midka ii sheegayaa hal mashruuc oo dawladihii isbadelay ay fuliyeen oo aan ka ahayn madaxtooyada Bosasso, xafiiska dekada iyo Airport Bosaso griga tarminaalka oo ay ganacsatadu qayb bixiyeen ,sheega ,puntland waa sdex isbaaro oo dadka lacag looga qaato dekada Airportka Bosaso iyo kan galkacyo. ninkii markaas madax ka ah wuxuu ogyahay oo u ku sax sanyahay in uu meeshaas leeyahay cidii wax karabtaana isagay magan iyo martiba uga tahay ,wixii faroole ku siiyo waa wax aad abaal ugu hayso reer aw maxamed faroole ,wixii cade ku siiyey ogaw reer xirsi boqor baa lahaa wixii c/laahi yusuf kaasiiyey waa abaal ay kug leeyihiin reer yusuf yey marka ,dawladnimo waa sedex meeris oo aan magan isu hayn fulin .dejin . cadaalad ,sdexdii midna majirin . xisbiyada marka midnimo oo lagu fududaaday laga reebo waxaa soo proposal gareeyey horseed ,taasna ka dharga .mahdsanidin caydu waa jaahilnimo
ASC dhamaantiin/ khaasatan saxaafada RR, iyo qoraaga madhoodhe.
Waa qoraal xiiso badan, anigoo aan ka hor imaanaynin qoraaga arimo badan ayuu noo iftiinshay wuuna ku mahdsanyahay. Sida maamulka puntland uu marayo waa bilow, oo wali lamagaarin xiligii ay soo bandhigi lahaayeen siyaasada ay axsaabtu ku shaqayn doonto waa siday ila tahay. Waxaa ii muuqda qalad kale oo dhismaha golayaasha puntland oo mid kaliya taas oo khatarteeda leh, hadii khalkhal siyaasadeed yimaado. Waa muhiim in lahelo labo gole hoose iyo sare (upper and lower houses). Waxaa muhiim ah sugida amaanka iyo ladagaalanka musuqmaasuqa, sidaad lasocotaan Soomaaliya waxay noqotay hoygii Alqaacida oo waad ogtihiin arimaha maamulka Soomaalilad sidaas daraadeed ma aaminsani in culays wayn lasaaro siyaasada waayo waad ogtihiin in dowlado shisheeya qasayaan puntland sida dowladaha khaleejka, Yaman, Masar, Turkiga iyo Iiraan oo wadamo kaligiistalis u taliyaan (Dictatorism ideology).
WBT
Qoraagu markii uu xil iska saari waayey luuqadda af soomaaliga, iska daa inaan sii aqriyo wuxuu ka hadlayee, cinwaanka maqaalka hore uma dhaafin. Dulqaadkayguna aad buu ugu yaryahay inaan aqriyo maqaal qofka qorayba uusan isku taxalujin inuu saxo higaadda luuqadda uu wax ku qorayo.
Waa salamantihin
Kkk waxa wax lagu qoslo ah qofka qoraga sheganaya aana garaneyn shurucda iyo sifoyinka qoralada bulsho laso gudbinayo, ninka kan wixisu qoral ma aha ee waa aflagado umada puntland u ugaystay raxanreebna ma ahayn inay waxa iyo wax lamida page koda kuso dabacan, waxana kacodsanaya inay tafaftir usameyan warbixinada iyo qoralada ay umada faraha badan akhrisan donan. Mahadsanidin,
@madhoodho, sxb waan isku dayey in aan akhriyo maqaalkaaga lakiin ima suurtagelin in aan dhameeyo/akhriyo naxwaha afka aad wax ku qortay Oo ay adagtahay in la fahmo maddaama afka aad wax ku qortay naxwihiisa aadan aqoon sida ka muuqata qoraalkaaga, fadlan isku day in aad barato naxwaha luuqadda aad rabto in aad aragtidaada ugu gudbiso akhristayaasha si ay u suurtagasho in la fahmo waxa aad rabto in aad la wadaagto akhristayaasha. Thanks
Asc Bahda RR waa ku mahadsan yihiin sida wararka aanu u baahanahay inoogu soo gudbisaan.
Mudane Maxamed Ali Madhoodhe waxaad inoo Iftiimisay meeelo badan oo Mugdi dadka uga jiray waxaana loo baahan yahay Umaddu markasta inay lahaato qof dadka wax u sheega, Fadlak Mr. Madhoodhe waxaan kaa codsanaayaa inaad inoo soo badisid Qoraalada aad uga hadlaysid arimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaana Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Mr. Madhoodhe: Qoraal sare oo tayo leh, ayaad soo bandhigtay.
Qaadaadhigaaga siyaasadeed-na, in la muunadeeyo ayuu
mudan yahay. ” Run sheeg, waa ceeb sheeg”, ee dheg ha u
dhigin maanka(QABYAALADDA) la miyir beeley.
Waxaan jirin oo wehel la moodaayo, ayaad iftiimisay.
Qoraal qiimo iyo qaayo leh, ayaad nagu jalbeebisay.
Mahadsanid, gacaliye.
maqaalkani ciwaan ahaan waa qurxoon yahay laakiin theoritically ma qeexna waxan ku dari lahaa in qoraagu fiirsho conditions dimuqraadiyada sida economic development and democratisation (linz and stepan 1996) iyo culture and democratisation by huntington,almond and verba 1982 waa civc culture and democracy sidoo kale theory of democratic transition by rostow, (feron and laiton, fakuyama,inglehart,jackson,tilly) tusaale ahaa stepan waxa uu ku dooday in dimuqraadiyad ay ka dhicci karto oo kaliya dal madax banaan oo la aqoon san yahay marka isku day inaad xoogaaa soo kordhiso adoo waliba fiirinaya qoraaladaas hore
waad mahadsan tahay